War deg deg ah, Iiraan oo shaacisay khasaaraha ka soo gaaray weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil

Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images
Afhayeenka dowladda Iiraan, Faadumo Mohajrani, ayaa sheegtay in khasaaraha ka dhashay weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iiraan lagu qiyaasay qiyaastii 270 bilyan oo doollar.
Faadumo Mahajirani ayaa caddeysay in qiyaastani ay tahay wadarta guud ee khasaaraha tooska ah iyo kan dadban.
Iyada oo la hadlaysa wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti, ayay yiri: "Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee kooxdayada wadaxaajoodka ay ka shaqeynayaan, oo sidoo kale lagu soo qaaday wadahadalladii ka dhacay Islamabad, waa magdhowga khasaaraha ka dhashay dagaalka."
Magdhawga khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa ka mid ahaa 10-kii shuruudood ee Iiraan ee wadahadalladii ay la gashay Mareykanka ee ka dhacay Islamabad.
Dhanka kale, safiirka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale magdhow ka dalbaday Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxrayn, iyo Kuwait warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.





