You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Taliye ka tirsan ciidamada Iiran oo ku hanjabay inay carqaladayn doono isu-socodka maraakiibta Gacanka iyo Badda Cas haddii ay sii socoto go'doominta badda ee Maraykanka.

Taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya, oo ah taliska ugu sarreeya ee isku duba-rida hawlgallada ciidanka qalabka sida ee Iiraan inay tallaabadaas qadaayaan haddii go'doominta Maraykanku sii socoto

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump oo sheegay in laga yaabo in Mareykanka iyo Iran ay wadahadlaan

    Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa laga yaabaa inay dib u bilowdaan “labada maalmood ee soo socda,” sida uu Donald Trump u sheegay wargeyska New York Post.

    “Wax ayaa dhici kara labada maalmood ee soo socda, waxaana aad u badan tahay inaan halkaas aado [Pakistan],” ayuu u sheegay wargeyska.

    Tani waxay imaanaysaa kadib kulan dhacay dhammaadkii usbuuca ee magaalada Islamabad, Pakistan, kaas oo ay ka qeyb galeen madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance iyo afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf, iyo sidoo kale xubno kale. Wadahadalladu waxay ku dhammaadeen heshiis la’aan.

    Horaantii maanta, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in farriimo la is dhaafsaday u dhexeeya Tehran iyo Pakistan, balse aysan jirin “wax macluumaad ah” oo ku saabsan heshiis lagu qabto wadahadallo dheeraad ah oo lala yeesho Mareykanka.

  2. Duqeymo iyo dagaalo wali ka sii socda Lubnaan

    Dagaallo u dhexeeya ciidamada Israel iyo kooxda Hezbollah ee gudaha Lebanon ayaa wali socda, inkastoo ay socdaan wada-hadallo ka dhacaya Washington, D.C.

    Bayaan ay soo saareen ciidamada Israel habeenkii xalay ayaa lagu sheegay inay duqeeyeen qiyaastii 150 bartilmaameed oo ay sheegeen “goobo Hezbollah leedahay” oo ku yaalla koonfurta Lubnaan 24-kii saac ee la soo dhaafay.

    Dhanka kale, Hezbollah ayaa Talaadadii soo saartay bayaano dhowr ah oo ay ku sheegtay inay gantaallo ku weerartay Israel.

    Sawirro laga qaaday koonfurta Lubnaan subaxnimadii Talaadada ayaa muujinaya meelaha ay ka dhaceen duqeymaha cirka ee Israel.

  3. Yaa awood badan Iiraan iyo Israa'iil?

    Iraan iyo israa'iil ayaa ka mid ah wadamada dhanka awoodda militari ugu sareeya gobolka barige dhexe.

    Hadaba ayaa wood badan ,BBC ayaa su'aashan miisaan saartay iyadoo adeegsaneysa ilaha hoos ku xusan, inkastoo dal walba laga yaabo inuu leeyahay awoodo muuqda iyo kuwa qarsoon.

    Lifaaqa hoose ku dhufo si aad faahfaahinat u akhriso

  4. Trump oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Taliyaaniga aysan geesi ahayn

    Donald Trump ayaa si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Taliyaaniga Giorgia Meloni, isagoo sheegay in aysan muujin “geesinimo” ku aaddan dagaalka Iran, sida ay soo weriyeen warbaahinta Talyaaniga.

    Trump ayaa u sheegay wargeyska Corriere della Sera: “Waan ka naxay iyada. Waxaan u haystay inay geesi tahay, balse waan qaldamay,” isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay rabto “in Maraykanku shaqada u qabto iyada.”

    Dhaliishani waxay timid kadib markii Meloni ay hore u sheegtay in hadalladii Trump ee ku saabsanaa Pope Leo ay ahaayeen “kuwa aan la aqbali karin.”

    Isaga oo ka jawaabaya, Trump ayaa yiri: “Iyadu waa tan aan la aqbali karin, sababtoo ah dan kama laha inay Iiraan hesho hub nukliyeer ah, waxayna horey u sheegtay in Iran ay si fudud u weerari karto taliyaaniga haddii ay fursad hesho.”

  5. wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil "Wax heshiis ammaan ah oo aan la galnay Talyaaniga ma jiro,"

    Taliyaaniga ayaa hore u sheegay inay hakiyeen heshiiskii difaaca ee kala dhexeeyay Israel.

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheetgay in go’aankaasi la xiriiray “xaaladda hadda jirta,” inkastoo faahfaahin dheeraad ah aan la bixin.

    Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegay in tallaabadaas aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin amniga Israel. Afhayeen wasaaradeed ayaa sheegay in aysan jirin “heshiis amni oo dhab ah oo u dhexeeya Taliyaaniga iyo Israel,” balse uu ahaa kaliya “heshiis is-afgarad ah oo muddo dheer jiray” oo aan waligiis yeelan wax saameyn wax ku ool ah.

    Afhayeenku wuxuu sidoo kale ku adkeystay: “Tani ma saameyn doonto amniga Israel.”

  6. Dalalka uu dhaqaalahoodu saameeynta ugu ba'an ku yeeshay dagaalaka iiraan

    Hay'adda lacagta aduunka ee IMF ayaa Talaadadii si weyn hoos ugu dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha ee gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo hadda lagu qiyaasay 1.1%.

    Hoos u dhacaas ayaa lagu sababeeyay saameynta ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran, iyo sidoo kale fiditaanka xiisadda ee gaaray dalalka Gacanka.

    Warbixinta “Qiimeynta dhaqaalaah aduunka” ee IMF waxay sheegtay in kobaca 2026 uu hoos uga dhacay 3.2% (2025) ilaa 1.1%, taasoo muujinaysa “saameynta tooska ah ee colaadda.”

    IMF ayaa hore bishii Janaayo u saadaalisay kobac dhan 3.9%, taasoo muujinaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid aragtida dhaqaalaha.

    IMF waxay xustay in dalalka sida Iran, Ciraaq, iyo Qatar ay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee dhaqaale ahaan ay saameyntu ku dhacday gobolka.

  7. Maxaan kala soconaa awoodda iyo tirada Maraakiibta ee uu Mareykanka u adeegsan karo dhaqan gelinta go'doominta Iran?

    Sida ay BBC Verify u falanqeysay, faahfaahinta sida Mareykanka uu u fulinayo xannibaadda badeed ee Iran weli si buuxda looma shaacin, balse waxaa jira tilmaamo ku saabsan awoodaha militari ee laga yaabo in la adeegsado.

    Ugu yaraan 14 markab oo dagaal oo Maraykan ah ayaa ka hawlgala Gacanka iyo Badda Carabta, sida ay sheegay machadlka badda ee Mareykanka, kuwaas waxaa ka mid ah markabka diyaaradaha qaada ee USS Abraham Lincoln iyo koox weerarada ka fuliya badaha oo ay ku jiraan ilaa 2,500 askari oo Marines iyo badmaaxiin ah.

    Sidoo kale, maraakiib quusta ayaa la rumeysan yahay in la geyn karo gobolka, inkastoo xogtaas aan si rasmi ah loo shaacin. Diyaarado milatari ayaa sidoo kale door ka qaadan kara fulinta xannibaadda, balse xogtooda si cad looma heli karo.

    Waxaa jira maraakiib kale oo dagaal oo u dhow ama loo wareejinayo gobolka kuwaas oo loo adeegsan karo taageerada hawlgalkan.

    Markabka diyaaradaha qaada ee USS George H.W. Bush, oo ay la socdaan saddex Maraakiibta wax burburisa ah, ayaa hadda ku sugan meel u dhow Namibia isagoo ku sii jeeda dhanka Bariga Dhexe.

    Sidoo kale USS Gerald R. Ford, oo ay la socdaan afar markab oo ah nooca wax burburiya ayaa ku sugan bariga Mediterranean-ka. Markabkan ayaa hore door weyn uga ciyaaray marxaladihii hore ee xiisadda u dhexeysa Israel iyo Iran, wuxuuna dhowaan ku sugnaa Greece si dayactir loogu sameeyo.

  8. Iiraan oo shaacisay khasaaraha dhaqaale ee soo gaaray

    Iran ayaa bilaabtay qiimeyn ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, taas oo qayb ka ah dadaal ay ku doonayso in magdhow lagu daro wada-hadallada socda.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee la xiriirta ilaalada Kacaanka Tasnim News Agency, afhayeenka dowladda Iran Fatemeh Mohajerani ayaa sheegtay in qiyaas hordhac ah ay muujinayso in khasaaruhu gaari karo ku dhawaad $270 bilyan, inkastoo tiradaasi ay weli isbeddeli karto.

    Waxay sheegtay in saraakiisha Iran ay sii wadaan qiimeynta, oo ay ku jiraan burburka dhismayaasha iyo khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay xiritaanka warshadaha.

    Arrinta magdhowga ayaa sidoo kale lagu soo qaaday wada-hadalladii Mareykanka, sida ay sheegtay IRNA, oo soo xiganeysa hadallada Mohajerani.

    Madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa hore u sheegay in wada-hadalladii ka dhacay Pakistan ay ahaayeen kuwo “muuqaal ahaan wax ku ool ah,” balse aan wax heshiis ah la gaarin.

  9. Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa Talaadadii si cad u beeniyay in wax wada-hadallo ah ay dhex mareen Qatar iyo Iran oo ku saabsan bixinta lacag si loo joojiyo weerarro la sheegay inay Iran ku qaadayso dalkaas, sida ay sheegtay Reuters.

    Wuxuu ku adkeystay in dhammaan wararka arrintaas la xiriira ay yihiin kuwo aan sal lahayn.

    Al-Ansari ayaa sidoo kale shir jaraa’id ku sheegay: “Waxaa jira heer sare oo iskaashi ah oo aan la leenahay Pakistan iyo Mareykanka, waxaana dalabaadkayaga lagu gudbiyaa marinnadaas.”

  10. Shiinaha oo ka hadlay wararka sheegaya in ay nidaamka difaaca hawada siinayaan Iiraan

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Guo Jiakun ayaa sheegay in wararka sheegaya in Shiinaha uu qorsheynayo inuu Iran siiyo nidaamyo cusub oo difaaca hawada ah ay yihiin “gebi ahaanba been abuur.”

    Wararkaas ayaa keenay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku hanjabo inuu ku soo rogi doono canshuur dhan 50% alaabaha Shiinaha haddii ay bixiso taageero milatari oo Tehran ah.

    “Haddii Maraykanku ku adkaysto inuu arrintan marmarsiiyo uga dhigto inuu kordhiyo canshuuraha, Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin adag oo ka jawaab ah,” ayuu yiri Guo.

    Hadalka afhayeenka ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Shiinaha uu qorshaynayo inuu Iraan ka caawiyo dhanka difaaca hawada isaga oo siinaya nidaamyada difaaca hawada.

    Sidoo kale akhri

  11. Pakistaan oo wadda dadaal labaad oo wadahadalo ah

    Saraakiisha Pakistan ayaa sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii ay Mareykanka iyo Iran isugu keeni lahaayeen wareeg labaad oo wada-hadallo nabadeed ah.

    Ilo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in dadaalladu ay weli socdaan si loo kordhiyo xabbad-joojinta hadda jirta ee labada toddobaad ah.

    Ilaa hadda, Washington iyo Tehran midkoodna si rasmi ah ugama hadlin wareegga xiga ee wada-xaajoodyada.

    Isniintii, madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay in Washington ay si cad u qeexday “xariiqyada cas,” isla markaana kubaddu ay hadda ku jirto garoonka Iran.

    Sidoo kale akhri

  12. wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha 'Waa Khatar iyo mas'uuliyad darro' go'doominta Mareykanka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay xannibaadda uu Maraykanku ku soo rogay dekedaha Iran, iyada oo ku tilmaantay “mid khatar ah oo aan mas’uuliyad lahayn.”

    Xannibaaddan ayaa dhaqan gashay Isniintii, maalin kadib markii ay burbureen wada-hadalladii nabadda ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ee ka dhacay Pakistan.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa ka digay in xannibaaddan ay sii “kordhin doonto xiisadaha isla markaana wiiqi doonto heshiiska xabbad-joojinta oo horeyba u jilicsanaa.”

    “Tani waa dhaqan khatar ah oo aan mas’uuliyad lahayn,” ayuu Guo ka sheegay shir jaraa’id.

    Wariyaha arrimaha diblomaasiyadda ee BBC, James Landale, ayaa sheegay in Shiinaha—oo Shidaal badan ka helo Iran—uu danaynayo in khilaafkan la soo afjaro si xasillooni loogu soo celiyo suuqa caalamiga ah.

    Sidoo kale akhri

  13. Afar markab oo Iran la xiriirinayo ayaa ka gudbay marinka Hormuz, sida ay muujineyso dabagalka

    Xogta raadraaca maraakiibta ee ay falanqeysay BBC Verify ayaa muujineysa in afar markab oo lala xiriirinayo Iran ay ka gudbeen marinka Hormuz inkastoo uu Maraykanku bilaabay xannibaad dhanka badda ah inuu ku soo rogo.

    Laba ka mid ah maraakiibtaas ayaa gaaray dekedo ku yaalla Iran sida ay muujinayso xogta MarineTraffic. Xogtu waxay tilmaamaysaa in markab xamuul qaada oo lagu magacaabo Christianna uu ka gudbay marinka Isniintii, kadib markii uu ka baxay dekedda Bandar Imam Khomeini.

    Markab kale oo lagu magacaabo Rich Starry, oo Maraykanku cunaqabatayn ku soo rogay xiriir-na la leh ganacsiga Iran, ayaa ka shiraacday Sharjah kuna sii jeeday bariga isagoo maraya marinka xilli habeen ah, sida xogtu muujineyso.

    Sidoo kale, markabka shidaalka qaada ee Murlikishan, oo isna ku jira cunaqabataynta Maraykanka, ayaa ka baxay Lanshan kuna sii jeeday galbeedka isagoo maraya marinka xalay. Sida MarineTraffic sheegtay, markii ugu dambeysay waxaa lagu arkay bariga jasiiradda Qeshm Island.

    Markab kale oo shidaal qaada oo lagu magacaabo Elpis ayaa sidoo kale maray marinka isagoo u socdaalayay bariga, wuxuuna ka yimid dekedda Bushehr, sida ay muujinayso xogta raadraaca ay.

    Markabkan sidoo kale waxaa saaran cunaqabatayn Maraykan, halka meesha uu ku wajahan yahay aan la ogeyn.

    Waxaa suurtagal ah in maraakiibtani ay adeegsanayaan xog been abuur ah si ay u qariyaan meelaha ay dhab ahaantii ku sugan yihiin.

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in laga bilaabo Isniintii uu bilaabay xayiraad ku saabsan “dhammaan gaadiidka badda ee gala ama ka baxa dekedaha Iran,” balse wuxuu sidoo kale caddeeyay inuusan carqaladeyn doonin xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz marka ay u kala gooshayaan dekedo aan Iran ahayn.

    Si aad wax badan u akhrido:

  14. Madaxweynaha Iran:Talaabada militarigu waxay uga sii dari doontaa 'dhibaatooyinka uu abuuray Mareykanka,

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada nabadda, isla markaana diblomaasiyaddu ay tahay waddada ay doorbidayso ee lagu xallinayo khilaafaadka.

    Tani waxay timid kadib wada hadal uu la yeeshay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

    Pezeshkian ayaa la sheegay inuu Macron u sheegay in hanjabaadaha, cadaadiska iyo ficillada milatari ay yihiin kuwa “aan waxtar lahayn” isla markaana ay sii xumeyn doonaan “dhibaatooyinka uu Maraykanku iskiis u abuuray.”

    Wuxuu sidoo kale ku daray in Yurub ay tahay inay ku dhiirrigeliso Maraykanka inuu u hoggaansamo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

    Si aad wax badan u akhrido:

  15. Warbaahinta Talyaaniga: Talyaaniga oo hakiyay heshiiskii difaaca ee ay Israa’iil la lahaayeen

    Iyadoo aan wali si dhow ula soconno xaaladda ka taagan marin-biyoodka Hormuz, waxaa jira war degdeg ah oo ka imanaya Talyaaniga.

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay inay hakineyso heshiiskii difaaca ee u dhexeeyay Talyaaniga iyo Israa’iil, sida ay warbaahinta maxalliga ahi soo werisay.

    Waxay sidoo kale sheegtay in “dadaal kasta oo suuragal ah” la sameeyo si dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz, iyadoo la hadlaysay warbaahinta magaalada Verona maalintii Talaadada.

    Si aad wax badan u akhrido:

  16. Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

    Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii ugu horreysay ee ku dhiiratay aqoonsiga Somaliland isla markaana uu aaminsanyahay in ay tahay “saaxiib la isku halleyn karo”.

    Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo saaka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arrimo badan, ayaa intaas ku daray in mustaqbalka dhow ay Somaliland aqoonsan doonaan dalal kale.

    Madaxweyne Cirro ma carrabaabin dalalka uu sheegay in Somaliland ay aqoonsandoonaan.

    Waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan dalal kale oo doonaya in ay Somaliland la yeeshaan xiriir diblumaasiyadeed iyo mid wada shaqeyn.

    Madaxweyne Cirro oo guulo ku tilmaamay tallaabooyinkan ayaa sheegay in horumarkaas ay muujiyeen ama soo saareen cadow badan oo Somaliland ay leedahay. Wuxuu sheegay in meelo badan laga abaabulay dhagaro badan oo ka dhan ah Somaliland.

  17. Guddoomiye Aaden Madoobe muxuu ka yiri sharciyadda baarlamaanka?

    Inkastoo muddo xileedka rasmiga ah ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya uu ku ekyahay maanta oo bisha Abriil tahay 14, haddana markii dhawaan la ansixiyay wax ka badelka dastuurka Soomaaliya waxaa soo baxayay su’aalo arrintaan ku gedaaman.

    Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in “baarlamaanku joogi doono inta uu tilmaamay dastuurka rasmiga ah” wuxuuna hadalkaan sheegay kadib markii uu madaxweyne Xasan saxiixay dastuurka la ansixiyay.

    Hadalka guddoomiyaha ayaa muujinaya in dastuurkii ku meel-gaarka ahaa ee markii hore lagu soo doortay baarlamaanka aan lagu dhaqmi doonin.

    Wuxuu yiri: “kii ku meel-gaarka ahaa maaha waan dastuurka rasmiga ah”.

  18. War deg deg ah, Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

    Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto go'aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu xayiraad dhanka badda ah ku soo rogo Marinka Hormuz ee Iiraan.

    Netanyahu wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka G.D. Vince uu ku wargeliyay wadahadallada uu la galay Iiraan ka dib markii uu ka tagay Pakistan, kuwaas oo aan weli la isku afgaran.

    Waa in la ogaadaa in Taliska Dhexe ee Mareykanka uu ku dhawaaqay in xayiraadda dekedaha Iiraan ee Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan ay dhaqan gashay, iyadoo amarka Madaxweyne Trump uu bixiyay

    Dhinaca kale, Iiraan waxay ka digtay joogitaanka in markab kasta oo milatari oo u dhow Gacanka Hormuz loo arki doono xadgudub ka dhan ah dalkooda.

  19. Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

    Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyay ku sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad halis ah: "Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka".

    Farmaajo ayaa sheegay in muddo xileedkii baarlamanka uu maanta ku ekyahay isla markaana sidoo kale muddo xileedka madaxweynaha dowladda federaalka ay ka harsantahay 31-cisho.

    Madaxweynihii hore ayaa qoraalkiisa ku yiri: "Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan, lagu kalsoonaan karo, loogana hortago firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida iyo dowladnimada dalka,".

  20. War deg deg ah, Maxey tahay talada Ruushku Iiraan u jeediyay

    Waxaa jiray wadahadal dhanka taleefanka oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Caraqji.

    Labada wasiir ee arrimaha dibadda ayaa ka wadahadalay wadahadalladii Iiraan iyo Mareykanka ee ka dhacay Islamabad Abriil 11keedii.

    Sida laga soo xigtay war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, "Ruushku wuxuu Iiraan u sheegay inay muhiim tahay in la sii wado wadahadallada lana helo xalal meesha ka saaraya xididdada khilaafka iyo hubinta xasilloonida muddada dheer ee gobolka, iyadoo la tixgelinayo danaha sharciga ah ee Iiraan iyo deriskeeda."

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Lavrov ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in laga fogaado khilaaf kale. Wuxuu ku celiyay, "Ruushku had iyo jeer wuxuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto xallinta xiisadda. Ruushku wuxuu soo jeediyay qaab-dhismeed amni oo anfacaya Gacanka Faaris oo ay ku jiraan dhammaan dalalka xeebta ku teedsan iyo sidoo kale waddamada dibadda ee saameynta wanaagsan ku yeelan kara wadahadallada."

    Horey, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu u soo bandhigay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian inuu dhexdhexaadiyo wadahadallada nabadda ee Mareykanka.

    Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay mareegaha Kremlin-ka, labada hoggaamiye waxay yeesheen wadahadal taleefan Axaddii oo ku saabsan wadahadalladii ka dhacay Islamabad.