Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo bilaabaya safarro xilli wadahadallo la filayo
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa ku dhawaaqday in Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif uu bilaabi doono safar afar maalmood ah oo uu ku tagayo saddex dal: Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Turkiga.
Waxaa muuqata in Pakistan ay isu diyaarinayso wareeg labaad oo suurtagal ah oo ah wadahadallo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka kuwaas oo lagu qabanayo Islamabad.
Wareeggii ugu horreeyay ee wadahadalladan ayaa lagu qabtay Islamabad usbuucii la soo dhaafay.
Horey, Donald Trump ayaa u sheegay wariye ka tirsan New York Post in “wax ka dhici karaan” Islamabad “labada maalmood ee soo socata.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa saaka sheegtay in booqashooyinka Shehbaz Sharif ee Sacuudi Carabiya iyo Qatar lagu qaban doono kulammo diblomaasiyadeed “hab laba geesood ah.”
Turkiga, Sharif wuxuu ka qeyb geli doonaa Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna kulammo laba geesood ah la yeelan doonaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyeyaal kale, isagoo ka faa’iideysanaya fursadda madasha.