War deg deg ah, Degdeg:Sacuudiga oo ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan
Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in berri oo Arbaco
ah ay tahay maalinta ugu horreysa ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in bishii laga arkay dalkaas, taasoo ay ku go'aan qaateen.
Sidaa darteed waxaa caawa billaabanaya cibaadada bisha
Soon sida salaadda Taraawiixda, iyadoo dalal kale ay shaaciyeen in Khamiista ay
tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.
RAMADAAN WANAAGSAN.
Biyaha Liin- dhanaanta iyo waxa jirku kala kulmo
Xigashada Sawirka, Anna Muckerman
Biyaha Liin-dhanaanta
Liin-dhanaanta iyo miraha Liinta kale waxa ay caan ku yihiin maqaarkooda midabada leh iyo dhadhanka aadka u dhanaan leh.
Biyaha Liin-dhanaantu waa casiirka liin dhanaanta oo lagu daray biyo waxaana laga yaabaa in la cabbo iyagoo kulayl ah ama qabow ah, sidookale waxaa mararka qaar lagu darsadaaa malabka, reexaanta ama xawaashka, huruudka iyo basbaaska.
Cabsida laga qabo in dagaal ka qarxo waqooyiga Itoobiya oo sii xoogeysanaysa
Waxaa sii kordhaya cabsi laga qabo in dagaal mar kale ka
qarxo waqooyiga Itoobiya, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya hub isku
aruursi ballaaran oo ciidamo iska soo horjeeda ah oo ka kala socda dowladda
federaalka iyo gobolka Tigray halkaasi laga dareemayo.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidan ee halkaasi ka jiro uu muujinayo cabsi laga qabo dagaal in uu dhaco. Heshiis nabadeed oo la saxiixay sannadkii 2022 ayaa si
rasmi ah u soo afjaray dagaal aad u xun, balse qodobo muhiim ah oo heshiiska ka
mid ahaa weli si buuxda looma hirgelin.
Dhawaan ayay Itoobiya ku eedeysay Eritrea oo deris la ah
inay hub siiso askarta Tigrayga — inkastoo Eritrea ay dagaalkii hore garab
istaagtay dowladda Itoobiya.
War ka soo kordhay shaqo joojintii shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Nairobi
Xigashada Sawirka, AP
Shaqaalaha garoomada diyaaradaha ee Kenya ayaa Meesha ka
saaray shaqo joojin ay ku jireen kadib markii ay heshiis la gaareen Wasaaradda
Gaadiidka. Hoggaamiyeyaasha ururka shaqaalaha ayaa sheegay in heshiiskaasi uu
dhigayo qaab lagu xallinayo cabashooyinkooda ku saabsan mushaharka iyo
xaaladaha shaqo.
Shaqo joojintan oo socotay laba maalmood ayaa sababtay
carqalad ballaaran oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee ugu weyn Nairobi ,kana
mid ah xarumaha ugu mashquulka badan Afrika.
Kumannaan rakaab ah ayaa ku
xayirmay kadib markii duulimaadyo badan la baajiyay, balse hadda howlaha
garoonka ayaa la filayaa inay si tartiib tartiib ah ugu soo laabtaan si caadi.
War deg deg ah, Madaxweyne Erdogan oo gaaray Addis Ababa
Xigashada Sawirka, Ena
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweyay.Itoobiya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo iskaashi ku dhisan.
Booqashada Erdoğan ayaa imaanaysa xilli gobolka ay ka jiraan xiisado iyo is diidooyin ka imaanaya dhinacyo kala duwan, kuwaasoo mararka qaar gobolka geliya jaha-wareer saameyntiisa yeesha.
War deg deg ah, Madax aan muddo is arkin oo hadda kulan ku leh Muqdisho
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulan uu u socdo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno kale iyo Golaha mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin madaxda Puntland, Jubaland iyo siyaasiinta mucaaradka ah.
Kulankan oo horu dhac u ah shirka la filayo inuu dhex maro labada dhinac ayaa looga hadlayaa qaabka loo wajahyo shirka iyo qodobbbada looga hadlayo. Waxyaabaha xoogga lagu saarayo waxaa ka mid ah halka shirku uu ka dhacayo, iyadoo lagu kala aragti duwanyahay arrintaas.
Bulshada Muslimiinta waxaa lagu wargeliyay in maanta,
Talaado, 17-ka Febraayo 2026, oo ku beegan 29-ka Sha’baan 1447 Hijriyada, ay
tahay maalinta koowaad ee la raadinayo bisha Ramadaanka.
Arrintan waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay qasriga Suldaanka
Sokoto Muxamed Siciid Abubakar ee dalka Nigeria.
Warkaasi wuxuu ugu baaqay Muslimiinta inay bilaabaan
raadinta bilashada bisha, isla markaana qofkii arka bisha uu ku wargeliyo
madaxa dowlad-deegaanka ama guddoomiyaha ugu dhow si fariinta loo gaarsiiyo
qasriga Suldaanka.
Sidoo kale, Suldaanka Gobolka Sokoto wuxuu Alle ka baryay
inuu Muslimiinta waafajiyo gudashada waajibaadkooda diimeed si habboon, wuxuuna
u rajeeyay guul iyo kheyr dhammaan kuwa ka qayb qaadanaya aragtida bisha
Ramadaan sannadkan.
Farxiyo Fiska oo su'aal laga waydiyay Hargeysa
Xigashada Sawirka, BBC/Genevieve Sagno.
Fannaaaniinta kala ah Farxiya Fiska iyo Yurub Geenyo, waa laba ka mid hablaha heesa kuwa casrigan loogu jecel yahay.
Labadan hablood waxaa lagu yaqaanaa cod qurxoon iyo heeso dareenka raaca oo ka duwan kuwa ay dhiggooda qaadaan.
Haddase'hadii aad ogayd un in wariyuhu uu dadka wareysto, waxaanu idiin heynaa labadoodii oo is waraysanaya, weriyihii hore ee BBC-da ee magaalada Hargeysa, Siddiiq Burmad ayaa xilli sii hore fursad u siiyay labada fannaan in ay si waraysataan.
Mareykanka oo hub iyo qalab milatari ku daabulaya bariga dhexe iyo welwel laga muujinayo
Xigashada Sawirka, Reuters
Khuburo ayaa BBC verify u sheegay in is diyaarinta
milatariga Mareykanka ee Bariga Dhexe ay
noqon donto mid weyn baaxad ahaan iyo muddi ahaanba marka la barbar dhigo
howgalkii milatari ee lagu Venezuela, xilliga Mareykanku soo qabanayay
madaxweyne Nicolas Maduro.
Sidaan oo kale , bishii October 2025-kii Mareykanka ayaa waxaa
dhacay howlgal ka dhan ahaa nukliyeerka Iiraan, kaas oo lagu qaaday xaruumaha
muhiimka ah.
against Iran's nuclear facilities is even greater.
Justin Crump, oo ah Agaasimaha Guud ee shirkadda Sibylline,
oo ah shirkad ka shaqaysa falanqaynta amniga iyo khataraha, ayaa sheegay in
isku-ururinta maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha ee aaggaasi ay ka caawin
doonto Maraykanka inuu fuliyo “illaa 800 duqayn oo waaweyn oo joogto ah
maalintii.”
Wuxuu sheegay in tani loogu talagalay in lagu hubiyo in
jawaabta Iiraan ee ku aaddan duqaymaha cirka ee Maraykanka ay noqoto “mid
fashilanta.”
Saraakiil ka kala socota Maraykanka iyo Iiraan ayaa la
filayaa inay ku kulmaan Geneva, Switzerland, Arbacada si ay uga wada hadlaan
siyaabaha lagu joojin karo barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan iyo
suurtagalnimada cunaqabatayn dhaqaale.
Weerar ka dhacay Suudaan oo dad rayid ah lagu laayay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 28 qof ayaa geeriyootay tobannaan kalana way ku
dhaawacmeen kadib markii diyaarad aan duuliye laheyn ay ku duqeysay suuq ku
yaalla gobolka Waqooyiga Kordofan ee dalka Sudan, sida ay sheegtay koox kormeerayaal ah Isniintii.
Weerarka ayaa ka dhacay suuq lagu magacaabo al-Safiya oo
ku dhow magaalada Sodari, iyadoo xilligaasi uu ciriiri ahaa oo dad badan ay ku
sugnaayeen sida ay sheegeen kooxda qareennada degdega ah.
Mas’uuliyiinta ayaa
sheegay in ay tirada dhimashadu ay sii kordhi karto, maadaama dhaawacyada qaar
ay halis ahaayen.
Kooxda ayaa sheegtay in weerarkaan loo adeegsaday
diyaaradda aan duuliyaha laheyn uu muujinayo, dayacaad ku saabsan nolosha dadka
rayidka ah, iyagoo ugu baaqay dhamaan dhinacyada in ay xushmeeyaan sharciga caalamiga
ah ee xuquuqda aadanaha.
Cid gaar ah laguma eedeyn weerarka hase-yeeshee muddooyinkii
la soo dhaafay waxaa kordhayay weerarrada kooxda RSF ay ka gaysanayso gobalka
Kordofan.Milatariga Suudaan ayaa beeniyay in iyagu weerarka ay
gaysteen.
Erdogan oo ku wajahan Addis Ababa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya isagoo booqasho rasmi ah ku tagaya dalkaas.
Wuxuu maanta ka tagi doonaa magaalada Istanbul si uu wada-hadallo ula yeesho mas’uuliyiinta Itoobiya oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Turkiga, oo xiriir dhow la leh Itoobiya, ayaa saameyn weyn ku lahaa qaaradaha Yurub, Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfur-bari Aasiya sanadihii u dambeeyay.
Booqashada Erdogan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadaha sii kordhaya ee gobolka Geeska Afrika ay soo jiidanayaan dareenka dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa Bariga Dhexe.
Turkiga ayaa xiriir adag oo dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga ah la yeeshay dalka Soomaaliya. Ankara ayaa door muhiim ah ka qaadatay qaboojinta xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Addis Ababa iyo Muqdisho ee ku saabsan arrinta Somaliland.
Halka uu soo marayo markabka Turkiga ee shidaalka ka qodaya Soomaaliya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Turkiga ayaa shalay oo Axad aheyd u diray Soomaaliya markabkiisa qodista shidaalka badda-dheer ee loo yaqaan Cagri Bey. Wasiirka tamarta ayaa ku tilmaamay shaqada markabka in ay tahay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed oo ka baxsan xuduudaha badda Turkiga.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shidaal qodistan ay ka tarjumayso istaraatiijiyadda muddada dheer ee Turkiga ee lagu xoojinayo amniga tamarta qaranka iyo in dalka loo dhaweeyo isku-filnaansho.
Wasiirka wuxuu ku sheegay tallaabada turkiga "mid taariikhi ah" oo la xiriirta dadaallada Turkiga ee sahminta saliidda iyo gaaska.
Wasiirkta tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in markabka shidaal qodis ka billaabi doono ceelka Curad-1 oo ku yaal meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya bisha Abriil.
"Markii ugu horreysay, markabkeenna badda ka qoda shidaalka, wuxuu u baxayaa hawlgal ka baxsan xuduudaheena," ayuu Bayraktar ka sheegay munaasabad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka Mersin ee koonfurta Turkiga.
Madaxweynaha
Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa wuxuu bilaabayaa booqasho rasmi ah oo saddex
maalmood ah ku tagayo Hindiya, iyadoo wadahadaladu ay u badan tahay inay
diiradda saaraan garaadka macmalka ah iyo heshiis difaac oo dhowr bilyan oo
doollar ah.
Tani waa
booqashadii afraad ee Madaxweyne Macron uu ku tego Hindiya tan iyo markii uu
xafiiska qabtay 2017-kii.
Faransiisku
wuxuu doonayaa inuu ballaariyo iskaashiga millatari ee uu la leeyahay Delhi,
iyadoo laga wada hadli doono qandaraas suurtagal ah oo loog gol leeyahay in ka
badan boqol diyaaradood oo dagaal oo Faransiis ah.
Mr. Macron
ayaa la qorsheeyay inuu la kulmo Ra'iisul Wasaare Narendra Modi Talaadada
maanta ah.
Ramadhaan kasta waxa uu soo durqaa 10 ilaa 11 maalmood, maadaama bilaha sanadka Hijriga ay ka maalmo yar yihiin kuwa sanadka Miilaadiga, taasoo ka dhigan in sanad kasta uu Ramadhaanka u soo dhawaado bisha January.
Kala duwanaanshaha maalmaha labada tirsi ayaa ka dhigan in dhowr iyo sodonkii sano ba sanad Miilaadi ah laba goor la soomo. Markii ugu dambeysay ee taasi oo kale ay dhacday ayaa ahayd sanadkii 1997.
Marka aad eegto kalendarka Sacuudi Carabiya ee sanadka 2030 oo aad ka heli karto timeanddate.com, waxaad arkaysaa in Ramadhaanka koobaad uu billaaban doono 6-da January, halka Ciidda ay ku beegan tahay 5-ta February. Ramadhaanka labaad ayaa ku beegan 26-ka December ee isla sanadkaas.
Taasi ayaa ka dhigan in sanadka 2030 ay Muslimiinta ka soomi doonaan qiyaastii 36 maalmood, Ramadhaan 1451H oo dhamaystiran iyo Ramadhaan 1452H oo ay lix maalmood ka qaadan doonaan.
Sanadka Hijriga ah ayaa ka kooban 354 ama 355 maalmood, halkan kan Miilaadiga uu ka kooban yahay 365 maalmood.
Trump oo sheegay inuu si "dadban" uga qayb qaadan doono wadahadalada nukliyeerka ee Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Donald Trump ayaa sheegay inuu si dadban ugu lug yeelan doono wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, oo lagu wado inay ka bilaabmaan Geneva gelinka dambe ee Talaadada.
Madaxweynaha Mareykanka oo la hadlayay wariyeyaasha saarnaa diyaaradda Air Force One, ayaa intaa ku daray inuu aaminsan yahay in Iiraan ay dooneyso inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.
Wareegga labaad ee wadahadallada ka socda Switzerland ayaa daba socda hanjabaado militari oo soo noqnoqday oo ka dhan ah Iiraan, taas oo ku saabsan tallaabada dhimashada leh ee ay dalkaas ku qaaday dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda iyo muranka socda ee ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.
Isniintii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Tehran waxay sheegtay, inay aaminsan tahay in mowqifka Mareykanka ee ku aaddan arrinta nukliyeerka uu u weecday dhan "macquul ah".
Iiraan waxay sheegtay in shirka Talaadada, oo ay dhexdhexaadinayso Cumaan, uu diiradda saari doono barnaamijkeeda nukliyeerka iyo suurtagalnimada in laga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee uu saaray Mareykanka.
Washington waxay hore u muujisay inay rabto inay ka hadasho arrimo kale, sida kaydka gantaalada Iiraan.
Maxaa ka jira in Israa’iil ay saldhig milatari ka dhisaneyso Somaliland?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Waasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo aan waraysi la yeenay dhawaan ayaa wax ka waydiinay saddex qodob oo uu dhawaan sheegay madaxweynaha Soomaaliya in ay ka mid ahaayeen heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Israa'iil.
Aqoonsiga ay Israa'iil dhowr bilood ka hor sheegtay in ay siiyay Somaliland, ayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu sheegay in uu "khtar ku yahay amniga gobolka".
Waxa uu sidoo kale "xadgudub cad ku tilmaamay" tallaabada Israa'iil ay ku aqoonsatay Somaliland.
Saldhig Milatari
Qodob kale oo uu horay uga dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa in saldhig ciidan ay Israa'iil ka dhisanayso Somaliland, kaa oo sida uu hadalka u dhigay noqon doona "mid wax laga weeraro".
Wasiirka oo aan arrintanna wax ka waydiinay ayaa yiri: "Madaxweynaha Xamar joogaa wax uu ka og yahay heshiiska aan la galnay Israa'iil haba yaraatee ma jirto"
Ma uusan cadayn dhabnimada waxa ka jira in saldhig milatari uu qayb ka ahaa heshiiskaas iyo in kale.
Balse waxa uu hadalkiisa raaciyay in Somaliland iyo Israa'iil ay ka wada shaqayn doonaan wixii dantoodu ay ku jirto. In aysan jirin wax shuruud ah oo ku xiran heshiiska ay wada galeen labada dhinac ayuu hadalkiisa raaciyay.
Tallaabada Israa'iil ayaa waxaa ka dhashay falcelin gobolka iyo wadamada kale ee caalmk ah, waxaana horay uga fariistay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Golaha ayaa cambaareeyay go'aanka Israa'iil marka laga reebo Marakanka oo sheegay in Israa'iil ay xaq u leedhaay go'aamadeeda, balse isna waxa uu cadeeyay in aanay waxba iska badalin siyaasadiisa ku aadan Somaliland.
Falcelinta Iran ee milatariga uu Maraykanku u raray Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa soo bandhigay sawirrada Abraham Lincoln oo ay garab taagan yihiin kuwa wax burburiya, diyaarado dagaal, diyaarado ilaalo ah iyo maraakiibta ilaalada xeebaha ee ku sugan badda Carabta, taasoo muujineysa awood ciidan lixdii Febraayo, taasoo Iiraan ay la kulantay bandhiggeeda awoodeed.
Maalintii Isniinta Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa dhoolatus badeed ka bilaabay marin-biyoodka Hormuz, oo ku yaalla gacanka u dhaxeeya Cumaan iyo Iran.
Dhoolatuska ayaa lagu arkay Taliyaha guud ee IRGC Maj Gen Mohammad Pakpour oo kormeeraya maraakiibta badda ee ku sugan deked ka hor inta aan la arkin gantaalaha laga soo tuuray markab, wakaaladda wararka ee Tasnim ee xiriirka la leh IRCG ayaa sheegtay.
Marin-badeedka waxaa loo arkaa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu muhiimsan adduunka iyo barta muhiimka ah ee marinka saliidda.
Qiyaastii shan meelood meel saliidda iyo gaaska adduunka ayaa mara marin biyoodka, oo ay ku jirto jasiiradda Kharg, oo ah meesha ugu weyn ee laga dhoofiyo saliidda Iran. Pakpour ayaa la arkayay isagoo ku dul heehaabaya jasiiradaasi diyaarad helicopter ah, warbixinta ayaa muujineysa dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ciidamada Iiraan.
Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay
doonayso inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.
Hadalkiisa
ayaa yimid ka hor wareegii labaad ee wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ee u
dhexeeya wakiillada Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Geneva, iyadoo ay
dhexdhexaadineyso dowladda Khaliijka ee Cumaan.
Isagoo la
hadlayay weriyeyaasha xili uu saarnaa diyaaraddiisa Air Force One, Mr Trump waxa uu
sheegay inuusan u maleyneynin in maamulka Iiraan ay rabaan inay wajahaan
"cawaaqibka ka dhalan kara inaan heshiis la gaarin."
Dhankeeda,
wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, (iyada oo loo marayo afhayeenkeeda,
Esmaeil Baqaei) ayaa sheegtay in Mareykanka uu u dhaqaaqay dhan "macquul
gal ah" oo ku saabsan wadahadallada ku barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.
Isla
kulankaas uu la yeeshay weriyeyaasha, Mr Trump waxa uu u sheegay inay
"dhawaan" go'aan ka gaadhi doono inuu hub dheeraad ah u diro Taiwan.
Dalalka soonkoodu dheeraan doono sannadka 2026
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Jadwalka Islaamka ee sanadka 2026 ayaa la filayaa inuu ka billowdo Talaadada, 17-ka Febraayo ama Arbacada, 18-ka Febraayo, gudaha Nigeria iyo dalal kale oo badan oo caalamka ah.
Soonka bisha Ramadaan waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waana mid waajib ku ah dhammaan Muslimiinta adduunka, haddii ay buuxiyaan shuruudaha soonka.
Ramadaanta waxaa la soomaa 29 ama 30 maalmood, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dhaca.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiga soonku wuu kala duwanaanayaa, taasoo keenta in saacadaha soonka ay ku kala geddisnaadaan dalal badan oo caalamka ah.
Xilliga xagaaga, dalalka waqooyiga sida Yurub waxay leeyihiin maalmo aad u dhaadheer ka hor waaberiga, halka dalal ka mid ah Afrika ay la kulmaan kuleyl aad u daran xilliga xagaaga, taasoo ka dhigaysa xilliyadooda soonka kuwo ka duwan dalalka kale.
Khabiir BBC-da u sheegay in ciidamada Maraykanka ee laysugu ururinayo meel u dhow Iiran ay ka qoto dheer yihiin kii Venezuela
Xigashada Sawirka, US Navy via EPA
Qoraalka sawirka, .
Khabiir ayaa u sheegay BBC Verify in diyaar garowga
milatari ee Maraykanku ka sameynayo Bariga Dhexe uu muujinayo ‘qoto dheer iyo
oo sii waari kara’ marka loo eego kii ka horreeyey ee qabashadiii madaxweynihii hore ee Venezuela
Nicolás Maduro bishii Janaayo, ama howlgalkii duqeymaha cirka lagu qaaday
xarumaha nuclear‑ka Iran bishii Juun 2025
Justin Crump, oo ah madaxa shirkadda khatarta iyo
sirdoonka ee Sibylline, ayaa qiimeeyay in isku-ururinta markiibta dagaalka iyo kuwa diyaaradaha qaada ee gobolka
ay Mareykanka u oggolaanayso inuu ‘fuliyo weerar joogto ah oo xooggan’ oo ku
dhawaad 800 duqeyn maalintii.
Tani waxay ujeeddadeedu tahay in la hubiyo in wax kasta
oo jawaab ah oo Iran ka timaadda duqeymaha Mareykanka ay noqdaan ‘aan waxtar
lahayn’
Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka iyo Iran ayaa la
filayaa inay kula kulmaan Switzerland Talaadada si ay uga wada hadlaan
xaddidaadda barnaamijka nuclear‑ka ee Iran iyo sidii loo qaadi lahaa cunaqabataynta
dhaqaale ee Mareykanku saaray.