"Trump oo lagu yiri sharciga kama sarreysid, cid kastana xuquub ayay leedahay"
Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom oo aad
uga soo horjeeda tallaabooyinka madaxweyne Trump ee dadka soo galootiga ah ayaa
qoraal uu barihiisa bulshada ku baahiyay waxaa u uku yiri:
“Madaxweyne
iyo maamul midna kama sarreeyo Dastuurka dalkeenna, mana jiro qof dalkan ku
nool oo aan xuquuq lahayn. Wuxuu intaasi raaciyay in muhiim ay tahay in laga
shaqeeyo nabadda isla markaana la taageero dadka wajahaya dhibaatooyinka.
Markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha, Abraham
Lincoln, kuna sii jeeda Gacanka Faaris, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay
kiciyay falcelinno badan, gaar ahaan tan iyo markii uu galay aagga amniga ee
CENTCOM.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah mudaharaadayaasha Iiraan oo
ka careysan dilka kumannaan qof intii lagu jiray tallaabooyinkii adkaa ee
dhowaan la qaaday, ayaa laga yaabaa inay rajeynayaan in Maraykanku qaado
tallaabo milatari oo ka dhan ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo
kuwa cabburinta ku haya. Dhinaca kale, waxaa jira hadal-hayn ka jirta gobolka,
iyo sidoo kale Yurub iyo Maraykanka, oo ku saabsan in dagaal cusub uu ka qarxi
karo Bariga Dhexe.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo waxa ka dhacay Minnesota ku tilmaamay wax aanu fileyn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa eedeyn u
jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, isagoo ku dhaliilay in been loo sheegay dadka
Mareykanka taasoo ku aaddan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay
geysteen saraakiisha ciidamada socdaalka Mareykanka ee ICE.
Clinton ayaa Axaddii bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey
“muuqaalada naxdinta leh” ee ka dhacay Minneapolis, oo uu ku tilmaamay wax aanu
weligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka.
Wuxuu sheegay in dadka, xitaa laga soo qabanayo
guryahooda, goobahooda shaqada, iyo jidadka iyagoo askartu ay wajiyada qarsadeen
isla markaana dad nabad ku banaanbaxaya
ay ula dhaqmayaan si aan sharci ahayn lana xirayo.
Madaxweyne hore Clinton ayaa si gaar ah uga hadlay labadii
qof ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee Renee Good iyo Alex Pretti.
Clinton ayaa intaasi ku daray in dhammaan arrimahaasi
yihiin kuwo aan la aqbali karin oo lagana fogaan karay ka hor inta aysan
heerkaan gaarin. Wuxuu sheegay madaxweyne hore in shacabka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo ficillada ka dhacay gobolka Minnesota.,
Bayaanka Clinton waxaa sidoo kale ku jiray baaq ah in
dadka Mareykanka ah ay codkooda u istaagaan si ay u muujiyan in dalku weli
leeyahay mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo inay ku jirto gacanta shacabka.
Shirkadaha ganacsiga gobolka Minnesota oo war ka soo saaray xaaladda halkaa ka taagan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxda sare ee shirkadaha 3M, Best Buy, Target, iyo UnitedHealth Group -
oo ay weheliyaan tiro kale oo ganacsiyo kale ah oo fadhigoodu yahay Minnesota -
ayaa saxiixay warqad furan oo ku baaqaysa "in si degdeg ah loo yareeyo
xiisadda" iyo in mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo kuwa federaalkuba
"ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal dhab ah".
Warqadda waxaa soo saartay Rugta Ganacsiga ee Minnesota
waxaana ku jira in ka badan 60 shirkadood oo ah saxiixay warqaddaas.
"Waqtigan adag ee bulshadeenna," ayay leeyihiin
hoggaamiyeyaasha ganacsigu, "waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo iskaashi
diiradda saaraya hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, gobolka iyo federaalka si loo
gaaro xal degdeg ah oo waara oo u suurtagelinaya qoysaska, ganacsiyada,
shaqaalaheenna, iyo bulshooyinka Minnesota oo dhan inay dib u bilaabaan shaqooyinka
si aan u dhisno baa la yiri mustaqbal ifaya oo barwaaqo ah."
Madaxweynihii hore Barack Obama oo si adag uga hadlay howlgallada ICE ee Minnesota
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynihii hore Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle
Obama ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay "musiibo qalbi jab leh".
War-saxaafadeed ay soo saareen, lamaanahan ayay ku
sheegeen in toogashadii "ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo
Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah
qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan
weerarro".
"Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax
ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo
federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in
loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka
taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah," ayaa
lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump "uu u muuqdo
mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo" iyada toogashooyinkii
dhacay oo aan "wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku
tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta
muuqaalka".
"Tani waa inay joogsataa," ayaa lagu yiri
bayaanka.
Dibadbax looga soo horjeeda howlgallada ICE oo hadda ka socda Minneapolis
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Dibadbax xooggan ayaa ka socda magaalada Minneapolis ee dalka
Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo laamaha kala duwan ee dowladda
federaalka si gaar ah ciidamada Laanta socdaalka ee ICE.
Dibadbaxayaal da’ kasta leh ayaa ku dhawaaqayay
halkudhigyo ay ka mid yihiin “Minnesota mar dambe maya, Minneapolis
shaqo-joojin ayay ku jirtaa” iyo “ICE ha baxdo hadda,” ka hor inta aysan
bilaabin inay maraan waddooyinka magaalada.
Bilowgii socodkooda ma jirin wax boolis ah oo goobta
joogay, halka gawaarida ag maraysay ay seeriga garaacayeen iyagoo muujinaya
taageero.
Mid ka mid ah ragga aan la hadalnay, oo codsaday in aan
magaciisa la sheegin, ayaa watay boor ay ku qoran tahay “Halyeeyada Dagaalka ee
Ka Soo Horjeeda ICE”.