Go'doominta Maraykanka ee dekadaha Iiraan oo dhaqan gashay, iyadoo Trump sii wado hanjabaada ka dhana ah dalkaas

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in la “baabi’in doonno” maraakiibta Iiraan” haddii ku soo dhwaadeen marakiibta badda ee Marayakanka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Mareykanka oo ka hadlay wada-hadallada

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in wadahadallo fool ka fool ah oo saddex geesood ah ay u socdaan wufuudda Mareykanka iyo Iran ay la leeyihiin Pakistan. Ilo-wareedyo ka tirsan dawladda Pakistan ayaa mar hore sidan oo kale u sheegay BBC-da.

    Sarkaalku wuxuu bixiyay tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan cidda ku jirta qolka Maraykanka. Waxay yiraahdeen ergada xuddunta u ah, sidaan warbixintaan ku sheegnay, waxay ka kooban yihiin madaxweyne ku xigeenka JD Vance, ergeyga gaarka ah Steve Witkoff iyo wiilka uu Trump soddogga u yahay Jared Kushner.

    Sida laga soo xigtay sarkaal sare, wafdiga ballaaran ee Mareykanka waxaa ka mid ah la taliyaha amniga qaranka Andrew Baker, iyo la taliyaha arrimaha Aasiya Michael Vance.

    Khubarro Mareykan ah oo ku takhasusay mowduucyo kala duwan ayaa sidoo kale jooga Islamabad, sida uu sheegay sarkaalku, iyadoo khubareo kale ay taageerayaan Washington DC.

    Warar dheeraad ah:

  2. Israa'iil oo sheegtay in 24 saac gudahood ay ku duqeysay 200 oo bartilmaameed oo ay Xisbullah ku leedahay Lubnaan

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iyadoo wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran uu Islamabad kula yeelanayo Pakistan, Israa’iil ayaa sheegtay inay sii wadayaan duqeymaha ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada Lubnaan.

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay duqeeyeen in ka badan 200 oo bartilmaameed oo ururka Xisbullah ay ku leeyihiin dalka Lubnaan.

    War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamadeeda cirka ay qaadayaan weerarro hor leh ayna taageerayaan ciidamada dhulka ee ka howlgala koonfurta Lubnaan. IDF waxa ay sidoo kale sheegtay in ay bartilmaansanayso qalabka wax soo saara si ay uga hortagto weerarro ka dhan ah Israa’iil.

    Wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in lix qof lagu dilay weerarro ka dhacay koonfurta Lubnaan, iyadoo shan kalena lagu dhaawacay.

    Dhanka kale, Israa’iil ayaa ka digtay duullaan diyaaradeed oo ka dhacay gobolka sare ee Galili ee waqooyiga dalkaasi. Ma cadda cidda soo qaadday weerarka.

    Warar dheeraad ah:

  3. War deg deg ah, Wadahadallo saddex-geesood ah oo toos ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ayaa socda

    Ilo-wareedyo ka tirsan xukuumadda Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in wadahadal saddex geesood ah oo toos ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, oo Pakistan ay dhexdhexaadineyso, uu hadda socdo.

    Hadda ka hor, waxaan sheegnay in wadahadallada ay u socdeen si dadban, iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan.

    Warar dheeraad ah:

  4. Trump: Iran "wax weyn bey lumineysaa"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay “si weyn u luminayso” dagaalka, xilli wada-hadallo ka furmay Islamabad.

    Qoraal dheer oo uu ku soo dhigay baraha bulshada ee Truth Social ayuu Trump ku sheegay in warbaahintu “ay jeceshahay inay tiraahdo Iran ‘way guuleysanaysaa’, halka run ahaantii qof walba ogyahay inay si weyn u luminayso.”

    Waxa uu sii raaciyay sheegashooyin uu maamulka Mareykanku hore u soo bandhigay intii lagu jiray colaadda, isagoo yiri: “Ciidamadooda badda way burbureen, ciidamadooda cirka way dhammaadeen, nidaamkooda difaaca hawada ma jiro, raadaarkooduna wuu istaagay, warshadahooda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si weyn ayaa loo burburiyay, gantaalladii iyo diyaaradahaasna waa la baabi’iyay, waxaana ugu muhiimsan, ‘hoggaamiyeyaashoodii’ muddada dheer jiray ma sii jiraan—Ilaahay baa mahad leh!”

    Kadib markii uu xusay in Iran ay miinooyin badeed dhigaysay, wuxuu sheegay in Mareykanku hadda bilaabayo “nadiifinta Marinka Hormuz” si uu “wanaag ugu sameeyo dalalka adduunka oo dhan.”

    Warar dheeraad ah:

  5. Lubnaan qayb ma ka tahay heshiiska xabbad joojinta?

    Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay in dagaalka uu hakad ku jiro, wuxuuna sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay "ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah meel kasta, taasoo ay ku jiraan Lubnaan iyo meelo kale".

    Iiraan waxa ay ku adkaysanaysaa joojinta dagaalka dhinac kasta ah, oo ay ku jiraan iska caabinta Lubnaan, iyada oo ula jeeda xulafada Shiicada ah ee Xisbullah. Laakiin Israa'iil ma qabto aragtidan.

    Xukuumadda ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu hadalkeedu wuxuu ahaa mid aan mugdi ku jirin. "Xabbad joojinta labada toddobaad kuma jirtoLubnaan" ayuu yiri.

    Iyada oo tiro badan oo askarta Israa'iil ah ay ka hawlgalaan gudaha Lubnaan, wasiirka gaashaandhigga Israel Katz-na uu ka hadlayo burburinta tuulooyinka xudduudaha ee isla naxariista darradii lagu arkay marinka Gaza oo kale lagu burburinayo, ayaa waxaa jira calaamado yar oo muujinaya in dagaalkani uu joogsan doono.

    Waqtigan xaadirka ah Donald Trump wuxuu u muuqdaa inuu la dhacsan yahay mowqifka dowladda Israa'iil.

    Lubnaan ayaan heshiiska qayb ka ahayn "sabatoo ah ururka Xisbullah" ayuu madaxweynaha Maraykanka u sheegay PBS Liz Landers, isaga oo intaa ku daray in dagaalka Lubnaan uu yahay " iska horimaad gooni ah".

    Warar dheeraad ah:

  6. Caqabad weyn: Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan

    Eedeynta ah in Iiraan ay dardargelineyso horumarinta hubka Nukliyeerka ayaa mar walba lagu tilmaamaa inay tahay sababta ugu weyn ee Washington ay u galayso dagaalka, inkastoo ay Tehran marar badan beenisay.

    Ugu yaraan si cad, saraakiisha Maraykanku waxay u muuqdaan inay aaminsan yihiin in khasaarihii ka dhashay dagaalkii 12-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo duqeymaha hadda socda ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku filan yihiin in ay Iiraan waqti dheer ku qaadato dib u dhiska barnaamijka nukliyeerka ee khatarta leh.

    Si kastaba ha ahaatee, shaki ayaa weli ka jira qiyaasta 440 kg ee uranium-ka aadka loo xoojiyey ee Iiraan ay weli haysato.

    Uranium-ka oo uu Trump inta badan ugu yeero " habaaska ", ayaa la rumeysan yahay in lagu hoos xabaalay burburka Xarunta Cilmi-baarista iyo Tignoolajiyada Nukliyeerka ee Iiraan ee Isfahan, ka dib weerarradii ba'naa ee sanadkii hore lagu qaaday xarunta.

    "Habaaskeeda ayaa si qoto dheer u aasay, waxaana la ilaaliyaa 24 saacadood maalintii," Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa u sheegay suxufiyiinta Arbacadii.

    "Ma jiri doono hub nukliyeer ah oo Iiraan leedahay. Khalaas. Waa dhamaadka sheekada".

    Iiraan waxay ku adkeysaneysaa in heshiis kasta oo mustaqbalka ah uu aqbalo xaqa ay u leedahay in la tayeeyo Uranium-ka si waafaqsan isticmaalka rayidka ah, sida uu dhigayo heshiiska Nukliyeerka ee NPT.

    Cumaan oo dhexdhexaadin ka dhex waday labada dhinac wax yar ka hor intii uusan dagaalku dhicin ayaa sheegtay in heshiis wax ku ool ah miiska saarnaa.

    Maraykanku haddaba ma yeeli doonaa inuu ogolaado nooc kasta oo tayeynta ah?

    Qorshaha Madaxweyne Trump oo ka kooban 15 qodob ayaa la sheegay in ay ku jireen dhowr shuruudood oo muhiim ah: in Iiraan ay burburiso dhammaan xarumaha waaweyn ee Nukliyeerka, in ay joojiso tayeynta Uranium-ka ee dhulka Iiraan, in kaydkeeda Yuraaniyaamta la tayeeyey laga saaro dalka, iyo in ay aqbasho kormeero caalami ah.

    Laakiin markii si toos ah wax looga weydiiyay, Pete Hegseth wuxuu si fudud u sheegay in Iiraan "aysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ah ama awood ay ku horumariso". Taas oo ah jawaab waxooga ka yara duwan arrinka.

    Warar dheeraad ah:

  7. Saamaynta dagaalka Iiraan ee geeska Afrika oo Itoobiyana ay ku jirto

    Xaaladda sii xumaanaysa ee Bariga Dhexe ayaa ku ''sababaysa dhibaato aad u daran'' oo soo foodsaarta dalalka Afrika oo ay Itoobiya ku jirto, sida ay tilmaamayso warbixin cusub.

    Dalka dhaca Bariga Afrika ee Itoobiya, kumanaan kilometer ayey u jiraan Iiraan, saamaynta dagaalkuna ma aysan dhaafin.

    Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ayaa aad u kacsanaa maalmihii dambe oo dadka qaar ee dalkaasi ay u dabaal degeyeen munaasabada Easter-ka.

    Sabab la xiriirta shidaal yari, suuq gaynta, dhoofinta iyo agabyada kale ee baddeecooyinka ayaa noqonaya kuwa ay soo wajahaan caqabado.

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in la ''kaydsado'' shidaal, saraakiisha ayaa ka hadlay hababka ay tahay in qof kasta uu raaco si uu ugu isticmaalo shidaalka harsan si wanaagsan.

  8. Vance oo la kulmay raysal wasaaraha Pakistani

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Pakistan Prime Minister's Office

    Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

    Waxaa ka caawiyay ergay gaar ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, halka Sharif uu muujiyay rajo ah in wada-xaajoodyadani ay noqon doonaan tallaabo loo qaaday dhanka nabad waarta oo ka hanaqaadda gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan.

    Arrintan waxay daba socotaa kulan goonni ah oo dhex maray wafdiga Iiraan iyo Sharif—taas oo wariyaheenna Koonfurta Aasiya uu wax yar ka hor ka warbixiyay.

    Warar dheeraad ah:

  9. Shanta caqabadood ee waaweyn ee horyaalla wada xaajoodayaasha Maraykanka iyo Iiraan

    Dhexdhexaadiyaha oo ah Pakistan, ayaa ku martigelisay wadaxaajoodayaasha Maraykanka iyo Iiraan magaalada Islamabad.

    Arrimo badan ayaan weli aan la xallin, oo ay ugu horreeyaan aasaaska wada xaajoodka.

    Qoraal uu soo dhigay Truth Social ayuu Trump ku sheegay in Mareykanka uu Iiraan ka helay soo jeedin ka kooban 10 qodob, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay "saldhig macquul ah oo lagu wadahadli karo".

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa sidoo kale xusay soo jeedinta Mareykanka ee ka kooban 15ka qodob ee ah, sida ay qabaan wada xaajoodyada sare ee Trump, in ay soo afjari karto khilaafka.

  10. Wafdiga Iran oo la kulmay ra'iisul wasaaraha Pakistan iyadoo ay wararku sheegayaan in Maraykanku oggolaaday in la fasaxo hantida Tehran

    Way adag tahay in la fahmo sida ay wada-xaajoodyadani u socon doonaan iyo in labada dhinac ay xitaa si fool ka fool ah u kulmi doonaan.

    Laakiin waxaan haynaa war cusub oo ka yimid ilo ku sugan dowladda Pakistan, kuwaas oo u sheegay BBC in Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif uu kulan qado ah la yeeshay wafdiga Iiraan.

    Sida wada-xaajoodyadii hore, waxaa suuragal ah in Pakistan ay u kala gooshto qolalka ay ku jiraan mas’uuliyiinta Mareykanka iyo wafdiga Iiraan si ay u arkaan haddii wax horumar ah laga gaari karo qodobbada kala duwan ee soo jeedintooda.

    Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo hoggaaminaya wafdiga, ayaa sheegay in Mareykanku uu oggolaaday in la sii daayo hantida Iiraan ka xayiran ka hor inta wada-xaajoodku bilaaban.

    Waxaa jira warar ka imanaya Iiraan oo sheegaya in arrintan ay dhacday, balse lama xaqiijin dhinaca Mareykanka, waxayna noqon kartaa arrin adag oo lagu qanciyo taageerayaasha Donald Trump ee gudaha Mareykanka.

    Macluumaad dheeraad ah: Iiraan waxay dalbatay in la sii daayo lacagaha iyo hantida laga xayiray ee ay Mareykanku hayaan, taas oo qayb ka ahayd qorshe 10-qodob ka kooban oo ay u dirtay Mareykanka.

    Warar dheeraad ah:

  11. Ismaaciil Cumar Geelle oo mar lixaad ku guuleystay doorashada Jabuuti

    Jabuuti

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii lixaad ee shanta sano ahayd maanta ka dib doorasho ay qaadaceen inta badan mucaaradka, isagoo helay in ka badan 97.81% codadkii la dhiibtay, xogta rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Sabtidii ayaa muujisay.

    Codbixintii Jimcihii ayaa waxaa ku tartamay hal musharrax oo la tartamayey waana Maxamed Faarax Samatar. Xogta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa muujisay in uu kaalinta labaad galay isagoo helay 2.19% 168,233 cod ee la dhiibtay.

    Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee 2021-ka, waxaana qaadacay inta badan mucaaradka, isagoo helay in ka badan 97% codadkii la dhiibtay. Waxa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka tagayo sanadkan, balse wax ka beddelka dastuurka bishii November ayaa meesha ka saaray da'da 75 ee musharraxiinta madaxtinnimada.

  12. Sidee Pakistan ugu suuragashay in ay xabad-joojin dhex dhigto Iran iyo Maraykanka?

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin xabbad joojinta labada toddobaad ah ee Iran iyo Mareykanka, waxaa jiray calaamado yar yar oo rajo ah oo ka yimid Pakistan.

    ilo Pakistani ah oo aan magacooda shaacin ayaa BBC u sheegay in wada-hadallada ay ku sii socdeen "xawaare", iyada oo Pakistan ay ka shaqaynaysay dhexdhexaadinta Iran iyo Maraykanka.

    Dadka ka socday dhinaca Pakistan waxa ay ka koobnaayeen "koox yar" jawiguna waxa uu ahaa "mid daran oo halis ah, laakiin weli rajo leh in joojinta dagaalka ay natiijada soo baxda noqon doonto. Saacado yar ayaa harsanaa." Isha ayaa sheegtay in aanay qayb ka ahayn kooxdaas yar ee howsha loo xilsaaray.

    Pakistan waxay u dhaqantay sidii dhexdhexaadiye u dhexeeya Iran iyo Maraykanka dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, iyada oo kala gudbinaysay farriimaha labada dhinac. Waxay xiriir taariikhi ah la leedahay Iran, xuduud ayay la wadaagtaa waxayna si joogto ah u tixraacdaa xiriirka "walaaltinimo" ee ay la leedahay dalka.

    Dhanka xiriirka Mareykanka, Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamay madaxa ciidamada Pakistan, Field Marshall Asim Munir, inuu yahay mid "uu jecel yahay" Field Marshall, wuxuuna sheegay inuu Iran ka yaqaan "wax ka badan inta dadka kale ogyihiin".

  13. Xabbad joojintii Maraykanka iyo Iran: Netanyahu miyuu gaaray hadafkii uu ka lahaa Iiraan?

    Markii Ra'iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, uu ku dhawaaqay bilowga howlgal militari oo ay wadajir u wadeen Israel iyo mareykanka oo ka dhan ah Iran dhammaadkii Febraayo, wuxuu adeegsaday cod adag oo kalsooni leh.

    Laakiin codka ka soo baxayay xafiiskiisa—markii la gaaray xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran—wuxuu ahaa mid aad u taxaddar badan, isagoo si cad u muujinaya in go'aanka uu gaaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Bayaankaasi sidoo kale wuxuu si weyn uga duwanaa hadallada guusha sheeganaya ee ka imanayay Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo labaduba ku andacoonayay inay gaareen guulo waaweyn kadib shan toddobaad oo dagaal ah.

    Hadal uu jeediyay habeenkii Arbacada, Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul ah, balse wuxuu sheegay in xabbad-joojintu aysan ahayn dhammaad, isla markaana Israel ay weli leedahay yoolal kale oo ay doonayso inay gaarto—ha noqoto heshiis ama dib u bilaabista dagaalka.

    Go'aan noocee ah ayuu dagaalkani dhigay Israa'iil iyo Raysal-wasaarihiisa?

  14. Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan a oo sheegay inuu rajaynayo in Iran iyo Maraykanku ay si wanaagsan u wadahadli doonaan

    Mohammad Ishaq Dar, oo dhanka midig ka taaga Vance xilligii soo dhaweynta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mohammad Ishaq Dar, oo dhanka midig ka taaga Vance xilligii soo dhaweynta

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Mohammad Ishaq Dar, ayaa ammaanay sida Mareykanku uga go’an tahay gaarista nabad waarta oo gobolka iyo caalamkaba ah, isagoo si diirran ugu soo dhaweeyay JD Vance magaalada Islamabad.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa lagu sheegay in Dar uu rajaynayo in Iiraan iyo Mareykanku ay “si wax-ku-ool ah u wada hadlaan,” isla markaana uu mar kale xaqiijiyay rabitaanka Pakistan ee ah inay sii waddo fududeynta dhinacyada si loo gaaro xal waara oo adag oo lagu soo afjaro khilaafka.

  15. Maraykanka iyo Iran ma isugu imaan karaan meel dhexe?

    Wadahadalada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wadahadalada

    Weli ma cadda waxa ka soo bixi doona wada-hadalladan, maadaama waxa ay labada dhinac si fagaare ah u sheegayaan ay aad u kala fog yihiin oo aan muuqan meel ay isku soo gaadhi karaan.

    Qayb ka mid ah sababta tani keentay waa in wadahadallada ay hoggaamiyeyaasha iyo wada-xaajoodayaashu si fagaare ah u sheegaan inta badan loogu talagalay dhageystayaasha gudaha ee dalalkooda.

    Iiraan iyo Mareykanka labaduba waxay isku dayayaan inay qaabeeyaan sheekada dagaalkan, isla markaana ay muujiyaan dhinaca u muuqda inuu doonayay ama “ku qasbanaaday” inuu miiska wada-hadallada yimaado.

    Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa jira rajo ah in horumar la sameeyo, ugu yaraan si loo ilaaliyo xabbad-joojinta jilicsan.

    Laakiin waxaa muhiim ah in la xasuusto in Mareykanka iyo Iiraan ay horey u bilaabeen wada-hadallo bishii Febraayo, ka hor inta Washington aysan ka bixin wadahadallada, taas oo gacan ka geysatay in uu qarxo dagaalkan iyadoo ay la jirto Israa’iil.

  16. Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka oo gaaray Islamabad

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa hadda gaaray Islamabad isaga oo la socda wafdiga Mareykanka, sida ay BBC u sheegeen ilo dhanka duulimaadka ah.

    Waxaa la filayaa inuu ka qayb galo wadahadallo lala yeelanayo Iiraan galinka dambe ee maanta, isaga oo ay la socdaan ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo la-taliyaha Donald Trump, Jared Kushner.

    Vance iyo kooxdiisa wada-xaajoodka ayaa ka ambabaxay Mareykanka iyagoo u socda Pakistan shalay. Kahor intuusan dhoofin, madaxweyne ku-xigeenku wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu “rajaynayo wadaxaajoodka,” balse uu ka digay in haddii Iiraan “ay isku daydo inay na khiyaamayso,” Mareykanku uusan si wanaagsan uga falcelin doonin.

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance

    Xigashada Sawirka, POOL

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance
  17. Afar shay oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato wadahadalada Iran iyo Mareykanka

    Ammaanka ayaa aad loo adkeyay ka hor wdahadalada

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ammaanka ayaa aad loo adkeyay ka hor wdahadalada

    Wafdiga Iiraan ayaa gaaray magaalada Islamabad ka hor wadahadallada nabadda ee la qorsheeyay inay la yeeshaan Mareykanka maalinta Sabtida.

    Halkan waxaa ku yaal waxyaabaha ugu muhiimsan ee la ogaanayo ka hor wadahadallada:

    Pakistan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhexaysay Iiraan iyo Mareykanka, iyada oo door dhexdhexaadin ah ciyaareysay. Waxay leedahay xiriir taariikhi ah oo ay la leedahay Iiraan, halka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, uu Iiraan “ka yaqaan si ka fiican inta badan dadka kale.”

    Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu helay soo jeedin ka kooban 10 qodob oo ka timid Iiraan, taas oo uu ku tilmaamay “sal wanaagsan oo lagu wada xaajoon karo.”

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa isaguna sheegay inay jiraan soo jeedin kale oo ka kooban 15 qodob, taas oo wadaxaajoodayaasha ugu sarreeya ee Trump ay sheegeen inay soo afjari karto khilaafka.

    Labada soo jeedin midkoodna si rasmi ah looma shaacin—inkastoo nuqullo la sheegay in la faafiyay—balse waxay u muuqdaan kuwo aad u kala fog, sida uu sheegay weriyaha arrimaha diblomaasiyadda.

    Duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan ayaa weli shaki gelinaya wadahadallada nabadda. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkaystay in xabbad-joojintu aysan khuseyn Lubnaan, halka ciidamadiisu ay Arbacadii duqeeyeen bartilmaameedyo kala duwan oo dalkaas ah, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 300 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

    Fiidnimadii Jimcaha, Lubnaan waxay sheegtay inay toddobaadka soo socda Washington kula hadli doonto Israa’iil arrinta xabbad-joojinta.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sii jeeda Islamabad si uu uga qeyb galo wadahadallada, isaga oo ay la socdaan ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo la-taliyaha Trump isla markaana sodoggiisa ah Jared Kushner.

  18. Wasaaradda Waxbarashadu Iiraan oo shaacisay tirada macallimiinta iyo ardaydii lagu dilay dagaalka

    Wasaaradda Waxbarashada ee Iiraan ayaa sheegtay in tirada ardayda iyo macallimiinta lagu dilay dalka intii uu socday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay gaartay 344 qof.

    Tiradan la shaaciyay, 277 qof waxay ahaayeen arday, halka 67 ay ahaayeen macallimiin.

    Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in 857 dugsi ay waxyeello soo gaartay ama gebi ahaanba la burburiyay tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

    Weerarkii lagu qaaday dugsiga Shajare Tayyiba ee ku yaalla magaalada Minab subaxnimadii Sabtida, 29-ka Maarso, qiyaastii afar saacadood kadib markii ay bilaabmeen duqeymaha cirka ee Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan, ayaa noqday mid ka mid ah arrimaha ugu muranka badan tan iyo bilowga dagaalka, wuxuuna dhaliyay cambaareyn ballaaran.

    Weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada tobanaan arday.

    Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen arday wiilal iyo gabdho ah oo da’doodu u dhaxaysay 7 ilaa 12 sano.

    Macallimiin dhowr ah iyo waalidiinta ardayda ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka.

    Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku dhawaaqday in tirada guud ee macallimiinta iyo ardayda lagu dilay dagaalka ay tahay 344.

  19. CNN:Shiinaha ayaa isku diyaarinaya inuu nidaamyada difaaca hawada u gudbiyo Iran

    CNN, oo soo xiganaysa saddex “ilo oo xog-ogaal u ah qiimeynta sirdoonka,” ayaa sheegtay in iyadoo lagu salaynayo xogta sirdoonka Mareykanka, Shiinaha uu isu diyaarinayo inuu toddobaadyada soo socda u gudbiyo nidaamyo cusub oo difaaca cirka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Shabakadda ayaa sheegtay in ay jiraan tilmaamo muujinaya in Beijing ay isku dayayso inay Shixnadan hubka u marsiiso waddamo saddexaad si loo qariyo halka ay ka yimaadeen.

    Ilo Mareykan iyo Shiine ah weli kama aysan hadlin arrintan.

    CNN ayaa sidoo kale, iyadoo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, sheegtay in Beijing ay diyaarinayso inay wareejiso gantaallo lidka diyaaradaha ah oo ah nooca garabka laga rido.