Tallaabadan ayaa ku timid codsi ka yimid Pakistan, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto xannibaadda ay ku hayso dekedaha Iran.
War deg deg ah, Xog laga helay Trump oo ku saabsan xannibaadda Mareykanka ee maraakiibta Iiraan
Ilo wareed
ka tirsan laamaha amniga ee dalka Pakistan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee
Reuters inay telefoonka ku wada hadleen madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump
iyo taliyaha ciidamada Pakistan.
Labada mas’uul
ayaa ku wada hadlay taleefoonka, wuxuuna Trump sheegay inuu qaadan doono waxa uu
ku taliyo taliyaha, oo ku saabsan waxa uu ka yeeli doono xayiraadda maraakiibta
Iiraan ee Marinka Hormuz.
Xannibaadda
marin biyoodka Hormuz ayaa caqabad ku ah wadahadallada nabadda ee lala galo
Iiraan.
fhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Iiraan aysan weli go'aansan inay ka qaybgasho wareeg labaad oo wadahadallo ah oo ay la yeelanayso Mareykanka iyo in kale.
"Ilaa hadda... ma hayno qorshe ku saabsan wareegga xiga ee gorgortanka, mana jirto wax go'aan ah oo arrintan laga gaaray," ayuu yiri afhayeenka, Ismaaciil Baghaei, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.
Shiinaha oo ka hadlay Makabka Iiraan ee uu Mareykanka qabtay
Xigashada Sawirka, Centcom
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa
ku baaqay in wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ay tahay
inay dib u bilaabmaan, ka dib markii uu Mareykanka gacanta ku dhigay markabka Touska
oo uu ka babanayay calanka Iiraan.
Guo Jiakun ayaa shir jaraa'id ka sheegay in Shiinuhu uu
"walaac ka muujinayo" "qabashada qasabka ah" ee ciidamada
Mareykanka ay ku qabsadeen markabka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee
AFP.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa hore ugu
tilmaantay xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka ee dekedaha Iiraan
"mid mas’uuliyad darro ah oo khatar ah".
Shiinaha ayaa lagu qiyaasaa inuu iibsado qiyaastii 90% shidaalka
ay Iiraan dhoofiso - iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan in xayiraadda
Mareykanka looga gol leeyahay Shiinaha, oo la doonayo inuu cadaadis saaro Iiraan.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isha ku haya nooc cusub oo ah Covid-19 oo noocyo badan leh, kaas oo ilaa hadda laga helay 23 waddan.
Noocan cusb oo si rasmi ah loogu magacaabay BA.3.2 ayaa sidoo kale lagu arkay USA, Hong Kong, Mozambique, iyo UK.
Inkastoo aysan jirin wax caddaynaya in noocan uu ka khatar badan yahay kuwa kale, haddana khubaradu waxay xuseen in carruurtu ay u muuqdaan inay ugu dhowdahay inay qaadaan cudurka marka loo eego dadka waaweyn.
Haddaba intee in le'eg ayay tahay in aan welwelno?
Waa maxay noocan cusub ee cudurka – CICADA
Noocan BA.3.2 waxaa lagu magacaabay "Cicada" sababtoo ah ka dib markii la ogaaday bilawgiiba, waxaana la arkay inuu yahay mid aan firfircoonayn muddo dheer (dormant) qaybo ka mid ah aduunka, waxayna ku nool yihiin dhulka hoostiisa muddo dheer.
Noocan ayaa markii ugu horreysay laga helay Koonfur Afrika bishii Noofambar 2024, laakiin ma aysan ahayn kuwo sii kordha illaa Sebtembar 2025.
Bishii hore, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa ku dhawaaqday in kiisas laga soo sheegay 25 gobol.
Sida laga soo xigtay machadka, cudurkan BA.3.2 waxaa laga helay suuf sanka oo laga soo qaaday afar rakaab ah, muunado caafimaad oo laga qaaday shan bukaan ah, iyo 132 muunado oo laga soo qaaday biyo wasakh ah.
Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa durba billowday xiisaha ku saabsan qodista shidaalka oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in shidaalka durba uu dibadda u soo bixi doono.
Arrintan waxaa sii xoojiyey ka dib markii jimcihii lagu soo dhaweeyay xeebaha Muqdisho markabka Cagri Bey ee qodaalka samaynaya.
Laakinse khubaradu waxay qabaan in ay jiraan dhowr marxaladood oo qodista iyo soo saarista shidaalku ay ka yihiin laba qayb oo muhiim ah.
Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir ka faallooda arrimaha shidaalka ayaa BBC u kala qeexay labadaas marxaladood.
Wuxuu ku bilaabay in wejiga hadda la galayo uu yahay 'wajigii labaad ee sahaminta'.
Xogtii hore waxay ahayd mid badda gunteeda laga baaray oo sawir u badan. Maadaama markabku qodayo meelihii hore loo baaray ayaa wejina ka mid tahay sahanka, welina waxay ka mid tahay horumarinta. Wajiga hadda lagu jiro dhowr marxaladood ayuu marayaa, kuwaasoo ah in la qodo, in naamuunado laga qaado nooca shidaalka, in qiyaas lagu sameeyo, kaydka ku jira int auu le'eg yahay" ayuu yiri.
Marka arrimahaas laga soo gudbo ayuu Naafic sheegay in qorshihii qoditaanka shidaalka la soo saarayo la gali doono, qiyaasta kharashka galaya, iyo marinka dibadda loogu dhoofinayo. "Wejigan waa mid go'aan qaadasho oo lagu go'aamiyo in shidaalku ganacsi geli karo oo hore loo sii socon karo" ayuu sii raaciyey.
Wuxu intaa ku daray in wajiga horumarinta oo hadda bilaabanaya uu socon karo 5 - 8 sano. "Markaa ka dib ayaa loo gudbayaa wajiga wax soo saarka oo la diyaarinayo riigaggii iyo goobihii badda gudaheeda laga dhisi lahaa, dhuumihii qaadi lahaa, kaydadkii iyo qalabkii iyo warshadihii ka shaqayn lahaa" ayuu qiyaas ku bixiyey.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo go’aan ka soo saartay wadahadallada Mareykanka
Afhayeen u
hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Iiraan aysan weli
go'aansan inay ka qaybgasho wareeg labaad oo wadahadallo ah oo ay la yeelanayso
Mareykanka iyo in kale.
"Ilaa
hadda... ma hayno qorshe ku saabsan wareegga xiga ee gorgortanka, mana jirto
wax go'aan ah oo arrintan laga gaaray," ayuu yiri afhayeenka, Ismaaciil
Baghaei, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.
Madaxweyne
Trump ayaa sheegay inuu wafdi u dirayo Pakistan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne
ku xigeenka JD Vance si ay wadahadallo u yeeshaan fiiidnimada Isniinta ah.
Ergayga
Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay Jared
Kushner ayaa sidoo kale la filayay inay ka soo qayb galaan wadahadalka.
Axaddii
warbaahinta dawladda Iiraan waxay sheegtay in mas’uuliyiintu aysan
qorsheyneynin inay ka qeyb galaan sababtoo la xirriira xayiraadda
Mareykanka ee maraakiibta Iiraan.
Jimcihii ay bisha Disembar 26ka ahayd ayaa lagu baraarugay ictiraafkii ugu horreeyey ee Somalland ay ka heshay dal awood iyo miisaan kuleh fagaarayaasha caalamka.
Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo saxiixaya sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland. Waxaa kale oo isla xilligaas Khadka ku jiray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhoollo-caddaynaya.
Wixii intaas ka dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey diidmada iyo aqoonsigaas, mana jirin dal taageero u muujiyey, marka laga reebo Taiwan oo iyada qudheeda sheegata in ay ka go'day Shiinaha, sidaa darteed Israa'iil waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee dal madax banaan u aqoonsada Somaliland.
Somaliland iyo Israa'iil si furan oo toos ah uma aysan soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Dadka wax indha indheeya waxay aad isha ugu hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah. Midi waa in ay saldhig ku yeelato badda cas si ay isaga ilaaliso khaatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta. Qodobka labaad oo ah mid aysan Somaliland ilaa hadda ogolaan ah, hase yeeshee jaamacadda carabtu ay sheegtay inuu ku jiro qorshaha Israa'iil ayaa ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka la soo musaafuriyo.
Dhanka Somaliland kama aysan hadlin waxa danta u ah ee ay ku helayaan heshiiskan marka laga reebo in ay Israa'iil aqoonsatay.
Bam la aasay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo la helay
Qiyaastii
800 oo askari oo boolis ah ayaa isku gadaamay goob ku taal waqooyi-galbeed ee
magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, iyadoo khubaradu ay isku dayayaan
inay xakameeyaan bam laga helay halkaas oo aasanaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee
Adduunka.
Bamka waxaa
laga helay aagga Colombes sagaal maalmood ka hor, laakiin khubaradu ma aysan
awoodin inay ka saaraan isku daygoodii ugu horreeyay sababtoo ah qolofkiisa
ayaa waxyeelloobay.
Qorshaha
hadda socda waa in loo soo sare qaado ilaa laba miitar.
Midowga Africa oo war ka soo saaray safiirkii ay Israa’iil u soo magacaawday Soamliland
Xigashada Sawirka, Social media
Guddiga
Midowga Afrika ayaa soo saaray warqad ay uga hadayaan safiirkii ay Somaliland
Arbacadi u soo magacaawday jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.
Waxay
warqadda ku sheegeen inay si adag u cambaareynayaan talllaabadan oo dabcan ah go’aanka
Israa’iil ay ku magacawday safiir loo dirayo wax loogu yeero “Somaliland.”, waa sida ay
iyaga hadalka u dhigeene.
“Guddigu
wuxuu mar kale xaqiijinayaa ixtiraamka Midowga Afrika uu u hayo
madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan
Xeerka aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah. Midowga ma
aqoonsana Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan”, ayaa lagu yirii bayaanka
ka soo baxay Midowgu.
Iyadoo la
xusuusinayo bayaankii ka soo baxay kulankii 1324aad ee Golaha Nabadda iyo
Ammaanka ee Midowga Afrika ee 6-da Janaayo 2026, Guddigu wuxuu carrabka ku
adkeynayaa in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo la siiyo Somaliland uu yahay
mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka digayaa in tallaabooyinka noocaas ahi ay
khatar gelin karaan xasilloonida gobolka, ayaa lagu yiri qoraalka warqadda.
Midowga
Afrika waxaa weli ka go’an taageeridda nabadda, dowlad-dhiska, iyo midnimada
qaran ee Soomaaliya ayaa intaas la sii raaciyay.
Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa Sabtidii shalay ahady cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."
Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.
Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."
Cilmi baaris lagu cabiray farqiga dhinaca heer-kulka ee u
dhaxeeya xiniinta bidix iyo tan midig ee ka mid ah xubnaha taranka ragga ayaa
qeyb ka noqotay daraasado 2019-kii ku guuleystay abaal marinta qaaliga ah ee
Nobel-ka.
Khubarada ku takhasusay cilmiga taranka dadka ee lagu kala
magacaabo Roger Mieusset iyo Bourras Bengoudifa ayaa cabirka heer-kulka ku
sameeyay rag u dhashay dalka Faransiiska.
Waxay cilmi baaristaas ku sameeyeen isagoo dhar xiran iyo
isagoo aan xirneyn labadaba.
Aqoonyahannadan ayaa markaas ka dib ogaaday in xiniinta
bidix ay ka diirran tahay tan midig, balse ay saas tahay kaliya marka uu ninku
dharka xiran yahay.
Abaal marinta qaaliga ah ee lagu bixiyo dhinaca cilmi
baarista caafimaadka ee la yiraahdo Ig Nobel ayaa looga dhawaaqay munaasabad ka
dhacday Jaamacadda Harvard.
Natiijada cilmi baarista ay soo saareen ayaa lagu daabacay
wargeys ka faallooda arrimaha la xiriira taranka bani'aadanka, waxayna
khubaradu ku sharraxeen tijaabada ay sameeyeen iyo cilmiga ay ku ogaadeen
markii ugu horreysay.
Waxay khubaradan ka codsadeen 11 rag ah oo ka shaqeeya
boostada waraaqaha lagu diro inay muddo 90 daqiiqo ah meel istaagaan, halka ay
iyaguna cabir ku sameynayeen heer-kulka kala duwan ee xubnahooda taranka.
Tijaabo kale oo ay hirgaliyeen ayey ku sameeyeen 11 nin oo
ka mid ah darawaliinta basaska kaxeeya, kuwaasoo iyagana fadhiyay xilligaas.
Ig Nobels ayaa la guddoonsiiyaa natiijooyinka cilmi baarista
ee mowduucoodu uu sanadkaas noqdo kan ugu muhiimsan.
Iyadoo taas loo eegayo, cilmi baareyaal kale ayaa sheegay in
heer-kulka la xiriira xiniinyaha ragga ay saameyn buuxda ku leeyihiin shaqada
xubnaha taranka.
Tayada dhinaca taranka ee ay leedahay shahwada ragga ku nool
dalalka reer galbeedka ayaa hoos usii dhaceysa, laakiin wax yar unbaa laga
ogyahay sidii horumar lagu gaarsiin lahaa.
Nin lagu magacaabo Craig Franklin ayaa BBC-da u sheegay in
ay musiibo ku habsatay markii uu ogaaday inuusan wax shahwo ah lahayn gabi
ahaanba.
Iiraan oo maraakiib Mareykan ah weerartay
Wakaaladda
wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa werisay in Iiraan ay weerarro cirka ah ku
qaadday maraakiibta militariga Mareykanka ee ku sugan Gacanka Cumaan, ka dib
markii ciidamada badda ee Mareykanku ay gacanta ku dhigeen markab xamuul ah oo
laga leeyahay Iiraan oo ku sugan Gacanka Cumaan.
Ma jiraan
wax warbixino ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarrada loo adeegsaday diyaaradaha
aan duuliyaha lahayn.
Horey,
Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan - oo ah qaybta ugu sarreysa ee
taliska hawlgallada ee isku dubaridka ciidamada qalabka sida - ayaa ku
tilmaamay hawlgalka ciidamada badda ee Mareykanka mid xadgudub ku ah
xabad-joojinta, waxayna balan qaadeen inay ka"aargudan doonaan falkan
burcad-badeednimo ee hubaysan ee ay geysteen ciidamada badda ee
Mareykanka."
Taliska ugu sarreeya ee ciidamada Iiraan, Khatam al-Anbiya ayaa ku hanjabay in Iiraan ay jawaab ka bixin doonto tallaabada Mareykanku ku qabsaday markab xamuul ah oo calanka Iran sitay, kaas oo ciidamada Badda Maraykanka ay rasaaseeyeen isaga oo kusii jeeda gacanka Cumaan, waxa uuna ku tilmaamay falkaas “jebinta xabbad-joojinta.”
Sida lagu sheegay bayaan ay baahiyeen warbaahinta dowladda, afhayeen ayaa sheegay in Mareykanku “jebiyay xabbad-joojinta isagoo rasaas ku furay mid ka mid ah maraakiibta ganacsiga Iiraan ee ku sugan biyaha Badda Cumaan, curyaamiyay nidaamka hagista, kadibna fuulay” isagoo adeegsanaya ciidamada Marines.
“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay si dhakhso ah uga jawaabi doonaan oo uga aargudan doonaan falkaan burcad-badeednimo hubeysan ee ay sameeyeen ciidamada badda Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Reza Amiri Moghadam, safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u fadhiya Pakistan, ayaa sheegay in “inta go’doominta badeed ay socoto, khilaafaadka” u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka “ay sii socon doonaan.”
Amiri-Moghaddam ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku yiri: “Ma sii wadi kartaan jebinta sharciga caalamiga ah, ma xoojin kartaan go’doominta, ma hanjabi kartaan Iran dembiyo dagaal oo dheeraad ah, ma ku adkeysan kartaan dalabaad aan macquul ahayn, ma ku tartami kartaan hadallo aan loo baahnayn, isla markaana aad iska dhigaysaan inaad ‘diblomaasiyad’ waddaan.”
Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inuu wafdi u diray Islamabad si ay wadahadal ula yeeshaan Iran, balse Iran waxay sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin inay ka qayb gasho wareegga xiga ee wadahadallada.
Mareykanka ayaa qabtay markab xamuul ah oo uu ka
babanayay calanka Iiraan oo isku dayayay inuu ka gudbo xayiraadda uu ku soo
rogay dekedaha Iiraan, sida uu sheegay Donald Trump
Markabka waxaa loo diray "digniin uu ku istaago"
Gacanka Cumaan laakiin way diideen, sidaa darteed ciidamada badda "ayaa si
sax ah u joojiyay ayuu yiri Trump, isagoo intaa ku daray in markabku uu ku jiro
"gacanta" Mareykanka.
Muuqaalka hoose ka daawo sida ciidamada Mareykanka ay
xabadaha ugu fureen markabka Iiraan ee ay gacanta ku dhigeen
Qoraalka Muuqaalka, Markii ay ciidanka Maraykanku rasaasta ku ridayeen markabka Iiraan
War ka soo kordhay wefdiga Mareykanka ee u socday Pakistan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in
wafdi ay u safri doonaan Pakistan si ay u gaaraan wareeg cusub oo wadahadallo
ah oo ay la yeelan doonaan Iiraan.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu ku sheegay in
"wakiiladiisa" ay imaan doonaan Islamabad fiidnimada Isniinta caawa.
Wax yar ka dib, Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne
Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance inuu hoggaamin doono wafdiga.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa BBC-da u xaqiijiyay in
wafdiga ay ku jiri doonaan la-taliyayaasha Trump Steve Witkoff iyo Jared
Kushner, kuwaas oo labaduba goobjoog ka ahaa wadahadalladii hore ee fashilmay.
Texraan weli ma xaqijin inay ka qeyb qaadan doonto
wadahadalladaas.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa ku warantay in
mas'uuliyiinteedu aysan ka qayb qaadan doonin wadahadallada inta xayiraadda
Mareykanka ee maraakiibta Iiraan ay weli jirto.
Wadahadalladii ugu dambeeyay waxay socdeen qiyaastii 21
saacadood, waxaana lagu guuldareystay in heshiis nabadeed lala gaaro Washington
iyo Tehran oo aad u kala fogaaday arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan
barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Maxaan ka ognahay markabka Tosca ee uu ka babanayay calanka Iiraan?
Xigashada Sawirka, MarineTraffic
Sida aan hore u
soo sheegnay, Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay
in ciidamada badda Mareykanka ay rasaas ku fureen markab xamuul oo calanka
Iiraan sita oo lagu magacaabo Touska oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.
Sida laga helay xogta MarineTraffic, markabka Touska wuxuu
kasoo baxay dekedda Port Klang ee Malaysia 12-kii Abriil, waxa uuna ku soo
socday dhanka Gacanka Cumaan.
Iyadoo lagu saleynayo xogta nidaamka Aqoonsiga Tooska ah
(AIS), Touska wuxuu qiyaastii 40 mayl-badeed u jiray dekedda Chabahar ee
koonfur-bari Iiraan abbaaro 13:00 GMT maanta, ka hor inta uusan istaagin,
markaas oo uu dib u jeestay kadibna inyar waxa uu u leexday dhanka Bari, ugu
dambaynna gabi ahaanba waa uu istaagin.
Markabkan xamuulka qaada ee konteenarrada ah wuxuu
dhererkiisu ka badan yahay 290 mitir, wuxuuna leeyahay dhex qoto-dheer
qiyaastii 13 mitir. Waxaa u muuqata inuu si buuxda ama qayb ahaan u siday
xamuul.
Markabka Touska wuxuu ku jiraa liiska maraakiibta ay
cunaqabataynta saartay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka.
Dalal hor leh oo ka hor yimid safiirka ay Israa'iil u soo magacowday Somaliland
Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."
Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.
Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."
Israa'iil ayaa Arbacadii magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.
Madaxweyne Trump ayaa meel fagaare ah ku dhawaaqay hadal yididiilo leh usbuucii la soo dhaafay, isagoo soo jeediyay in heshiis lala gaaro dowladda Iiraan.
Laakin maanta waxaa kasoo yeeray hadal kaas lidiid ku ah, isaga oo mar kale ku hanjabay in uu "burburin doono" xarumaha korontada iyo buundooyinka Iiraan.
Waxay u muuqataa in istaraatijiyaddia maamulkiisu ay tahay inuu sii wado cadaadiska dhaqaale ee uu saarayo Iiraan - iyada oo loo marayo xannibaadda badda iyo cunaqabataynta dheeraadka ah - si loo helo heshiis uu ku qanacsan yahay Trump.
Hanjabadiisii u dambaysay waxay kor u qaadaysaa culayska iyo khatarta abuurista jawi aad u kacsan, marka wada xaajoodka iyo xabbad joojinta labaduba u muuqdaan kuwo jilicsan.
Wali dhanka Iiraan lama xaqiijin in ay tagi doonto miiska wadahadalada, maalmaha soo socda waxa ay noqon karaan kuwo muhiim u ah go'aan ka gaarista in diblumaasiyadu ay qaban karto.
Aqalka Cad ayaa u arka in kulankaan uu noqdo mid diblumaasiyadeed oo kama dambeys ah, ka hor inta aan dib loogu laaban dagaal heer gobol ah oo buuxa.
Dhanka kale, in Iiraan ka tanaasusho Hormuz, taasi waxa ay dhici kartaa kaliya marka xildhibaan sare oo Iiran ah uu sheego inay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan gacan ku haynta marin biyoodka Hormuz.
"Waa xuquuqdeena lama taabtaanka ah," Ebrahim Azizi, oo ah taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), ayaa u sheegay BBC isagoo ku sugan Tehran. "Iraan waxay go'aansan doontaa xaqa ay u leedahay marinka, oo ay ku jirto ogolaanshaha maraakiibta si ay uga gudbaan marin biyoodka."
Waxaana uu sheegay in taasi ay ku dhowdahay in sharciga lagu dhaqmo.
"Baarlamaanka waxaan horgeyneynaa sharci, annagoo ka duulayna qodobka 110-aad ee dastuurka, kaasoo ay ku jiraan deegaanka, badqabka badda iyo amniga dalka, ciidamada qalabka sida ayaana sharciga dhaqan gelin doona," ayuu yiri xildhibaankan ka tirsan guddiga amniga Qaranka iyo siyaasadda dibadda.