You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israa'iil oo beegsatay goob gantaallo oo ku taala Iiraan iyo qiimaha shidaalka oo kor u kacay

Waxa uu hoggaamiyihii hore ee Iiraan Ali Khamenei, ku tilmaamay “nin waalnaa”, isagoo sidoo kale sheegay in Iiraan aysan dooneyn in ay la wareegto Israa’iil oo kaliya, balse ay dooneyso “Bariga Dhexe oo dhan”.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Pentagon oo diiday ka hadalka askar tobonaan kun ay u dirayaan Bariga Dhexe

    Pentagon ayaa diiday inay ka hadasho wararka sheegaya inay ka fiirsanayso u dirista ilaa toban kun oo askari oo dheeraad ah Bariga Dhexe.

    Waregayska Wall Street ayaa tabisay in kordhinta ciidamada ay siin doonto Donald Trump fursado milatari oo badan. Ilaalada kacaanka ee Iran ayaa soo saaray digniin cusub oo ah in marin-biyoodka Hormuz uu weli xiran yahay.

    WARAR DHEERAAD AH

  2. Israa'iil oo hanjabaad culus dirtay

    Wasiirka Gaashaandhigga ee Israa’iil, Yisrael Katz, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in ciidanka Israa’iil ay kordhin doonaan weerarradooda ka dhanka ah Iran, iyadoo ay sabab u tahay sii socoshada weerarrada gantaallada.

    Wuxuu ballanqaaday in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay bixin doonto qiimo culus.

    Katz ayaa ku yiri muuqaal ay xafiiskiisu soo saareen: “Inkasta oo digniino la bixiyay, haddana weerarradu way socdaan, ciidanka Israa’iilna waxay kordhin doonaan oo ballaarin doonaan duqeymaha ka socda Iran si ay u gaaraan bartilmaameedyo kale oo ka tirsan qaybaha ka caawiya nidaamka inuu horumariyo oo adeegsado awood ciidan oo ka dhan ah rayidka Israa’iil.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxay bixin doonaan qiimo culus, oo sii kordhaya, dambigan dagaal awgiis.”

  3. Khaladaadkii nuclear-ka ee lagu burburin gaadhay adduunka

    Laga soo billaabo xayawaanno iska dhex galay meelo xasaasi ah ilaa cillado kumbuyuutarro ka yimid, waxaan eegi doonnaa dhacdooyin sabab u noqon rabay isticmaalka hubka sida ba'an wax u gumaada iyo sida ay u sahlan tahay in ay dhacaan khaladaad horseedi kara inuu qarxo dagaal la isku adeegsado nuclear.

    Dad badan waxay iskudhac noocaas ah ku tilmaamaamaan inuu noqon doono Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.

    Xilli saq dhexe ah, oo taariikhdu ay ku beegneyd 25 October 1962, ayey diyaarad ku dageysay garoonka gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka, waxaana waddada diyaaradaha ku cararaan ku socday gaadhi isku dayay inuu ku hago qaabkii ay u cago dhigan lahayd.

    Laakiin daqiiqado yar ka hor xilligaas, nin waardiye ka ah xarunta kormeerka iyo hagista ee Duluth ayaa isha ku dhuftay hooska wax uu dabcan u maleeyay ruux, oo isku dayaya inuu darbiga uga soo dhaco xaruntaas.

    Rasaas ayuu riday wixii uu hooskiisa arkayay, isagoo ka cabsanayay inuu ahaa weerar Mareykanka looga soo qaaday dhinaca Midowgii Soviet.

    Islamarkiiba waxaa la sii daayay astaamaha qeylodhaanta ee muujiya marka dal lasoo faragaliyo. Waxaa seeriga qeylodhaantaas laga yeedhiyay dhammaan saldhigyadii ciidamada cirka ee ku yaallay aaggaas.

    Xaaladdu waxay usii xumaatay si deg deg ah oo taariikhda gashay. Taas waxaaba kasii darneyd markii saldhig ay ciidamada cirka lahaayeen oo halkaas u dhawaa ayuu qof ka sameeyay khalad kale. Halkii uu daari lahaa qeylo dhaanta digniinta ee caadiga ah ayuu daaray mid ka duwan taas. Dhammaan duuliyeyaashii ayaa maqlay digniin deg deg ah oo u sheegeysa inay durba diyaaradaha kiciyaan.

    Wax yar kaddib hawadii oo idil way isqabsatay, dhammaan diyaaraihii oo uu saaran yahay hubka nuclear-ka ayaa cirka wada galay

  4. War deg deg ah, Doomo gargaar sida oo la la'yahay iyo gurmad lagu baadigoobayo oo socda

    Hawlgal baadi-goob iyo samatabbixin ah ayaa ka socoda jasiiradaha Kariibiyaanka si loo helo laba doomood oo la la’yahay oo siday gargaar bini’aadantinimo, kuwaas oo ka soo safaray dalka Mexico kuna sii jeeday Cuba.

    Mexico ayaa dirtay kooxo ciidanka badda ah iyo diyaarado milatari oo wax baara si ay u helaan doomaha lagu kala magacaabo Friendship iyo Tigger Nondo, kuwaas oo ay saarnaayeen ugu yaraan sagaal shaqaale ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidanka badda ee Mexico.

    Doomahan ayaa la filayay inay gaaraan Havana maalinta Talaadada ama Arbacada, balse wax xiriir ah lagama helin, mana jiro xaqiijin muujinaysa inay halkaas gaareen, sida ay sheegeen ciidanka badda.

    Ciidanka badda ee Mexico ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay adeegsadaan dhammaan awoodda ay hayaan si ay u helaan doomaha una xaqiijiyaan badbaadada shaqaalaha.

    Labada doon ee la la’yahay ayaa ka ambabaxay Isla Mujeres, oo ku taalla gobolka Quintana Roo ee dalka Mexico, taariikhdu markay ahayd 20-ka Maarso.

    “Kabtannada iyo shaqaaluhu waa badmaaxiin khibrad leh, labada doonna waxay ku qalabeysan yihiin qalab badbaado oo ku habboon iyo aalado la adeegsan karo xilliyada khataruhu jiraan,” ayuu yiri afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka, isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

    “Waxaan si buuxda ula shaqeyneynaa hay’adaha mas’uulka ah arrimahaan, waxaana weli kalsooni ku qabnaa awoodda shaqaalaha inay si nabad ah u gaaraan Havana.”

  5. Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya iyo halkii ay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka

    Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.

    Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.

    Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.

    Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.

    Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977

    Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.

    Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bilowday xiriirka Soomaaliya iyo midowga Soofiyeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soomaliya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysaynayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa.

    Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u warramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruushku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xilligaas casri ahaa.

  6. “Awoodda Iiraan waxay khatarta ku sii kordhinaysaa NATO”

    Xoghayaha guud ee gaashaan-buurta NATO, Mark Rutte, ayaa soo bandhigay warbixintiisa sanadlaha ah ee 2025 shir jaraa’id oo uu ku qabtay Brussels.

    Mar wax laga waydiiyay haddii dagaalka Iran uu hadda yahay arrin NATO u taalla, Rutte wuxuu yiri in isbahaysiga NATO uu "mudo dheer aqoonsaday khatarta barnaamijka gantaallada Iran uu ku leeyahay xulafadiisa iyo danahooda".

    Wuxuu sheegay in waxa Maraykanku samaynayo ay tahay "yareynta awoodahaas, labadaba kuwa nukliyeerka iyo gantaallada".

    Iran hadda waxay leedahay "awood si isa soo taraysa u khatar u ah xulafada", ayuu Rutte yiri, isagoo intaa ku daray in nidaamyada difaaca NATO ay si guul leh u joojiyeen gantaallo balistik ah oo ku sii jeeday Turkey seddex jeer oo kala gooni-gooni ah.

    Hadalladiisu waxay yimaadeen kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sii waday dhaleeceynta dalalka NATO iyo jawaabtooda ku aaddan dagaalka Iran.

    Sidoo kale akhriso:

  7. 3 Qaab oo kuu fududeyn kara in aad baasaboorka Soomaaliya ugu safartid meelo badan

    Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa si joogto ah isu beddelayay darajada uu baasaboorka Soomaaliya ka joogo liiska qiimeynta baasaboorrada ee hay'adda Passport Indext, inkastoo uu weli meel hoose ku jiro. Haddaba shakhsi ahaan, sideed adiga baasaboorkaaga awood ugu yeeli kartaa.

    Xogtii ugu dambeysay ee lagu soo bandhigay bogga Passport Index ayaa muujineysa in baasaboorka Soomaaliya uu dhowr darajo kor u kacay, isagoo ka sare maray baasaboorrada waddamo dhawaan ka horreeyay.

    Waqti xaadirkan waxa uu aqoonsiga lagu safro ee Soomaaliya ku jiraa kaalinta 195aad, waxaana ka hooseeya 4 dal oo kala ah; Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan.

    Soomaalida wadata baasaboorka Soomaaliga oo danta ka yeesha adduunka ayaa inta badan waddamada ay u safrayaan lagu xujeeyaa in ay dalbadaan dal-ku-gal ama fiiso. Arrintaas waxaa kaga baxa kharash iyo wakhti labadaba.

    Dadka caqabadaha kala kulmay baasaboorka Soomaaliga waxaa ka mid ah Bisle Maxamed oo BBC-da u sheegay in uu dhacdooyin badan la kulmay.

    “Mar walba baasaboorka Soomaaliga ah waa daciif, sababtoo ah garoomada diyaaradaha qaar marka aad tagtid waxaa laguu maleynayaa in aad wadatid wax been ah, marka aad ayaa laguu baarayaa, aad ayaa laguu dhibayaa," ayuu yiri.

    Tani waa qeyb yar oo ka mid ah dhibka ay la kulmaan dadka wata baasaboor Soomaaliga. Laakiin waxaa ba adag in marka hore qofku helo dal-ku-gal ama fiisa socdaalka.

    “Tusaale ahaan, sanadkii 2021 anigoo u socda Cumaan [ayey diyaaraddii aan la socday ku hakatay Imaaraadka Carabta], warqadaheyga iyo wax walba anigoo wata ayaa la igu xujeeyay warqado kale inaan ka helo Cumaan, waxaa la igu yiri ‘maxaad online uga sameyn weysay’, ‘warqadda hoteelka sax ma aha’, marka dhibkaas ayaan mar walba lala kulmaa,” ayuu yiri Bisle.

  8. War deg deg ah, Degdeg: Weerar lagu qaaday dekadda ganacsiga ee dalka Kuwait

    Kuwait ayaa sheegtay in dekeddeeda ganacsi ee ugu weyn lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ugu yeertay “cadow ”.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Dekedaha Kuwait ayaa lagu sheegay in dekedda Shuwaikh la weeraray, iyadoo intaa lagu daray in “wararku uu gaystay khasaare hantiyeed, balse aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah.”

    Waxay sidoo kale la sheegay in hadda la hirgeliyey tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameynayo xaaladda dekedda.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan oo la shaaciyay halka ay ka dhacayaan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in wakiillo ka socda Maraykanka iyo Iran ay qorsheynayaan inay kulmaan Pakistan si ay uga wadahadlaan arrimo siyaasadeed. Wuxuu sheegay in kulankaasi uu ka dhici doono Pakistan “waqti dhow.”

    Sida laga soo xigtay Reuters, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Johannes Waddeweihl, ayaa ku sheegay raadiyaha Jarmalka in ay jireen xiriirro “aan toos ahayn” oo u dhexeeya labada dal, isla markaana diyaarinta kulanka tooska ah la sameeyey.

    Hadalkan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa yimid xilli wakiilka Maraykanka ee Bariga Dhexe, Steve Wittkoff, uu Khamiistii xaqiijiyey in Pakistan ay door muhiim ah ka ciyaareyso dhexdhexaadinta Maraykanka iyo Iran.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, iyo Wasiirka Warfaafinta, Atta Tarar, ayaa labaduba xaqiijiyey dadaallada Pakistan ee dhexdhexaadinta Maraykanka iyo Iran.

  10. Maxaa ka dhaxeeya sakiinta cabsida abuurtay iyo Al-Shabaab?

    Dib u milicso: Nooc ka mid ah sakiinta lagu xiirto oo magaca la wadaagto koox Islaami xagjir ah oo argagax iyo cabsi badan ku haysay dadka deggan gobolka ku yaal woqooyiga dalka Mozambique ee Cabo Delgado ayaa walwal iyo cabsi ku abuurtay ma'uuliyiinta dalkaasi.

    Sakiintan oo lagu magacaabo Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay laga isticmaalayay dalkaasi Mozambique.

    Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa haatan ka cabsi qabo in uu xiriir ka dhaxeeyo sakiintaasi iyo koox lagu magacaabo Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka la baxay Dowladda Islaamka ee IS oo muddo sanado ah dhibaato ka geysanasyay woqooyiga dalkaasi.

    Halkaan ka akhri sheekada oo dhameystiran: Maxaa ka dhaxeeya sakiinta cabsida abuurtay iyo Al-Shabaab?

  11. Trump oo sheegay in Iraan ay jirto hal arrin oo ay ku fiican yihiin

    Donald Trump ayaa sheegay in tan iyo 28-kii Febraayo, markaas oo dagaalku bilowday, Maraykanku uu weerarayay awoodda milatari ee Iiraan “heer ay dad yar waligood arkeen.”

    Wuxuu sheegay in Maraykanku si “buuxda” u burburiyay ciidanka badda iyo cirka ee Iiraan, isla markaana uu baabi’iyay “ku dhowaad 90%” qalabka gantaallada laga tuuro, iyo “malaha in ka badan 90%” gantaallada laftooda.

    Trump wuxuu sii raaciyay in Iiraan ay baryayso in heshiis la gaaro. “Waa wada-xaajoodyaal fiican,” ayuu yiri. “Dagaalyahanno liita, laakiin wada-xaajoodyaal fiican.

    Dhanka kale,waxaa uu Trump sheegay in Iiraan ay u oggolaatay 10 markab oo shidaal qaada inay maraan marinka istaraatiijiga ah ee f Hormuz, taas oo uu ku tilmaamay “hadiyad” muujinaysa sida ay uga dhab tahay wada-xaajoodyada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Isagoo tixraacaya hadallo aan caddayn oo uu hore toddobaadkan uga sheegay “hadiyad” ka timid Tehran, Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay hore u oggolaatay siddeed “markab shidaal oo waaweyn” inay maraan marinkaas, kadibna laba kale ayaa ku xigay mar dambe.

    Sidoo kale akhriso:

  12. “Waxaan ahay dhaqtar, 10 sanana ma qubeysanin.” Sabab?

    Magaciisu waa Dr. James Hamblin oo 37 jir ah, waxa uu bare ka yahay jaamacadda Yale , mac-hadkiisa Caafimaadka dadweynaha, isaga oo sidoo kale shahaadada sare oo dheeraad ah ka haysta cilmiga difaaca jirka ee immunology.

    Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhaqtarkan oo ka mid ah kuwa aadka loo tixgaliyo oo ahayd 10 sano ka hor ayuu joojiyay in uu qubeysto gebi ahaanba.

    "Hadda waan la qabsaday, hala yaabin" ayuu u sheegay BBC-da.

    Marka laga tago shaqadiisa caadiga ah, waxa uu sidoo kale maqaal ku qoraa majalladda American Atlantic Magazine. Maqaal ciwaankiisu ahaa "Waan joojiyay qubeyska, iyo waxa aan shiilo" ayaa waxaa la yaab leh tuduca uu ku bilaabay maqaalka.

    "Waa arrin murugo leh in nolosheena oo dhan aan ku dhamaysano qubeys iyo qubeys" ayuu ku yiri maqaalka.

    Sanadkii 2020-kii wuxuu daabacay buug uu kaga hadlay waxyaabaha jirka lagu xanaaneeyo, taasi oo aanan ahayn arrin la yaab leh.

    Waxaase la yaab leh in uu buugga kaga hadlayo nadaafadda iyada oo isaga qudhiisauusanba qubeysanin.

    Hase yeeshee Dr James waxa uu qabaa in gacmaha saabuun lagu dhaqdo, ilkahana la cadaysto, balse jirkiisa ma rabo in uu biyo mari, saabbuuna ku rugo.

    Markii koowaad waxa uu qubeyska ku joojiyay si tijaabo ah, balse markii dambe toos ayuu usii watay.

    Waxa uu sheegay in maalmaha hore ee qubeys la'aanta uu qofka dareemi karo wasaq, balse marka dambe uu caadi iska noqon doono

    Si tartiib tartiib ah ayuu u bilaabay qubeys la'aanta, illaa markii dambe uu gebi ahaanba iska gooyay qubeyska.

    Shiirta Jirka

    Waxa uu qabaa in shiirta jirka ay sababto bakteeria jirka ku jirta , wuxuuna sheegay in marka la qubeysto dhaawac loo geysto bakteeriyadaas iyo habka dabiiciga ah ee jirka.

    Wuxuu sheegay in qubeyska badan ay bakteeriyada kusii badato, ama ku Taranto, taas oo siyaadisa shiirta.

    Waxa uu intaasi ku daray in marka qofka qubeyska joojiyo, shiirta jirkana ay si toos ah u joogsanayso.

    Mar la weeydiiyay in uu isaga shiiro ayuu sheegay in saaxiibadiis iyo dhammaan dadka uu aamino oo dhan ay si daacadnimo ah ugu sheegeen in uusan shiirin, waxa kale oo uu sheegay in xaaskiisa ayba jeceshahay qaabka uu hadda yahay oo uu caraf ku tilmaamay.

    Dr James waxa uu qabaa in badeecooyinka suuqa yaala ay ka tan bateen cilmi seeyniska, iyada oo dad badan lagu caddaadiyay in ay isticmaalaan saabuun iyo waxyaabo kale oo lagu qubeysto,.

  13. Hay’adda nukliyeerka ka shaqeysa oo war ka soo saartay xarunta nukliyeerka Iiraan

    Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada ee (IAEA) ayaa ku boorrisay “xakameyn buuxda” si looga fogaado shil nukliyeer ah oo ka dhaca Iiraan.

    Digniintan ayaa timid ka dib markii la sheegay in weerar uu ka dhacay meel u dhow Warshadda Korontada Nukliyeerka ee Bushehr ee koonfur-galbeed Iiraan Talaadadii.

    “Maadaama ay tahay warshad nukliyeer oo shaqaynaysa oo leh walxo nukliyeer oo badan, agaasimaha guud ee hay’adda Rafael Mariano Gross, wuxuu ka digayaa in waxyeello ka soo gaarto xarunta ay keeni karto shil weyn oo saameyn ku yeelan kara aag ballaaran gudaha Iiraan iyo meel ka baxsan,” sidaasi waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahaan.

    Sidoo kale akhriso:

  14. Waa kee dalka Muslimka ah ee baarlamaanka Israa’iil u codeynayo inuu cadoowgooda yahay?

    Golaha Baarlamaanka Israa'iil ayaa la filayaa inay u codeeyaan hindise sharciyeed uu soo gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kaas oo cinwaankiisu yahay: "Ku dhawaaqidda Qatar inay tahay dowlad cadow ah."

    Qoraalka hindisaha, oo ka kooban hal qodob oo keliya, wuxuu qeexayaa Qatar inay tahay "dowlad cadow ah," wuxuuna dhigaya in dhammaan qodobada sharciga Israa'iil ee khuseeya dowladaha cadowga ah, dhammaan noocyada sharciyada, lagu dabaqi doono.

    Xisbiga Yesh Atid ayaa mashruuca ugu yeeraya "Sharciga Urich," iyagoo u bixiyay la-taliyaha Benjamin Netanyahu, waxaana uu ujeedkiisu yahay in la bixiyo qeexitaan dhammaystiran oo ku saabsan erayga "dowlad cadow ah," kaas oo hadda ka maqan sharciga Israa'iil.

    Mashruuca waxaa ku jira tixraacyo qoraallo hore sida "Amarka Ganacsiga la leh Cadowga ee 1939" iyo qodobo ka tirsan Xeerka Ciqaabta oo qeexaya cadowga isla markaana dhigaya ciqaabo ku saabsan kaalmaynta ama la shaqaynta cadowga. Sidoo kale, waxa ku jira qodob ka hortagaya musharrixiinta Knesset inay taageeraan dowlad cadow ah ama si sharci-darro ah u joogaan dal noocaas ah toddobadii sano ee ka horreeyay musharraxnimadooda.

    Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli dalalka Khaliijka oo Qatar ay ka mid tahay ay wajahayaan weerarro uga imaanaya dalka Iiraan oo Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen weerarro dhaliyay khasaare badan oo ilaa iyo hadda socda.

    Sababta ugu weyn dalalka Khaliija oo Qatar ay ka mid tahay ay u wajahayaan weerarrada Iiraan ayaa ah in ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka, taasoo Iiraan ay uga aargudanayso.

    Qatar ayaa sidoo kale ka mid ahayd dalalkii dhedhexaadinayay Israa'iil iyo Xamaas muddadii ay wadahadalladu u socdeen, iyadoo inta badan mas'uuliyiinta Xamaas ay halkaa ku noolyihiin

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2025-ka uga digay Qatar in ay waajib ku tahay in ay " erido mas'uuliyiinta Xamaas ama ay cadaaladda hor keento".

    "Waxaan leeyahay Qatar iyo dhammaan dalalka ay gabaadka ka dhigtaan argagaxisada: waa in aad ka saartaan ama aad hor keentaan sharciga, haddii kale innagaa sidaa sameyn doonna," ayuu Netanyahu ku yiri muuqaal laga sii daayay xafiiskiisa.

  15. Tahriibayaal ku geeriyooday xeebaha Jabuuti halka kuwa kale la la'ayahay

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, halka 45 kalena weli la la’ayahay kadib markii doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay khamiisti sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), oo ah hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha socdaalka.

    Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow xeebta waqooyi ee Jabuuti, gaar ahaan agagaarka Ombok, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay IOM.

    Doonta ayaa waxaa saarnaa 320 rakaab ah xilligii shilka uu dhacay..

    Hay’addu ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan halka ay doontu ka timid ama halka ay ku socotay, inkastoo shilal noocan oo kale ah ay si joogto ah uga dhacaan biyaha u dhexeeya Geeska Afrika iyo Yemen.

    IOM waxay sheegtay in inta badan dadka la soo badbaadiyay ay yihiin dad ka soo jeeda dalka Jabuuti.

    Waddooyinkan waxaa inta badan adeegsada muhaajiriin isku dayaya inay gaaraan Bariga Dhexe iyo meelo kale oo ka sii fog.

    Tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka yimaada Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa sanad kasta mara Jabuuti iyagoo isku dayaya inay gaaraan Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka si ay u helaan fursado shaqo.

    Dedaallada raadinta dadka maqan ayaa socota, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha.

    Dhanka kale, horaantii sanadkan, Hay'adaha amniga ee Liibiya ayaa sii daayay in ka badan 200 oo muhaajiriin ah oo ku xirnaa meel ay ku tilmaameen xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra ee koonfur bari dalkaas, ka dib markii lagu hayay xaalado bini-aadanimada ka baxsan, sida ay labo ilo-wareed oo dhanka amniga ah u sheegeen wakaaladda Reuters maalintii Axadda.

    Ilo-wareedyadan oo codsaday in aan magacooda la xusin ayaa sheegay in ciidanka amnigu ay heleen xabsi dhulka hoostiisa ku yaalla oo qoto dheerkiisu yahay ku dhawaad saddex mitir, kaas oo ay sheegeen in uu maamulayay nin Liibiyaan ah oo ka ganacsada dadka. Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in ninkaas aan weli gacanta lagu dhigin.

    Sidoo kale akhriso:

  16. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo digniin u dirtay milkiilayaasha hoteellada dalalka Khaliijka

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa digniin u diray milkiilayaasha hoteellada dalalka Khaliijka, taasoo ku saabsan inay ka fogaadaan martigelinta shaqaalaha militariga Mareykanka, isagoo sheegay in nolosha martidooda ay halis geli doonto.

    Cabbaas Caraqji ayaa digniinta ku daabacay bartiisa X- taasoo ku qoraneed af- Ingiriisi isagoo yiri: "Hoteellada Mareykanka ma siiyaan adeegyo iyo hoy shaqaalaha militariga ee khatar gelin kara badbaadada macaamiisha; hoteellada ku yaalla waddamada Golaha Iskaashiga Khaliijka waa inay raacaan isla nidaamkaas."

    Iiraan waxay sheegtay in ciidamada Mareykanka la dejiyay hoteello ka dib markii saldhigyada Mareykanka iyo safaaradaha gobolka la bartilmaameedsaday.

    Shalay, wargeyska New York Times, oo soo xiganaya ilo wareedyo, ayaa qoray warbixin sheegaysa in dhowr saldhig oo Mareykanku leeyahay lagu bartilmaameedsaday weerarro Iiraan fulisay 25-kii maalmood ee la soo dhaafay, sababtaas awgeedna, ciidamadooda iyo shaqaalahooda ay "meelo ka fog saldhigyadaasi la geeyay".

    Dhowr xaruumood iyo hoteello ku yaal waddamada Khaliijka, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, ayaa lagu bartilmaameedsaday weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo loo aaneeyo Iiraan in ay leedahay.

  17. Australia oo iska foogeesay eedeynta Trump

    Australia ayaa sheegtay doorka ay ku leedahay dagaalka Bariga dhexe, iyada oo difaacatay dadaalladeeda ay ku caawinayso Maraykanka iyo xulafadiisa kale ee Bariga Dhexe, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu dhaleeceeyay ka qaybgalka Australia, isagoo ku tilmaamay inay “dad fiican ahayn.”

    Trump ayaa ku booriyay dalalka saaxiibka la ah sida Kuuriyada Koonfureed, Japan, iyo Australia inay usoo diraan maraakiib dagaal si loo sugo ammaanka waddooyinka muhiimka ah ee uu shidaalka maro sida Marinka Hormuz.

    Inkastoo dalal dhowr ah ay diideen soo jeedinta Trump, hadana madaxweynaha ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay Australia, isagoo muujiyay niyad-jab ku saabsan taageerada yar ee ay bixisay.

    “Australia ma aysan bixin wax fiican". Aad ayaan ula yaabay Australia,” ayuu Trump yiri Khamiistii intii lagu jiray kulan golaha wasiirrada ka dhacay Aqalka Cad.

    Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Australia Richard Marles ayaa sheegay in Australia ay qabatay wax kasta oo laga codsaday, isagoo tilmaamay in Washington aysan si rasmi ah u codsan taageero badeed.

    Wasiirku wuxuu u sheegay warbaahinta Nine News ee Australia: “Codsiga kaliya ee aan ka helnay Maraykanka waa inaan taageero siino dalalka Khaliijka… taasina dhab ahaan waa waxa aan sameyneyno, halkaas ayaana ka aragnaa dantayada qaran.”

    Marles wuxuu xusay in Australia ay dirtay diyaarad milatari oo ah Boeing E-7A si ay Imaaraadka Carabta (UAE) uga caawiso inay iska difaacdo weerarrada hawada ee Iiraan.

  18. Qaar kamid ah waddamada Khaliijka waxaa weli ku socda Duqeymo

    Sida wararka lagu helayo waddamo uu Sacuudiga kamid yahay waxaa ay sheegeyn in ay qabtay oo burburiyeen afar drone oo dheeraad ah oo ka dhacay gobolka bari ee dalka, sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga ku sheegtay barta X labadii saacadood ee u dambeeyay. Tani waxay daba socotaa dhowr weerar oo kale oo horey loo fashiliyey 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca.

    Kuwait ayaa sidoo kale wajahaya weerarro gantaallo iyo drone ah, sida ay ciidamadu ku shaaciyeen barta X. Waxay uga digeen dadka degan inay maqlaan qaraxyo ka dhasha howlaha lagu soo ridayo gantaallada iyo drones-ka, waxayna ku booriyeen inay raacaan tilmaamaha amniga ee ay soo saartay dowladda.