Malaayiin xujey ah oo maanta taagan buurta Carafo

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

  • Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces
  • Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
  • Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK
  • Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare
  • Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada
  • Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?
  • Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray
  • Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK
  • Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

Tebin toos ah

Foos Ciid

  1. Caro ka dhalatay goob jimicsi oo keliya loogu talo galay haweenka ilbaxa ah

    Jiim

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Goob jimicsi oo ku taalla Kuuriyada Koofureed ayaa mamnuucday "haweenka waaweyn" ee sida xun u dhaqmaya, taasoo keentay dood ku aaddan takoor ka dhan ah haweenka da'da ah ee dalkaas.

    Jiimka oo ku yaalla magaalada Incheon meel u dhow caasimadda Seoul ayaa waxaa lagu dhejiyay boor ay ku qoran tahay "looguma talogelin ajummas" "keliyana haweenka ilbaxa ah ayaa loo oggol yahay".

    Ajumma waa eray dalkaasi looga yaqaanno haweenka waaweyn - caadiyan-30meeyada iyo wixii ka korreeya - balse waxaa sidoo kale loo adeegsadaa dhaqamada aan habbooneyn.

    Wararka gudaha ayaan lagu magac-dhabin jiimka iyo milkiilahaba. Hase yeeshee wuxuu milkiiluhu difaacay tallaabadan, isagoo sheegay in shirkaddiisa ay khasaare kasoo gaartay haweenkan iyo dhaqamadooda aan xadka lahayn.

    Wuxuu sheegay in haweenka da'da ah ay saacado ku qaataan qolka dharka la isaga beddelo si ay dharkooda ugu dhaqdaan, iyagoo sidoo kale xadaya alaabaha sida tuwaalka, saabbuunta iyo agab kale.

  2. Maxaa kasoo kordhay kiiska Axmed Rashiid oo mar kale maxkamad kasoo muuqday?

  3. Finland oo tuhunsan in diyaaradaha Ruushka ay hawadeeda kusoo galeen si sharci darro ah

    Finland

    Xigashada Sawirka, Google

    Ilaalada xudduudaha Finland ayaa sheegay inay hadda tuhunsan yihiin afar diyaaradood oo laga leeyahay Ruushka inay ku soo xadgudbeen hawada Finland Isniintii.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa horay u sheegtay in hal diyaarad oo looga shakisan yahay in laga leeyahay dalka Ruushka ay soo gashay hawada Finland, iyadoo halkaasi ku sugneyd muddo labo daqiiqo ah.

    Ilaalada xadka ayaa ka shakiyay labo diyaaradood oo wax duqeeyay iyo labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.

    Xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Helsinki ayaa aad u xumaaday ka dib weerarkii Ruushka ee Ukraine, taasoo keentay in Finland ay ku biirto NATO.

  4. Nin madax-xanuun joogto ah ka caban jiray iyo wixii maskaxdiisa lagu arkay

    Madax xanuun

    Xigashada Sawirka, SCIENCE PHOTO LIBRARY

    Dhakhaatiir u dhalatay dalka Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in bukaan la ildarnaa xanuunka dhanjafka xooggan ee soo noqnoqda u uku sababay xanuunkan tirxi ama gooryaan ku dhex noolaa maskaxdiisa.

    52-jirkan oo aan la shaacin magaciisa ayaa booqday dhaqtarkiisa Florida kadib markii madax xanuunka dhanjafka oo sidoo kale goonjab ama wareento loo yaqaan waxbana uu ka tari waayey kiniinka xanuun baabi’iyuhu.

    Dhakhaatiirtu markii ay samaynayeen baadhista raajada madaxa, waxay ogaadeen in maskaxdiisa ay ku jiraan fiixyo badan oo, sida ay markii dambe ku xaqiijiyeen daraasado ka dambeeyay, dhab ahaantii ah dirxi dhogor leh oo ku nool maskaxdiisa kaas oo ku sababay caabuq loo yaqaan ‘neurocysticercosis’. Halkan kasii akhri

  5. Askari Kenyan ah oo rasaas ku furay garsoore ridday xukun isaga ka dhan ah

    Askari

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii uu rasaas ku furay Garsooraha Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

    Kormeeraha sare ayaa rasaas ku furay garsooraha maxkamadda Makadara Monica Kivuti wax yar ka dib markii ay go'aan ka gaartay kiis la sheegay in ay ku lug lahayd xaaskiisa.

    Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ka carooday go’aanka maxkamadda.

    Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Samson Kipchirchir Kipruto, isla markaana masuul ka ah Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Londiani ee Galbeedka dalka Kenya, ayaa waxa uu la soo baxay qori, ka dibna uu toogtay Garsoorihii Maxkamadda.

    Askartii kale ee maxkamadda joogtay ayaa markiiba jawaab ka bixiyay, iyadoo mid ka mid ah uu toogtay askariga dilka geystay.

    Intii ay hawsha socotay, saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay, sida lagu sheegay warbixin booliisku soo saaray.

    Garsooraha iyo saraakiisha dhaawaca ah ayaa lagu daweynayaa isbitaalka.

    " Isla markii go'aankan waa lagu dhawaaqay, qof ayaa toogtay garsooraha oo dhaawac ka soo gaaray sinta," ayaa lagu yiri bayaan.

    Dhacdadaan oo ka dhacday gudaha maxkamada ayaa noqotay mid aad uga naxay dadka Kenyaanka ah.

  6. Lacagihii laga xannibay Ruushka oo lagu wareejinayo Ukraine

    Ukraine

    Dalalka G-7 ayaa isku raacay in lacagihii laga xayiray Ruushka loo weeciyo Ukraine si ay qayb uga noqoto taakuleynta loo sameynayo.

    Lacagtan oo gaareysa $50bn ayaa loo qoondeeyay Ukraine ay qayb uga geysato dagaalka Ukraine ee ay Ruushka kula jirto kadib duullaankii uu Ruushku soo qaaday.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Ruushka xusuusinayo in marnaba aysan hoos u dhigi doonin go’aamadooda la xiriira taageerada Ukraine.

    Lacagtan ayaa la filayaa in ay Ukraine u gacan gasho dabayaaqada sanadkan balse Ukraine ayaa la sheegay in ay u baahnatahay gargaar millitari oo deg deg ah si isugu filnaato inta ay lacagtan soo gaareyso.

    Waxyaabaha kale ee shirka diiradda lagu saaray ayaa waxaa kamid ah xiisadda Bariga dhexe iyo xabbad joojin ka dhaqan gasha Qasa.

    Shirkan dalalka G-7 ayaa weli socda iyada oo la filayo in ay qodobo dhowr ah kaoso baxaan..