Pouria Jaffray, Los Angeles
Waxaa jiray waqti ay England iyo Argentina isku arki jireen Koobka Adduunka, xitaa ilaa Koobkii Adduunka ee 2002, oo ay aad u yareyd in ciyaartoyda labada xul ay hore ugu kulmeen heer kooxeed.
Waxaa jiray tusaalooyin yar, sida Juan Sebastián Verón, kaasoo u wareegay Manchester United kadib sannado uu ku soo qaatay ciyaaraha Talyaaniga.
Laakiin maanta xaaladdu si weyn ayay isu beddeshay. Xulka Argentina ee hadda jira, saddex ciyaaryahan ayaa ka ciyaara kooxaha Premier League-ga England sida Chelsea, Liverpool iyo Aston Villa. Sidoo kale Julián Álvarez wuxuu leeyahay waayo-aragnimo uu kula soo ciyaaray Manchester City.
Ciyaartoyda Argentina waxay si fiican u yaqaanaan kubadda cagta England iyo ciyaartoydeeda, halka ciyaartoyda England-na ay si buuxda u fahamsan yihiin xiddigaha Argentina.
Isbarashada labada dhinac waxay ka dhigaysaa in ay aad u adkaato in kooxuhu si lama filaan ah ugu yaabiyaan kuwa kale, ama ay si fudud u muujiyaan xirfado shaqsiyeed iyo xeelado cusub.