You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Magaalo ku taala Iiraan oo "weerar xooggan" lala eegtay iyadoo qiiq qabsaday hawada xarun gantaal

Magaalada Karaj oo ku taala galbeedka magaalada Texraan ayaa la duqeeyay sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Faahfaahin ku saabsan duqaymo ruxay Tehran

    Telefishinka qaranka Iiraan ayaa sheegay in goobo ku yaalla waqooyiga, bariga, iyo bartamaha Teheran la weeraray Arbacada.

    Bartiisa Telegram-ka, ayuu telefishinku ku sheegay in qaraxyo ay ruxeen waqooyiga, bariga, iyo bartamaha caasimadda, isagoo tixraacayey in 'weeraro lagu qaaday Teheran' iyadoo aan isla markiiba faahfaahin intaas ka badan laga bixin.

  2. Xildhibaan Iiraani ah oo ka hadlay furista markinka Hormus isagoo u jawaabay Trump

    Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, Ebrahim Azizi, ayaa bartiisa X, ku baahiyey qoraal ah inuu farriin ugu diro Donald Trump, isagoo u sheegay: "Marinka Hormuz hubaal dib ayuu u furmi doonaa, laakiin adiga kuuma furnaan doono; wuxuu u furnaan doonaa kuwa u hoggaansama sharciyada cusub ee Iiraan."

    Azizi ayaa sheegay in "47 sano oo martigalin ah ay weligeed dhammaatay," isagoo u tixraacaya muddadii ka dambaysay Kacaankii Iiraan ee 1979-kii.

    Guddiga Amniga Qaranka ee Iiraan ayaa ansixiyay qorshe canshuur looga qaadayo maraakiibta dhexmaraysa Marinka Hormuz, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars maalintii

  3. Trump oo war hor leh ka sheegay dagaalka Iiraan

    Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu " dhowaan" ka bixi doono dagaalka Iiraan, tallaabada milatari ee Maraykankuna ay dhammaan karto "laba ama saddex toddobaad" gudahood.

    Waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku guuleystay hadafyadii loo dejiyay ka hor inta aysan bilaaban weerarrada dhanka cirka ee ka dhanka ahaa Iiraan bishii hore, kuwaas oo ay wada fuliyeen Israa'iil. Wuxuu xusay in hadafkii koowaad ee ahaa in laga horistaago Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah la gaaray, haddana ay "shaqada dhamaystirayaan."

    Trump waxa sidoo kale uu sheegay in Maraykanku uu hadda maamulo cirka Iiraan, uuna ku guuleystay isbeddelka nidaamka ka dib markii la dilay hoggaamiyeyaal badan oo sare oo dhanka siyaasadda iyo milatariga ah. Waxa uu ku tilmaamay hoggaamiyeyaasha cusub ee Tehraan kuwo "ka xagjirnimo yar" oo "caqli badan" marka loo eego kuwii ka horreeyay.

    Sidoo kale wuxuu xusay Trump in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay "ka baryayaan inay heshiis la galaan" Maraykanka si loo soo afjaro dagaalka, taas oo ay markii hore Iiraan beenisay. Waxa uu intaas ku daray in dagaalku uu dhammaan karo xataa haddii aan la gaarin heshiis dhex mara labada dhinac.