Waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu
dambeeyay ee xaaladda taagan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay
in Mareykanku uu "ka bixi doono" dagaalka Iiraan muddo "laba
illaa saddex toddobaad ah", marka ay xaqiijiyaan in nidaamka ka jira
dalkaas uusan dhisni karin hub nukliyeer ah "sanado badan".
Trump ayaa sheegay in inkastoo Iiraan ay "ka baryayaan
in heshiis la gaaro", haddana in heshiiskaas uu dhaco iyo in kale aysan
waxba ka beddelayn jadwalka Mareykanka. Hadalladan oo uu ka jeediyay xafiiska
Oval Office ayaa ku soo beegmaya ka hor khudbad qaran oo uu Trump Arbacada
caawa ah ka jeedin doono magaalada Washington oo ku saabsan arrimaha Iiraan.
Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in
dalkiisu uu leeyahay "rabitaan laagama maarmaana" si loo soo afjaro
dagaalka ay kula jiraan Mareykanka iyo Israa'iil, waasese haddii la fuliyo
shuruudo dhowr ah.
Dhanka kale, madaxa guddiga amniga Qaranka ee Baarlamaanka
Iiraan, Ebrahim Azizi, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X oo uu ugu hanjabayo
Donald Trump ku yiri: "Marinka Hormuz hubaal dib ayuu u furmi doonaa,
laakiin adiga kuuma furmi doono," isagoo u tixraacaya xannibaadda Iiraan
ay saartay marinkaas muhiimka ah ee sababay inay kor u kacaan qiimaha tamarta
ee caalamka.
Israa'iil iyo Iiraan ayaa sii waday weerarada ay
isweydaarsanayaan xalay oo dhan, iyadoo dhaawacyo laga soo sheegay duqayn ka
dhacday duleedka Tel Aviv. Sidoo kale, markab booyad ah ayaa laba gantaal looga
dhuftay xeebaha Qatar, halka nin uu ku dhintay Imaaraadka Carabta iyadoo
waddamada Khaliijku ay weli wajahayaan weeraro.