Ciidamada ICE ee howlgallada ka wada Minnesota oo haweeney toogtay

Ciidamada ICE ee dalka Mareykanka ee howlgallada ka wada gobolka Minnesota ayaa madaxa ka toogtay Haweeney sida uu sheegay taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara oo gor dhawed hadlay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Waa kuwee dalalka uu Trump beegsan karo kadib Venezuela

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xilligiisii labaad ee xilka waxaa si weyn u qaabeeyay hamigiisa siyaasadda arrimaha dibadda. Waxa uu fuliyay hanjabaadihii uu u jeediyay Venezuela isaga oo soo qabtay madaxweynaheeda iyo xaaskiisa, kadib weerar lama filaan ah oo habeenimo ka dhacay xaruntooda sida adag loo ilaaliyo ee Caracas.

    Mar uu ka hadlayay hawlgalkaas, Trump wuxuu soo xusuustay Mabda'ii Monroe ee 1823-kii, kaas oo ballanqaadayay awoodda Maraykanka ee qaaradda galbeed, wuxuuna dib ugu magac daray "Donroe Doctrine".

    Halkan waxaa ku xusan qaar ka mid ah digniinaha uu maalmahan u diray dalal kale oo ku jira wareegga saameynta Washington.

    Sii akhri wadamadaas.

  2. Ilaa 40 qof oo ku dhintay dibedbaxyada Iiraan

    Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay dibedbaxyada ka socday Iran 10-kii maalmood ee ugu dambeeyay, sida ay sheegtay hay'ad u dooda xuquuqda aadanaha.

    Hay'adda shisheeye ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha (HRANA), ayaa sheegtay in 34 ka mid ah dadka la xaqiijiyay ee dhintay ay ahaayeen dibadbaxayaal, halka laba kalena ay xiriir la lahaayeen ciidamada ammaanka.

    Maamulka Iiraan ma aysan soo saarin tiro rasmi ah oo dhimasho ah, laakiin waxay sheegeen in saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka la dilay.

    BBC Persian ayaa ilaa hadda xaqiijisay dhimashada iyo 20 qof oo la aqoonsaday.

    HRANA waxay sidoo kale sheegtay in in ka badan 60 dibadbaxayaal ah ay ku dhaawacmeen, 2,076 kalena la xiray intii lagu jiray rabshadaha, kuwaas oo ka dhashay dhaqaale xumo, waxaana ay ku fiday 27 gobol oo ka mid ah 31-ka gobol ee dalka.