Dhowr sahan oo la sameeyay ayaa lagu soo uruuriyay waxyaabaha ay inta badan doonayaan dumarka marka ay timaaddo xulashada qofka ay nolosha la wadaagayaan. Waxaan halkan idikugu soo gudbineynaa qaar ka mid waxyaabaha ay eegeen dumarka doonaya inay xushaan ninka ay rabaan inay nolosha kula midoobaan.
Qoraalka sawirka,Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.
"Naxariis" ayaa kaalinta koowaad kaga jirta liiska waxyaabaha ay dumarku ka rabaan ninka ay nolosha la wadaagayaan sida lagu sheegay daraasad la daabacay 2019.
Sahankaas ayaa ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaateen 68,000 oo haween oo ku kala sugan 180 waddan. Boqolkiiba 88 dumarkaas ayaa waxay sheegeen in naxariista ay tahay muhiimadda koowaad ee laga eego qofka aad nolosha la wadaageyso.
Daraasad kale oo la sameeyay 2013 ayaa lagu ogaaday in naxariista qofka kale loo galo ay tahay sifo aad loo jecel yahay ee cilaaqaadka muddada dheer.
Intaa waxaa dheer, muhiimaddeeda waxaa ku celceliyay khubarada sida borofisarad la yirahdo Dr. Suzanne Degges-White. Waxay qoraal cilmi-nafsiga ah ku tiri:
"Haweenku waxay ragga ka doonayaan inay u muujiyaan naxariis, dulqaad, faham, jiljileec, iyadoo aan loo eegin nooca xiriirka, ragga iyo dumarka waa inay tixgeliyaan dareenka midba midka kale."
Sidee naxariista loo muujiyaa?
Si joogto ah u muuji mahadnaq iyo qaddarinta lammaanahaaga.
Samee ficillo tixgelin oo faraxad gelinaya.
U dhageyso si firfircoon oo naxariis leh marka lammaanahaagu hadlayo.
Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.
Baro dulqaadka si aadan xaaladda uga sii darin marka ay shucuurta lamaanahaaga kacsantahay.
Iyadoo 86.5% haweenku ay sheegeen inay aad muhiim ugu tahay naxariista lammaanaha ayay sidoo waxay isla sahankaas ku muujiyeen in ‘taageeridda’ ay ahayd sifada labaad ee ay aadka u eegaan marka ay timaaddo xulashada lammaanaha.
Dr. Degges-White ayaa sidoo kale xusay in taageerada ay ka mid tahay "doorka aasaasiga ah."
Waxayna u muuqataa in tani aanay waxba iska beddelin sannadihii la soo dhaafay. Sahan la sameeyay 2008-dii ayaa lagu ogaaday in "dabeecad la isku halleyn karo" ay tahay taageerada taas oo ay haweenka jecel yihiin.