Ka farxinta lamaanahaaga ayaa tiir wanaagsan u noqon kara guur caafimaad qaba iyo reer ku dhisan farxad dhameystiran. Waxaa laga yaabaa in aad ku fikirto in xaaskaaga ay u baahantahay waxyaabo gaar ah ama adiga kugu culus oo aadan awoodin sameyntooda, laakiin dhab ahaantii sidaas maaha.
Aadanaha oo dhan waa isku dareen waana isku mid, waxa ay badankood jecleystaan waxyaabo isku mid ah, hase yeeshee waxaa jira qodobbo fulintooda ay aad u sahlanyihiin isla markaana ku qasba dumarka in ay ku jeclaadaan.
Qof kastaa wuxuu leeyahay habab kala duwan oo uu rabo inuu jacayl ku helo, laakiin waxaa jira siyaabo caadi ah oo aad u mari karto si aad uga farxiso xaaskaaga waliba si joogto ah.
Halkan hoose waxaa ku xusan qodobbo dhowr ah, oo ay khubarro ku micneeyeen in ay yihiin siyaabaha ugu fudud ee loo yagleeli karo guur iyo guri farxad ku dhisan.
1.U sheeg inaad jeceshahay
Haweeneyda xaaskaaga ah in aad mar waliba u sheegto in aad jeceshay waxa ay ka dhigtaa mid faraxsan, waliba adiga oo aan u dhahaynin si caadi ah balse muujinaya in aadan iyada ka maarmin, u sheeg in ay tahay quruxda guriga iyo qofka kaliya ee aad u dooratay in aad waligiin wada noolaataan, sidoo kale darensii in ay tahay garabkaada oo buuxa.
Waxaa laga yaabaa in xaaskaagu ay tahay qof shqeeya ama wax barta oo arday ah, mar waliba ka wareyso halka ay wax u marayaan iyo qorsheheeda xiga, iyo sidoo kale waxa aad ka caawin karto, waliba u sheg in ay tahay qof howl kar ah oo dadaal badan isla markaana guuleysan doonta.
Haweenku waxa ay la kulmaan culeys badan marka ay isku hayaan shaqo bannaanka ah iyo tan guriga u muuji in aad garabkeeda tahay isla markaana aysan wax waliba kaligeed ku ahayann. Dhisida kalsoonida xaaskaagu waxaad ka qaadan kartaa qayb muhiim ah,waxa hubaal ah inay u horseedi doonto farxad.