You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Kulanka Netanyahu iyo Vance, iyo weeraradii u dambeeyay Ruushka ee carruurtu ku dhinteen

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

  1. Baarlamanka Israa'iil oo cod u qaaday Daanta Galbeed lagu daro dalkooda

    Baarlamanka Israa’iil ayaa tiro aad isugu dhow ugu codeeyay in la sii wado sharci ay soo jeedisay xildhibaan ka tirsan garabka midigta fog, kaas oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed Israa’iil. Codeynta ayaa ku soo beegantay booqashada uu Israa’iil ku tagay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ee uu xabbad joojinta Qaza kala hadlay hoggaanka Israa’iil.

    Bishii aynu soo dhaafnay madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan ogolaan doonin in Israa’iil la wareegto Daanta Galbeed, taas oo ay Falastiiniyiintu u doonayaan dowladdooda u gaarka ee ay leeyihiin.

    Xisbiga ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ee Likud ayaan taageerin sharciga laakiin xubno kale oo maamulka isbahaysiga ayaa qayb ka ahaa.

  2. Waa kuma wiilka Soomaaliga ee mar kale taariikhda ka dhigay kubadda cagta adduunka?

    Cumar oo horrey usoo dhigay rikooro sare oo uu ka gaaray garsooranimada kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa hadda ka mid noqday garasoorayaal loo doortay tartanka koobka adduunka ee FIFA.

    Waxa uu ka mid yahay saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda dalalka Afrikada ee Saxaraha ka hooseeya si uu u dhexdhexaadiyo koobka adduunka ee ciyaartooyda da'adoodu ka yartahay labaatan sanno jir ee loo qayaan FIFA U-20 World Cup 2025.

  3. Ammaanta hoggaamiyahan Afrikaanka oo loo adeegsan jiray macluumaad khaldan

    Boqolaal fiidiyow oo AI lagu soo saaray ayaa muujinaya Traoré inuu yahay geesi Afrikaan ah, oo badankoodu ay ku jiraan macluumaad been ah, kuwaasi oo qulqulaya baraha bulshada guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hooseeya tan iyo dhammaadkii bishii Abriil.

    Hadalhaynta waa mid baahsan, iyada oo adeegsadayaasha baraha bulshada ee X, Facebook, Instagram, TikTok, WhatsApp iyo Youtube oo ka soo kala jeeda dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Ghana, iyo Kenya ay ku amaanayaan Traoré inuu tusaale u yahay hoggaamiyeyaasha kale ee Afrika.

  4. Dowladaha Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay ciidamada la keenayo dalka

    Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa isku arkay shir doceedyo ka dhacay madasha aswaan oo looga hadlayay arrimo la xiriira horumarka iyo amniga waara.

    Waxaa ay ka wada hadleen arrimaha ciidamada Masar ee la filayo in la geeyo gudaha Soomaaliya. Warkani waxaa baahiyay wasaaradda arrimaha dibadda Masar markii uu shirka soo dhammaaday.

    Badr Abdelatty ayaa sheegay inay si dhakhso ah ay ku dammaynayaan nidaamka lagu soo daabulayo ciidamada Masaarida ee lagu keenayo gudaha Soomaaliya.

  5. ICJ oo ka tala bixinaysa mamnuucida Israa'iil ee UNRWA

    Maxkamadda caalamiga ah ee caddaalada (ICJ) ayaa la filayaa inay go’aan la talin ah ka soo saarto dhowaan oo ku aadan waajibaadka sharciga ee Israa’iil ay ka saaran tahay in ay u oggolaato gargaar bini’aadanimo dadka reer Falastiin iyo in ay la shaqayso hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka Falastiiniyiinta, UNRWA.

    Fikirka la talinta ee maxkamadda ayaa waxaa codsaday golaha guud ee Qaramada Midoobay ka dib markii Israa’iil ay mamnuucday UNRWA, iyada oo ku eedeynaysay in la shaqaynayso Xamaas. Hay’adda UNRWA ayaa beenisay eedeymahaasi.

    Inkasta oo go’aanka maxkamadda aanu sharci ahaan khasab ahayn, haddana wuxuu leeyahay miisaan anshax iyo mid diblomaasiyadeed.

  6. WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza wajahayso

    Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza ay la daalaa dhacayso musiibo caafimaad oo saamayn doonta jiilal badan oo soo socda.

    Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u sheegay BBC in Qaza ay wajahayso isku dhafka xaalado halis ah sida gaajo, cudurro iyo nidaamka caafimaadka ee burburay, taas oo ka sii dartay sababo la xiriira xayiraadaha saran gargaarka bini’aadanimo.

    Tedros ayaa sheegay in qaybinta gargaarka ay aad u hoosayso loona baahan yahay dib u dhiska nidaamka caafimaadka ee deegaanka.

    Waxa uu ugu baaqay Israa’iil in aysan shuruudo ku xirin gaarsiinta gargaarka Qaza, isaga oo intaa ku daray in aan gargaarka loo adeegsan hub ahaan.

  7. Duqaymihii u dambeeyay Ruushka ee Ukraine oo carruur ay ku dhinteen

    Ugu yaraan todobo qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay, ka dib weerarro culus oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka gaysteen Ukraine, sida ay saraakiishu ay sheegeen.

    Dugsiga barbaarinta ayaa la duqeeyay kaasi oo ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn ee Ukraine ee Kharkiv iyo sidoo kale waxyeelo weyn oo soo gaartay caasimada Kyiv. Carruur ayaa kamid ahayd 27 qof oo dhaawacmay.

    Saacado kahor, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in qorshihiisa la kulanka Putin ee dhowaan ee ka dhici lahaa Budapest la hakiyay, maadaama uusan doonayn ‘’kulamo aan waxba soo kordhinayn’’

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weeraradu caddeynayaan in Moscow aysan weli dareemin cadaadis ku filan oo lagu joojinayo dagaalka ay wadaan.

  8. Netanyahu iyo Vance oo ka hadlay hubka dhigista Xamaas

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jerusalem kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance oo maalinkii shalay gaaray Israa’iil.

    Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlaya xabbad joojinta Qaza ee Maraykanku gar wadeenka ka yahay.

    Shir jaraa’id oo ay wada qabteen ayay ka sheegeen inay shaqo adag ku soo wajahan tahay oo ah hubka dhigista Xamaas iyo dib u dhiska Falastiin oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

    Netanyahu ayaa sheegay Maraykanka iyo Israa’iil ay ka wada shaqaynayaan beddelida wajiga bariga dhexe.

  9. Qaramada Midoobey oo ka digtay xiisadda sii kordheysa ee Venezuela iyo Mareykanka

    Weerarada Mareykanka ee ka dhanka ah Venezuela ee biyaha caalamiga ah waa mid sii kordhinaysa xiisadda oo halis ah waana falal " sharciga ka baxsan," waxaa sidaasi sheegay koox khubaro ah oo madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ka tirsan Talaadadii.

    Bilihii la soo dhaafay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in la weeraro ugu yaraan lix markab oo laga shakisan yahay in ay marayeen badda Caribbean, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 27 qof.

    Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tallaabo milatari oo qarsoodi ah ama toos ah ay noqon doonto jebinta Axdiga Qaramada Midoobay

  10. Afar waxyaabood oo aad ku ogaan karto inaad qof si dhab ah u jeceshahay iyo in kale

  11. Ukrain oo ku garaacday warshad kiimiko oo Ruushku leeyahay gantaalada Storm Shadow ee UK

  12. Joojinta howlihii USAID oo saameyn ku yeeshay dahaqaalaha iyo dakhliga Soomaaliya

  13. Kuuriyada Woqooyi oo gantaalada ballistic-ga ku ridday badda Japan

  14. War deg deg ah, In ka badan 60 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Uganda

  15. Waa kuwee shanta cudur ee Soomaalida qurbaha faraha baas ku haya?

  16. Maxay askarta Mareykanka u ooyeen markii la daldalayay Saadaam Xuseen?

  17. Ayatollah Khamenei oo Trump ku tilmaamay "beenaale" diidayna casuumaad loo fidiyay