Baarlamanka Israa'iil oo cod u qaaday Daanta Galbeed lagu daro dalkooda

Xigashada Sawirka, Reuters
Baarlamanka Israa’iil ayaa tiro aad isugu dhow ugu codeeyay in la sii wado sharci ay soo jeedisay xildhibaan ka tirsan garabka midigta fog, kaas oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed Israa’iil. Codeynta ayaa ku soo beegantay booqashada uu Israa’iil ku tagay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ee uu xabbad joojinta Qaza kala hadlay hoggaanka Israa’iil.
Bishii aynu soo dhaafnay madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan ogolaan doonin in Israa’iil la wareegto Daanta Galbeed, taas oo ay Falastiiniyiintu u doonayaan dowladdooda u gaarka ee ay leeyihiin.
Xisbiga ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ee Likud ayaan taageerin sharciga laakiin xubno kale oo maamulka isbahaysiga ayaa qayb ka ahaa.


















