Donald Trump ayaa uga digay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin
Netenyahu inuu kaligiis uga tago dagaalka ka dhanka Iiraan, hadii isku dhacu uu
sii socdo, ayuu ugu sheegay Madaxweynaha Maraykanka wareysi uu siiyay warbaahinta
Channel 12 ee Israa’iil.
Wakaalada wararka Israa’iil ayaa ku warantay maanta in
Netenyahu aanu u sheegin Trump wax ku saabsan go’aankiisa ugu dambeeya ee
duqaynta Iiraan ee Axadii, ilaa laga gaaray xilli meeshii ugu dambeeyay ee
qorshaha la joogo.
Trump ayaa weydiistay Netenyahu Axadii inuu ka fogaado
duqaynta Iiraan isaga oo ka jawaabaya weeraro ay ku qaaday Israa’iil, kadib
markii Israa’iil ay weerartay caasimada Lubnaan ee Beirut.
Wadahadalka ayaa dhammaaday iyada oo aan wax is-afgarad ah
la gaarin iyo in Netenyahu aanu ku wargalin Trump go’aankiisa ugu dambeeya ee
xaalada, sida ay ku warantay Channel 12.
Xilli dambe, Netenyahu ayaa ku wargaliyay wasiirka arrimaha
dibadda Maraykanka Marco Rubio inuu go’aansaday inuu weeraro Iiraan. Trump ayaa
u sheegay Channel 12 inuu awoodday inuu ‘’hoos u dhigo heerka’’ dagaalka.
Trump ayaa uga digay Netenyahu in is-weydaatsiga xabadaha uu
noqon karo dagaal buuxa, sida uu u sheegay Channel 12.
‘’Waan kuu sheegay Bibi, waan in aad ka fiirsataa waxa aad
samaynayso, maxaa yeelay waa suurtagal in kaligaa lagaaga tago dagaalka ka
dhanka ah Iiraan sida ugu dhakhsaha badan.’’