Israa'iil oo ka feejigan faragelin uu Mareykanku ku sameeyo Iiraan

Mas'uuliyiinta Iiraan ayaa wajahaya mudaaharaadyadii ugu weynaa ee dowladda looga soo horjeedo muddo sanado ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ciidamada Suuriya iyo kuwa kurdida oo ku dagaalamaya Waqooyiga Xalab

    Ciidamada Suuriya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Suuriya

    Ciidamada dowladda Suuriya ayaa sheegtay inay dib u bilaabeen howlgallo militari si ay gacanta ugu soo dhigaan xaafad Kurdi ah oo ku taalla magaalada waqooyi ee Aleppo.

    Aagga (Sheekh Maqsoud iyo Ashrafiyah) waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Kurduudda, kuwaas oo iska caabinaya isku dayga Madaxweynaha Ahmed al-Sharaa ee ah in dagaalyahannadooda lagu soo daro maamul dhexe.

    Loollanka awoodda ayaa sababay afar maalmood oo isku dhacyo ah oo ka dhacay Aleppo, iyadoo la maqlayo rasaas iyo warar sheegaya in rasaas culus iyo gantaallo la adeegsaday.

    Ugu yaraan labaatan iyo hal qof oo rayid ayaa la dilay, kumanaan kalena waxay ka qaxeen magaalada.

  2. Mudaharaadyadii u dambeeyay Iiraan iyo Trump oo ka digaya duqayn uu u geysto dalkaasi

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Middle East Images / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Iiraan

    Waxaa mar kale xalay ka dhacay Iiran mudaharaadyo ka dhan ah dowladda, iyada oo dadku isugu soo baxeen waddooyinka Tehran iyo magaalooyin kale, iyaga oo ka hor imaanaya mas’uuliyiinta.

    Muuqaallo ay BBC-da heshay, inkasta oo internet-ka la jaray, ayaa muujinaya dadweyne ku dhawaaqaya hal-ku-dhigyo ka dhan ah hoggaamiyaha ugu sarreeya, Ayatollah Khamenei.

    Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in cadaadis rabshado wata uu sii socdo: dhakhtar ayaa sheegay inuu daaweeyay dad badan oo mudaharaadayaal ah oo qaba dhaawacyo rasaas ah.

    Iiran waxay ku eedeysay Maraykanka inuu hurinayo kacdoonka — arrin ay Washington ku tilmaantay mid aan macquul ahayn.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay u muuqato in Iiran ay ku jirto “dhibaato weyn”, wuxuuna mar kale ka digay in uu amri karo weerarro milatari haddii mudaharaadayaasha la toogto.

  3. Morocco iyo Senegal oo u gudbay afar dhammaanka koobka qaramada Afrika

    Koobka Qaramada Afrika

    Xigashada Sawirka, sportsmole

    Qoraalka sawirka, Koobka Qaramada Afrika

    Martigeliyeyaasha tartanka kubadda cagta ee Koobka Qaramada Afrika, Morocco, ayaa u soo baxay wareegga afar-dhamaadka kaddib markii ay si sahlan uga adkaadeen Cameroon.

    Waxay ka badiyeen xulka shan jeer hantay horyaalka natiijo ah laba iyo eber. Morocco ayaa ka mid ah xulalka loo saadaalinayo inay qaadaan koobka qaramada Afrika.

    Kulankii kale ee wareegga siddeed-dhamaadka ee maalintaas, Senegal ayaa hal iyo eber kaga adkaatay Mali oo iyaduna u soo gudubtay afar dhammaadka koobka

    Aljeeriya iyo Nigeria ayaa iyaguna maanta wada ciyaaraya, halka Masar ay ka hor imaanayso xulka Ivory Coast.

  4. Duuliyihii meydka Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Soomaaliya oo markii ugu horreysay hadlay

    Maxamed Siyaad Barre

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Maxamed Siyaad Barre

    31 sano ka hor maanta oo kale, Xuseen Maxamed Canshuur iyo Maxamed Aadan (Maxamed Dheere) oo ah laba duuliye oo Kenyaan ah waxaa xafiiskooda ku yaallay garoonka diyaaradaha ee Wilson oo ku dhow caasimadda Nairobi, soo gaartay shaqo aan la filayn, taas oo xasaasi ahayd, halis waynna ay ku hoos duugneyd.

    Xuseen iyo Maxamed oo shaqo maalmeedkooda ku jira waxaa u yimid diblomaasi u dhashay dalka Nayjeeriya, kaas oo ka codsaday in meydka hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ay diyaaradooda u soo qaado dalkiisa hooyo si loogu aaso, kaddib markii uu ku geeriyooday Lagos oo uu magangalyo siyaasadeed ku joogay Nayjeeriya isagoo 80 jir ah.

    Maxamed Canshuur oo hore u ahaan jiray Kabtan ka tirsan Ciidamada cirka dalka Kenya, waxa ay Maxamed Aadan wada lahaayeen shirkadda duulimaadka Bluebird oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn Kenya, isla markaana ay aasaaseen dhowr sano ka hor waqtigaas.

  5. Trump oo ku raadinaya shidaalka Venezuela 100 bilyan oo doolar

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, reuters

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweyne Trump ayaa la kulmay madaxda shirkadaha shidaalka caalamiga ah si ay uga wada hadlaan qorshayaal lagu horumarinayo kaydka tamarta ee ballaaran ee Venezuela, toddobaad kaddib markii ciidammada Mareykanku ay qafaasheen Nicolas Maduro.

    Madaxweyne Trump wuxuu doonayaa in shirkadaha shidaalka ay dalkaasi ku maalgeliyaan boqol bilyan oo doolar, wuxuuna sheegay inuu isagu go’aamin doono shirkadaha ka qayb qaadan doona.

    Agaasimaha guud ee Exxon Mobil (Darren Woods) ayaa sheegay in qaab-dhismeedka sharciyeed ee hadda jira uu Venezuela ka dhigayo dal “aan hadda lagu maalgashan karin”, balse uu ku kalsoon yahay in maamulka Trump uu samayn karo isbeddellada loo baahan yahay.

    Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan warshadaha ayaa adkeeyay baahida loo qabo dammaanad-qaad amni ka hor inta aysan maalgelin sameyn.

  6. Trump oo sheegay in Mareykanku ay tahay inuu “lahaado” Greenland si looga hortago in Ruushka iyo Shiinaha ay la wareegaan

    Greenland

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Greenland

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale ku celiyay hanjabaaddiisa ah inuu la wareegayo Greenland, isaga oo sheegay in Mareykanku khasab ku tahay inuu yeesho jasiiradda Arctic-ga si looga hortago in Ruushka ama Shiinuhu ay la wareegaan. Isaga oo kula hadlayay saxafiyiinta Aqalka Cad, ayuu sheegay in Mareykanku “wax ka qaban doono arrinta Greenland ha oggolaadaan ama ha diidaane.”

    Greenland waa dhul si iskiis isu maamula oo hoos yimaada Denmark, taas oo ku tilmaantay dalabaadka Madaxweyne Trump kuwo aan la aqbali karin.

    Bayaan wadajir ah, hoggaamiyeyaasha shanta xisbi siyaasadeed ee jasiiradda ayaa sheegay in mustaqbalka Greenland ay go’aaminayaan dadka reer Greenland. Waxay ugu baaqeen Mareykanka inuu joojiyo waxa ay ku tilmaameen “ixtiraam-darro” uu u muujinayo dalkooda.

    (Madaxweyne Trump ayaa ku andacooday in Ruushka ama Shiinaha ay leeyihiin maraakiib militari oo badan oo ku sugan biyaha ku wareegsan Greenland.)

  7. Hoggaamiyaha Iiraan oo sheegay in mudaaharaadayaasha ay yihiin burburiyayaal isku dayaya inay ka farxiyaan Trump

    Khamenei

    Xigashada Sawirka, MS Now

    Qoraalka sawirka, Khamenei

    Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa ku tilmaamay mudaaharaadayaasha ka soo horjeeda dowladda kuwo “Khalkhal-wadayaal ah” oo isku dayaya “inay ka farxiyaan madaxweynaha Mareykanka”.

    Iiraan ayaa sidoo kale warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedeysay Mareykanka inuu mudaaharaadyada u beddelay waxa ay ku tilmaantay “falal rabshado wata oo dumin ah iyo burbur ballaaran” oo ka dhacay Iiraan.

    Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in Iiraan ay ku jirto “dhibaato weyn”.

    Mudaaharaadyada, oo galay maalintoodii 13-aad, ayaa ka billowday arrimo dhaqaale, balse waxay isu beddeleen kuwii ugu waaweynaa sannado badan, taasoo keentay baaqyo lagu soo afjarayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka qaar kalena ay ku baaqayaan dib u soo celinta boqortooyada.

    Ugu yaraan 48 mudaaharaadayaal ah iyo 14 ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa la dilay, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.