Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa munaasabadda Nowruz ugu hambalyeeyay hoggaamiyayaasha Iran, taasoo ah sanadka cusub ee Faaris, wuxuuna sheegay in Moscow ay weli Tehran u tahay saaxiib daacad ah oo la isku hallayn karo, sida laga soo xigtay Kremlin
Isbeddelka Trump ee ku aaddan Marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweyne Trump
waxaa soo food saartay dhibaato istaraatiijiyadeed oo ku saabsan marin biyoodka
Hormuz. Tan ayaa noqon karta caqabadda ka hor istaagta inuu ku dhawaaqo guusha
uu ka gaaray dagaalka Iran.
Trump hadda waxa
uu caqabadda marin-biyoodkaas ku tilmaamay mid dhibaato ku ah adduunka intiisa
kale, ee maaha Maraykanka oo keliya, inkasta oo uu hore ugu adkaystay in
Maraykanku uu sugi doono ammaankiisa “si kasta oo loo baahdo,” isaga oo iska
indho tiraya baahida taageero ee xulafada NATO iyo saaxiibbada muhiimka ah sida
Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.
Hadda, Trump waxa
uu mar kale ugu baaqayaa dalalkaas inay soo farageliyaan, isagoo ku tilmaamay
qaar ka mid ah kuwa “fulay an” oo ka labalabaynaya.
Dhab ahaantii,
kor u kaca heerarka biyaha ee Strait of Hormuz waxay saameeyaan saldhigga
shidaalka ee Washington si la mid ah sida ay u saameeyaan mid ka mid ah Tokyo.
Isbeddelkan ku
yimid codka Madaxweyne Trump ayaa muujinaya sida uu uga niyad jabay in tani ay
tahay dhibaato uu wajahayo, oo aysan ahayn mid uu keligiis xallin karo.
Warbaahinta dalka Iran ayaa soo bandhigtay sawirrada salaadda Ciidul Fitriga oo si weyn looga tukaday magaalooyinka kala duwan ee dalka Iran, iyadoo dadweyne aad u badan ay ka soo qeyb galeen.
Gantaallada laga soo tuuray Iran kuna sii jeeday Israa'iil ayaa lagu sawiray hawada iyaga oo dul maray Hebron oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, subaxnimadii Sabtida.
Israa’iil ayaa dhowr weerar habeen hore ka jawaabtay, kuwaas oo ay IDF sheegtay in laga soo qaaday Iran.
Raysal wasaaraha Australia oo lagu canaantay masaajid dhexdiis
Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'iisul
wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa lagu oriyay xilli uu ku guda jiray
booqashadiisa masjidka ugu weyn dalkaas oo lagu tukanayay salaadda Ciidul
Fidriga, iyadoo laga carooday mowqifkiisa ku aaddan weerarrada Israa'iil ee
Gaza.
Qaar ka mid ah
Muslimiinta Australiyaanka ah iyo Yuhuudda ayaa ka carooday mawqifka dawladda
bidix dhexe tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Qaza, iyagoo walaac ka
muujiyay Falastiiniyiinta oo marar badan ku baaqay xabbad-joojin, waxayna
taageereen xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.
Muuqaallo ayaa
muujinayay dad mudaaharaadaya oo si caro leh u qaylinaya ka dib markii wasiirka
arrimaha gudaha Albania Tony Burke uu ku biiray dadka ku cibaadaysanayay
masaajidka Lakemba ee galbeedka Sydney si ay u xusaan dhammaadka bisha
barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa xulafada Nato ku tilmaamay kuwo fulay ah, wuxuuna
sheegay inay u fududaan doonto inay gacan ka geystaan furista marinka Hormuz ee maraakiibta.
Bartiisa Truth
Social ayuu ku qoray:
"Maraykanka
la'aantii, NATO waa daciif! ma aysan rabin inay ku biiraan dagaalka lagu
joojinayo nukliyeerka Iran."
"Maaddaama
aan ku guulaysannay dagaalka ciidan ahaan, annagga oo aan iyaga khatar weyn
gelinayn, waxay ka cabanayaan sicir bararka shidaalka ee ay tahay inay
bixiyaan, laakiin ma rabaan inay gacan ka geystaan furitaanka marin-biyoodka Hormuz,
dhaqdhaqaaq ciidan oo fudud, waana sababta kaliya ee kor u kaca qiimaha shidaalka."
"Aad bay ugu
sahlan tahay inay taas sameeyaan, iyada oo aan khatar badan lahayn. FULEY,
waananu xasuusan doonnaa!"
Iran oo ku hanjabtay inay Imaaraadka u garaaci doonto 'xoog ' sababo la xiriii muranka jasiiradaha
Iran ayaa ku
hanjabtay in ay ku garaaci doonto magaalada Ras Al Khaimah ee dalka Imaaraatka
"si adag" taasoo qayb ka ah muranka laba jasiiradood oo ay Imaaraadku
sheeganayeen in muddo ah.
Farriin ay warbaahinta
dowladda ku faafisay Telegram, ayaa afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Iran wuxuu
ka digay in "gardarrada dheeraadka ah" ee jasiiradaha Abu Masa iyo
Tunb-ta Weyn looga jawaabi doono weerarro lagu qaado magaalada Imaaraatka.
Ma cadda
gardarrada waxa uu ula jeedo balse waxay daaran tahay asalka labada jasiiradood
ee ay Iran qabsatay muddo tobnaan sano ah balse uu sheeganayo Imaaraadku.
Trump oo shuruud ku xiray soo afjarista dagaalka Iran
Waxaan helnay
warar kale oo ka yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kuwaasoo uu kusoo
qorat bartiisa Truth Social.
"Waxaan aad
ugu dhawaaneynaa inaan gaarno ujeeddooyinkeenna annagoo tixgelineynayna inaan
hoos u dhigno dadaalladeenna Milatari ee weyn ee Bariga Dhexe ee la xiriira
Nidaamka Argagaxisada ee Iran," ayuu yiri.
Isagoo u soo
jeestay marin biyoodka Hormuz, Trump wuxuu markaa yiri "waa in la
ilaaliyaa oo ay ilaaliyaan, sida loo baahdo, dalalka kale ee isticmaala -
Maraykanku ma isticmaalo!"
"Haddii la codsado,
waxaan ka caawin doonnaa dalalkan dadaalkooda Hormuz, laakiin ma ahan inay
lagama maarmaan noqoto mar haddii la ciribtiro khatarta Iran.
"Muhiimad
ahaan, waxay u noqon doontaa Hawl-gal Milatari oo fudud."