You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iran oo u hanjabtay goobaha tamarta khaliijka ee xiriirka la leh Mareykanka ka dib markii Trump uu waqti kama dambeys ah u qabtay

Marinka biyoodka Hormuz, ayaa ah goob muhim u ah ganacsiga shidaalka ee adduunka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War cusub oo hadda ka soo kordhay Arad, Isreal

    Faahfaahin ka soo baxday adeega gurmadka deg dega ah ee MDA, oo ay soo dhigeen bartooda Telegram, ayaa lagu sheegay in 64 qof oo dhaawaca loo qaaday cisbitaalka ka dib duqayn Iran ku garaacday Arad.

    MDA ayaa adeegsatay ambalaasyo iyo diyaarado qumaatiga u kaca si ay dhaawacyada u qaadaan. Waxaa la sheegay in toddoba qof ay xaaladdoodu tahay mid halis ah, 15 qof ay qabana dhaawacyo dhexdhexaad ah , halka 42 qof ay qabaan dhaawacyo fudud.

  2. Sawirro muujinaya kooxaha gurmadka oo ka shaqaynaya goobtii gantaalku ku dhacay ee Dimona, Isreal

    Waxaan arkaynaa qaar ka mid ah sawirrada laga soo qaaday goobtii uu haleelay gantaal laga soo ganay Iran oo ku dhacay magaalada Dimona ee Israa'iil.

    Kooxaha gurmadka ayaa lagu arki karaa iyagoo ka shaqaynaya aag dadku degan yihiin, waxaana muuqda haraaga guri qoys leeyahay iyo dhismo dabaq ah oo burbur xooggan uu soo gaaray.

  3. Wararkii ugu dembeeyey ee tirada dhaawacyada magaalada Arad ka dib ganaallo Iran ku weerartay

    Waxaan idiin soo gudbinaynaa faahfaahin dheeraad ah oo ka timid Arad, koonfurta Israel, halkaas oo adeegga deg‑degga ah ee Israel uu ka jawaabayo weerar cusub oo Iiraan ah ku qaaday.

    Magen David Adom (MDA) ayaa sheegtay in 33 qof la geeyey isbitaalka, oo ay ku jiraan afar qof oo si daran u dhaawacmay, 12 qof oo xaaladoodu dhexdhexaad tahay iyo 17 qof oo dhaawacyo fudud qaba.

    Waxay sheegeen in kooxaha MDA ay sii wadi doonaan inay “baarayaan dad dhaawac ah oo dheeraad ah”.

  4. Ciidamada Isreal oo sheegay in Iran khatar ku tahay Yurub

    Bayaan ay ku baahiyeen baraha bulshada, ciidamada difaaca Isreal ayaa faaallo ka bixiyey weerar loo adeegsaday gantaal noocda ridada dheer ah kaas oo gaari kara masaafo dhan 4,000 km.

    Bayaanka ayaa u muuqda mid la xiriira labo gantaal oo lagu ganay saldhiga wadajirka ee Maraykanka iyo UK ku leeyihiin Diego Garcia. Labada gantaal midna ma gaarin bartilmaameedka.

    "Intii lagu guda jiray Hawlgalkii 'Rising Lion' bishii Juun 2025, IDF waxay shaaca ka qaadday in nidaamka Iran uu damacsan yahay inuu horumariyo gantaallo gaaraya masaafo dhan 4,000 km, kuwaas oo khatar ku ah tobannaan waddan oo ku yaalla Yurub, Aasiya, iyo Afrika.

    "Nidaamka Iran waa uu beeniyay arrintaas. Waxaan horay u sheegnay: Nidaamka argagixisada ee Iran wuxuu khatar ku yahay caalamka. Hadda, waxay haystaan gantaallo gaari kara London, Paris, ama Berlin," ayay ciidanku ku yiraahdeen qoraal ay soo dhigeen barta X.

    Wariyaha difaaca ee BBC-da, Jonathan Beale, ayaa horay u xusay in weli ay jiraan shaki laga qabo awoodda Iran ay ku weerari karto Diego Garcia, iyadoo aysan weli jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in Iran ay haysato gantaallo gaari kara masaafo intaas le'eg.

  5. Hay’adda Tamarta Atoomikada IAEA, oo warbixin soo saartay ka dib weerarka Iran ee magaalada Dimona, Isreal

    Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa sheegtay inay ka warqabto weerar gantaal ah oo ka dhacay meel u dhow xarunta nukliyeerka Negev ee Dimona, Israa’iil.

    Ururku wuxuu sheegay inuusan “helin wax tilmaamaya waxyeello soo gaartay xarunta cilmi-baarista nukliyeerka,” wuxuuna intaas ku daray inaan la ogaan wax heerar shucaac oo aan caadi ahayn.

    Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa sheegay in "waa in la ilaaliyaa xakamaynta militariga ugu badan, gaar ahaan agagaarka xarumaha nukliyeerka."

  6. Taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Iran oo war la yaableh sheegay caawa

    Taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran aya asheegay in dalku gantaallo badan ku garaaci doono dhanka Isreal habeenimadaan

    "Laga bilaabo xilligan, waxaan ku dhawaaqayaa in wiilasha [ciidanka] Iiraan ay gantaallada ku xukumaan hawada dhulalka la haysto," ayuu yiri Seyed Majid Mousavi, qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

    Wuxuu intaas ku daray in “xeeladaha cusub iyo nidaamyada ridista” ay ka yaabin doonaan Maraykanka iyo Israa’iil.

    Waxaa uu intaas ku daray in “Xeeladaha cusub iyo nidaamka ridida gantaallda” ay ka yaabin doonaan Maraykanka iyo Isreal

  7. Ciidanka Isreal oo sheegtay war cusub oo ku saabsan Iran

    Ciidanka Israa’iil: Iiraan ayaa markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka gantaal ridada dheer oo gaaraya 4,000 oo kiiloomitir soo riday.

  8. War ka soo kordhay tirada dadka ku dhaawacmay magaalada Dimona ee Isreal

    Faahfaafin ka soo kordhay, adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ee Magen David Adom ayaa sheegay in 47 qof hadda lagu daweynayo isbitaallo kadib weerarkii gantaal ee hore uga dhacay Dimona, oo ah magaalo ku taalla koonfurta dalka.

    Dhaawacyada intooda badan waxaa sababay firirka gantaalka. Wiil 10 jir ah ayaa ku jira xaalad halis ah, halka haweeney 30 jir ah ay ka soo gaareen dhaawacyo ka dhashay jajabka muraayadaha, balse dhaawacyada kale intooda badan waa kuwo fudud, sida ay sheegtay MDA.

    Dimona waxay qiyaastii 13 km u jirtaa Xarunta Cilmi-baarista Nukliyeerka ee Negev.

  9. Taliyaha ciidamada badda Iran oo ka hadlay weeraro ay ku qaadeen Imaaraadka iyo Kuweyt

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay inay “duqeeyeen” saldhigyo diyaaradeed oo ku yaalla Kuwait iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku andacoonayaan in ay isticmaalaan Maraykanka iyo Israa’iil.

    Taliyaha ciidamada badda ee IRGC, Alireza Tangsiri, ayaa ku sheegay bartiisa X, in ay beegsadeen “xarumaha saldhigyada Al-Minhad iyo Ali Al-Salem, hangarrada, iyo bakhaarada shidaalka ee diyaaradaha Maraykan iyo Isreal, iyagoo adeegsanaya tiro badan oo gantaallo ballistic ah iyo diyaarado is-miidaamin ah.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in saldhigyadan ay ahaayeen “meeshii laga soo abaabulay weerarrada” ka dhanka ah Iran.

  10. Dhowr qof oo ku dhaawacmay weerar gantaal oo ku dhacay Dimona, Israa’iil

    Qiyaastii 20 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii gantaal ku dhacay Dimona oo ku taalla koonfurta Israa’iil, sida ay sheegtay adeegga gurmadka degdegga ah ee dalkaas.

    Magen David Adom ayaa ku sheegtay Telegram in dhaqaatiirteedu ay daweynayaan wiil 10 jir ah iyo haweeney 40 jir ah oo “ku jira xaalad dhexdhexaad ah oo qaba dhaawacyo ka dhashay firirka gantaalka.

    Waxay sidoo kale sheegtay in dad kale oo dhaawacmay ay helayaan daryeel.

  11. Madaxweynaha Ruushka oo sheegay hadal cajiiba oo ku saabsan Iran

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in Moscow ay weli tahay “saaxiib daacad ah iyo la howlgale lagu kalsoonaan karo oo Tehran ah xilligan adag,” sida ku xusan farriin uu u diray hoggaamiyaha sare ee cusub ee Iran iyo madaxweynaheeda.

    Farriin hambalyo ah oo uu ku xusayay maalinta koowaad ee sannadka cusub ee Iran, Putin ayaa u sheegay Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezeshkian inuu rajaynayo in shacabka Iran ay “si sharaf leh uga gudbi doonaan caqabadahan adag,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Kremlin-ka.

  12. Madaxweynaha Iran oo farriin diray

    Farriin kooban oo uu daabacay, madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian ayaa ku baaqay "midnimo" iyo "heshiis qaran."

    Waxa uu ku qoray shabakada bulshada ee X: "Imaanshiyaha Nowruz, aan isku dayno inaan iska dhigno nacaybka, cuqdadda, iyo khilaafaadka."

    Mr. Pezzekian ayaa intaa ku daray: "Sanadkan, in ka badan sidii hore, waxaan u baahannahay Nowruz; Nowruz oo soo bandhigaysa midnimada, wadajirka, iyo wada noolaanshaha qaranka ee dhaqankeenna."

    Madaxweynaha Iran ayaa qoray: "Aan gacmaha is qabsano si aan ugu faanno Iran aan ku hogaaminno duufaannadii aan ku dhacnay."

    Farriin muuqaal ah oo shalay laga sii daayay munaasabadda Nowruz ayuu ku sheegay in uusan wax xiisad ah ka raadin deriskooda, uuna diyaar u yahay in uu xalliyo mashaakilaadka dalalka deriska ah.

    Mr. Pezzekian waxa uu rajo ka muujiyay in la xallin doono “cilladaha iyo musuqmaasuqa” ka dhashay xiriirka Iran ay la leedahay dalalka deriska la ah.

    Warar dheeraad ah:

  13. IDF oo sheegtay inay weerar ballaaran ka fulisay Tehran

    Ciidamada difaaca Israa’iil ee loo soo gaabiyo (IDF) ayaa sheegay in ay duqaymo baaxad leh ka fuliyeen magaalada Tehran, iyaga oo la beegsaday tobaneeyo bartilmaameed.

    IDF waxa ay sheegtay in habeen hore, Ciidanka Cirka Israel ay garaaceen goobo loo isticmaalo in laga soo saaro qaybaha muhiimka ah ee gantaallada ballistic-ga, oo ay ku jiraan dhismo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

    Goob lagu kaydiyo walxaha loo isticmaalo samaynta gantaallada iyo dhismo ay leedahay Wasaaradda Difaaca oo u xilsaaran soo saarista shidaalka gantaallada ayaa sidoo kale la weeraray. Goob kale oo loo adeegsan jiray soo saarista qaybaha gantaallada ballistic-ga ayaa sidoo kale la garaacay.

    IDF waxa ay intaa ku dartay in ay sidoo kale duqeysay dhowr hannaan oo difaaca Iran ah oo ku yaalla Tehran.

    Warar kale oo dheeraad ah:

  14. Elon Musk oo loo heysto inuu marin-habaabiyay maalgashadayaasha

    Elon Musk wuxuu hadalladiisa meelaha fagaaraha ku sameynayay marin-habaabin xilli xasaasi ah oo uu la wareegay Twitter-ka 2022, xeerbeegti ayaa sidaa ogaatay.

    Ka dib labo maalmood oo wada tashi ah, xeerbeegtida maxkamadda federaalka ee San Francisco ayaa go'aan ku gaartay xukun wadajir ah oo ka dhan ah ninkan teknolojiyadda caanka ku ah, kaas oo ay dacweeyeen koox maalgashadayaal Twitter ah iyagoo ku dooday inay cuskadeen hadalladiisa.

    Isagoo ka marqaati furaya maxkamadda horraantii bishaan, Musk wuxuu ku dooday inuusan marin habaabin maalgashadayaasha iyo in dadku si fudud wax badan u akhriyaan faallooyinkiisa dadweynaha iyo qoraalladiisa X.

    Xeerbeegtida ayaa taa beddelkeeda ogaaday in qaar ka mid ah sheegashooyinkiisa dadweynaha ee dhibaatooyinka ku jira cabbiraadaha isticmaalaha Twitter-ka, iyo in laga yaabo in uu ka baxayo heshiiska iibsiga ee $44bn, ay si ula kac ah u marin habaabiyeen dadka.

    Qareenada Musk kama aysan jawaabin codsi faallo ah. Sidoo kalena ma aysan hadlin qareennada maalgashadayaasha, oo uu hoggaaminayo Brian Belgrave, oo ah milkiile ganacsi yar oo ka yimid Oregon.

  15. Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegay inay beegsadeen diyaarad dagaal oo F-16 ah

    Wakaaladda wararka ee IRNA oo soo xiganaysa waaxda xiriirka dadweynaha ee IRGC, ayaa ku warrantay in diyaaradda “ay 3:45 subaxnimo barhtamaha Iran ku dhufteen nidaamka difaaca hawada casriga ah ee Ilaalada Kacaanka”.

    IRGC ayaa sheegtay in diyaaraddan ay tahay tii saddexaad oo la bartilmaameedsado tan iyo markii uu dagaalka billowday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan labada kale.

    Hadalka IRGC kuma cadda in diyaaradda dagaal ee ay sheegtay in ay maanta bartilmaameedsatay ay dhab ahaantii soo dhacday iyo in kale.

    Milateriga Israa’iil ayaa horay u xaqiijiyay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay la kulantay “gantalka hawada sare” ee Iran.

    Sidoo kale akhri:

  16. Isla xafladda qalin-jebinta ayaa lagu siiyay saddex abaal-marin iyo shaqo

    "Waxaa jira maalmo aan ooyo anigoo wax akhrinaya" Ardayad Lina Wayu ayaa sidaa tiri.

    Waxaa dhawaanahan qalin jebinayey ardaydii wax ka baranaysay jaamacadaha dalka Itoobiya, waxaana mid ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay jaamacadda Madda Walabu University Lina Wayyuu ay soo jiidatay indhaha dadka iyo warbaahinta.

    Gabadhan ayaa ku guuleysatay labo koob iyo billad dahab ah, waxaana ay jaamacaddu siisay shaqo macallinnimo.

    Si kastaba ha ahaatee, Lina Wayyuu ayaa BBC-da u sheegtay in guusheeda ay ku timid dadaal iyo caqabado.

  17. War deg deg ah, Iran oo gantaallo ku garaacday saldhigga UK iyo Mareykanka ee Diego Garcia

    BBC-da ayaa fahansan in Iran ay gantaallo ku garaacday saldhigga ay wadaagaan UK iyo Mareykanka ee Diego Garcia.

    Waxaa la fahamsan yahay in weerarku ahaa mid aan lagu guuleysan oo dhacay ka hor inta aysan UK xalay ku dhawaaqin ballaarinta isticmaalka Mareykanka ee saldhigyada Ingiriiska.

    Warar kale oo dheeraad ah:

  18. Mareykanka oo ciidamo u diraya Iiraan

    Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa diyaarinaya inay ciidamo dhulka ah u diraan Iran, sida ay sheegtay CBS News, iyadoo soo xiganeysa ilo-wareedyo dhowr ah oo aan la magacaabin oo ka warbixiyey wadahadallada.

    Saraakiisha sare ee Pentagon-ka ayaa sameynaya codsiyo gaar ah oo lagu qorsheynayo tallaabadaas, sida warbixinnada CBS ay tilmaamayaan.

    Jimcihii, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu ka fikirayo "in la dhimo" howlgallada ka dhanka ah Iran. Waxa uu hore ugu sheegay warfidiyeenka in aanu doonayn xabbad joojin.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in uusan qorshaha ugu jirin in uu u diro ciidamo dhulka ah “meel walba”, isaga oo intaa ku daray: "Haddii aan qorshahaas lahaan lahaa, hubaal ma aanan idiin sheegeen."

    Wasaarada gaashaandhiga ayaan wax jawaab ah ka bixin codsiga BBC-da ee ku aaddan wararka sheegaya suurta galnimada in ciidan la geeyo Iiraan.

    Taliska ugu sarreeya ee militariga ee kormeera howlgallada militari ee Washington ka wadaan Bariga Dhexe, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo suurta galnimada dhaqdhaqaaqyadan.

    Warar dheeraad ah:

  19. Waa kuwee goobaha gaaska ee ugu wayn adduunka?

    Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Maraykanka oo dhinac ah iyo Iran oo dhinaca kale ah dhammaadkii bishii hore, wuxuu si weyn u saameeyay dhaqaalaha caalamka, suuqyada tamarta, gaar ahaan qaybaha Shidaalka iyo gaaska.

    mrxaladda dagaalka ayaa gaaray heer ay Israel weerartay goobta gaaska ee South Pars ee Iran Arbacadii, taasoo keentay in Iran ay ka aargoosato iyadoo weerartay xarunta Ras Laffan ee Qatar, ay bartilmaameedsato warshad sifeynta shidaalka ee Sacuudi Carabiya, isla markaana ku qasabto Imaaraadka Carabta inay xirto xarumo gaas. Weeraradu sidoo kale waxay sababeen dab ka kacay laba warshadood oo sifeynta shidaalka ah oo ku yaal Kuwait.

    Qiimaha shidaalka ayaa kor u dhaafay $110 foostadii, kadib markii la beegsaday goobta ugu weyn gaaska adduunka.

    Khabiirka shidaalka iyo tamarta Amer Al-Shobaki ayaa u sheegay BBC in xarunta Ras Laffan ay tahay warshadda ugu weyn ee gaaska ee adduunka, isagoo ku daray: "Waxay u muuqataa in qiyaastii 17% awoodda gaaska ee Qatar ay saameysay ama waxyeello gaartay, taasoo saameyn doonta sahayda gaaska dabiiciga ah ee caalamka."

    Kadib jawaabtii Iran, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa uga digay Iran inay mar kale weerarto xarumaha gaaska ee Qatar, wuxuuna ku hanjabay inuu "qarxin doono gebi ahaanba goobta gaaska ee South Pars" haddii ay sidaas sameyso.

  20. Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa u digay muwaadiniinta ku sugan Ras Al Khaimah, Imaaraatka Carabta, waxayna ugu baaqeen inay si degdeg ah uga baxaan