You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iran oo u hanjabtay goobaha tamarta khaliijka ee xiriirka la leh Mareykanka ka dib markii Trump uu waqti kama dambeys ah u qabtay

Marinka biyoodka Hormuz, ayaa ah goob muhim u ah ganacsiga shidaalka ee adduunka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xiritaanka Marinka Hormuz muxuu uga dhigan yahay dunida?

    Qiimaha saliidda iyo gaaska ee adduunka ayaa si aad ah kor ugu kacay, iyadoo ay saameyn ku yeelatay dagaalka iyo xiritaanka Marinka Hormuz.

    Qiimaha gaaska Yurub ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba soddon ka dib markii shirkadda ugu weyn adduunka ee soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee Qatar Energy, ay sheegtay inay joojisay wax soo saarkii.

    Wax soo saarkeedu wuxuu noqday mid muhiim u ah waddamada Midowga Yurub ka dib markii ay yareeyeen ku tiirsanaantii ay ku qabeen gaaska Ruushka. Qadar ayaa bixisa qiyaastii shan meelood meel gaaska dareeraha dabiiciga ah ee adduunka.

    Qiyaastii shan-meelood meel wax-soo-saarka saliidda ceeriin ee dunida ayaa mara marinkan badeed ee cidhiidhiga ah, kaas oo ballaciisu aanu ka badnayn 40 kiiloomitir marka uu ugu cidhiidhi badan yahay.

    Wada-hadalladii socday ka sokow, maamulka badaha wasaaradda Gaadiidka Maraykan ayaa horraantii bishaan Febraayo soo saartay qodobo ay kula talineyso maraakiibta ganacsiga ee calanka Maraykanka wata in ay iskaga fogaadaan sida ugu macquulsan biyaha dhulka Iiraan.

  2. Iran waxay 'si aan ka soo noqosho lahayn u burburin doontaa' kaabayaasha muhiimka ah haddii la bartilmaameedsado xarumaha tamarta, ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka

    Afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad-Bagher Ghalibaf, ayaa ku hanjabay inay burburin doonaan kaabayaasha muhiimka ah ee gobolka Khaliijka si "hab aan laga noqon karin" haddii Mareykanka iyo Israa'iil ay beegsadaan xarumaha tamarta ee dalka.

    Qoraal uu soo dhigay X, Ghalibaf wuxuu sheegay in kaabayaasha muhiimka ah, tamarta iyo tas-hiilaadka shidaalka ee gobolka oo dhan loo tixgelin doono "bartilmaameedyo sharci ah".

    Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa ka digay in qiimaha shidaalka uu kor u kici doono "muddo dheer".

    Warar dheeraad ah:

  3. Diyaarad ku burburtay Qadar oo ay dad ku dhinteen

    Lix qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Qadar, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

    Qadar ayaa goor hore oo saakay ah sheegtay in diyaaradda helicopter-ka ay ku jirtay "shaqo joogto ah" ayna cillad farsamo soo wajahday.

    "Dadaallada raadinta waxay keeneen in la helo lix ka mid ah toddobada qof ee saarna," ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay ku soo wadaagtay X.

    War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca dalkaasi ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan laba qof oo rayid ah oo Turki ah iyo hal askari oo Turki ah.

    Macnaha guud: Qadar waxaa saameeyay duqeymaha Iran toddobaadyadii la soo dhaafay, todfobbaadkanna Iiraan ayaana duqeysay xarunteeda gaaska ee ugu weyn. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in dhacdadan helikobtarka ah ay xiriir la leedahay dagaalka Iran.

    Warar dheeraad ah:

  4. Maxaa xalay ka dhacay magaalada Dimona ee Isreal, meel u dhow xarun Nukliyeer ka dib wearer Iran qaaday?

    Weerar gantaal oo ay Iiraan fulisay ayaa ku dhacay magaalada Dimona ee koonfurta Israa'iil, taas oo u dhow xarun nukliyeer ah.

    Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atommiga (IAEA) ayaa sheegtay inayna ka warhayn waxyeello soo gaartay xarunta cilmi-baadhista nukliyeerka ee ku taalla meel qiyaastii 13km dibbada ka ah magaalada Dimona.

    Telefiishanka dawladda Iiraan ayaa sheegay in weerarku uu ahaa jawaab ka bixin weerar la sheegay in lagu qaaday xarunta nukliyeerka ee Natanz ee Iiraan horraantii Sabtidii.

    IAEA waxay sheegtay in 'wax koror ah oo ku yimid heerarka shucaaca ka baxsan goobta' aan la soo sheegin ka dib dhacdadaas. Rafael Grossi, oo ah agaasimaha guud ee IAEA, ayaa sheegay in 'waa in la muujiyo xakamayn ciidan oo heerkeedu sarreeyo, gaar ahaan meelaha u dhow xarumaha nukliyeerka'.

    Adeegga gurmadka degdega ah ee Israa'iil ayaa sheegay inay dawaynayaan 40 qof ka dib weerarkii Dimona, oo ay ku jiraan 37 qof oo qaba dhaawacyo fudud iyo wiil 10 jir ah oo xaaladdiisu ay halis tahay. Waxay sidoo kale sheegeen in 68 qof oo kale lagu dawaynayo weerar gaar ah oo ka dhacay magaalada u dhow ee Arad, kuwaas oo ay ku jiraan 47 qof oo dhaawacyo fudud qaba iyo 10 qof oo xaaladoodu ay aad u daran tahay.

  5. Iran oo maraakiibta mareysa marin biyoodka Hormuz ka qaadaysa lacag dhan 2 milyan oo doollar

    Xubin ka tirsan baarlamaanka Iran Alaeddin Boroujrrdi ayaa maanta TV-ga qaranka dalkaas ka sheegay in Iiraan ay qaar ka mid ah maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz ka qaadayso “$2 (£1.5) milyan oo dollar”.

    Waxa uu sheegay in "maamul cusub" lagu soo rogayo marin biyoodka "dagaalkuna kharsh ayaa ku baxay", isaga oo intaa ku daray in tani ay muujinayso "maamulka iyo xaqa ay leedahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran".

    BBC ma aysan awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso sheegashada khasaaraha uu sheegay xildhibaanka Iran.

    Warar dheeraad ah:

  6. Trump oo qarka u saaran go'aanno adag iyadoo Mareykanku ay hor yaallaan xulashooyin adag oo ka dhan ah Iran

    Saddex toddobaad ka dib markii uu billowday dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iran, colaadda ayaa gaartay xaalad wareer ah oo farriimo isku dhafan iyo hubanti la'aan, iyadoo hadallada Donald Trump uu inta badan u muuqdo mid ka hor imaanaya xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

    Dagaalku "aad ayuu u dhammaystiran yahay, xoogaa aad", ayuu yiri Trump, laakiin ciidamada dhulka ee cusub ee Maraykanka - oo ay ku jiraan unugga duulista badda - ayaa ku sii qulqulaya gobolka. Way "sii yaraanayaan", laakiin duqeymaha gantaalaha Maraykanka iyo Israa'iil ee bartilmaameedyada Iran ayaa si aan kala go' lahayn u socda.

    Furitaanka marin-biyoodka Hormuz, oo ah meesha juqraafiyeed ee ay maraan 20% shidaalka laga dhoofiyo adduunka, waa "dhaqdhaqaaq ciidan oo fudud", laakiin hadda keliya maraakiibta Iran ay ansixisay ayaa ku gudbaya biyaha. Milateriga Iran waa "baxay", laakiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa weli duqaynaya bartilmaameedyada gobolka, bartilmaameedyaduna waxay gaareen ilaa saldhigga ay wadaagaan Maraykanka iyo UK ee Diego Garcia.

    Qoraal fiidnimadii Sabtida uu soo dhigay Truth Social, Trump wuxuu ku hanjabay kordhinta weerarrada, isagoo ka digaya in haddii Iran aysan "si buuxda u furin, hanjabaad la'aan" Hormuz 48 saacadood, millatariga Mareykanka wuxuu bilaabi doonaa inuu bartilmaameedsado xarumaha tamarta Iran, "laga bilaabo xarunta ugu weyn".

    Maalin ka hor, si kastaba ha ahaatee, waxa uu isticmaalaybartiisa baraha bulshada si uu u bixiyo liis lambar ah oo ah ujeedooyinka milatari ee Maraykanku ka leeyahay dagaalka Iran, kuwaas oo uu sheegay in Maraykanku "aad ugu dhowaanayo" inuu fuliyo.

  7. Iran oo weerar cusub ku qaadday Israa'iil

    Iran ayaa weerar cusub ku qaadday Israa’iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran ee Irib.

    Dhanka kale, ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarka, waxaana farriin taxadar leh loo diray taleefannada gacanta ee meelaha ay khusayso.

    Warar kale oo dheeraad ah:

  8. Waqtiga 48-saac ee uu Trump u qabtay Iran: Waxa aan ka ognahay

    Madaxweyne Donald Trump ayaa Iran u qabtay 48 saacadood oo kama dambays ah inay dib u furto marin biyoodka Hormuz, ka dib wuxuu sheegay in Maraykanku " baabi'in doono" xarumaha tamarta Iran.

    Waqtiga nabadda, qiyaastii 20% shixnadaha saliidda iyo gaaska dabiiciga ah (LNG) ee adduunka ayaa mari jiray marinkaas, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah saadka tamarta adduunka.

    Trump wuxuu ku qoray bartiisa Truth Social markay saacaddu ahayd 23:44 GMT ee 21-ka Maarso, taasoo la micno ah Iran waxay haysataa ilaa 23:44 GMT 23-ka Maarso (03:14 ee Tehran 24-ka Maarso), si ay uga soo baxdo dalabka madaxweynaha Mareykanka.

    Waxa uu soo qoray: "Haddii Iran aysan si buuxda u furin, IYADOO HANJABAAD LA'AAN, marin biyoodka Hormuz, 48 HOURS gudahood waqtigan saxda ah, Maraykanku wuxuu si weyn u garaaci doonaa oo baabi'in doonaa xarumaha kala duwan ee tamarta!"

    Tehran ayaa sheegtay in ay beegsan doonto goobaha tamarta ee uu Maraykanku ku xiran yahay ee ku yaalla gobolka Khaliijka haddii la weeraro, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Iran.

    Go’doominta Iran iyo werarrada ay ku hayso maraakiibta mara marin biyoodka ayaa sababay in qiimaha shidaalka uu sare u kaco toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Warar kale oo dheeraad ah:

  9. War ay hadda ku dhawaaqday wasaaradda difaaca Sacuudiga

    Maanta oo Axaddda, maalintii 23-aad ee dagaalka ka socda Bariga Dhexe, wasaaradda gaashandhigga Sacuudiga ayaa ku dhawaacday inay ka hortagatay saddex gantaal oo nooca balastikada ah oo lala beegsaday gobolka Riyad oo ah caasimada Sacuudiga.

    Qoraal ay ku daabacday barteeda X, ayey ku sheegay in "Saddex gantaal oo balastiko ah ayaa loo soo riday dhanka gobolka Riyadh. Mid ka mid ah gantaaladaas waa la soo riday, halka labada kale ay ku dhaceen aag aan dad degganayn," iyadoo intaas ku dartay in shan diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn la qabtay isla markaana lagu burburiyay hawada dalka tan iyo saqdii dhexe.

  10. Khasaare xooggan oo ka dhashay weerar ay Iiraan ku qaaday Israa'iil

    Sabtidii, gantaal ay Iran ridday ayaa ku dhacay Arad, oo ah magaalo yar oo ku taalla koonfurta Israa’iil, kadib markii nidaamyada difaaca hawadu ay ku guuldareysteen inay qabtaan gantaalka. Adeegyada gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in 88 qof la geeyay isbitaallada kadib weerarka, iyadoo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

    Tobannaan kale oo qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Dimona ee koonfurta Israa’iil, oo qiyaastii 13 km u jirta xarun nukliyeer ah.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay dhacdadan “fiid aad u adag” oo dalka soo maray.

  11. Imaaraadka oo hadda war soo saaray

    Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay inay ka hortagayaan weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah oo laga soo riday dhanka Iiraan.

    "Dhawaqa la maqlayo waa natiijada nidaamyada difaaca hawada oo ka hortagaya gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ," ayaa lagu yiri qoraal ay wasaaraddu soo dhigtay barta X aroornimadii hore ee Axadda.

  12. Iiraan oo ka jawaabtay hanjabadii Trump ku sheegay inuu ku ‘‘burburin” warshadaha korontada

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in milatariga dalkaas ay beegsan doonaan kaabayaasha tamarta ee lala xiriiriyo Mareykanka ee ku yaalla guud ahaan gobolka Khaliijka, haddii la weeraro xarumaha shidaalka iyo tamarta ee Iran.

    Digniintan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Donald Trump soo saaray digniin kama dambays ah, isagoo sheegay in Mareykanku uu "burburin doono" xarumaha korontada ee Iran haddii Tehran ay ku guuldareysato inay dib u furto Marinka Hormuz muddo 48 saacadood gudahood ah

  13. Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhana Iiran

    Sacuudi Carabiya ayaa waydiisatay diblomaasi u dhashay dalka Iiraan iyo saddex xubnood oo ka tirsan kooxdiisa inay isaga baxaan dalka, xilli boqortooyada iyo deriskeeda Khaliijka ay wajahayaan weeraro aargoosi ah oo uga imanaya Iiraan kuwaas oo daba socda weerarada Maraykanka iyo Israa'iil.

    Bayaan lagu cambaareynayo 'weerarrada soo noqnoqday ee Iiraan,' ayay Riyadh ku sheegtay inay 'go'aansatay inay u aqoonsato u qaybsanaha arrimaha milatariga ee safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyo saddex xubnood oo ka tirsan howlgalka milatari ee safaaradda, inaan dalkaas laga rabin (persona non grata).'

    Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa intaas ku daray in la siiyay 24 saacadood oo ay dalka kaga baxaan, farriin lagu baahiyay baraha bulshada.

  14. Rikoodh Maraykanku ku faani jiray oo ay Iiraan ku tiri ku laabo, muxuuse yahay?

    Meel kamid ah hawada dalka Iiraan ayaa maalinimadii Khamiista, 19kii Maarso, ayaa gantaal ama wax u eg uu ku helay diyaarad Mareykanku leeyahay oo F-35 ah. Milateriga Maraykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacday rasaas looga shakisan yahay inay ka timid dhanka Iiraan xilli ay ku jirtay hawlgal dagaal, waxayna ku guulaysatay inay si degdeg ah ugu degto saldhig diyaaradeed oo Maraykanku ku leeyahay gobolka.

    Pentagon-ku wuxuu dhacdadan ku tilmaamay mid baaritaan lagu sameynayo oo jirta. Waana weedh la dhihi karo waa la filayay oo taxadar ayay ka muujinayaan intaysan wax sheegin. Laakiin dhacdadani si walba taxadar uga dheer, oo waa ba mid aan hore loo arag.

    In ka badan toban sano oo hawlgalo dagaal laga fulinayay Suuriya, Liibiya, Qasa iyo meelo ka baxsanba, ma jirin F-35 waligeed lasoo sheegay in ay ku dhacday rasaas cadow. Rikoodhka diiwaankaas hadda Iran ayaa soo afjadhay.

    Waxa ay Iiraan Khamiistii samaysay waa inay burburisay dooddii ololaha cirka ee laga iibiyay caamadda, si dad badan u aaminaan caqiidada ah in wax kastoo dhaca aan la beegsan karin F-35.

    F-35 waxaa lagu dhisay hal istiraatiijiyadeed oo abuurkeeda oo dhan ubuc u ahayd. Richard Aboulafia, maamulaha shirkadda la talinta ee Maraykanka ee AeroDynamic Advisory ahna mid ka mid ah codadka loogu tixraaca badan yahay falanqaynta duulista milateriga, ayaa mar dhexdaas ah F-35 ka yiri: "Wax walba oo cirkaa heehaabaya, si kastuu u hormarsan yahay, waa wax mar uun ishu qaban kadho. Fikirka ah inaad haysato qalab ku qarinaya waa mid aad u khatar badan., oo jar kaa tuuri kara."

  15. War hadda ka soo kordhay Netenyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu la hadlay duqa magaalada Arad kadib waxa uu ku tilmaamay “fiid aad u adag” oo soo maray magaalada.

    Adeegyada gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in 88 qof la geeyay isbitaalka kadib weerar uu Iiraan ku qaaday magaalada ku taaalla koonfurta Israa’iil.

    Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigat bartiisa X (horey loo oran jiray Twitter) inuu xoojin doono ciidamada gurmadka iyo samatabbixinta “ee hadda ka shaqeynaya goobta,” isagoo sidoo kale ugu baaqay dadka dalka oo dhan inay u hoggaansamaan tilmaamaha amniga.

    “Waxaan go’aansannahay inaan sii wadno weerarrada aan ku hayno cadawgeena dhammaan jihooyinka,” ayuu intaas raaciyay.

  16. Trump oo u hanjabay Iran, waqtina u qabtay

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayaa sheegay in Maraykanku “burburin doono” warshadaha korontada ee Iran haddii dalkaasi uusan furin marin-biyoodka Hormuz “iyadoo aan wax hanjabaad ah jirin” muddo 48 saacadood gudahood ah.

    Halkan hoose waa qoraalkii oo dhan:

    “Haddii Iran aysan SI BUUXDA U FURIN, IYADOO AAN HANJABAAD JIRIN, marin-biyoodka Hormuz 48 SAACADOOD gudahood laga bilaabo waqtigan saxda ah, Maraykanka ayaa weerari doona oo burburin doona warshadahooda kala duwan ee KORONTADA, isagoo KA BILAABAYA TAN UGU WEYN MARKA HORE!”

  17. Adeega gurmadka deg dega ee Isreal oo sheegay tirada dadka ku dhaawacmay weerarkii Iran ee Arad

    Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil, Magen David Adom, ayaa soo saartay war-cusub oo ku saabsan weerarkii gantaallada ee fiidnimadii ka dhacay Arad, iyadoo sheegtay in 88 qof ay ku dhaawacmeen oo isbitaalka la dhigay ilaa 01:20 waqtiga maxalliga ah.

    88-ka qof ee la daaweynayo, 10 ka mid ah ayaa dhaawacooda lagu sheegay mid halis ah, 19 qaba dhaawac dhexdhexaad ah, halka 55 ay qabaan dhaawacyo fudud.

  18. Duqaymaha Iran oo khasaare xooggan gaarsiiyey magalada Arad ee Isreal

    Waxaan hadda helnay qaar ka mida sawirada xiili hore oo duqaynta ka dhacday magaalada Arad oo ku taalla koonfureed Israa’iil.

    Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa sheegaya in 10 qof si darran ugu dhaawacmen weerarka

  19. "Iiraan waxay doonaysa heshiis. Aniguse maya," Madaxweyne Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo digay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayaa bixiyey faallo cusub oo ku saabsan Iran.

    Trump wuxuu sheegay in Maraykanku “ka tirtiray Iran khariidadda” isagoo ka jawaabaya falanqeyn dhowaan ay daabacday The New York Times oo ku saabsan diiwaankiisa dagaal.

    Wuxuu diiday talooyin sheegaya inuusan gaarin yoolkiisii Iran, isagoo yiri: “Haa waan gaaray, xitaa toddobaadyo ka hor waqtigii la filayay.

    “Hoggaankoodii waa la waayay, ciidamadooda badda iyo cirka waa burbureen, gabi ahaanba ma haystaan wax difaac ah, waxayna rabaan inay heshiis galaan. Anigu ma rabo.”

  20. Afhayeenka barlamaanka Iran Mohammad Bagheri, oo war hor leh sheegay

    Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Mohammad Bagheri Ghalibaf ayaa bartiisa X ku soo qoray "waxay u muuqataa in la gaaray waqtigii la hirgelin lahaa istaraatiijiyadaha xiga ee la qorsheeyay" ee ku saabsan dagaalka Israa'iil iyo Mareykanka.

    "Haddii Israa'iil aysan awoodin inay qabato gantaalada ku jira aagga Dimona ee aadka loo ilaaliyo, waa, hawlgal ahaan, calaamad muujinaysa in la galayo marxalad cusub oo colaad ah. hwada Israa'iil waa mid aan difaac lahayn," ayuu yiri Ghalibaf.