You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo shardi adag ku xiray dhaqangalinta heshiiskii tamarta nukliyeerka Niyukleerka ee sacuudiga uu la galay

Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la sheegay inuu u oggolaanayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso barnaamij tamarta nukliyeerka ee rayidka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Go'aanka arooska: Talooyinka muhiimka ah ee guurka ka hor

    Marwo Ababa G/sillaase iyo Seygeeda Gabre Kiristos waxay isqabeen ama ay noolal wadaag ahaayeen 50 sano. Dhawaanna waxay xuseen sanad guuradii 50aad ee guurkooda ka soo wareegtay iyada oo munaasabaddaasina ay ka soo qayb galeen 9 carruur oo ay dhaleen iyo 17 carruur oo ay carruurtooda sii dhaleen.

    Waxayna qoysaskaasi nus qarniga noolasha ku mideysnaa ay sheegayaan iney muddo intaa dhan ay wada noolaadaan ay ugu wacneed "Samir iyo Iisu dulqaadasho".

    "Labada qof ee isqaba ama wada nool midkood inuu khalad ka dhaca waa lagama maarmaan balse iney khaladka dhacay si deggan ay u xalliyaan ayaa u horseedaya iney noolal farxad leh ay ku noolaadaan" ayey tiri Marwo Ababa.

    Bariyahan dambana waxaa aad u badan qoysas wada nool oo aan aarimaha qoyskooda ka wada hadli karin, kuwa u wada nool carruurta iney wada korsadaan oo keli ah, ama aan kalsooni isku qabin.

    Haddaba isfaham la'aanta noocaasi marka uu sii ballaadho wuxuu horseedayaa qoysaski dhisnaa iney burburaan oo la kala tago.

    Maxay yihiin waxyaabaha guurka khatar geliya?

    Tigist Waaltangus iyo Indaalki Asafa waxay muddo ka badan 10 sano ay ka shaqeeyaan la talinta iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha guurka iyaga oo ka wada tirsan urur arrimahan ka shaqeeya.

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Mar wax laga weydiiyey waxyaabaha guurka khatarta geliya ee burburka horseeda waxay sheegeen iney kow ka tahay aqoonta ay lammaanuhu u leeyihiin guurka iyo xiriirka jeceyl waxa ay kala yihiin.

    "Guurku wuxuu ka billaabmayaa qofka laftiisa" marka inta uusan qofku fiirin qofka uu noolasha la wadaagayo waa inuu marka hore isagu is fiiriyaa, ayey Tiri Khabiir Tigist.

    Dhibaatooyinka kale ee guurka iyo xiriirka jeceyl ee lamaanaha khatar gelin kara waxaa ka mid ah:

  2. Maxaa xalay ka dhacay Bariga Dhexe?

    Halkan waxaan idinkugu soo koobeynaa waxa xalay ka dhacay Bariga Dhexe?

    Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeeny habeenkii 12-aad oo xiriir ah duqeymo ka dhan ah Iiraan. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalada Bushehr.

    Dhanka kale, Iiraan ayaa sii wadday weerarradeeda jawaabta ah, iyadoo Kuwait ay sheegtay in difaaceeda cirka uu ka hortagay diyaarado aan duuliye lahayn oo loo arkay kuwo cadow ah.

    Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo ay taageerto Iiraan, ayaa sheegtay inay weerartay laba markab oo kuwa shidaalka qaada oo laga leeyahay Sacuudiga, kuwaas oo marayay Badda Cas.

    Weerarkan ayaa yimid kadib markii Isniintii ay ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn (xayiraad) ku soo rogeen maraakiibta Sacuudiga.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah maraakiibta, oo lagu magacaabo Encelia, la beegsaday, taasoo sababtay inuu dab ka kaco markabka. Waxay ku tilmaantay weerarka mid jebinaya sharciga caalamiga ah.

    Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay, inay dib u billowday weerarro ay ku beegsanayso saddex saldhig oo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay dalka Kuwait.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in weerarradiisii la soo afjaray subaxnimadii Khamiista, 25-ka Agoosto.

    Tani waxay ahayd habeenkii 12-aad oo xiriir ah oo ay Maraykanku weerarro ka fuliyeen qaybo kala duwan oo ka tirsan Iiraan.

    Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la sheegay inuu u oggolaanayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso barnaamij tamarta nukliyeerka ee rayidka.

    Waaxda Tamarta ee Mareykanka ayaa heshiiskan ku tilmaantay "heshiis iskaashi oo nabadeed oo dhanka nukliyeerka ah", kaas oo siinaya "shirkadaha Mareykanka fursad ballaaran oo ay kaga qayb qaataan barnaamijka tamarta nukliyeerka ee Sacuudi Carabiya."

    Sidoo kale akhri

  3. Netanyahu oo hiilo ka helay Trump ee kiiska Mamdani

    Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani, oo hore wacad ku maray inuu xiri doono raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu haddii uu yimaado magaalada New York, ayaa hadda sheegay inuusan lahayn awood sharciyeed oo uu sidaas ku sameeyo.

    Muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Mamdani ku sheegay, in mas’uuliyiinta Maraykanka ay tahay inay fuliyaan amar-qabashada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, kaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

    Sharci ahaan, haddii Netanyahu uu tago dal xubin ka ah ICC, waxaa suuragal ah in la xiro lana geeyo maxkamadda. Hase yeeshee, Maraykanku ma aha xubin ka tirsan ICC.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Netanyahu aan lagu xiri doonin Maraykanka “si kasta oo ay ahaataba.”

    “Wuxuu la dagaallamayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, oo dhowaan dishay 52,000 oo dibadbaxayaal aan waxba galabsan [sida uu isagu sheegay], isla markaana 47-kii sano ee la soo dhaafay dishay askar Maraykan ah iyo dad kale,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social maalintii Isniinta.

    Trump wuxuu ka jawaabayay hadallo uu Mamdani ku sheegay wareysi uu Sabtidii siiyay The New York Times, kaas oo duqa magaalada ku sheegay inuu “wadahadallo firfircoon” la leeyahay hay’adaha fulinta sharciga oo ku saabsan suuragalnimada hirgelinta amarka qabashada ee ICC.

    Hase yeeshee, Talaadadii Mamdani wuxuu sheegay in kooxdiisu ay dib u eegtay “dhammaan waddooyinka sharciyeed ee suurtagalka ah,” isla markaana ay ku soo gabagabeeyeen in “aanan haysan awood sharciyeed oo madax-bannaan oo aan ku fulin karno arrintan.”

    “Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa leh awooddaas,” ayuu Mamdani yiri. “Waxaan ugu baaqayaa inay ku biiraan ICC oo ay fuliyaan amarkan qabashada.”

    Mamdani ayaa muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay, in Benjamin Netanyahu uu “ku soo dhoweynayn” Magaalada New York, halkaas oo la filayo inuu bisha Sebtembar u yimaado si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sannadkii 2024 soo saartay amar lagu soo qabanayo Netanyahu, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo la xiriira dagaalka Gaza. Isla mar ahaantaana, ICC waxay sidoo kale soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah taliye ka tirsan Xamaas.

    ICC waxay awood u leedahay inay dacwad ku soo oogto dadka lagu eedeeyo xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyo dambiyo dagaal, haddii falalkaas ay ka dhaceen dalal xubno ka ah Heshiiska Rome, oo ah heshiiska lagu aasaasay maxkamadda.

    Intii uu ku jiray ololihiisa doorashada duqa magaalada New York, Mamdani wuxuu marar badan Netanyahu ku tilmaamay dambiile dagaal, wuxuuna dagaalka Gaza ku sheegay xasuuq.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu amri doono booliiska inay qabtaan Netanyahu haddii uu yimaado magaalada.

    Isagoo markaas musharrax ahaa, ayuu wareysi uu siiyay The New York Times ku yiri: “Tani waa arrin aan doonayo inaan hirgeliyo.” Wuxuu sheegay in qabashada Netanyahu ay noqon lahayd fulinta amar ay soo saartay ICC.

    Hadalladan ayaa imanaya xilli ay muuqato in taageerada codbixiyayaasha Xisbiga Dimuqraadiga ee Israa’iil ay is beddelayso. Ra’yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in 58% taageerayaasha Dimuqraadigu ay aaminsan yihiin, in Maraykanku taageero aad u badan siiyo Israa’iil, halka boqolkiibaasi uu ahaa 45% sannadkii 2024.

    Isagoo ka jawaabaya wareysiga Mamdani, safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa yiri:

    “Waxaa laguu doortay inaad u adeegto dadka reer New York, ee ma aha barabagaandhada Xamaas.”

    Sidoo kale akhri

  4. Mareykanka oo sheegay inay habeenkii 12-aad oo xiriir ah duqeymoka geysteen Iiraan

    Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeeny habeenkii 12-aad oo xiriir ah duqeymo ka dhan ah Iiraan. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalada Bushehr.

    Dhanka kale, Iiraan ayaa sii wadday weerarradeeda jawaabta ah, iyadoo Kuwait ay sheegtay in difaaceeda cirka uu ka hortagay diyaarado aan duuliye lahayn oo loo arkay kuwo cadow ah.

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in markab shidaal qaada uu dab qabsaday isagoo ku sugnaa goob miinooyin lagu aasay oo u dhow Marinka Hormuz, halka laba markab oo kale ay dib u bilaabeen safarkoodii.

    Waxay mar kale ku adkaysteen inaan wax markab shidaal qaadaya ah loo oggolaan doonin inuu maro Marinka Hormuz iyada oo aan marka hore lala heshiin ama lala xiriirin Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  5. Tartanka hubka: 10-ka dal ee hubka ugu badan soo dejista Afrika

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

  6. Shil kale oo fool xun oo ka dhacay magaalada Jigjiga

    Inta la hubo 7 qof ayaa geeriyootey tiro kalena dhaawacyo ayaa soo gaarey, ka dib markii gaari xamuul ah uu xalay dulmaray dad fadhiyey goob ganacsi oo ku taal magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida.

    Hay’adaha ammaanku weli ma shaacin sababta ka dambeysey in gaarigu uu ka baxo waddada ka dibna uu dadka dardaro.

    Shilalka gawaarida ayaa maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay deegaanka Soomaalida, wuxuuna kan imaanayaa labo maalmood ka dib markii tobaneeyo qof ay ku dhinteen shil baabuur oo is xigay oo ka dhacday degmada Qabri bayax.

    “Gaariga oo ahaa nooca xamuulka ee carada qaada ayaa isagoo xawaare ku socda ka baxay wadada, kadibna wuxuu dardaray dadkii fadhiyay mehradaha ganacsi ee halkaas ku yaalay”, ayuu yiri Cabdixakiin cabdullaahi Gama’diid oo ah wariye madaxbannaan oo booqday Isbitaalka lageeyey maydadka iyo dhaawaca shilkaas ka dhashay, kaas oo BBC-da u warramay.

    “Arrinta kale ee naxdinta badan ayaa ah in xubnaha bini’aaamka oo qeybihiisa kala duwan oo aad arkeysid, gacan go’na iyo xubno kale ayaa marba meel laga soo qaadayay, ilaa afar qof ayaa la gartay ilaa hadda”, ayuu intaas raaciyay.

    Laamaha amniga ayaa wada baaritaan la xiriira shilkan. Guddi gaar ah ayaa sidoo kale loo saaray arrintan.

  7. Xuutiyiinta oo weerar ka geystay Badda Cas

    Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo ay taageerto Iiraan, ayaa sheegtay inay weerartay laba markab oo kuwa shidaalka qaada oo laga leeyahay Sacuudiga, kuwaas oo marayay Badda Cas.

    Weerarkan ayaa yimid kadib markii Isniintii ay ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn (xayiraad) ku soo rogeen maraakiibta Sacuudiga.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah maraakiibta, oo lagu magacaabo Encelia, la beegsaday, taasoo sababtay inuu dab ka kaco markabka. Waxay ku tilmaantay weerarka mid jebinaya sharciga caalamiga ah.

    Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xayiraadda ay Xuutiyiintu saareen maraakiibta ay keeni karto koror cusub oo ku yimaadda qiimaha shidaalka ee caalamka.

    Sidoo kale akhri

  8. Markab salid waday oo lagu weeraray meel bannaanka ka ah xeebaha Sucuudiga

    Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar ka dhacay meel 70 Mayl-baddeed koonfur-galbeed ka xigta magaalada Al-Shaqeeq ee dalka Sacuudiga.

    Sida warbixintu sheegtay, kabtanka markab sida shidaalka ayaa ku dhawaaqay in markabka lagu bartilmaameedsaday walax aan la aqoonsan oo lagu soo weeraray. Weerarkan ayaa sababay dab ka kacay markabka, iyada oo shaqaalihii markabkuna ay ku hawlan yihiin xakamaynta dabkaas.

    Sida ay sheegtay hay'adda Ingiriiska ah, ilaa iyo hadda ma jiraan warar sheegaya qasaare nafeed ama wasakhow deegaanka ah oo la soo wariyay.

  9. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay koonfurta Iiraan

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadoodu qaadeen wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu bartilmaameedsanayo goobo millatari oo ku yaalla Iiraan, ku dhawaad 5:30 galabnimo oo ku beegan 1-da habeenimo xilliga Tehraan, kaddib amarrada Madaxweynaha Mareykanka.

    Sida uu sheegay CENTCOM, Hadafka hawlgalkan ayaa ah in la sii wado dhimista awoodda Iiraan ay ugu hanjabto badmaaxiinta rayidka ah iyo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan biyaha gobolka.

  10. Falcelinnada hadalkii Trump oo weli sii socda

    Falcelinnada ka imanaysa Iiraan ayaa sii socda si loogu jawaabo war-saxaafadeedkii Donald Trump ee ku saabsanaa bartilmaameedsiga kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan, haddii maraakiibta ganacsiga la weeraro.

    Saacadahii la soo dhaafay, dhowr mas'uul oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan (IRGC) ayaa ka falceliyay hadalladaas.

    Majid Mousavi oo ah Taliyaha Ciidanka Cirka ee Kacaanka Iiraan, ayaa ku hanjabay in haddii la weeraro buundooyinka iyo warshadaha korontada ee dalkaas, ay sidoo kale korontada ka go'i doona xulafada iyo kuwa martida u ah. Waana mid "hubaal ah."

  11. Araqchi: Weerarka kaabayaasha dhaqaale wuxuu horseedi doonaa jawaab adag

    Qoraal u muuqda jawaab laga bixinayo hanjabadii Donald Trump ee saacado ka hor ayaa waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ballanqaaday jawaab celin haddii Maraykanku uu weeraro kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan.

    Wuxuu ku qoray barta bulshada ee X: "Mabda'a difaaceennu waa mid cad: il il ayaa loogu aargudaa. Weerar kasta oo ka dhan ah Iiraan oo uu ku jiro weerar ka dhan ah kaabayasheenna, wuxuu horseedi doonaa jawaab xoog badan."

  12. Qalibaaf: Gobol aannaan saliid ku iibinayn, ma jiro nin saliid ku iibin doona

    Maxamed Baqer Qalibaaf, afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ahna madaxa wadahadallada Iiraan, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku yidhi: "Astaanta iyo xaaladda Marinka Hormuz ku ma soo laaban doonto sidii ay ahayd dagaalka ka hor."

    Isaga oo ka dhiidhiyanaya iibka Saliidda, wuxuu qoray: "Isle'egta dagaalkan waa mid cad."

    Mr. Qalibaaf wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: "Gobol aannaan saliid ku iibinayn, ma jiro nin saliid ku iibin doona. Haddii amnigeenna la dammaanad qaadi waayo, ma jiri doonaan kaabayaaal ammaan ah, amniga Marinka Hormuz-na wuxuu ku jiraa maqnaanshaha xoogagga Maraykanka."

  13. Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan, illaa 53 qof ayaa ku dhintay meertadii ugu dambaysay ee weerarrada Maraykanku ku qaaday Iiraan.

    Sida ku xusan xogta ay soo saartay wasaaraddu, dhimashadan ayaa dhacday muddadii u dhaxeysay 27-kii Juun illaa subaxnimadii 22-ka July.

    Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta ee Wasaaradda Caafimaadka Iiraan, Hossein Kermanpour, oo xogtan ku baahiyay barta X, ayaa sheegay in 592 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, ma aanu caddayn inta ay le'eg tahay tirada dadka dhintay ee millatariga ah iyo inta ay le'eg tahay tirada rayidka ah.

    Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahinta Maraykanka, ugu yaraan 18 askari oo milatariga Maraykanka ah ayaa ku dhintay tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan bishii March ee sannadkii hore.

  14. Muwaadiniinta Iiraan oo looga digay adeegsiga Starlink

    Qaybta Ka hortagga Dambiyada iyo Arrimaha Bulshada ee Garsoorka Tehran ayaa ka digtay isticmaalka adeegga Starlink.

    Muuqaal iyo farriin qoraal ah oo loo diray muwaadiniinta ayaa Garsoorka Tehran wuxuu ku dhawaaqay in "soo dejinta, iibsashada, iibinta, rakibidda, iyo isticmaalka qalabka satellite-ka ee intarneedka, oo uu ku jiro Starlink, ay tahay mid la mamnuucay oo mudan ciqaab sharci ah."

    Tani ma aha markii ugu horraysay oo ay masuuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ka digaan isticmaalka Starlink.

    Dagaalkii sagaal iyo soddonka Maalmood socday, helitaanka intarneedka caalamiga ah ayaa laga xidhay muwaadiniinta Iiraan, marka laga reebo dad kooban oo heli karayay adeegyo dheeraad ah.

  15. War deg deg ah, Hay'adaha xuquuqda aadanaha oo ka walaacsan dacwadaha kooxaha lala xiriiriyo Boko Haram

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ku eedeysay dowladda Nigeria inay si caddaalad-darro ah u maareyneyso dacwadaha la xiriira dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Haram.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Maanta, HRW waxay sheegtay in caddaaladdu aysan si buuxda uga muuqan dacwadaha loo haysto dadka ay saameeyeen kacdoonka Boko Haram sannadihii la soo dhaafay.

    Hay’addu waxay sheegtay in dacwadaha intooda badan lagu beegsado dadka aan xilal sare ka hayn ururka, halka tuhmanayaasha magacyada waaweyn leh ee lagu eedeeyo dambiyada culus ay weli ka baxsan yihiin ciqaabta.

    HRW waxay sidoo kale tilmaantay inay jiraan dhibaatooyin la xiriira nidaamka garsoorka dembiyada iyo tayada caddeymaha la horgeeyo maxkamadaha.

    Waxay sheegtay in qaar ka mid ah dacwadaha lagu saleeyay oo keliya qirashada eedeysanayaasha, iyadoo aan la hayn caddeymo ku filan oo taageeraya eedeymaha loo jeediyay.

    HRW ayaa intaas ku dartay in qaar ka mid ah eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay taageereen kooxaha hubeysan, inkastoo ay suuragal tahay in lagu khasbay inay sidaas sameeyaan.

    Hay’addu waxay sidoo kale su’aal gelisay waxtarka qareennada ay maxkamaduhu u magacaabaan dadka aan awoodin inay qareen qabsadaan, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay caqabad ku noqon karto helitaanka difaac sharci oo buuxa.

    Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Nigeria ay sanadkan wajahday koror ku yimid dacwadaha la xiriira argagixisada, iyadoo in ka badan 1,100 qof lagu soo oogay dacwado la xiriira in ay ka tirsanyihiin Boko Haram iyo ISWAP.

  16. War deg deg ah, Mareykanka iyo Sacuudiga oo ku dhawaaqaya heshiiska tamarta nukliyeerka

    Washington iyo Riyaad ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan inay gaareen heshiis u oggolaanaya Sacuudi Carabiya inay markii ugu horreysay yeelato tamarta nukliyeerka.

    Labada dal ayaa gaaray heshiis ganacsi oo u oggolaanaya shirkado Mareykan ah inay dhisaan isla markaana maamulaan warshado tamarta nukliyeerka ah oo ku yaalla gudaha Sacuudi Carabiya, sida uu BBC-da u sheegay mas’uul gobolka aqoon wanaagsan u leh oo xog-ogaal u ah heshiiska.

    Ku dhawaaqista rasmiga ah ee heshiiska ayaa la filayaa inay dhacdo caawa.

    Sida ay sheegtay CBS News, heshiiska ayaa sidoo kale u oggolaan kara Sacuudi Carabiya inay iyadu hodmiso shidaalka loo isticmaalo matoorrada nukliyeerka.

    Magacyada shirkadaha ku lug leh heshiiska weli lama shaacin, hase yeeshee CBS waxay sheegtay in heshiiska uu u baahan doono in lagala tashado Kongareeska Mareykanka.

  17. Kenya oo qirtay in dad loo karaantiilay cudurka Ebola

    Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa markii ugu horreysay qirtay in dad badan la karantiilay muddo 21 maalmood ah.

    “Waxaan karantiilnay dad badan, oo ay ku jiraan shaqaalaha Madaxweynaha,” ayuu yiri Wasiir Aden Ducaalr.

    Markii suxufiyiintu wax ka weydiiyeen mustaqbalka xarumaha karantiilka ee loo dhisayo in lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka, wuxuu sheegay in dowladda ay joojisay dhismaha xarunta karantiilka Ebola ee laga dhisayay Laikipia, kadib amar maxkamadeed oo hakiyay mashruuca.

    “Waxaan ixtiraamnay go’aanka maxkamadda, waxaana joojinay dhismaha xarunta karantiilka ee Laikipia,” ayuu yiri Ducaale.

    Ducaale ayaa hadalkan sheegay xilli uu la wareegayay shan tan oo agab caafimaad ah oo ay Hindiya ugu deeqday Kenya, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka difaaca shaqsiga, qalabka baaritaanka cudurrada, heerkulbeegyada infrared-ka iyo agab kale oo degdeg ah si loo xoojiyo u diyaargarowga Kenya ee Ebola.

    Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa hadda aan Kenya laga helin wax kiis Ebola ah oo la xaqiijiyay, balse dowladda ay weli ku jirto heegan sare.

    Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo dood ka taagan tahay xarun karantiil oo Mareykanku maalgeliyay oo ku taalla Nanyuki, taas oo wararka qaar sheegayaan inay weli shaqaynayso inkastoo maxkamaddu bishii May amar ku bixisay in la joojiyo dhismaheeda.

    Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in toddobo shaqaale gargaar oo Mareykan ah oo ka qayb qaadanayay la tacaalidda cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay isku karantiileen xarun ku taalla Kenya. Hase yeeshee, lama oga in lagu hayo saldhigga ciidamada cirka ee Laikipia ee Nanyuki.

  18. War deg deg ah, Iran oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarrada Mareykanku hayo dalkeeda

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Iran, 53 qof ayaa ilaa hadda ku dhintay duullaannadii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku qaaday Iran.

    Tiradan waxay ku saabsan tahay muddadii u dhexeysay 27-ka Juun ilaa maanta.

    Markii uu ku dhawaaqayay tirada khasaaraha, Wasiirka Caafimaadka Iran Hossein Kermanpour ayaa bartiisa X ku qoray in weerarrada Mareykanka ay sidoo kale sababeen 592 dhaawac.

    Ma uusan sheegin in dadka dhintay ay ahaayeen ciidan ama shacab.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran bishii Maarso ee sannadkii hore.

    18-kii Luulyo, Mareykanku wuxuu xaqiijiyay in mid ka mid ah saldhigyadiisa ku yaalla Urdun lagu bartilmaameedsaday gantaallo Iran laga soo tuuray.

    Saddex askari ayaa la dilay Jimcihii kadib markii gantaal Iran laga soo tuuray uu ku dhacay saldhiggooda Al-Muwaffaq Al-Salti ee Urdun.

    Askari afraad ayaa sidoo kale la dilay Axaddii markii diyaarad aan duuliye lahayn oo weerar ahayd ay ku qaraxday magaalada Erbil ee Ciraaq.

  19. Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga la safatay, warna ka soo saartay hanjabaadaha Xuutiyiinta

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay hanjabaadaha ka dhanka ah dalka Sacuudiga ee ka imaanaya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

    War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa lagu yiri: “ Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa hanjabaadaha ay kooxda Xuuthiyiintu u jeediyeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale falalka wax u dhimaya amniga marin biyoodka, xorriyadda isu socodka maraakiibta, iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah,”.

    Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya, ayaa bayaankooda ku yrii: waxay Soomaaliya mar kale carabka ku adkeeneysaa sida ay uga go'an tahay ilaalinta madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah,”.

    Mas'uuliyiinta Xuuthiyiinta ayaa hore u sheegay inay qorsheynayaan inay xiraan marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo loo tixgeliyo albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas, isla markaana ay beegsan doonaan maraakiibta Sacuudiga ku wajahan.

  20. War deg deg ah, Trump oo baahiyay war cusub oo ku saabsan Marinka Hormuz

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in Mareykanku uu ka aargoosan doono haddii Iran ay bartilmaameedsato wax markab ah oo mara Gacanka Hormuz.

    “Laga bilaabo hadda, mar kasta oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay weerarto markab maraya Gacanka Hormuz iyadoo adeegsanaysa gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn ama hub kasta oo kale, Mareykanku wuxuu duqeyn doonaa buundo ama warshad koronto, wuuna burburin doonaa,” ayuu Trump ku sheegay bayaan uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

    Wuxuu intaas ku daray in bartilmaameedyadaasi ay ku jiri karaan xarumo ku yaalla meel u dhow caasimadda Tehran ama gudaha magaalada Tehran, isagoo tilmaamaya meelaha suurtagalka ah ee Mareykanku tallaabo ka qaadi karo.