Maxaa ka socda Baydhabo?
Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda heerarka kala duwan ee dowladda kuwaas oo gaaray halkaas ka dib markii ciidamada dowladdda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ay gacanta ku dhigeen magaalada dhammaadka bishii hore ee Maarso ka dib dagaal halkaasi dhinacyada ku dhexmaray.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiirada dowladda iyo siyaasiyiin tiro badan oo deegaanka ka soo jeeda ayaa gaaray magaalada Baydhabo.
Sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka madaxweyanaha Soomaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii saddexaad Baydhabo ku sugan ayaa kulamo la qaaday masuuliyiinta dowladda, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadan.
"Ujeedka ugu muhimsan waxay ahayd in ammaanka la adkeeyo Baydhabo, waxa kale muhim ahaa in dadka la wacyi geliyo iyo hanaqaadka la bilabaya doorashada la dardargeliyo, maadaama horrey looga qabtay Muqdisho tan labaad laga dhigo Koonfur-galbeed"ayuu yiri Xadaana.
Xukuumada Soomaaliya ayaa Raysal wasaare ku-xigeenka JFS, Jibriil Cabdirashiid u magacowday hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, iyada oo uu xilka haynayo inta ay DFS ka qabanayso doorasho toos ah.