Dad u dhintay fayras hor lehoo dillaacay
Saddex qof ayaa dhintay kaddib markii uu ka dillaacay cudurka hantavirus oo looga shakisan yahay in uu ka dillaacay markab dalxiis oo ku safrayay Badweynta Atlaantigga, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, WHO oo la hadashay BBC.
Hal kiis ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay, iyadoo shan kiis oo kale oo la tuhunsan yahay uu weli baadhitaan ku socdo.
Muwaadin u dhashay Britain oo 69 jir ah ayaa ku jira qeybta daryeelka degdegga ah ee isbitaal ku yaalla Johannesburg, Koonfur Afrika.
Faafitaanka cudurka ayaa laga soo sheegay markabka dalxiiska ee MV Hondius, kaas oo ka soo shiraacday Argentina kuna sii jeeday Cape Verde.
Caabuqa hantavirus badanaa wuxuu ku gudbaa taabashada deegaan wasakhaysan, sida xidhiidh lala yeesho kaadida ama saxarada jiir cudurka qaba, balse mararka qaar dhif ah ayuu dadka isaga gudbi karaa, taasi oo keeni karta xanuun neef-mareenka ah oo daran.