Diyaaradda aan duuliye lahayn oo lagu weeraray guriga ra'iisul wasaaraha Israa'iil

Waxaa la sheegay in xilligaas uusan goobta joogin balse diyaaradda lala beegsaday hoygiisa

Tebin toos ah

  1. Iran oo shaacisay khasaarahii ka soo gaaray weerarkii Israa'iil

  2. Maxay tahay sababta ay Israa'iil hadda u weerartay Iiraan?

  3. Waxa ilaa hadda aan ka ognahay weerarka Israa'iil ku qaadday Iran iyo cabsida laga qabo jawaabta Tehran

  4. "Israa'iil ma waxay qorsheynaysaa inay disho hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan Ayatollah Khamenei"?

  5. Yaa hoggaamin doona Xamaas kadib dilkii Yahya Sinwar?

  6. Maxaan ka ognahay weerarkii xalay ay Israa’iil ku qaadday Beirut?

  7. Israa'iil oo weerar dad badan ku dhinteen ka fulisay waqooyiga Qaza

  8. Maxaan ka ognahay guriga lagu dilay Yaxye Sinwar?

  9. Firirka gantaalaha oo dilay nin gaarigiisa ku dhex jiray- adeegga caafimaadka Israa'iil

    MDA waxay sheegtay in tani timid ka dib markii la yeerayay seeriga digniinta ee qatarta gudaha Ein Hamifratz, oo ah waqooyiga Haifa.

    Qof kale ayaana isna waxaa soo gaaray dhaawac "xaalad dhexdhexaada ah" waxaana la geeyay isbitaal u dhow goobta si loogu daweeyo.

    Sida aan horayba u sheegnay, MDA waxay sidoo kale sheegtay in nin 29 jir ah uu dhaawac dhexdhexaad ah ka soo gaaray firirka mid kalena uu soo gaaray dhaawac fudud ka dib markii gantaal laga soo tuuray Lubnaan uu ku dhacay guri ku yaal Haifa.

  10. In ka badan 50 gantaal oo lagu garaacay gudaha Israa'iil

    Milatariga Israa'iil ayaa waxay sheegeen in 55 gantaal oo laga soo riday Lubnaan lagu dhuftay magaalada Xayfa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla wuqooyiga Israa'iil.

    Sida ay sheegeen ciidamada IDF qaarkood ayaa waxaa qabtay nidmaamka difaaca hawada ee Iron Dome ka.

    Adeegga caafimaadka ee Israa'iil ee Megan Adom ayaa waxa uu sheegay in nin 29 jir ah uu dhaawac ka soo gaaray firirla gantaalada, halka qof kalana uu dhaawacmay kadib markii gantaal ku habsaday hoygiisa.

    Dhanka kale sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP ururka Xisbullah ayaa waxa uu sheegay in uu gantaalo ku garaacay xero milatari oo ku taalla Xeyfa.

  11. Diyaaradda aan duuliye lahayn oo lagu weeraray guriga ra'iisul wasaaraha Israa'iil

    .

    Diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, wuqooyiga Israa'iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu.

    Netanyahu kuma uusan sugnayn dhismaha, wax qasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Milatariga Israa'iil ayaa goor sii horeysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida. Mid ka mid ah ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, ayay sheegeen milatarigu.

  12. Waa maxay sheekada tuulada Lubnaan ku taalla "ee uu ku yaallo qabriga wiilkii Nebi Yacquub"?

  13. Duqaymaha Qasa iyo wararkii ugu dambeeyey ee Xamaas iyo Israa'iil