You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiirka Gaashaandhigga Israa'iil oo ku hanjabay in Israa'iil ay sugeyso ogolaanshaha Mareykanka si ay u weeraraan Iiraan

Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu dib u cusboonaysiiyo dagaalka ka dhanka ah Iran oo uu dib ugu celiyo “xilligii mugdiga iyo dhagaxa.”

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maxaa keenay in Netanyahu uu diido la kulanka wasiirka dal Yurub ka tirsan

    Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday kulan uu la yeelan lahaa wasiirka arrimaha dibadda Jermalka oo booqasho ku jooga Israa'iil.

    Wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo sheegay in uu baaqday kulankii uu ra'iisalwasaaraha la lahaa wax yar uun ka hor wakhtigii ay ballansanaayeen.

    Arrintani waxay salka ku haysaa muran markaa ka dhashay qorshahiisii oo ay ka mid ahayd in uu la kulmo qolyaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo garabka bidix u janjeera.

  2. War deg deg ah, Madaxweynaha Turkiga oo welwel ka muujiyay colaadda Bariga Dhexe

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, ayaa sheegay in dagaalka Iran uu “wiiqayo awoodda Yurub.”

    Qoraal uu xafiiska Erdogan ku daabacay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay telefoon ku wada hadleen Arbacadii, isla markaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo dagaallada ka socda Iran iyo Ukraine.

    Qoraalka ayaa u dhignaa: “Madaxweynaha Turkiga wuxuu xusay in dagaalka ka socda gobolkeenna uu sidoo kale daciifinayo Yurub, isla markaana haddii arrintan aan lagu wajihin hab ku saleysan nabad, khasaaraha ka dhasha muddada colaadda uu noqon doono mid aad u weyn.”

  3. War deg deg ah, Yaa qaatay lacagtii ugu horreysay ee laga qaaday maraakiibta Hormuz?

    Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Iran, Hamidreza Haji Babaei, ayaa sheegay in dakhliga ugu horreeya ee laga helay ama laga qaaday maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz lagu shubay akoonka Bangiga Dhexe.

    Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Tasnim News Agency, ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida lacagaha loo ururiyey ama cidda bixisay, BBC-duna si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashadan.

    Ka hor xabbad-joojinta hadda jirta, Tehran waxay sheegtay inay xaddiday marinka maraakiibta, iyadoo u oggolaanaysa waxa ay ugu yeertay “dalal saaxiib la ah,” waxaana jiray wada-hadallo ku saabsan in lacag laga qaado maraakiibta maraysa marin-biyoodkan.

    Si kastaba ha ahaatee, muddadaas lama caddayn inta uu la ekaa qarashak alaga qaadi jiray maraakiibta.

    Tusaale ahaan, dabayaaqadii bishii Maarso, safaaradda Iran ee Hindiya ayaa beenisay warar sheegaya in Tehran ay 2 milyan oo doollar ka qaadday maraakiibta si ay u maraan.

    Xildhibaan ka tirsan baaralamaanka Iran, Alireza Salimi, ayaa u sheegay Tasnim News Agency: “Waxaan ka maqlay ilo lagu kalsoon yahay in Iran ay lacag ka ururisay maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz.”

    “Qaddarka lacagta laga qaado marab kasta ayaa la aaminsanyahay in farqi u dhaxeeyo iyadoo ku xiran nooca iyo xamuulka iyo heerka khatarta ay wataan, Iran ayaana go’aamisa sida iyo inta laga qaadayo. Annaga ayaa dejinna xeerarka,” ayuu yiri.

    Madaxweyne Donald Trump, ayaa hore ugu hanjabay maraakiibta bixisa lacagahaas si ay u isticmaalaan marin-biyoodka Hormuz.

  4. Diyaarado aan duuliye lahayn oo la soo riday

    Ilo wareedyo amni oo Ciraaqiyiin ah ayaa maanta sheegay in Mareykanku soo riday laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku sugan degmada Soran, oo waqooyiga ka xigta Erbil, oo ah caasimadda Gobolka Kurdistan ee Ciraaq.

    Ilaha ayaa BBC-da u sheegay in labada diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ay isku dayayeen inay bartilmaameedsadaan goobo ay leeyihiin mucaaradka Iiraan oo ku yaal gobolka, oo qiyaastii 60 kiiloomitir waqooyi ka xiga magaalada Erbil.

    Wuxuu tilmaamay in howlgalka soo ridida diyaaradda uu dhacay ka dib markii la arkay labada diyaaradood oo hawada ku jira isla markaana lala fal galay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda, isagoo carabka ku adkeeyay in aan la soo werin wax khasaare ah oo nafeed ama burbur hantiyeedba.

    Deegaannada xuduudda ah ee u dhexeeya Ciraaq iyo Iiraan, oo ku yaal waqooyiga Erbil, waxaa mararka qaarkood ka dhaca weeraro lagu bartilmaameedsanayo goobaha mucaaradka Iiraan, howlgalladaas oo sii xoogeystay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan oo bilowday 28-kii Febraayo.

    Sidoo kale akhri;

  5. Yaa mas’uul ka ah Iiraan?

    Qodobkan waxaan si kooban ugu eegeynaa qaab dhismeedka haatan ee Iiraan iyo awoodda dalka.

    Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Iiraan, Mojtaba Khamenei , ayaa la ogyahay inuu leeyahay go'aanka kama dambaysta ah ee dhammaan arrimaha muhiimka ah. Laakiin laguma arag meel fagaare ah ama muuqaallo ama sawirro dhawaanahan laga soo qaaday, tan iyo markii la magacaabay horraantii Maarso.

    Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in kooxda wadaxaajoodka ay ku shaqeeyaan "tilmaamaha uu bixiyo Khamenei". Si cad uma uusan xusin wadahadallada, inkastoo fariimaha dhawaan ka imanayay Iiraan ay dhaleeceeyeen Mareykanka.

    Kooxda wadaxaajoodka marka la eego, afhayeenka baarlamaanka Mohammad Baaqir Ghalibaf iyo mas'uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, sida Cabbas Araghchi , ayaa u muuqda inay si weyn u soo shaac baxeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Ghalibaf wuxuu xiriir qoto dheer la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).

    Saamaynta IRGC waxay aad uga fog tahay doorka milatari ee caadiga ah, gaar ahaan xilligii dagaalka. Iyadoo IRGC ay lumisay dhowr sarkaal oo sare oo militari ah, haddana waxay weli u dhaqantaa sidii dowlad la mid ah tii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian .

    Wuu soo saarayay hadallo, laakiin waxaa jirta su'aal ku saabsan awooddiisa.

    Sidoo kale akhri;

  6. Sababta Imaaraadku dhiigga ugu kiciyay Soomaaliya

    Horaantii sanadkan, Soomaaliya waxay ku jirtay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay u kasbato taageerada caalamka kadib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka go'ay Soomaaliya, inuu yahay dal madax-bannaan.

    Iyadoo loo marayo xidhiidho diblomaasiyadeed iyo wicitaanno heer sare ah, dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay hesho taageerada dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ku qancisay inay ka hor yimaadaan aqoonsigaas. Hase yeeshee, hal xidhiidh ayaa si weyn u xumaaday iskaashigii muddada dheer ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

    Sanado badan, dowladda hodanka ku ah saliidda ee Khaliijka waxay ahayd saaxiib muhiim ah oo ku lug leh amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,000km oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya gobol badeed istaraatiiji ah oo ay saameeyeen burcad-badeednimo iyo hub tahriibin, kuwaas oo door ka qaatay xasillooni darrada Afrika iyo Bariga Dhexe labadaba.

    UAE waxay dhistay xidhiidho kala heer ah oo ay la yeelatay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada, waxayna ku lug lahayd hawlaha dekedaha Boosaaso ee Puntland, Kismaayo ee Jubbaland, iyo Berberada Somaliland.

    Laakiin Isniintii, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay baabi'isay dhammaan heshiisyadii maamulka dekedaha iyo iskaashiga amniga ee ay la lahayd UAE, iyadoo ku eedaysay inay dhaawacayso madax-bannaanida dalka.

  7. Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay Imaaraadka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa u safray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

    “Safarka saaka ee Madaxweynaha Qaranka Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi " Cirro" waxa uu noqon doonaa mid ka farxiya shacabka Somalikand, isla markaana dhabar Jab ku ah cadawga qarankan la aqoonsaday ee Somaliland”, ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Telefishanka Qaranka Somaliland.

    “Waxa aanu ku soo beegmayaa xilli quluubta shacabka Somaliland ay aad ugu faraxsanyihiin shucuurta waddaniyadda sarraysa ee dabaal-degga maalinta Qaranka ee 18 May, kaasi oo noqonaya xuskii koowaad ee ku soo beegma guusha ictiraafka madaxweynuhu keenay ka dib”, ayaa lagu yiri qoraalka telefishanka.

    Dhanka kale, Israa'iil ayaa Arbacadii magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

    Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

    Waa talaabadii ugu dambaysay ee iskaashiga labada dhinac u dhaxeya oo si xawli ah kor ugu kacayay tan iyo bishii December, markaas oo Israa'iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka ee aqoonsada Somaliland, taas oo soo afjartay in ka badan 30 sano oo go'doon diblomaasiyadeed ah.

    Laakinse dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid arrintaas.

    Sidoo kale akhri

  8. Marki Imaaraadka uu ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

    Midowga Afrika iyo Imaraadka carabta ayaa kamid ahaa wadamadii ka soo horjeestay aqoonsigi Israa'iil ay Soomaaliland u aqoonsatay waddan ka madax banaan Soomaaliya.

    Arrintan ayaa meesha ka saartay warar la isla dhex marayey oo sheegayey in Iimaaraadka uu aqoosan doono Somaliland.

    Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayey ku sheegeeyn in ay yeesheen kulamo iyo wadahadallo, xilli Wasiiru Dowlaha Imaaraadka Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan uu booqaasho ku tegey caasimadda Itoobiya ee Addis ababá.

    waxa ay warsafadeedka ku sheegeen in ay xoojiyeen iskaashigooda istiraatiijiyadeed ee muddada dheer, iyagoo xaqiijiyay kor u qaadida iyo difaacidda nabadda iyo amniga iyo ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo danaha dhaqaale ee dowladaha.

    Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo ka baxsan intaas, iyaga oo isku soo hadal qaaday arrimaha gobolka sida dagaalka ka socda Suudaan iyo arrinta Soomaaliya iyo Israa'iil, waxa ayna xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonid.

    Qoraalka ay soo saareen ayaa yimid xilli aad loo hadal hayey mowqifkooda iyo saameeynta ay ku leeyihiin Soomaaliya iyo geeska ay la jirsan doonaan.Haddaba go'aanka ay qaateeyn dowladahan muxuu ka dhigan yahay?

  9. Xanuunkan ayaad qabtaa haddii aad habeenkii usoo toostid suuliga

    Waxaa laga yaabaa in aad ka mid tahay dadka badan ee ku dhiban inay helaan hurdo fiican oo ku filan habeenkii, sababtoo ah dhowr jeer ayay ku qasbanaadaan inay usoo toosaan suuliga

    Waa arrin dad badan ka cawdaan, laakiin ay iska fududeystaan maadaama aysan dhakhtarka tegin. In aad wax ka badan hal mar habeenkii aad usoo toosto kaadi, ma ahan astaan caafimaad, si gaar ah haddii aad tahay qof dhalinyaro ah, sida laga soo xigtay xarunta cilmibaarista caafimaadka ee International Continence Society.

    Arrinkan oo saameeya tayada hurda iyo firfircoonida qofka ee maalinkii ayaa waxa uu saameeyaa kala bar dadka ka weyn kontanka sano. Laakiin xitaa waxay saameysa dhalinyarada lab iyo dhedig ba.

    Maxaa sababaa xanuunkan?

    Xanuunka keena in habeenkii hurdada looga tooso kaadida waxaa ugu wacan labo arrin oo waaweyn. Waxay kala yihiin hoos u dhaca awoodda kaadiheysta iyo kororka mugga kaadida ku jirta halkaas.

    Marka laga hadlayo sababta koowaad, awoodda iyo cabirka kaadiheysta waa 300-600 ml. Taas waxaa keeni kara inay yaraanto awoodda heyn iyo keydin labo arrin.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo daldashay Suldan Cali

    Iiran ayaa dil ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa kooxda mucaaradka ee dibadda ku sugan ee Mujahideen-e-Khalq iyo hay’adda sirdoonka Israa’iil labaduba, sida ay Khamiista maanta ah sheegtay warbaahinta garsoorka ee Mizan.

    Mizan ayaa ninka magaciisa ku sheegtay Suldaan Cali Fakhr, iyadoo sheegtay inuu muddo dheer xubin ka ahaa MEK, isla markaana lagu helay dambiga ah inuu la shaqeeynayay sirdoonka Israa’iil.

    Garsoorka Iiraan ayaa sheegay in Suldan Cali la daldalay "ka dib markii la raacay nidaamka sharciga ah isla markaana la xaqiijiyay xukunka ay soo saartay Maxkamadda Sare"

    Sida laga soo xigtay kooxaha xuquuqda aadanaha ee Iiraan, xukunnada dilka ah ee dhawaan la fuliyay kuma koobna oo keliya kuwa ku saleysan "basaasnimo" balse waxaa ku jiray qaar ka mid ah kuwa lagu fuliyay kiisas la xiriira dibadbaxyadii dhacay. Kooxahan ayaa ku eedeeyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah inay u adeegsanayso xukunka dilka ah qalab "si ay u abuurto jawi cabsi gelin ah" oo bulshada dhexdeed ah.

    Taas bedelkeeda, mas'uuliyiinta Iiraan waxay ku nuuxnuuxsanayaan in xukunnadan lagu fulinayo qaab-dhismeedka sharciyada dalka iyo in laga hortago "khataraha amniga.

  11. Wax ka ogaw hubka uu dalkan i u sameysatay Mareykanka dartii

    Tallaabadii ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay hubka waxay muujineysaa inay qorsheyneyso sidii ay usii xoojin laheyd hubkeeda.

    Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in sababta ay ugu baahan tahay inay sameysato hubka ay tahay sidii ay isaga difaaci laheyd suurtgalnimada weerarada Mareykanka.

    Toddobaadkan waxay Kuuriyada Waqooyi sheegtay inay ku guuleysatay tijaabinta gantaallada riddada dheer.

    Gantaalkan oo loogu magac daray Hwasung-8 ayaa kamid ah shan nooc oo hub ah oo la sameeyay kana mid ah qorshaha shanta sana ah ee militeri, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Waa tijaabadii saddexaad ee hubka ay sameyso Kuuriyada Waqooyi muddo bil gudahood.

    Horraan waxay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaallada riddada dhaadheer iyo hub kale kuwaas oo ku dhacay goobihii uu bartilmaameedku ahaa.

    Bishii January Kuuriyada Waqooyi waxay soo bandhigtay gantaal laga rido markabka gujiska oo ay ku tilmaantay hubkii ugu awoodda badnaa dunida.

    Inta uu gaarsiin yahay awoodda hubka uu heysto dalka wax badan lagama ogo.

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un wuxuu sheegay in uu sare u qaadayo awoodaha milteri ee dalkiisa.

    Kuuriyada Waqooyi waxay wajaheysaa cunaqabateyn dhaqaale, waxay ku gudo jirtaa tallaabooyinka ay sare ugu qaadeyso awooddeeda militeri.

    Hubka gaari kara Mareykanka

  12. Iiraan oo markan fagaare ku soo bandhigtay diyaarado dagaal aan duuliye lahayn

    Diyaarad aan duuliye lahayn oo Iiraan laga leeyahay oo loo yaqaan "Arash" ayaa lagu soo bandhigay mid ka mid ah fagaarayaasha ugu waaweyn ee magaalada Tehran fiidnimadii xalay, intii ay socdeen isu soo baxyo lagu taageerayo dowladda.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay isu soo baxyo kuwan la mid ah oo ka dhacay magaalada u dhow ee Karaj iyo magaalada koonfureed ee Bandar Abbas, sida ay sheegeen warbaahinta Iiraan.

    Muuqaal ay daabacday wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa muujinaya isu soo baxa ka dhacay Tehran fiidnimadii xalay, iyadoo dadkii ka qeyb galay ay ku dhawaaqayeen ereyo ah "waan kuu dagaallami doonaa, dhulkayga hooyo," iyagoo lulaya calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo calanka Xisbullah-ta Lubnaan ee ay taageerto Iiraan.

    Waxaa la soo sheegayaa in xalay gantaallo lagu soo bandhigay magaalooyin badan oo Iiraan ah, oo ay ku jirto caasimadda, iyadoo qayb ka ah isu imaatinkan, muuqaalna wuxuu muujinayay dad ku dhawaaqaya "Dhamaadka Mareykanka" ee Tehran.

    Isu soo baxyadan tlagu taageerayo dowladda ayaa maalin walba lagu qabtaa fagaarayaasha waaweyn ee dalka Iiraan tan iyo markii dagaalku qarxay Febraayo 28, iyadoo mas'uuliyiinta Iiraan iyo telefishanka dawladdu ay ku boorinayaan muwaadiniinta inay ka qayb qaataan dibedbaxyadaas.

    Isu imaatinkani waxaa badanaa la abaabulaa habeenkii, maadaama aysan kaliya muujinayn taageerada dadweynaha ee dowladda iyagoo kor u qaadaya calamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Sidoo kale akhri;

  13. Erdoganoo sheegay in dagaalka Iiraan oo "wiiqayo" Yurub

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhiggiisa Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, u sheegay in dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan "uu bilaabay inuu wiiqo Yurub"

    Erdogan ayaa yiri: "Dagaalkii ka socday gobolkeenna ayaa sidoo kale bilaabay inuu daciifiyo Yurub, haddii aan xaaladdan wax looga qaban qaab nabadeed, waxyeelada ka dhalatay khilaafkan ayaa aad uga sii dari doonta tan hadda taagan", ayuu yiri Erdogan.

    Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga oo ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP, Erdogan ayaa hadalladan ku yiri wadahadal taleefan oo uu la yeeshay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier Arbacadii.

    Sidoo kale akhri;

  14. Maxay Al Qaacida uga aamustay dagaalka Iiraan ay jirto?

    Ururka Al-Qaacida ayaa si gaar ah uga aamusay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo iyo saameyntiisa ballaaran.

    Tani waa wax aan caadi ahayn, maadaama al-Qaacida iyo kuwa raacsan ay si caadi ah uga jawaabeen dhacdooyinka waaweyn ee Bariga Dhexe.

    Gaar ahaan xilli colaadaha noocaan ah lagu falanqeynayo gudaha kooxaha xagjirka ah, sida markan la arkay.

    Sannadkan, hal bayaan oo keliya ayaa kasoo baxay hoggaanka dhexe ee Al-Qaacida, 4-tii bishii Febraayo, xilligaasi oo Mareykanku uu kordhinayay joogitaankiisa milateri ee Bariga Dhexe, kaddib xiisadda kala dhexeysa Iiraan.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in weeraro lagu qaado saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil, taasi oo ururro badan oo xag jir ah ay u arkeen inay si dadban u taageersan yihiin Iiraan.

    Aamusnaantan Al-Qaacida waxa laga yaabaa inay qayb ka tahay qorshe si fiican looga fakaray.

    Ururka ayaa hadda ku jira xaalad adag. Hogaamiyeheeda Saif al-Adl iyo saaxiibadiisa dhow ayaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin Iiraan.

  15. Illaa goorma ayey socon doontaa muddo kordhinta xabbad-joojinta uu Trump sameeyey?

    Aqalka Cad ayaa sheegay in aysan jirin waqti kama dambays ah oo lagu soo afjarayo xabbad-joojinta Iiraan, taas oo Donald Trump uu kordhiyay habeenkii Talaadada. Xoghayaha saxaafadda, Karoline Leavitt, ayaa u sheegtay wariyeyaasha, in madaxweynuhu uu go'aamin doono goorta dagaalku dhammaan doono.

    Waxay sidoo kale ku adkeysatay in xayiraadda Mareykanka ee dekedaha Iiraan ay noqotay mid guuleysata, iyadoo "cunaha qabatay" dhaqaalaha Tehran.

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa go'doominta ku tilmaamay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan wadahadallada nabadda. Wuxuu sheegay in waddankiisu uu u furan yahay wadahadallo, laakiin wuxuu ku eedeeyay Washington inay adeegsanayso "hadallo aan dhammaad lahayn oo laba wajiilenimo ah".

  16. Trump oo sheegay in sideed haween Iraniyiin ah uu ka badbaadiyey xukun dil ah

    Donald Trump ayaa sheegay in siddeed haween ah oo Iiraaniyiin ah oo mudaharaadayaal ah, kuwaas oo la sheegay in la dili lahaa caawa Iiraan, aan la dilin kadib codsi uu u diray hoggaanka Iiraan, balse Iiraan ayaa sheegtay in haweenkaasi aan markii horeba loo qorsheyn in la dilo.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa qoraal ku daabacay bartiisa Truth Social, isagoo sheegay in afar ka mid ah haweenka si degdeg ah loo sii deyn doono, halka afarta kale ay qaadan doonaan hal bil oo xabsi ah. Trump wuxuu sheegay inuu u mahadcelinayo Iiraan iyo hoggaankeeda sida ay u ixtiraameen codsigiisa.

    Trump ayaa markii ugu horreysay ka codsaday dowladda Iiraan arrintan Talaadadii, isagoo ku qoray in sii deyntooda “ay noqon lahayd bilow wanaagsan oo wadahadalladayada ah!!!”

    Wakaaladda wararka ee Mizan News Agency, oo ay maamusho garsoorka Iiraan, ayaa sheegtay in Trump lagu marin-habaabiyay “warar been abuur ah” oo ay faafiyeen warbaahinta mucaaradka ee “cadawga ah,” iyadoo intaas ku dartay in qaar ka mid ah haweenka horey loo sii daayay, halka kuwa kalena ay wajahaan xukun aan lahayn xukun dil ah.

    Sida hore loo sheegay, Iiraan waxay dishay in ka badan toban qof tan iyo markii uu dagaalku billowday, oo ay ku jiraan qaar lagu eedeeyay basaasnimo ay u sameeyeen Israa’iil iyo kuwo kale oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen mudaharaadyo ka dhan ah dowladda horraantii sanadkan.

  17. Iiraan oo caawa soo bandhigtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin ciidamada Iran oo lagu magacaabo "Arash" ayaa caawa lagu soo bandhigay mid ka mid ah fagaarayaasha waaweyn ee Tehran oo ay ka socotay isu soo bax lagu taageerayay dowladda Iran

    Muuqaal ay faafisay wakaaladda wararka ee Tasnim News oo isu soo bax caawa ka dhacay magaalada Tehran ayaa muujinaya koox ku dhawaaqaysa "Waan kuu dagaalami doonaa, dalka hooyo", iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo Ururka Xisbullah ee dalka Iiraan oo ay Iiraan taageerto.

    Habeenimadii xalay ayaa gantaallo lagu soo bandhigay dhowr magaalo oo ku yaalla dalka Iran oo ay ku jirto caasimadda dalkaasi intii ay socdeen isu soo baxyadan, waxaa soo baxayye muuqaallo dad ku dhawaaqaya "ha dhacdo Ameerika".

    Isu soo baxyadan lagu taageerayo xukuumadda ayaa maalin kasta lagu qabanayay fagaarayaasha waaweyn ee dalka Iran tan iyo markii uu dagaalka billowday 28-kii Febraayo, iyadoo mas'uuliyiinta Iran iyo TV-ga dowladda ay dadka ugu baaqeen inay ka qaybgalaan.

  18. Iran oo gacanta ku dhigtay laba markab oo xamuul ah, iyadoo Maraykanku uu sheegay in aanay ku xad-gudbin xabad joojin

    In ka badan 24 saacadood ayaa laga joogaa markii madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay muddo kordhinta xabbad joojin dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan.

    Tan iyo markaas:

    • Saddex markab oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa waxaa weeraray Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan marin biyoodka Hormuz - laba ka mid ah waxay ka tirsan yihiin shirkadda ugu weyn ee maraakiibta adduunka ee MSC.
    • Shaqaalaha markabka MSC Francesca iyo MSC Epaminondas waxaa xidhay Iran - Xoghayaha warfaafinta ee Trump Karoline Leavitt ayaa sheegtay in tani aysan jabineynin xabad joojinta.
    • Madaxa wada xaajoodka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay "in aysan suurtagal ahayn in dib loo furo marin biyoodka Hormuz iyadoo la tixgelinayo dhammaan xadgudubyada cad ee xabbad joojinta"
    • Go'doominta dheeraadka ah ee Maraykanka, iyo sidoo kale hanjabaadaha iyo jebinta ballanqaadyada ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee wadahadalka, ayuu yiri madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian.
    • Xoghayaha warfaafinta ee Trump ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu "ku qanacsan yahay" go'doominta, waxa ayna beenisay wararka sheegaya in xabbad joojinta la kordhiyay ay ku eg tahay saddex ilaa shan maalmood.
  19. War deg deg ah, Xoghayihii ciidamada badda ee Maraykanka oo shaqada laga eryay

    Waaxda difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in xoghayihii ciidamada badda John C. Phelan uu ka tagayo maamulka Trump.

    Bixitaanka Phelan waa " waa mid saameyn leh", bayaan ka soo baxay afhayeenka waaxda Sean Parnell ayaa yidhi.

    Xoghayaha ciidamada badda ayaa maamula ku dhawaad ​​hal milyan oo ka tirsan shaqaalaha Mareykanka oo ay ku jiraan ciidamada badda, iyo sidoo kale shaqaalaha rayidka ah.

    Ka tagistiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maraykanku uu dhaqan gelinayo go'doomin dhinaca badda ah oo ka dhan ah Iran oo ku taal marin biyoodka Hormuz.

    Phelan waa sarkaalkii labaad ee ugu darajada sarreeya ciidamada Mareykanka ee ka tago doorkiisa bishaan.

    Horaantii bishii Abriil, xoghayaha difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ka codsaday taliyaha ciidamada Randy George inuu ka tago xilkiisa.

  20. Ciidanka milatariga Mareykanka oo beeniyey in ay jiraan maraakiib ka gudbay Hormuz oo Iiraan leedahay

    Taliska Dhexe ee milatariga Mareykanka, oo loo yaqaan Centcom, ayaa sheegay in ciidamaddoodu ay qabteen 29 markab tan iyo markii ay bilaabeen xayiraadda Marinka Hormuz, iyagoo intaas ku daray in wararka warbaahinta ee sheegaya in maraakiib ganacsi ay ka baxsadeen xayiraadda ay yihiin “kuwa aan sax ahayn.”

    Qoraal uu ku daabacay barta X, Centcom wuxuu ku sheegay in Hero II iyo Hedy, oo ah laba markab oo calanka Iiraan wata oo lagu xusay wararka, aysan ka gudbin xayiraadda iyagoo qeyb ka ah kolonyo, balse ay ku xiran yihiin dekedda Chah Bahar ee Iiraan ka dib markii la qabtay.

    Markab kale oo la yiraahdo Dorena ayaa waxaa is hortaagay burburiyaha badda ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan Badweynta Hindiya, kadib markii uu isku dayay inuu “jabiyo” xayiraadda, sida uu sheegay Centcom, isagoo intaas ku daray in milatariga Mareykanka uu si dhaw oo caalami ah iskula xiriiraan.

    “Ciidamada Mareykanka waxay ka hawlgalaan oo hirgeliyaan xayiraadda guud ahaan Bariga Dhexe iyo meelaha ka baxsan,” ayuu yiri.