War deg deg ah, Maraykanka: "Dalna looma ogola in uu lacag maris ka qaado marinka Hormus"
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, BBC, Somali

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii safarkiisa dalalka Gacanka ka bilaabay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Waxa uu sidoo kale booqan doonaa Kuwait iyo Baxreyn, oo labaduba ay ku yaallaan saldhigyo militari oo Mareykan leeyahay, si uu ugala hadlo heshiiska lala galay xukuumadda Tehran.
Rubio ayaa mar kale Talaadadii ku celiyay in aragtida Mareykanka ay tahay in aan waddan loo oggolaan inuu canshuuro ama lacag maris ah ka qaado maraakiibta sii maraya Marinka Hormuz, arrintaas oo la soo hadal qaaday kadib markii Iiraan isku dayday inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraysa.
“Marinka Hormuz waa marin-biyood caalami ah. Waddana looma oggola inuu canshuuro ama lacag maris ah ka qaado marin-biyood caalami ah. Taasi waa qayb ka mid ah sharciga caalamiga ah ee jira,” ayuu yiri isagoo gaaray Imaaraadka Carabta.
“Uma maleynayo inaan cid ku qancinno halkan,” ayuu Rubio sii raaciyay. “Waxaan aaminsanahay in dhammaan dalalka gobolka ay nagu raacsan yihiin.”
Hadalladan oo uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka markii uu gaarayay UAE ayaa yimid saacado yar kadib markii Iran iyo Cumaan ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ku caddeeyeen inay ka go’an tahay in Marinka Hormuz uu ahaado marin-biyood ammaan ah oo furan oo loo isticmaalo maraakiibta caalamiga ah, iyagoo sidoo kale xoojiyay madax-bannaanidooda iyo xuquuqdooda ku aaddan biyaha marinka.
Waxay sidoo kale shaaciyeen inay dib u eegi doonaan maamulka mustaqbalka ee Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo, iyagoo samaynaya guddi wadajir ah.
Bayaankan ayaa ka dambeeyay kulan ay Mas’uuliyiin sar sare oo labada dal ah ku yeesheen magaalada Muscat.
Ka dib markii uu ka yimid Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf, oo ah madaxa wafdiga wada-xaajoodka Iran, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araqchi, ayaa u safray Cumaan halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Al-Busaidi iyo Suldaanka Cumaan Haitham bin Tariq.


















