Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre
ayaa si adag uga hadlay arrinta taagan ee la xirriirta garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan oo loo
diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka sanadkan.
Kheyre oo qoraal soo dhigay barahiisa bulshada ee Facebook
iyo X ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay wararka la xiriira in Cartan loo
diiday dal-ku galka Mareykanka.
“Waxaan ka xumahay warka dhiillada
leh ee sheegaya in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan loo diidayo gelitaanka
dalka Mareykanka, isaga oo ka mid ah garsoorayaasha ay FIFA u xulatay Koobka
Adduunka ee toddobaadkan ka furmaya Waqooyiga Ameerika, ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in garsoore Cumar
Cartan uu kaalintan ku muteystay kartidiisa, xirfaddiisa, dadaalkiisa iyo
hufnaantiisa. Wuxuuna intaa ku daray inuu tusaale iyo astaan u yahay
dhallinyarada Soomaaliya iyo Afrika ee ku taamaysa in hibadooda, hal-abuurkooda
iyo xirfaddooda laga qaddariyo masraxyada caalamka.
“Kubaddu waa luqad mideysa
bulshooyinka caalamka, isla markaana dhiirrigelisa qiyamka caddaaladda,
mudnaanta iyo tartanka fursadaha loo siman yahay. Waxaana rajaynayaa in xal
degdeg ah laga gaaro arrintan, si aanay caqabad ugu noqon hiigsiga garsoore
Cumar, iyo rajada malaayiinta dhallinyarada ah ee ku haminaya in ay
hibooyinkooda ku soo bandhigaan fagaarayaasha caalamka”, ayuu yiri.
“Waxaan garsoore Cumar ku
bogaadinayaa horumarkiisa iyo guulaha taariikhiga ah ee uu qarankeenna uga soo
hooyay caalamka. Soomaaliya, Afrika, iyo dhammaan dadka aaminsan qiimaha
kartida, dadaalka, mudnaanta, iyo caddaaladda ayaa ku garabtaagan. Guuleyso Garsoore”,
ayuu intaas raaciyay.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: