Waaxda dambi barista Kenya ee loo yaqaan (DCI) ayaa soo
saartay muuqaal laga duubay kaamirooyinka CCTV-ga ee iskuulka, waxay muujinayaan
muuqaallada wixii dhacay wax yar ka hor intii aanu dab ka kicin dugsi hoyiga u
ahaa gabdho, halkaas oo ay ku dhinteen 16 arday iyadoo kuwo kalena ay ku
dhaawacmeen.
Muuqaallada kaamirooyinka iyo iskaashi lala yeeshay
macallimiinta ayaa suurageliyay in kooxda baarayaasha ku aqoonsadeen toddobo
arday oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdada ka hor inta anay
ka bixin qolka hurdada.
Inkastoo baaritaannadu ay weli socdaan si loo ogaado waxa
dhab ahaantii dhacay, hadana muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya in qiyaastii
12:10 habeenimo ay dhowr arday si aamusnaan ah ugu dhex socdeen qolka hurdada
halka ardayda kale ay hurdo qoto dheer ku jireen.
Muuqaalka la soo saaray ayaa muujinaya ardayda oo galaya
qolka lambarkiisu yahay 11, ka hor inta anay u sii gudbin meel kale oo ka
tirsan qolka hurdada.
Ardayda ayaa si deggan u watay hawlahooda, iyadoo mid ka mid
ah uu wajigiisa daboolay markii dib loo fiiriyay muuqaallada kaamirooyinka.
Dhowr daqiiqo kaddib, saddex arday ayaa la arkay iyagoo si
degdeg ah uga baxaya qolka hurdada, halka laba kalena ay gudaha ku hareen.
Baarayaashu waxay sheegeen in ardaydaasi ay u dhaqaaqeen
qayb kale oo qolka hurdada ka mid ah halkaas oo furaashyo la dhigay, kaddibna
ay ka bilaabeen dab labaad.
Muuqaallada CCTV-ga waxay qabteen labo arday oo sigaar u shidanaya
sigaar ka hor inta aanay ka bixin qolka. Markaas ayuu dabku bilowday.
Kaddib markii ay xaqiijiyeen in dabku sii fidayo ayey ka
baxeen qolka iyagoo aan wax argagax ah ka muuqan. Waxyar kaddib qiiq iyo olol
ayaa bilowday, dabkana wuxuu ku fiday dhismaha.
Shan daqiiqo gudahood, dabku wuxuu qabsaday inta badan qolka
hurdada, iyadoo ardaydii argagaxsanayd ay raadinayeen meel ay ka baxaan.
Siddeed arday oo markii hore la xiray, lix ka mid ah ayaa
lagu xaqiijiyey muuqaallada CCTV-ga. Ardayga toddobaad wuxuu ka mid ahaa kuwii
hore loogu oggolaaday in ay waalidkood la baxaan, mana joogo xarunta hadda,
balse waxaa socda dadaallo dib loogu soo xirayo.