Dhagaysigii koobaad ee maxkamadda Maduro oo dhamaatay

Maduro ayaa maxkamada New York u sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha Venezuela, sida ay sheegtay CBS News.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Somaliland oo Mareykanka ku taageertay qabashadii Maduro

    .

    Xigashada Sawirka, Google

    Qoraalka sawirka, .

    Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed, kaas oo ay ku taageereyso tallaabadii uu Mareykanka ku soo qabtay madaweynaha Venezuela, Nicolas Maduro.

    War saxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay la mowqif tahay isla markaana ay taageersan tahay tallaabooyinka caalamiga ah ee lagu ilaalinayo nidaamka dastuuriga ah, iyo sareynta sharciga ee dalka Venezuela, iyo in la garab istaago kala guur nabadeed oo ay hogaaminayaan dadka reer Venezuela.

    Waxay Somalialand sheegtay, inay rumeysan tahay in tallaabada Mareykanka ay gacan ka geysan karto xakameynta dhibaatooyinka bini’aadanimo, ka hortagga kooxaha dembiyada geysta iyadoo horseedeysa nabad, madax banaani, isla xisaabtan iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  2. Maxay yihiin ciidamada qabtay Maduro, basle ku guuldareystay qabashadii Janaraal Ceydiid?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Delta Force waa unug hawlgalo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo diirada saaraya ugu horrayn xoraynta la haystayaasha iyo la dagaallanka "argagixisanimada," iyo inta badan hawlgalladooda.

    Qeybtan waxaa la aasaasay 1977-kii, kuwaas oo uu asaasay Kornayl Charlie Beckwith, oo arkay baahida loo qabo ciidan weerar ah oo sax ah oo ka dhisan ciidanka dhexdiisa, waxayna ciidamadaan la shaqeeyeen Adeegga Hawada Gaarka ah ee Ingiriiska sanadkii 1970-meeyadii, taas oo qayb ka ah isweydaarsiga khibradaha milatari ee u dhexeeya Washington iyo London, iyo in lagu daydo Adeegga Cirka ee caanka ah ee British Special Air Service.

    Delta waxa ay ku shaqo leedahay burburinta unugyada argagixisada, sahanka istaraatiijiga ah iyo diyaarinta hawlgalada goobta dagaalka, laakiin waxa ay sidoo kale ka qaybqaadataa hawlgalada samatabbixinta la haystayaasha iyo hawlgalada qarsoon ee CIA.

  3. Saddex arrimood oo muhiim ah oo laga diiwaan galiyay qabashadii taariikhiga aheed ee Maduro

    Hawlgalka militariga Mareykanka ee Venezuela ayaa socday ku dhawaad 140 daqiiqo oo kaliya saacadihii hore ee Sabtidii, balse waxa uu bilow u ahaa maalin argagax gelineysa caalamka.

    Weerarkii lama filaanka ahaa ee loo adeegsaday bambooyinka oo ay fuliyeen askarta Mareykanka ee ka dhacay magaalada Caracas, ayaa ugu dambeyntii xabsiga loo taxaabay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, kuwaas oo laga soo kaxeeyay dalka Koonfurta Ameerika si loogu maxkamadeeyo magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyagoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.

    Tani waxay ahayd dhacdo aan horay loo arag qarnigii 21aad: markii ugu dambeysay ee Washington ay sameyso ficil la mid ah Latin America waxay ahayd 36 sano ka hor markii ay ku soo duushay Panama.

    Markan, xadhiga Maduro waxa daba socday hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay in dawladiisu ay gacanta ku dhigi doonto Venezuela iyo shidaalkeeda muddo aan la cayimin.

  4. Trump oo hanjabaad cusub u diray Iiraan.

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa farriin u diray dalka Iraan.

    Waxaa uu ka digay in Iran "ay saameyn ballaaran soo gaari doonto" hadii la dilo mudaaharaadayaal kale oo dheeri ah.

    Hanjabaaddan cusub ee Madaxweyne Trump ayaa imaanaysa iyadoo dibad baxyo ay Iran gilgileen in ka badan muddo toddobaad ah.

    Dawladda Iiran ayaa horey u shaacisay in ay bilaabi doonto bixinta lacago gunnoyin oo bil kasta la siinayo muwaadin kasta, iyada oo ujeedadu tahay in la xakameeyo dibad baxyada rabshadaha wata ee ka dhashay dhaqaalaha dalka oo liita.

    Qorshaha cusub ayaa horseedi doona in dadka reer Iiraan la siiyo qiyaastii toddoba doolar bishii, si looga caawiyo kharashaadka nolosha.

    Ugu yaraan lix iyo toban qof ayaa dhintay tan iyo markii ay dibad baxyadu bilowdeen.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  5. Meesha lagu xiray madaxweynihii Venezuela

    Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa ku warramaya in madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro la geeyay xarun lagu xiro dadka oo lagu magacaabo Brooklyn’s Metropolitan Detention Center (MDC).

    Waxaa la fahamsan yahay in lagu hayn doono xarunta ka hor inta aan lagu soo oogin eedeymaha daroogada iyo hubka ee maxkamada federaalka Manhattan todobaadka soo socda.

    Ma cadda xogta ku aadan xiritaanka xaaska Maduro. MDC waa xabsiga kaliya ee federaaliga ah ee ku yaal magaalada New York waxayna caan ku tahay maaraynta kiisas badan oo caan ah, oo ay ku jiraan heesaagii R Kelly, saaxiibka Jeffrey Epstein Ghislaine Maxwell, iyo kiiskii ugu dambeeyay Sean "Diddy" Combs.

    Xabsiga ayaa sidoo kale caan ku ah xaalad adag, gacan ka hadal iyo eedeymo la xiriira kormeerid aan ku filneyn oo ay ka mid tahay kiiska eedaysane marar badan mindi lagu dhuftay balse sida la sheegay aan helin wax daryeel caafimaad ah, taas bedelkeedana waxaa la sheegay in xabsiga lagu xiray 25 maalmood.

  6. Trump oo hanjabaad u diray haweeneyda hoggaamiyaha ka noqotay Venezuela

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Donald Trump ayaa uga digay hoggaamiyaha cusub ee Venezuela, Delcy Rodríguez, inay “in ay la kulmi karto wax ka weyn u wixii Maduro la kulmay” haddii aysan “samayn waxa saxda ah.”

    Hadalkan ayuu u sheegay wargeyska Mareykanka ee The Atlantic, xilli madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Nicolás Maduro, la filayo in Isniinta maanta ah uu ka soo hormuuqdo maxkamad ku taalla New York.

    Mareykanka ayaa Maduro ku eedeeyay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada iyo hubka, isla markaana ku tilmaamay nidaamkiisa “mid argagixiso,” eedeymahaas oo isagu uu beeniyay.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku adkeystay in Mareykanku uusan dagaal kula jirin Venezuela, kaddib weerarro cirka ah oo Sabtidii ka dhacay Caracas, kuwaas oo sababay in Maduro iyo xaaskiisa la xiro lana geeyo Mareykanka.

    Dunida ayaa tallaabadn uga falcelisay cambaareyn iyo baaq ay u direen Trump oo ku saabsan in uu sii daayo Maduro.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaan: