Iiraan oo ka dhawaajisay in cududeeda milatari ay ka xoog badan tahay ka hor dagaalka, xilli Israa’iil ay sheegtay in dowladda Iiraan ay si weyn u wiiqantay

Tebinta Tooska ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Sacuudiga iyo Iiraan oo yeeshay kulan qadka telefoonka ah

    Cabbaas

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Warbaahinta Iraan ay sheegtay in uu qabsoomay kulan qadka taleefanka ah oo u dhexeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araghchi, iyo dhiggiisa Sacuudiga, Faysal bin Farxaan, iyadoo la sheegay in diiradda wada-hadalku ahayd arrimaha hadda ka taagan gobolka.

    Markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iraan bishii Febraayo ee horraantii sanadkaan, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, iyo Kuweyd waxa ay la kulmayn weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ay Iraan fulineesay. Inkastoo Tehran ay sheegtay in weerarradaasi ay bartilmaameedsanayeen saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla waddamadaan, waxa uuna saameeyey xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

    Dhowr maalmood ka hor, markii Iraan ay ku dhawaaqday inay beegsatay saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Kuweyd, taas oo ay ku sheegtay jawaab ay uga bixisay duqeyn Mareykan ah oo ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha ee Bandar Abbas, Sacuudiga wuxuu soo saaray bayaan uu si adag ugu cambaareynayo weerarradaas.

    Si kastaba ha ahaatee, labada dal oo dhawaan dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed iyadoo Shiinuhu dhex-dhexaadin ka sameeyay, kadib sanado badan oo aysan xiriir lahayn.

    Sii Akhri

  2. War deg deg ah, CENTCOM: “Waxaan banjarinay markab shidaal oo ku sii jeeday mid kamid ah dekadaha Iiraan”.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Talaadadii ay hawl-gab ka dhigayn markab shidaal kaas oo ku sii jeeday deked ku taal Iraan, gudaha Gacanka Faaris.

    CENTCOM ayaa tilmaamtay in markabkaan ay xannibaadda ku sameeyeen uu ahaa nooca shidaalka qaada kaas oo summadiisu ahayd MT Lexie oo watay calanka Botswana, xilli uu ku socday biyaha caalamiga ah kuna wajahnaa Jasiiradda Kharg.

    Sida lagu sheegay bayaanka, shaqaalaha markabka ayaa iska indho-tiray digniino si isdaba jog loogu dirayey, waxayna dhowr jeer diideen inay u hoggaansamaan amarrada ciidamada Mareykanka muddo 24 saacadood ah.

    CENTCOM waxay intaas ku dartay in ugu dambayn diyaarad Mareykan ah ay ku dhufatay gantaal nooca Hellfire ah qolka matoorka markabka, taas oo sababtay inuu hawl-gab noqdo lagana hor istaago inuu gaaro Iraan.

    Talisku waxa uu wacad ku maray inuu sii wadi doono dhaqan-gelinta cunaqabataynta dhammaan maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iran, taas oo bilaabatay 13-kii Abriil.

    Weerarkii hore ee ciidamada Mareykanka ku qaadeen markab Iraan leedahay oo lagu magacaabo "Lion Star" ayaa la kulmay jawaab celin ka timid Iraan. Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa markaas ku dhawaaqday inay gantaal nooca cruise missile ah ku weerartay markab xamuul oo koonfur kaga sugnaa dekedda Ciraaq ee Umm al-Qasr, waxayna baahiyeen muuqaallo muujinaya gantaalka iyo goobta uu ku dhacay markabka ganacsiga ee "MSC Sariska."

    Sii Akhri

  3. xallinta xisaab qaadatay toddobo sano ayuu ChatGPT ku xalliyey kaliya 80 daqiiqo gudahood...

    xallinta xisaab qaadatay toddobo sano ayuu ChatGPT ku xalliyey kaliya 80 daqiiqo gudahood...

    Kani waa Jared oo bartay cilmiga xisaabta, xallinta xisaab ku qaadatay toddobo sano ayuu ChatGPT ku xalliyey kaliya 80 daqiiqo gudahood...

    Muddo sannado ah, Jared Duker-Lichtman oo ah xisaabyahan ka tirsan Jaamacadda Stanford, wuxuu la noolaa halxiraale xisaabeed uu xallin waayey.

    Markii ugu horreysay ee uu la kulmay Erdős Problem 1196 isaga waxa uu ahaa arday jaamacadeed. Xisaabta waxay ka mid tahay su’aalo xisaabeed oo uu ka tagay xisaabyahankii caanka ahaa ee reer Hungary, Paul Erdős. Inkastoo marka hore ay u muuqdaan kuwo fudud, su’aalahan waxay qaadan karaan tobannaan sano si loo xalliyo.

    Jared wuxuu hore afar sano ugu qaatay xallinta arrintan ugu dambayna wuxuu ku qoray daraasaddiisa doctorate-ka. Laakiin Problem 1196-way ka adkaatay.

    Kadib, subax ka mid ah bishii Abriil 2026, wuxuu ku toosay iimayl u muuqday mid aan la rumaysan karin.

    Xisaabyahan hiwaayad ah oo ku nool Ingiriiska ayaa sheegay inuu helay xal, kaas oo uu soo saaray ChatGPT.

    Liam Price, oo isna bartay xisaabta, ahna 23 jir ayaa tijaabinayay awoodaha AI. Isaga oo xiisaynaya waxa noocyadii ugu dambeeyay ee AI-ga samayn karaan, wuxuu go’aansaday inuu ku tijaabiyo mid ka mid ah dhibaatooyinka xisaabeed ee muddada dheer aan la xallin.

    Wuxuu adeegsaday waxa uu ugu yeeray “prompt caqli badan” wuxuuna geliyay Erdős Problem 1196 nidaamka. Kadibna wuu sugay.

    Qiyaastii 80 daqiiqo kadib, AI-gu wuxuu soo saaray bogag badan oo ay ku qoran yihiin shaqo xisaabeed oo adag. Si kastaba ha ahaatee, Price ma hubin inay sax ahayd. Wuxuu u baahday xisaabyahan bini aadam ah oo dib u eega.

    Ugu dambayntii, shaqadaasi waxa ay soo gaartay Emailka Jared.

    Falcelintii ugu horreysay ee Jared waxay ahayd shaki. Nidaamyada AI-ga waxaa lagu yaqaan inay bixiyaan jawaabo kalsooni leh balse khaldan. Dariiqooyinka AI-gu waxay u muuqdayn kuwo aan si fiican loo habayn, laakiin markii uu si taxaddar leh ugu kuur galay sadarba sadar, wax baa is beddelay. “Waxay bilowday inay macno samayso”, ayuu Jared yiri.

    Dadka dhaliila AI-ga waxay ka cabsi qabaan inuu beddelayo khibradda aadanaha ee meelo badan, sida sharciga, injineernimada iyo farshaxanka.

    Sii Akhri

  4. Iiraan oo ka dhawaajisay in cududeeda milatari ay ka xoog badan tahay ka hor dagaalka, xilli Israa’iil ay sheegtay in dowladda Iiraan ay si weyn u wiiqantay.

    Iiraan ayaa sheegtay in ciidamadeeda milatariga ay sii xoogeesatay awooddooda tan iyo markii uu dagaalku billowday, halka Israa’iil ay ku doodayso in dowladda Iiraan ay awood beeshay.

    Afhayeen u hadlay Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay in milatarigu uu xoojiyay dhammaan dhinacyada diyaar-garowga dagaalka tan iyo maalintii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta.

    “Markii la shaaciyay xabbad-joojinta, awoodda hawlgal ee askarteennu si weyn ayay u siyaaday, nasiib wanaag, awoodda dagaal, xoogga, heeganka iyo kartida ay khataraha uga hortagaan waa la sii xoojiyay. Hadda ciidamadeennu waxay u shaqeynayaan si ka wanaagsan oo ka xoog badan sidii hore”.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in dowladda Iiraan ay ugu dambayn si buuxda u wiiqmi doonto, ayna burburi doonto sababo la xiriira weerarrada lagu qaaday.

    “Maamulka Iiraan mar dambe kuma noqon karo halkii uu hore u joogay, waxaan idiin sheegayaa inuu hubaal ahaan dhici doono,” ayuu ku yiri Netanyahu qoraalka.

    Hadalkan Netanyaahu ayaa yimid kaddib markii Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, uu sheegay in Israa’iil ay burburayso oo sii daciifayso,15 sano gudahood ma jiri doonto wax la yiraahdo Israa’iil,” ayuu Khamenei ku sheegay bayaan uu dhowaan soo saaray.

  5. Maraykanka oo xaqiijiyay in Mojtaba Khamenei uu nool yahay

    Mojtaba Khamenei

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei oo ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu nool yahay isla markaana uu aad u firfircoon yahay muddooyinkan.

    "Waxaan u malaynayaa in ay jiraan calaamado muujinaya in uu door sii kordhaya ciyaarayo," ayuu Marco Rubio u sheegay Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka.

    Mojtaba Khamenei ayaan lagu arkin meel fagaare ah tan iyo 20-kii March, xilligaas oo uu ku dhaawacmay mowjaddii ugu horreysay ee weerarradii ay wadajirka u fuliyeen Mareykanka iyo Israa'iil.

  6. 17 maleeshiyaad ah oo lagu dilay Balochistan: Ciidammada Pakistan

    Milatariga dalka Pakistan ayaa sheegay in ay dileen 17 maleeshiyo ah intii ay socdeen hawlgallo dhowr ah oo laga fuliyay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Balochistan, kuwaas oo daba socday weerarkii 24-kii May lala beegsaday xarun tareen ku socday magaalada Quetta.

    Maalintii Talaadada, Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Milatariga Pakistan (ISPR) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ka dib weerarkii tareenka ee 24-kii May, in ciidanku ay ku dileen 17 maleeshiyo ah hawlgallo qorsheysan oo sirdoonka ku salaysan, kuwaas oo ka dhacay degmooyinka kala duwan ee Mastung, Nushki, Zehri, Khuzdar iyo Kech.

    Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay meel u dhow tareen marayay aagga Chaman Phatak ee magaalada Quetta 24-kii May. Kooxda sharciga laga mamnuucay ee Ciidanka Xoraynta Baloch (BLA) ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas.

  7. Waxa ka soo baxay dugsi ay arday badani ku dhimatay oo ku yaalla Kenya

    Dugsi ay dad ku dhinteen

    Xigashada Sawirka, Shutterstock

    Sagaal eedeysane oo lagu tuhmayo dabkii ka kacay Dugsiga Gabdhaha ee Utumi oo ay ku dhinteen 16 arday, ayaa ku sii jiri doona xabsiga iyagoo sugaya go'aanka laga gaadhi doono maalinta Arbacada ah oo ku beegan 3-da Juun, sida ay werisay warbaahinta Citizen.

    Markii ay hor yimaadeen Garsooraha Sare ee Naivasha, Abdulqadir Ramathan, xeer-ilaalintu waxay codsatay in 30 maalmood lagu kordhiyo muddada xabsiga ee eedeysanayaasha si loo soo gaba-gabeeyo baadhitaanka.

    Inkastoo codsigan ay taageereen qareennadii u doodayay dhibbanayaasha, haddana waxaa ka horyimid qareennada u doodayay eedeysanayaasha.

    Qareenada difaaca ayaa ku dooday in sababaha loo sii hayaa eedeysanayaasha aanay ahayn kuwo ku filan ama lagu qanci karo.

    Go'aanka maxkamadda ee ku saabsan codsigan ayaa la filayaa in la soo saaro maalinta Arbacada ah ee 3-da Juun.

  8. Wadahadallo mar kale u bilowday Israa'iil iyo dawladda Lubnaan

    Danjirayaasha Israa'iil iyo Lubnaan ayaa maanta magaalada Washington ka billabay wareeg cusub oo wadahadallo toos ah, kuwaas oo uu dhex-dhexaadinayo Maraykanku.

    Kulankan afraad ee ay isugu dhowaanayaan wakiillada labadan dal, oo aan lahayn xiriir rasmi ah oo dhanka diblomaasiyadda, ayaa qorshuhu yahay in uu socdo muddo laba maalmood ah.

    Dadka madasha ku sugan waxaa ka mid ah Yechiel Leiter oo ah Danjiraha Israa'iil u fadhiya Mareykanka, Nada Hamadeh Moawad oo ah Ergeyga Lubnaan iyo Daniel Holler oo ah la-taliyaha sare ee Marco Rubio.

    Mas'uuliyiinta kulanka goobjoogga ka ah ayaan weli bixin wax faahfaahin ama hadal ah oo ku saabsan kulankaas.

  9. Rubio: Wadahadalka aan kula jirno Iiraan weli waa uu socdaa

    Marco Rubio ayaa u sheegay Koongareeska Mareykanka in Iiraan ay oggolaatay in ay wadaxaajood ka gasho arrimo ka mid ah barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay hore u diidi jirtay inay ka wadahadasho.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in wadahadalada ay la leeyihiin Iiraan ay weli socdaan, balse aanay jirin wax dammaanad ah oo muujinaya inay horseedi doonaan in dagaalka la soo afjaro.

    Saacad ka hor, Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa soo xigatay ilo wareed xog-ogaal ah oo aan magacooda la sheegin, kaas oo xusay in isweydaarsiga fariimaha ee u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka "uu istaagay ugu yaraan dhowr maalmood."

  10. Iiraan oo aas qaran u samaynaysa Cali Khamenei

    Sida uu sheegay ku-xigeenka madaxa arrimaha dhaqanka iyo bulshada ee dawladda hoose ee Tehraa ayaa sheegay in aaska Cali Khamenei oo ahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah "laga yaabo in la qabto dhammaadka bisha Dul-Xijjah iyo billowga bisha Muxarram," taas oo ka dhigan qiyaastii laba toddobaad kaddib.

    Mohammad Amin Tavakolizadeh ayaa ka sheegay guddiga 52-aad ee Arrimaha Bulshada iyo Hiddaha ee Magaalooyinka Waaweyn ee Iiraan in uu isagu mas'uul ka yahay agaasinka munaasabadda ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC), islamarkaana loo qorsheeyay saddex maalmood oo ay socon doonto "gaaddo-ka-ciyaarka shacabka".

  11. Israel Katz: Maraykanka ayaan fasax ka heli doonnaa in aan weerarno Bayruut

    Wasiirka Gaashaandhigga ee Israa'iil ayaa sheegay in haddii Xisbullaah ay weerarto waqooyiga Israa'iil, Washington ay taageeri doonto weerar lagu qaado agagaarka magaalada Beyruut.

    Sida ku cad bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Israa'iil, Israel Katz ayaa yidhi: "Aniga iyo raysalwasaaraha, oo ay na weheliyaan ciidanka Israa'iil, waxaan horseednay tallaabo la iskugu duway si loo abuuro isla 'eg cusub... Haddii magaalooyinka Israa'iil lagu si wado weerrrada, waxaan amraynaa in dadka laga raro xaafadda Dahiyeh ee Beyruut oo ah difaaca adag ee Xisbullaah, waana weerari doonnaa."

    Trump iyo Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Netanyahu
  12. Baxrayn oo muwaadiniinteeda ka mamnuucday in u safraan Iiraan

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa muwaadiniinteeda ka mamnuucday in ay u safraan Iiraan iyo Ciraaq ilaa amar dambe, sababo la xidhiidha xiisadaha amniga.

    Kaddib markii uu dagaalku billowday, Baxrayn waxay ka codsatay muwaadiniinteeda in ay si degdeg ah uga baxaan Iiraan. Intii uu dagaalku socday, Iiraan waxay beegsatay saldhigga ciidanka badda ee Mareykanka ee ku yaalla Baxrayn, iyadoo u adeegsatay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo.

    Tan iyo billowgii dagaalka, Baxrayn waxay xidhay boqolaal qof, waxayna maxkamad saartay toban kale oo loo haysto in ay taageereen, la shaqeeyeen, u basaaseen ama xidhiidh la lahaayeen Iiraan iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa lagu xukumay xabsi daaim, halka tiro kale laga la noqday dhalashadooda.

    Afhayeen u hadlay dawladda Baxrayn ayaa u sheegay BBC-da in dadkan loo xidhay si looga hortago cawaaqibka ka dhalan kara "gardarrada muuqata ee Iiraan" iyo si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida.

    Baasaaboor

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

  13. Iiraan iyo Israa'iil oo midba kan kale u saadaaliyay in uu burburi doono

    Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in khasaaraha Iiraan ka soo gaadhay dagaalku uu yahay "mid aad u culus", wuxuuna saadaaliyay in maamulka Iiraan uu aakhirka "dumi doono".

    Israa'iil ayaa weerartay Iiraan laba jeer muddo ka yar sannad gudihiis, waxaana la ay la kulantay kulmay jawaab-celis oo rogaal-celis ah oo kaga timid Iiraan.

    Haddalka Mr. Netanyahu ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu sidan oo kale u saadaaliyay Israa'iil.

  14. Mas'uuliyiinta Iran oo sheegay in awoodaha militari la xoojiyay intii lagu jiray xabbad-joojinta

    Wararkii ugu dambeeyay ee Iran Afhayeenka ciidamada ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Mohebbi, ayaa sheegay in muddadii xabbad-joojinta ay kordheen awoodaha militari iyo kuwa hawlgal ee Iran.

    Wuxuu yiri:"Intii lagu jiray muddada xabbad-joojinta, awoodahayaga militari iyo hawlgal way sii xoogaysteen. Fursadda la helay waxaa loo adeegsaday kor u qaadista awoodda dagaal, xoojinta heeganka, iyo dib u hagaajinta waxyeelladii soo gaartay".

    "Maanta ciidamada qalabka sida waxay ku sugan yihiin xaalad ka wanaagsan tii hore." ayuu intaa ku daray

    Dhanka kale wasiirka Waxbarashada Iran, Alireza Kazemi, ayaa sheegay in laba qorshe loo diyaariyay imtixaannada ugu dambeeya ee ardayda:

    In imtixaannada si toos ah loo qabto laga bilaabo 4-ta July, haddii oggolaansho laga helo golaha sae ee amniga qaranka.

    In imtixaannada la qabto 15 maalmood kadib marka xaaladda dalka ay caadi ku soo noqoto.Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidamada Badda ee Islamic Revolutionary Guard Corps Navy ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay 24 markab ka gudbeen Strait of Hormuz kadib markii ay heleen oggolaansho, iyadoo la raacayo isku-duwid iyo sugidda amniga ee ciidamada badda ee IRGC.

    Warar dheeraad ah

  15. Agaasimaha hay'adda quwada Atoomikada oo ku baaqay in Iran lala galo heshiis cusub

    Agaasimaha hay'adda quwada atoomikada ee IAEA: Waxaa hadda loo baahan yahay heshiis cusub oo ka duwan JCPOA

    Agaasimaha Guud eehay'adda quwada Atoomikada, Rafael Grossi, ayaa sheegay in marka laga hadlayo Iran, loo baahan yahay heshiis cusub oo la jaanqaadaya xaaladaha cusub ee hadda jira.

    Wareysi uu siiyay Al Jazeera, Grossi wuxuu yiri:"Haddii heshiis la gaarayo, wuxuu noqon doonaa heshiis ka dambeeya dagaalka, waana inaan taas maskaxda ku haynaa."

    Wuxuu intaas ku daray in inkastoo xarumaha nukliyeerka Iran ay soo gaareen dhaawacyo intii uu socday dagaalku, haddana farsamada iyo awoodaha dalkaasi ay si weyn u horumareen.

    Grossi ayaa sheegay:"Dhammaan qodobbadii iyo xaaladihii jiray xilligii heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran la galeen Quwadaha waawayn way is beddeleen."

    Grossi wuxuu ku adkeystay in:"Heshiiskii Niyukleerka ee lala glay 2015 Iran wuxuu ku habboonaa xaaladihii waqtigaas jiray,hadda waxaa loo baahan yahay heshiis kale oo cusub oo ku habboon duruufaha maanta jira."

    Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay in mudnaanteeda ugu weyn ee wada-hadallada hadda ay la leedahay Mareykanka ay tahay in la soo afjaro dagaalka, islamarkaana aysan hadda diiradda saareyn wadahadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Warar dheeraad ah

  16. Wax ka ogow saliidaha cuntada lagu karsado ee ugu caafimaadka badan

    saliid

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Saliid

    Saliidda cunnada lagu kariyo ayaa ah mid si wayn dunida looga isticmaalo.

    Balse noocyada kala duwan ee saliidaha la isticmaalo ayaa waxaa laga hayaa macluumaad ku saabsan in ay qaarkood keenaan cayil iyo caafimaad darro.

    Ku dhufo lifaaqa hoose si aad faahfaahinta u akhriso

  17. Wasiirka Arimaha Dibada ee Faransiiska: Ma jiraan qiil loo heli karo joogitaanka ciidamada Israel ee ciidda Lubnaan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Fransiiska, Jean-Noël Barrot

    Xigashada Sawirka, Jeff Overs / BBC

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Fransiiska, Jean-Noël Barrot

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Fransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo lagu cudurdaari karo sii joogitaanka ciidamada Israel gudaha dhulka Lebanon.

    Wareysi uu siiyay telefishin, Barrot wuxuu yiri:"Ma jirto wax cudurdaar u noqon kara sii socoshada hawlgallada militari ee Israa'iil iyo joogitaanka muddada dheer ee ciidamada Israa'iil gudaha dhulka Lubnaan."

    Ciidamada Israa'iil ayaa Axaddii la wareegay qalcadda Beaufort Castle.Qalcaddan ayaa horey loogu isticmaali jiray saldhig ciidan oo ay Israa'iil ku lahayd intii lagu jiray qabsashadii koonfurta Lubnaan ee socotay ku dhowaad labaatan sano, taas oo dhammaatay sanadkii 2000.

    Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay in xabbad-joojin laga hirgeliyo Lubnaan ay tahay shuruud muhiim ah oo looga baahan yahay heshiis kasta oo ay la gaarto Mareykanka si loo soo afjaro dagaallada iyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.

    Warar dheeraad ah

  18. Kororka duulimaadyada mara hawada Suuriya ayaa noqday il dhaqaale oo cusub

    Kadib xidritaankii hawada ee qaybo ka mid ah Bariga Dhexe, shirkado badan oo diyaaradeed ayaa beddelay jidadkoodii duulimaadka, iyagoo bilaabay inay isticmaalaan hawada dalal ay ka fogaan jireen in ka badan toban sano.

    Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa tirakoobka Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka ee Suuriya, ayaa sheegtay in 11,801 duulimaad ay mareen hawada Suuriya bishii May.

    Tiradani waxay ka badan tahay laba jibbaar tiradii 4,267 duulimaad ee la diiwaangeliyay bishii Febraayo, taas oo ahayd bishii ugu dambeysay ee buuxda ka hor carqaladihii duulimaadyada gobolka ee la xiriiray dagaalka Iran.

    Duulimaadyada maray hawada Suuriya bishii May ayaa sidoo kale kor u kacay qiyaastii 375% marka loo eego isla muddadaas sanadkii hore.

    Muddo 14 sano ah oo uu socday dagaalkii sokeeye ee Suuriya, hawada dalkaasi waxaa loo arkayay meel khatar ah oo ay shirkadaha diyaaradaha badankoodu ka fogaayeen. Dagaalkaas ayaa dhammaaday kadib markii la riday xukunkii Bashar al-Assad dabayaaqadii 2024.

    Isbeddelkan cusub ayaa faa’iido dhaqaale u leh Suuriya, maadaama dowladda cusub ay kordhisay khidmadaha laga qaado shirkadaha diyaaradaha horaantii sanadkan.

    Marka loo eego xogta Reuters, iyadoo la tixgelinayo lacagta joogtada ah ee $499 laga qaado duulimaad kasta oo mara hawada Suuriya, duulimaadyadii bishii hore waxay soo saari kareen ilaa $9.5 milyan oo dakhli ah oo ka yimid duulimaadyada transit-ka ah.

    Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka ee Suuriya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin inta dakhli ee dhab ahaan dalka ka soo gasha marinka hawadaasi.

    Warar dheeraad ah

  19. Guddiga Doorashooyinka Itoobiya oo shaaciyay xogta ka qaybgalka codbixinta

    Doorashada Itoobiya

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Doorashada Itoobiya

    Guddiga qaran ee doorashooyiinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay 1-da Jun 2026 in ilaa 8:00 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, 40 milyan oo ka mid ah 54 milyan oo codbixiyeyaal diiwaangashan ay codkooda dhiibteen.

    Guddoomiyaha guddiga, Melatework Hailu, ayaa saqdii dhexe sheegtay in tiradan lagu saleeyay xog ay khadka taleefanka ku uruuriyeen khubarada guddiga.

    Waxay tilmaantay in xogta qaar ka mid ah deegaannada wali maqan tahay sababo la xiriira cilado dhanka isgaarsiinta ah. Waxa kale oo ay sheegtay in deegaano gaar ah ay codbixintu sii socotay ilaa saqdii dhexe, taasoo lix saacadood ka dambeysay waqtigii caadiga ahaa ee xiritaanka goobaha codbixinta.

    Melatework ayaa tiri:“Hannaanka codbixinta ee degmooyin iyo xarumo badan ayaa ku dhammaaday waqtigii loogu talagalay. Meelo qaar waxay ku dhammaatay 6:00 fiidnimo, kuwo kalena 8:00 fiidnimo, halka degmooyin qaarkood ay sii socotay ilaa saqdii dhexe.”

    Waxay sidoo kale sheegtay in khaladaad iyo waxyaabo aan habboonayn laga diiwaangeliyay qaar ka mid ah goobaha codbixinta. Xarun codbixin oo ku taal Burji ayaa la xiray kadib markii la ogaaday in saraakiil goobta joogtay ay iyagu calaamadeynayeen waraaqaha codbixinta.

    Guddoomiyuhu waxay xaqiijisay in tallaabooyin dheeraad ah laga qaadi doono dadka arrintaas ku lugta lahaa.

    Horaantii maalintaas, waxay warbaahinta u sheegtay in 143 goobood oo codbixin ah aan la furin sababo amni awgeed.

    Codbixinta ayaa hakad gashay qaybo ka mid ah gobollada Amhara iyo Oromia, halkaas oo ciidamada dowladda ay wali dagaallo kula jiraan kooxo hubeysan.

    Caqabadaha kale ee la soo sheegay waxaa ka mid ahaa safaf dhaadheer oo ka jiray goobaha isticmaalayay diiwaangelinta dijitaalka ah iyo dhibaatooyin isgaarsiineed oo ka dhashay shabakado isgaarsiin oo liita.

    Warar kale oo dheeraad ah:

  20. Qiimaha Shidaalka oo saaka hoos u soo yara dhacay

    Qiimaha shidaalka ayaa bilaabay inuu hoos u dhaco Subaxii hore ee maanta suuqyada caalamka.

    Suuqyada ayaa weli si taxaddar leh ula socda horumarka wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

    Shidaalka nooca ceyriin ee Brent ayaa hoos u dhacay 75 senti, ama 0.79%, isagoo gaaray $94.23 halkii foosto. Sidoo kale, shidaalka nooca tayada sareysa leh ee (WTI) ayaa hoos u dhacay 85 senti, ama 0.92%, isagoo gaaray $91.31 halkii foosto.

    Wareysi uu siiyay ABC, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in heshiiska lala gelayo Iran, oo faahfaahintiisa la dhammeystirayo, la soo gabagabeyn doono “usbuuca soo socda.”

    Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo ururka Xisbullah, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan weerarrada.

    Dhanka kale, Safaaradda Lubnan ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in Xisbullah ay oggolaatay in la joojiyo colaadda kala dhexeysa Israa’iil.

    Sii akhri: