Tababaraha Morocco: "Ma ahan arrin mucjiso ah" in aan gaarno heerkan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Wax ka ogow afarta magaalo ee ka sii guuraya gawaarida ee lugta iyo baaskiilka door biday

    Markii mowjaddii ugu horreysay ee Covid dhacday, gudaha magaalooyin badan ayaa si dhaqso ah uga fikiray sida noloshu noqon karto.

    Qaarkood waxay soo kordhiyeen jidad loogu talagalay dadka lugeynaya, meelihii baabuurta la dhigayayna maqaayado ayaa loo baddalay halka sare loo qaaday waddooyin badan oo baaskiilka loogu talagalay.

    Isbeddelku wuxuu keenay faa'iidooyin, kaliya maahan dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha oo kordhay, laakiin daraasaduhu waxay sidoo kale muujiyeen in fayrasku si degdeg aan ahayn ugu faafayay xaafadaha ay dadku aad ugu badan yihiin.

    In kasta oo meelo badan ay hadda dib u dhigeen qorshayaashan iyada oo noloshu ay ku soo noqonayso si caadi ah, hadana waxaa magaalooyinka qaar oo weli sii wata qorshayaasha yareynta isticmaalka gaawrida.

  2. Nin looga shakiyay in uu sameeyay bamkii burburiyay diyaaraddii ku dhacday Lockerbie oo la qabtay

    Ilaa 270 qof ayaa ku dhimatay bamkii Lockerbie 21 December 1988

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ilaa 270 qof ayaa ku dhimatay bamkii Lockerbie 21 December 1988

    Nin u dhashay dalka Libya oo lagu eedeeyay in uu sameeyay bamkii burburiyay diyaaraddii rakaabk aheyd ee ku dhacday magaalada Lockerbie ee Scotland 34 sano ka hor ayaa lagu qabtay Mareykanka.

    Bishii hore ayay aheyd markii la tebiyay warar sheegay in nin lagu magacaabo Abu Agila Masuud ay afduubteen maleeshiyaad Libyan ah, arrintaas oo horseeday warar ku aadan inay u gacan gelin doonaan mas’uuliyiinta Mareykanka loo maxkamadeeyo.

    Shilkii Lockerbie waxaa ku dhintay 270 qof oo isugu jiray dad rakaab aha aiyo dadkii deegaanka, arrintani ayaa ka dambeysay markii la qarxiyay diyaaraddii Pan Am flight 103 ee ka duushay London kuna wajahneyd New York.

  3. Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Maxamed Bin Salmaan

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay Dhaxal Sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo arrimaha amniga.

    Maxamed Bin Salmaan ‘wuxuu soo dhaweeyay guulaha ay dowladda ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab”, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Maxamed Bin Salmaan

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Maxamed Bin Salmaan
  4. Duqeymo ka dhacay koonfurta Ukraine

    Khasaaraha ka dhashay duqeymaha

    Xigashada Sawirka, BALITSKYEV

    Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay duqeymaha

    Duqeymo ayaa lagu soo warramayaa inay koonfurta Ukraine xilli diyaaradaha Drones-ka ee Ruushka ay duqeeyeen Odesa halka Ukraine ay weerarro iska cabin ah ka fuliyeen magalaada Melitopol.

    Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen 10 kamid ah diyaaradaha Drones-ka Ruushka halka diyaarado kale oo gaaraya shan ay gantaallo ku garaaceen xarumaha tamarta, dhibaatadan waxay horseeday in ku dhawaad 1.5 malyan oo qof ay soo wajahdo koronto la’aan.

    Duqa magaalada Melitopol wuxuu sheegay inay duqeymaha lala beegsaday magaalada uu heysto Ruushka.

    Sawirro ay baahiyaan saraakiisha ay muujinayay dab weyn oo halkaa ka kacay.

    Tan iyo bishii Oktoobar, xukuumadda Moscow waxay gantaallo ku garaaceysay xarumaha tamarta ee Ukraine.

  5. Tababaraha Morocco: "Ma ahan arrin mucjiso ah" in aan gaarno heerkan

    Ciyaartoyda Morocco oo u dabbaaldegayay guusha kadib markii ay 1-0 ku garaaceen Bortuqiiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaartoyda Morocco oo u dabbaaldegayay guusha kadib markii ay 1-0 ku garaaceen Bortuqiiska

    Tababaraha xulka qaranka Morocco Walid Regragui ayaa sheegay in qof kasta uu u jecel yahay kooxdiisa isla markaana ay dadaal muujiyeen.

    “Waxaan noqonay koox uu qof kasta jecel yahay , waxaan muujinnay waxa aan kuu guuleysan karno”

    “Ma ahan arrin mucjiso ah-laga yaabaa in dadka Yurub ay sidaas qabaan sababta oo ah waxaa ka adkaannay Bortuqiiska, Spain, Belgium waxaan barbardhac la galnay Croatia anagoo wax guuldarro ah gaarin, waa natiijo ku timid shaqo adag iyo dadaal” ayuu yiri tababaraha xulka qaranka.

    Xulka qaranka ee Morocco ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ka socda Afrika ee gaara wareegga nus dhammaadka ee ciyaaraha Koobka Adduunka kadib markii ay xaley 1-0 uga badiyeen xulka Bortuqiiska.

  6. Dibadbax looga soo horjeedo Iran oo ka dhacay Talyaaniga

    Magaalaada Roma ee dalka Talyaaniga, ayaa waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dowladda Iran, ee xukunka dilka ah iyo xariga ay ku hayso dadka kasoo horjeedo dowladda, ee ka qeyb qaadanaya banaan baxyada, oo ay ardada jaamacadahu ay hormuudka u yihiin.

    Waxaa ka qeyb galay dad u dhashay waddan kaasi Talyaaniga iyo jaalliyadda Iran ee dalkaasi degan.

    Haddaba, dibadbaxaasi sida uu dhacay iyo fariinta uu gudbinayey waxay BBC-da ka wareysatay Shukri Saciid, oo ah weriye degan dalka Talyaaniga.

    Qoraalka Codka, Dibadbaxyada looga soo horjeedo Iran ee ka dhacay Talyaaniga
  7. Nin u aargudayay ‘sawir gacmeedyadii laga sameeyay Nebiga’ oo la xukumay

    Weerarradii lagu qaaday caasimadda Mali ee Bamako sanadkii 2015

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Weerarradii lagu qaaday caasimadda Mali ee Bamako sanadkii 2015

    Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa nin u dhashay dalka Mauritania ku soo oogtay in uu ka dambeeyay dambiyo la xiriira weerarro argagixiso oo saddex ahaa oo ka dhan ah reer galbeedka oo ka dhacay Mali sanadkii 2015.

    Ilaa 38 qof ayaa lagu dilay weeraradaas, waxaana kamid ah qof u dhashay Mareykanka.

    Fawaz Ould Axmed ayaa la soo taagay maxkamad maalin kadib markii dalka Mali uu soo gacangeliyay halkaasoo horay loogu xukumay xukun dil ah kadib markii uu qirtay dambiga.

    Waxa uu maxkamada Mali u sheegay in uu ku dhaqaaqay falal aargoosi ah kadib sawir gacmeedyo laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH oo lagu daabacay majaladda Charlie Hebdo ee ka soo baxda dalka Faransiiska, isla markaana aanu ka qoomamayn weeraradii lagu qaaday baararka iyo hoteelada ay caanka ku yihiin ajaanibta ku sugan Mali.

    Wararka la xiriira:

  8. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada Soomaalida, gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.

  9. Bannaanbaxyo ay dalka Bangaladesh ka dhigayaan taageereyaasha Mucaaradka

    BANGALADESH

    Xigashada Sawirka, DW

    Qoraalka sawirka, BANGALADESH

    Tobanaan kun oo ka tirsan taageeryasha mucaaradka dalka Bangaladesh yaa isugu soo baxay caasimadda dalkaasi e Dhaka iyagoo dhigaya bannaabax ay ku dlaanayaan in dowladdu iscasisho.

    Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey , dad bandanna waxay ka maqanyihiin waddooyinka iyagoo rabshadaha ka baqaya .

    Xisbiga Bangladesh Nationalist Party ee BNP ayaa dowladda ra’iisul wasaare Sheekh Xasiina ku eedeeyey in ay burbur u horseeday dhaqaalaha .

    Toddobada xildhibaan oo katirsan baarlamaanka ayaa sheegay in ay iska casilayaan baarlamaanka .

    Xisbiga BNP ayaa doonaya dowlad dhexdhexaad ah oo ku meel gaar ah in ay talada qabato ka hor doorashada soo socota oo lagu wado in la qabto sanadka 2024.

    Dowladda ayaa ariintaa sia dag u diiday waxayna ku eedeysay mucaaradka in ay wadaan in ay abuuraan degenaansh la’aan

  10. Wiil 8 jir ah oo u dhashay India oo ku dhintay ceel uu ku dhacay

    INDIA
    Qoraalka sawirka, INDIA

    Wiil 8 jir ah ayaa bartamaha dalka Indiya laa helay isaga oo meyd ah gudaha ceel biyood oo Uu ku dhacay ka dib markii uu ku jiray muddo ka badan ku jiray 78 saacadood

    Isku dayo aad rajadoodu u yareyd ayaa lagu sameyey wiilkaasi oo Tanmay Sahu la oran jiray oo ku dhacay ceelka oo 15 mitir ahaa malainimadii Talaadada.

    Shaqaalaha badbaadada ayaa saddex maalmood ay kuqaadatay baadigoobka iyo in ay oksijiin u helaan wiilka oo xilligiii loo baahnaa la gaari waayey .

    Ceelasha biyaha ee ganacsiga ah ee dalka India ayaa inta badan laga tagaa iyagoo afku u furan yahay marka ay qalalaaantaas oo keenta qataro aad u badan

  11. Maxaa keenay iskaashiga dhinaca hubka ee Iran iyo Ruushka ?

    IRAN/RUSSIA
    Qoraalka sawirka, IRAN/RUSSIA

    Iran ayaa Khubaro militari geysay dhulka Ruushku ka heystaaan Ukraie si ay Ruushka gacan uga siiyaan in ay halkaa ka soo qaadaan weerarda diyaaradaha drone-ka ee ay ka geystaan Ukraine , sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka .

    Caasimadda Ukraie ee Kiyev ayaa maalinimdii Isniinta waxaa lagu dhuftay gantaalo ka yimid drone-nada Kmikaze ee ay heystaan Ruushka laakiin la rumeysan yahayin ay Iran Sameyso

    Iran iyo Ruushka aya qorsheynaya in ay wadajir u sameystaan hub siiba noocyada diyaaradaha iyo hubka duqeymaha loo adeegsado

    Ingiriiska yaa sheegay cunaqabateyn ay sareen ganacsiyo iyo shaqsiyaad Iran ah kuwaas oo ms’uul ka ah in Ruushku helo diyaaradahaa

    Iran ayaa haatan Ruushka ka gacan siisa diyaaradaha drones-ka ee dhica duqeynta loo adeegsado

  12. Nin Afrikaan ah oo Ruushka la safnaa oo lagu dilay dagaalka Ukraine oo meydkiisa la keenayo Zambia

    ZAMBIA
    Qoraalka sawirka, ZAMBIA

    Meydka arday u dhashay dalka Zambia Lemekhani Nyirenda oo ku dhintay dagaalka Ukraine isagoo u dagaalamaya Ruushka ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la keeno dalka Zambia , sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaas.

    Stanley Kakubo ayaau sheegay baarlamaanka dalkaa in meydka uu haatan soo gaaray magaalada dekedda ah ee Ruushka ee Rostov-on-Don uuna la socdo diblomaasi reer Zambia ah oo u soo galbinaya Lusaka .

    Ninka oo oo 23 jir ah ayaa geeriyooday bishii September laakin warka dhimashadiisa waxaa la helay bishii hore, waxayna keentay in qoyskiisa iyo dowladda Zambia ay ku cadaadiyaan Ruushka su’aalo badan in ay ka jawaabaan.

    Wiilkan ayaa injineerniada Nukliyeerka ku baranayey magaalada Moscow wuxuuna ku xukunaa xukun la xiriira maandooriye isagoo ku jiray xabsi ku yaalla dalka Ruushka .

    Walaashiis Muzang'alu Nyirenda ayaa sheegtay in u uku jiray fal maandooriye iibiye aan laga warqabin oo uu si qarsoodi u waday.

    Wasaaradda Arrimha Dibedda ayaa baarlamaanka u sheegtay in dowladda Ruushka ay u xaqiijisay in wiilkan la cafiyeybishii August si uu uga qeybgalo howgal milatari isagoo loogu bedelayo cafiska

    "Weli dowladda Ruushka waxaa la weydiisanayaa in faahfaahin ka bixiso geerida ninkaa dhallinyarada ah

  13. Halkee ayay marayaan dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab?

    Dagaallada ka socda gobollada dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Dagaallada ka socda gobollada dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

    Goordhaweyd waxa gaaray magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan Madaxweynaha Hirshabelle, Kuxigeenkiisa iyo saraakiil ciidan, si ay ugu kuurgalaan xaaladda magaaladaasi oo dhawaan laga saaray ururka Al-Shabaab.

    Sidoo kale waxaa Aadan Yabaal gaaray wafdi u hoggaaminayeen wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha militeriga Soomaaliya.

    Dhinaca kale waxa xalay iska hor’imaadyo laga soo weriyay tuulada Goobo oo ku dhaw degmada Maxaas ee isla gobolka Hiiraan.

    Dowladda waxay sheegtay inay dishay 14 xubnood oo ka tirsan Al -Shabaab kadib markii ciidamada militeriga ay howlgal ka sameeyeen tuulo hoostagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kashanayay kuwa deegaanka ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo markii hore ay Al-shabaab ku xoogganaayen.

  14. Sheekh sunni ah oo war kasoo saaray xukun dil ah ay Iran ku fulisay nin ka qeyb qaadanayay dibadbaxyada

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Sheekh caan ah oo sunni ah ayaa sheegay in dilkii Jimcihii lagu fuliyay nin u dhashay waddanka Iiraan oo ka qeybqaatay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda uu yahay mid hareer marsan shareecada Islaamka, xilli madaxweyne Ibraahim Ra'iisi uu wacad ku maray markii la daldalay ninkaas inuu sii wadi doono baacsiga dadka dibadbaxyada.

    Iran ayaa daldashay Muxsin Shekaari, kaas oo ay sheegtay in loo xukumay inuu tooray ku dhaawacay askari ka tirsanaa ilaalada qaranka iyo inuu xiray waddo ku taal magaalada Tehran, iyadoo daldalaaddanna ay tahay middii ugu horraysay kaddib kumannaan qof oo loo xiray deganaanshiyo la'aanta, arrintaas oo horseedday dhaleecayn ay soo jeedinayeen reer Galbeedka.

    Dibadbaxyada ballaaran ee ka socda Iran waxay qarxeen markii booliska ay gacanta booliska ku geeriyootay haweeney Kurdi aheyd oo la oran jiray Mahsa Amini bishii September- waana caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahday Iran tan iyo sanadkii 1979 kadib kacaankii islaamiga ahaa.

    Molavi Abdolhamid, oo ah waddaad sunni ah oo ku nool jamhuuriyadda Islaamiga ee shiicada maamusho ayaa dhaleeceeyay xukunka dilka ah.

    Wuxuu sheegay in wax dil ah aan lagu xukumi Karin qof aan waxbo dilin balse kaliya ah waddo xiray isla markaana minddi ku dhaawacay xubin ka tirsan maleeshiyaadka Basij.

    Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaal ay ku sheegtay Shekari oo qiranayo falka isaga oo dhabankiisa midig uu ka muuqday dhaawac.

    Wuxuu qirtay in uu toori ku dilay askari ka tirsan maleeshiyaadka Basij uuna jidgooyo uu dhigay waddada.

    Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Shekari la jirddilay lagu khasbay in uu qirto dambiga.

  15. Tababaraha xulka Mrorocco: Waan dareensanahay taageerada ay noo muujinayaan Afrikaanka iyo Carabta

    Tababaraha xulka qaranka Morocco Walid Rekragui ayaa sheegay inay kooxdiisa ay dareensan tahay taageerada ay u muujinayaan ddaka Afrikaanka ah iyo kuwa Carabta ah xilli maanta ay la dheelayaan xulka Bortuqiiska.

    Haddii Morocco maanta ay ku gudbaaan ciyaarta Rubac dhammaadka Koobka Addduunka waxay noqanayaan xulkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo gaara nus dhammaadka.

    Dhinaca kale, Faraniiska ayaa maanta la ciyaaraya xulka qaranka ee Ingiriiska.

    Xulka Morocco waxay dhawaan ka badiyeen Spain

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xulka Morocco waxay dhawaan ka badiyeen Spain
  16. Wararkii ugu dambeeyay ee ciyaaraha Koobka Adduunka

  17. Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka warbixiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle ayaa safar dhulka ah ku maray deegaanno dhawaan lagala wareegay Al-Shabaab, kuwaas oo gaadhay fadhiisimmada ciidamada ay ku leeyihiin degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhawaan uun lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

    Madaxweynaha ayaa socod kusoo maray xaafadaha kala duwan ee Magaalada waxaana uu kulamo la qaatay dadka deegaanka.

    Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqashadiisa kadib BBC-da uga warramay safarkiisa iyo halka ay marayaan dagaallada lagula jiro Al-Shabaab.

    Qoraalka Codka, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
  18. Askarigii dhabarka kaga istaagay George Floyd oo la xukumay

    J Alexander Kueng

    Xigashada Sawirka, STAR TRIBUNE VIA GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka, J Alexander Kueng

    Askari hore oo ka tirsan booliska gobolka Minneapolis isla markaana dhabarka kaga istaagay George Floyd oo ahaa ninkii madowga ahaa ee lagu dilay Mareykanka ayaa lau xukumay 3 sano iyo bar kadib kaalintii uu ka qaatay falkaas.

    J Alexander Kueng ayaa qirtay dambi ah in uu ka qeyb qaatay ku lug lahaanshaha iyo dilka darajada koowaad bishii Oktoobar.

    Askarigan wuxuu kamid ahaa afar sarkaal oo boolis ah o lala xiriiriyay dilka xilli laga soo duubay muuqaal.

    Dilka George Floyd oo dhacay sanadkii 2020 waxay caro weyn ka dhalisay caalamka, Mudaharaadyo looga soo horjeeday cunsuriyadda ayaa ka dhacay dalal ka mid ah caalamka, iyadoo looga fal celinayo dhimashadaas.

    Wararka la xiriira: