Warbixin: Ingiriiska oo u gudbaya wereegga sideeda kooxaad ee rubuc-dhamaadka ciyaarta
Koobka Adduunka ee ka soconaya waddanka Qatar, halkaas oo xalay guul wayn uu ka soo hooyay xulka kubadda cagta ee Ingiriiska, iyagoo 3-0 kaga adkaaday xulka Senegal.
Kooxda tababare Gareth Southgate ayaa bilowgii hore ee ciyaarta la kulantay cadaadis kulul oo kaga imanayay Senegal, oo goolhaye Jordan Pickford ayaa goosha ka badbaadiyay gool uu soo laaday weeraryahan Boulaye Dia.
Hasayeeshee laba gool oo isxigxigay ayey Ingiriisku ku dhaliyeen goolka Senegal inta aanay dhamaan qeybta hore ee ciyaarta, halka goolka saddexaadna ay sii raaciyeen daqiiqado kaddib markii la isugu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta.
Kulankan ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ee ay labadan xul abid wadaciyaaraan. Xulka England ayaa wareegga xiga waxa uu la ciyaari doonaa xulka koobkan difaacanaya ee Faransiiska, kaas oo 3-1 xalay fiidkii uga badiyay xulka Poland.





