Boqorka cusub oo tacsi ka dhageystay baarlamaanka UK

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Markii amiirada William iyo Harry ay dhaxgaleen shacab u soo baxay tacsi

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Amiirrada William iyo Harry waxaa ku soo biiray xaasaskooda Catherine iyo Meghan oo ku sugnaa qasriga Windsor markii ay daawanayeen ubaxyada tacsida ee boqoradda iyagoo sidoo kale waqti ku qaatay inay la hadlaan dadkii badnaa ee ku soo xoomay dibeda qasrigan ku yaalla London.

    Amanda Goldsmith waxay ka mid ahayd dad badan oo u yimid Windsor si ay ubax dhigaan, halkaas oo ay kula kulantay amiirka cusub iyo amiirada Wales.

    "Gacanta ayaan ku salaamay William iyo Catherine. Aad bay u qurux badan tahay oo soo jiidasho ayay leedahay. Safiican ayay ila hadlayeen.

  2. Boqorka cusub oo la kulmaya madaxda ururka Barwaaqo-Sooranka

    Boqor Charles III

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Boqor Charles III

    Ilaa iyo hadda lama ogo in boqorka cusub iyo xaaskiisa inay degi doonaa qasriga Buckingham iyo in kale.

    Boqor Charles III shaley ayaa xilka lagu wareejiyay, maanta waxaa la kulmi doonaa xoghayaha guud ee ururka Barwaaqo-Sooranka, Baroness Scotland.

    Kadib waxaa lagu soo dhaweyn doonaa xafiis ku yaalla qasriga Buckingham oo uu kula kulmi doono xubno matalaya 14 dal oo boqorka u aqoonsan in uu madax u yahay-waxaana kamid ah Australia, Canada, New Zealand, Jamaica iyo dalal kale.

    Boqor Charles wuxuu sheegay in uu sii joogteyn doono waxqabadka hooyadii marka laga hadlayo arrinta dalalka Barwaaqo-Sooranka.

    Boqorad Elizabeth II waxay si weyn ugu howlaneyd xoojinta iyo dhisidda sumcadda ururkan.

    Sanadkii 2018-kii, boqor Charles wuxuu sheegay inay ka go’antahay sii joogteynta waxqabadka hooyadii.

  3. Naxashka boqoradda oo la geynayo Edinburgh

    .

    Naxashka boqorad Elizabeth II ayaa laga qaadayaa qasriga Balmoral, waxaana la geynayaa qasriga Holyroodhouse ee ku yaalla Edinburgh, waxay tallaabadan qeyb ka tahay munaasabadaha la qabanayo ka hor aaska boqoradda.

    Waxaana naxashka la sii marsiin doonaa deegaannada kala ah Aberdeen, Dundee, iyo Perth.

    Naxashka ayaa la dhigi doonaa qasriga Holyroodhouse iyadoo halkaas uu sii yaalli doono tan iyo Isniinta.

    Diyaargarow ayaa weli ka socdaa magaalada Edinburgh iyadoo militeriga lagu wado inay soo dhaweeyaan naxashka boqoradda oo la geynayo qasriga Holyroodhouse ee ku yaalla caasimadda Scotland.

  4. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan maanta ku eegeyno wararka la xiriira geerida ku timid boqoradda UK, Elizabeth II.

  5. Dad badan oo kusii qulqulaya qasriga Balmoral

    .

    Dad badan ayaa weli kusii qulqulayaa afaafka hore ee guriga boqortooyada ee ku yaalla Scotland.

    Waa halka ay Khamistii si nabad ah ugu geeriyootay boqorad Elizabeth II.

    Waana halka ay xilliyo badan ku qaadatay boqoradda iyo qoyskeeda.

    Qasriga Balmoral ee Scotland wuxuu kamid yahay qasriyada boqortooyada Britain kaas oo jiray tan iyo sanadkii 1852.

    Dadweyne badan oo kaso socda guud ahaan UK ayaa kusii qulqulayaa halkaas, waxayna ubaxyo dhigayaan halkaas.

    .
  6. Sawirro: Dadkii ka qeybgalay munaasabadda caleemo saarka boqorka Charles III

    Waa qaar kamid ah sawirrada munaasabadda xilka loogu wareejinayay boqorka cusub ee UK, Boqor Charles III, munaasabadda waxay ka dhacday qasriga St James.

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

  7. Boqor Charles III oo dib ugu laabtay qarsiga Buckingham

    Boqorka cusub ayaa dib ugu laabtay qarsiga Buckingham kadib markii lagu wareejiyay xilka boqortooyada xilli ay munaasabad ka dhacday qasriga St James.

    Dadweyne badan oo ku sugnaa halkaas ayaa la arkayay iyaga oo soo dhaweynayo boqorka xilli uu saarnaa baabuurka boqortooyada.

    .
  8. Weriye hore uga tirsanaa BBC Somali oo ka hadlay la kulankiisa boqorka cusub

    Qoraalka Codka, Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay maanta inuu yahay boqorka cusub ee UK
  9. Boqor Charles III oo si rasmi ah loogu wareejiyay xilka boqortooyada

    Boqor Charles III oo xilka la wareegay

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Boqor Charles III oo xilka la wareegay

    Waxaa si rasm ah xilka boqortooyada loogu caaleemo saaray Boqor Charles III kadib xaflad ka dhacday qasriga St James's Palace.

    Charles ayaa noqonayaa boqorka cusub kadib geeridii ku timid hooyadii boqorad Elizabeth II.

    Golaha xilka ku wareejinayay oo ka koobnaa siyaasiyiin sar-sare, garsoorayaal iyo saraakiil ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay Charles III.

    Waa markii ugu horreysay oo teleefishinka laga baahiyo munaasabaddan taariikhiga ah.

  10. Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee UK oo ku sugan munaasabadda caleemo saarka

    Waxaa xafladda caleemo saarka boqor Charles II ku sugan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee UK sida Gordon Brown, David Cameron Boris Johnson iyo Theresa May.

    .
  11. Munaasabadda caaleemo saarka boqorka cusub oo socota

    Waxaa haatan si rasmi ah u socotaa munaasabadda caleemo saarka boqor Charles III kadib geerida ku timid boqorad Elizabeth II.

  12. Boqorka Japan oo ka qeybgeli doono aaska boqoradda

    Boqorka Japan Naruhito ayaa qorsheynayaa in uu ka qeybgalo aaska boqorodda Britain Queen Elizabeth II, waa booqashadiisii ugu horreysay uu dibadda ku aadayo tan iyo markii uu xilka qabtay boqorka sanadkii 2019, sida ay ku warrantay warbaahinta Japan.

    Queen Elizabeth ayaa sanadkii 2020 casuumaad u fidisay boqorka Japan balse caasumaaddaas uu ku tegi lahaa Britain ayaa dib loo dhigay kadib safmarka cudurka Karoona.

    Queen Elizabeth iyo Prince Philip gudaha magaalada Tokyo xilli ay boqoradda booqatay Japan sanadkii 1975

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Queen Elizabeth iyo Prince Philip gudaha magaalada Tokyo xilli ay boqoradda booqatay Japan sanadkii 1975
  13. Sawirro: Markii boqoradda ay booqatay qaaradda Asia

    Boqoradda waxay jecleyd safarrada, waxay boqotay 117 waddan intii ay ku fadhiday kursiga boqortooyada.

    Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah sawirradii xusuusta lahaa xilliggii ay booqashada ku tegtay Asia.

    Boqorad Elizabeth II oo baabuur saarneyd xilli ay mareysay waddooyin ku yaalla magaalada Karachi xilli booqashadeedii labaad ay ku mareysay Pakistan.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Boqorad Elizabeth II oo baabuur saarneyd xilli ay mareysay waddooyin ku yaalla magaalada Karachi xilli booqashadeedii labaad ay ku mareysay Pakistan.
    Boqoradda oo eegeysay taallooyinka ciidamada Terracotta xilli ay booqasho ku tegtay Shiinaha sanadkii 1986.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Boqoradda oo eegeysay taallooyinka ciidamada Terracotta xilli ay booqasho ku tegtay Shiinaha sanadkii 1986.
    Boqoradda oo abbaalmarin siineysay Mother Teresa xilli ay ku sugnaayeen Aqalka Madaxtooyada Hindiya ee Delhi sanadkii 1983.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Boqoradda oo abbaalmarin siineysay Mother Teresa xilli ay ku sugnaayeen Aqalka Madaxtooyada Hindiya ee Delhi sanadkii 1983.
  14. Boqorka cusub ee UK oo maanta xilka loo caleema saarayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qaban doono qasriga St James's ee London saacadaha soo socda.

    Boqorada Elizabeth wiilkeeda curadka ah ayaa si toos ah u noqday boqor, ka dib dhimashadeeda, laakiin Golaha ansixinta - oo ah hay'ad soo jirtay waqtiyadii Anglo Saxon - ayaa xaqiijin doona doorkiisa ka dib kulan taariikhi ah oo markii ugu horeysay laga daawado telefishinka.

    Dhinaca lale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa ka bilowday diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta naxashka boqoradda.

    Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool. Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaas oo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.

    Waxaa la filayaa in intaas ka dib, dadweynaha loo oggolaado inay arkaan naxashka ka hor inta aan la geyn London maalinta Talaadada ah.

  15. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan maanta ku eegeyno wararka la xiriira geerida ku timid boqoradda UK, Elizabeth II iyo caleemo saarka boqorka cusub.