You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Itoobiya oo sheegtay tirada ay Al-Shabaab uga dishay dagaalkii ugu dambeeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Hablo baranaya aqoon ay wiilasha oo kaliya baran jireen markii hore

  2. Sucuudiga oo qaaday xayiraad ku saabsan Xajarul-Aswad

    Xujeyda tegta Xaramka ayaa mar kale loo ogolaaday inay taabtaan ama dhunkadaan Xajarul-Aswadka oo kamid ah waxyabaha sida weyn loo qaddariyo.

    Waxaana la qaaday xeyndaab weyn oo ku hareereysanaa Kacbada si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19.

    Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysaa xilli lagu wado inay bilaabmato Cumrada.

    Sucuudiga ayaa meesha ka saaray xayiraadihii ka dhanka ahaa cudurka safmarka ah horraantii sanadkan.

    Tani waxay ka dhigan tahay in xajkii bishii hore uu ku dhowaa inuu caadi ku soo laabto ka dib laba sano oo xayiraad adag lagu soo rogay tirada xujeyda.

  3. Waa kuma ninka Soomaaliya kasoo dagaallamay ee loo saadaalinayo inuu beddelo Ayman Al-Zawahiri?

  4. Dad ka barakacay dagaalladii ka dhacay Caato iyo gobolka Afdheer

    Ku dhawaad 10 kun qoys ayaa ka soo barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay degmada Caato ee gobolka Bakool kwaas oo badi ku sugan deegaanada hoos yimaada degmada Godgod ee gobolka Afdheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

    Dadkan dagaalladu soo barakiciyeen oo wax gargaar ah wali helin ayaa u baahan gargaar deg deg ah sida uu BBC u sheegay Maxamud Cabdiqadir guddoomiyihii hore ee degmada Caato.

  5. Haweeneydii ka careysiisay Shiinaha oo ka duushay Taiwan

    Afahayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa soo afjartay booqashadii ay ku joogtay jasiiradda Taiwan.

    Pelosi ayaa diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha ee Songshan.

    Nancy ayaa sii wadeysaa booqasheyda ay ku mareyso gobolka, waxay ku wajahan tahay Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

    Booqashada Pelosi ayaa ka careysiisay Shiinaha oo ku dhawaaqay in uu sameyn doono dhoolatus militeri oo muddo socon doono.

    Halka Pelosi ay sheegtay in Mareykanka uu sii wado taageerada Taiwan.

    Taiwan waa Jaziirad leh wax walbo oo madaxbanaani ay ku heli karto, tan iyo sanadkii 1950kii, balse Shiinaha wuxuu u aqoonsanyahy gobol ka mid ah dhulkiisa oo gooni is taag doonaaya, waxaase lagu qasbayaa in ay ka mid tahay Shinaha xita hadii "xoog loo adeegsanaayo".

    Shiinaha ayaa bilaabay inuu sheegto Taiwan in ay dhulkiisa qeyb ka tahay sannadkii 1949kii, wixii ka dambeyay dagaalkii sokeeye ee Shinaha.

  6. Maxay tahay digniinta uu Mareykanka kasoo saaray Kenya?

    Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan magaalada ku taallada harada ku taalla ee Kisumu xilli lagu wado in Kenya ka dhacdo doorashada toddobaadk adambe.

    Diginin dhanka amniga ah oo ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in dibadbaxyo rabshado wata ee ka dhasha doorashada ay ka dhici karaan halkaas.

    Ragga ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee Kenya waxaa kamida, Ra’iisul Waasirihii hore Raila Odinga iyo Madaxweyne kuy xigeenka William Ruto.

    Kisumu ayaa loo arkaa in si weyn ay ugu xooggan yihiin taageerayaasha Mr Odinga.

    Booliska Kenya ayaa shaley xiray 8 qof oo lala xiriirinayo in warqado ay ku daadiyeen daadiyeen magaalada Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley , waxaana warqadaha ay muujinayeen diginin loogu diray qowmiyadaha qaar si ay isaga guuraan halkaas.

  7. Guriga qadiimiga ah ee uu daganaan jiray boqorka Soomaaliga ah

  8. Haweeneyda Mareykanka ah ee ku kaliftay Shiinaha in uu cabbeysto gantaalladiisa riddada dheer

    Afahayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in booqasheeda Taiwan looga golleeyahay in lagu caddeeyo in Mareykanka uu weli taageerayo jasiiradda iskeed iska maamuusho ee Taiwan.

    Waa mas’uulkii ugu sarreeyay ee booqda Taiwan muddo 20 sano ah, booqashada Nancy Pelosi ee Tawian waxay ka careysiisay Shiinaha.

    Nancy ayaa sheegtay in xiriirka Taiwan iyo Mareykanka uu mid sii xoogeysanayo kaas oo ku saleysan qiyamka ka dhexeeyo kadib markii ay kulan la qaadatay madaxweynaha sida dimuqraadig ah loo soo doortay haweeneyda lagu magacaabo Tsai-ing-wen.

    Dhinaca kale, hoggaamiyaha Tsai-ing-wen waxay in uu sii xooganeysanayo halista militeri ee lagu hayo jasiiradda sida iskeed ah isku maamusho balse Taiwan aysan u jaxaanjaxi doonin tallaabadaas.

    John Kirby oo ah afhayeennka waaxda arrimaha qaranka Mareykanka ayaa sheegay in booqashada Nancy ee Taiwan ay la jaan qaadeyso siyaasadda Shiinaha isla markaana aan loo baahneyn in arrinta loo rogo qalalaase.

    Daqiiqo kadib markii ay Pelosi ka degtay Taiwan, Shiinaha wuxuu sheegay in uu sameyn doono dhoolatus militeri oo maalmo qaadan doono oo ay kamid yihiin gantaallada riddada dheer oo uu ku garaaci doono agagaarka badda Taiwan.

    Dowladda Taiwan waxay cambaareysay qorshaha Shiinaha eeku saabsan in dhoolatus militeri uu ka sameynayo agagaarka jasiiradda Taiwan- tallaabadaas oo ah jawaab ka dhan ah booqashada Pelosi.

  9. Mareykanka oo digniin culus soo saaray kadib dilkii Ayman Al-Zawahiri

    Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku boorrisay in ay ka taxaddaraan dhibaatooyin ay suurtagal tahay in lala beegsado dadka u dhashay Mareykanka, kaddib dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in dhimashada Al-Zawahiri ay horseedi karto in taageerayaasha Al-Qaacida ay bartilmaameedsadaan xarumaha Mareyknaka iyo ciidamadiisa.

    “Wasaaradda arrimaha dibadda waxay rumeysan tahay suurtgalnimada xooggan ee rabshado ka dhan ah Mareykanka marka la eego dilka Ayman Al Zawahiri 31-kii July 2022” ayay sheegtay wasaaradda oo diginin caalami ah dirtay.

    "Xogta hadda la helay waxay sheegeysaa in ururada argagixisada ay sii wadaan qorshaynta weeraro argagixiso oo ka dhan ah danaha Maraykanka ee gobollo badan oo caalamka ah," ayay raacisay.

    Wasaaradda arrimaha dibadda in ‘weerarada ay geysan karaan ay kamid yihiin kuwa ismiidaamin ah, dil qorsheysan, afduub iyo qaraxyo’.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka circa ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri.

    Waxa uu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul.

    Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla markaana uu aad ugu lug lahaa weerarkii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday gudaha dalka Mareykanka, weerarkaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.