You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Itoobiya oo sheegtay tirada ay Al-Shabaab uga dishay dagaalkii ugu dambeeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Sawirro: Maalintii ugu dambeysay ee ololaha doorashada Kenya

    Maanta waa maalintii ugu dambeysay ee ololaha doorashada la filayo inay Kenya ka dhacdo Talaadada soo socota. Labada musharrax ee ugu cad cad una tartamaya madaxtinnimada, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay si weyn isugu soo baxaan qeybo kala duwan oo caasimadda Nairobi ka tirsan.

    Ololaha ugu dambeeya ee doorashada guud ee Kenya ayaa sidoo kale ka socda qeybo kale oo dalka ah, sida gobolka Xeebta iyo Rift Valley

  2. Israa'iil oo Gaza ku dishay sarkaal sare oo Falastiini ah

    Militariga Israa'iil ayaa sheegay inay weerarayaan meelo ka tirsan Gacanka Gaza iyagoo ka jawaabaya khataro uga imaanaya kooxaha dagaallamaya ee halkaasi ku sugan.

    Ugu yaraan siddeed Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan ilmo yar iyo taliyaha kooxda jihaad-doonka Falastiiniyiinta ee (PIJ), ayaa la dilay, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Gaza.

    Waxay daba socotaa maalmo xiisado ay ka jireen halkaas kaddib markii Israa'iil ay xirtay xubin sare oo ka tirsan PIJ oo ku sugnaa Daanta Galbeed.

    Ururka PIJ ee fadhigiisu yahay Gaza ayaa ku hanjabay inuu ku aargoosan doono weerar uu ku qaado bartamaha Israa'iil.

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Yair Lapid ayaa sheegay in Israa'iil aysan oggolaan doonin in "tururrada argagixisada ay dejiyaan ajandaha".

    Afar ka tirsan kooxda PIJ - oo uu ku jiro taliyaha, Tayseer Jabari - iyo gabar shan sano jir ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay duqeymaha, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka gudaha.

  3. Itoobiya oo sheegtay tirada ay Al-Shabaab uga dishay dagaalkii ugu dambeeyay

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ku yaalla ayaa sheegay in 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku dileen dagaalladii ugu dambeeyay kaddib weerarro dhif ah oo ay kooxdu ku qaadeen xaafadaha ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta sheegay in qiyaastii boqol kale la soo qabtay. Hadalkiisan looma xaqiijin karo si madax bannaan.

    Weerarradii horraantii July dhacay, ayay kooxda Al-Shabaab ku sheegteen inay dileen dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowlad Deegaanka. Maamulka gobolka ayaa bilaabay howlgallo ay isla sameynayeen ciidamada federaalka.

    Itoobiya ayaa hore u sheegtay in saddex ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay gacan ka geysteen duqeymaha cirka, taas oo ay kooxdu beenisay.

    Mustafa ayaa hore golaha gobolka ugu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay sameyso aag ka tirsan Soomaaliya oo la isaga caabbiyo weerarrada noocan oo kale ah.

    Hadalkan uu maanta jeediyay ayuu ku sheegay inay socdaan dadaallada lagu hubinayoin kooxdu “aysan marnaba ku dhiirran inay usoo dhowaato xadka”.

  4. Shiinaha oo qaaday tallaabooyin uu caradiisa ugu muujinayo Mareykanka

    Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay joojisay wadahadaladii cimilada ee muhiimka ahaa ee ay kula jirtay Mareykanka, iyo iskaashiga dhinacyo kale oo badan.

    Shiinaha iyo Ameerika ayaa sanadkii hore daaha ka rogay heshiiska cimilada ee shirkii cimilada ee COP26 ee Glasgow.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in waddanku uu sidoo kale joojinayo wadahadalka u dhexeeya taliyeyaasha sare ee militariga, wadahadallada ka hortagga dembiyada xudduudaha iyo dib-u-celinta muhaajiriinta sharci-darrada ah.

    Tallaabooyinkaas oo dhan waxay daba socdaan booqashadii Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, Nancy Pelosi ay ku tagtay Taiwan, taasoo ka caraysiisay Shiinaha.

  5. Maxay tahay tallaabada uu Mareykanku ka qaaday Shiinaha?

    Danjiraha Shiinaha oo looga yeeray Aqalka CadDanjiraha Shiinaha u fadhiya Mareykanka, Qin Gang ayaa shalay looga yeeray Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddankaas sida uu qoray wargeyska Washington Post.

    "Kaddib falkii Shiinaha, waxaan Aqalka Cad uga yeernay Danjire Qin Gang si uu u sharraxo ficillada kicinta ah ee PRC [Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha]," waxaa sidaas wargeyska ku yiri afhayeenka Aqalka Cad, John Kirby.

    Tallaabadaas oo lagu magacaabo ‘démarche’ waa mudaaharaad loo sameeyo qaab diblomaasiyadeed.

    Kirby waxa uu intaa ku daray in maamulka Biden uu dhaleeceeyay ficillada millatari ee Shiinaha, "kuwaas oo ah mas'uuliyad-darro ka soo horjeedda hadafkayaga fog ee ilaalinta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan marinka Taiwan".

    Kulanka ayaa u dhaxeeyay Kurt Campbell oo ah Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Bariga Aasiya iyo Baasifigga, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Qin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo si qarsoodi ah ula hadlay wargeyska.

    Warka ku saabsan kulanka - oo dhacay Khamiistii - ayaa soo baxay wax yar uun kaddib markii Nancy Pelosi, oo ah afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, uu Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay booqashadeeda Taiwan awgeed.

  6. Maxay tahay tallaabada uu Mareykanku ka qaaday Shiinaha?

    Danjiraha Shiinaha oo looga yeeray Aqalka CadDanjiraha Shiinaha u fadhiya Mareykanka, Qin Gang ayaa shalay looga yeeray Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddankaas sida uu qoray wargeyska Washington Post.

    "Kaddib falkii Shiinaha, waxaan Aqalka Cad uga yeernay Danjire Qin Gang si uu u sharraxo ficillada kicinta ah ee PRC [Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha]," waxaa sidaas wargeyska ku yiri afhayeenka Aqalka Cad, John Kirby.

    Tallaabadaas oo lagu magacaabo ‘démarche’ waa mudaaharaad loo sameeyo qaab diblomaasiyadeed.

    Kirby waxa uu intaa ku daray in maamulka Biden uu dhaleeceeyay ficillada millatari ee Shiinaha, "kuwaas oo ah mas'uuliyad-darro ka soo horjeedda hadafkayaga fog ee ilaalinta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan marinka Taiwan".

    Kulanka ayaa u dhaxeeyay Kurt Campbell oo ah Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Bariga Aasiya iyo Baasifigga, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Qin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo si qarsoodi ah ula hadlay wargeyska.

    Warka ku saabsan kulanka - oo dhacay Khamiistii - ayaa soo baxay wax yar uun kaddib markii Nancy Pelosi, oo ah afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, uu Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay booqashadeeda Taiwan awgeed.

  7. Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada milateri ee ee Shiinaha uu ka wado Taiwan

    Xiisadda Shiinaha iyo Taiwan waxay gashay maalintii labaad. Inkastoo aan idinla wadaagi doonno hadba wixii ka soo kordha, haddana arimuhu ilaa hadda waa sidan hoos ku xusan:

    • Shiinaha ayaa maalintii labaad waxa uu dhoolatus ciidan ka wadaa agagaarka Taiwan. Waa howlgalkii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ee uu abid ka sameeyay .
    • Maraakiib iyo diyaarado badan oo Shiinaha uu leeyahay ayaa ka gudbay khadka dhexe ee xadka badda maalintii labaad, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan. Halka uu Shiinuhu ka gudbay waa khadka aan rasmiga ahayn ee kala qeybiya marin-biyoodka Taiwan ee u dhaxeeya dhul weynaha Shiinaha iyo Taiwan.
    • Dhoolatuska milateri ee Shiinaha ayaa daba socda booqashadii muranka dhalisay ee Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi oo xubin ka ah xisbiga Dimuqraadiga.
    • Pelosi oo ka hadashay arrinta ayaa wacad ku martay in aan Shiinaha laga aqbali doonin "inuu go'doomiyo" Taiwan isagoo ka hortagaya siyaasiyiinta Mareykanka inay u safraan halkaas. Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu ayaa u sheegay BBC-da in Taiwan "aysan noqon doonin qaybtii ugu dambaysay ee [riyada] Shiinaha ee isballaarinta".
  8. Mareykanka oo war kasoo saaray howlgalka militeriga Shiinaha ee Taiwan

    Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dhoollatuska iyo dabridka militeriga Shiinaha uu maalintii labaad ka wado meelo u dhow jasiiradda Taiwan.

    "Ficilka militeri ee Shiinaha waa mid aad u wayn, saamayn leh, si aan marmarsiiyo lahaynna u sii kicinaya xasarad," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken.

    "Ma jiro wax lagu salayn karo ficillada ay sameeyeen," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Blinken oo ka hadlayay shirka dalalka Aasiya.

    Shiinaha ayaa arrintan uga jawaabay booqasho ay Taiwan dhawaan ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi. Booqashadaas oo ay xukuumadda Beijing ka digaysay in muddo ah ayaa horseedday howgallada militeri ee sida wayn khalkhalka u geliyay Taiwan.

  9. Japan oo ka carootay gantaallada Shiinaha oo dalkeeda ku dhacay

    Dowladda Japan waxay doonaysaa in "si degdeg ah loo soo afjaro" howlgallada dhoollatuska militeri ee uu wado Shiinaha, sida uu sheegay Raysul Wasaaraha dalkaas Fumio Kishida.

    Isagoo la hadlayay wariyeyaasha kaddib markii uu saaka oo Jimce ah kulan la yeeshay siyaasiyadda Mareykanka ah ee lagu magacaabo Nancy Pelosi, ayuu Kishida sheegay in howlgallada dhoollatuska militeri ay "dhibaato halis ah yihiin ayna saamaynayaan amniga qarnkooda iyo nabadgalyada muwaadiniintooda".

    "Waxaan u sheegay [Pelosi] in aan dalbannay in si deg deg ah loo joojiyo dhoollatuska militeri," ayuu yiri.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee Japan ayaa Khamiistii sheegtay in shan gantaal oo maalintaas ay rideen Shiinaha ay ku dhaceen goobaha ganacsiga ee khaaska u ah dalkooda - inkastoo Shiinaha ay sheegeen in aysan si gaar ah u beegsanan biyaha dhinaca bari ee Taiwan.

    Diyaaradaha Shiinaha oo xambaarsan gantaallo ayaa hadda dul wareegaya hawada ku dhow Taiwan.

  10. Taiwan oo howlgelisay diyaaradaheeda dagaalka iyo maraakiibta

    Militeriga Shiinaha ayaa maalintii Labaad dib u billaabay howlgal dhoollatus ah oo lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee ka dhacay gobolka.

    Shalay iyo maantaba waxay ciidanka Shiinaha samaynayeen dabrid ay qayb ka yihiin gantaallo lagu riday meelo u dhow Taiwan, iyagoo u muuqday inay hareereeyeen jasiiraddaas.

    Wararkii ugu dambeeyay maanta soo baxaya waxay sheegayaan in dowladda ka talisa Taiwan ay amar ku siisay taliskeeda militeriga inay howlgeliyaan diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta, si ay ula socdaan xaaladda.

    Taiwan ayaa sidoo kale rakibtay gantaallada difaaca hawada ee laga hago dhulka.

  11. Mareykanka oo ka hadlay dhoollatuska milateri ee Shiinaha uu ka sameeyay Taiwan

    Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in dhibaato kasta oo ka dhalata xiisadda Taiwan ay noqon doonto mid uu Shiinuhu mas’uul ka yahay.

    "Waxaan aad u rajeynayaa in Beijing aysan abuuri doonin qalalaase ama aysan raadin doonin marmarsiyo si ay u kordhiso tallaabadeeda milatari ee gardarrada ah," ayuu ka yiri shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) ee lagu qabtay magaalada Phnom Penh ee caasimadda Cambodia.

    Waxa uu sidoo kale ku celiyay in siyaasadda Mareykanka ee Taiwan aysan isbeddelin, iyadoo ay jirto booqashada heerka sare ee ay jasiiradda Taiwan ku tagtay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi.

    Maaddaama Shiinuhu uu dhoolatus milatari oo gardarro ah ka wado meel u dhow xeebta Taiwan, aragtida Washington ayaa weli ah in madaxweyne Xi Jinping uu "xakameeyo" jawaabtiisa si uusan u hurin dagaal furan, kaas oo labada dhinac aysan rabin.

    "Maraykanka iyo Shiinuhu ma laha saaxo siyaasadeed ama dhab ahaantii cilaaqaadkii iyo hababkii looga hortagi lahaa dhacdadan oo kale inay isu rogto qalalaase buuxa," ayuu yiri Danny Russel oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Bulshada Aasiya.

  12. Shiinaha iyo Jabaan oo ay ka dhex tafatay xiisadda Taiwan darteed

    Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in shir ay yeelan lahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhiggiisa Jabaan loo baajiyay war ka soo baxay Dalalka Warshadaha ku hormaray (G7) oo ku saabsanaa Taiwan.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 - oo ay ku jirto Jabaan - ayaa Arbacadii u jeediyay Shiinaha in uu xiisadda ka taagan marin-biyoodka Taiwan ku xalliyo si nabad ah.

    Hua Chunying oo ah afhayeenka wasaaradda oo ka hadlaysay shir warbaahinta loo qabtay ayaa sheegtay in Beijing ay aad uga xun tahay hadalka.

  13. Xiisadda Taiwan oo saamaysay maraakiibta ganacsiga ee caalamiga ah

    Maraakiibta ganacsiga oo lagu qasbay inay ka leexdaan Taiwan xiisadda darteed

    Dhoolatuska milatari ee ka socda Taiwan ayaa ku qasbay maraakiibta in ay ka weecaan ku safridda mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan adduunka.

    Ku dhowaad kala bar maraakiibta xamuulka qaada ee caalamka iyo 88% maraakiibta ugu waaweyn dunida ayaa sanadkan maray marin-biyoodka Taiwan, sida laga soo xigtay Bloomberg.

    Carqaladeynta maalmahan socotay ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato silsiladaha saadka oo ay keento dib-u-dhac ku yimaada maraakiibta caalamiga ah.

  14. War deg deg ah,

    Mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Taiwan, Taoyuan, ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah la baajiyay in ka badan 50 duullimaad oo caalami ah, sababo la xiriira howlgalka militeri ee Shiinaha uu ku samaynayo dhoollatuska cabsi gelinta ah.

    Duullimaadyada baaqday waxaa ka mid ah 26 imaanayay garoonka Taiwan iyo 25 kale oo la filayay inay ka baxaan.

    Hawada Kuuriya ayaa sidoo kale laga joojiyay duullimaadyo ka tagay Incheon oo kusii jeeday Taiwan maalmaha Jimcada iyo Sabtida, halka shirkadda diyaaradaha ee Asiana Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii tooska u tegi jiray Taiwan maalinta Jimcada.

    War kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in si dhow loola socon doono xaaladda, sida ay tebiyeen warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

    Diyaaradaha rayidka ayaa ka cabsanaya in ay haleelaan hubka ay ridayaan militeriga Shiinaha.

    Taiwan ayaa igoor dhawayd shaacisay in ay isku diyaarinayso dagaal maskaxeed, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

    Warbixintan ayaa lagu sheegay in Golaha Taiwan u qaabilsan arrimaha dhul-waynaha Shiinaha ay aaminsan yihiin in xukuumadda Beijing ay tallaabada militeri ee dhoollatuska ah uga gol leedahay in ay waddankooda ka go'doomiso dunida inteeda kale, ayna joojiso taageerada ay ka helaan waddamada kale ee caalamka.

  15. Taiwan oo qaadday tallaabo ay uga jawaabayso gantaallada uu riday Shiinaha

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Tiwan ayaa sheegay in ay howl geliyeen hubkooda difaaca hawada, taasoo ay uga jawaabayaan gantaallo uu dhankooda usoo riday Shiinaha.

    Wakaaladda Wararka ee Reuters oo shaacisay arrintan ayaa tebisay in dhoollatuska militeri ee Beijing uu socon doono ilaa maalinta Axadda ah.

    Shiinaha ayaa ayaa ku dhawaaqay inuu dhoollatusyo militeri oo aad u waawayn ka sameyn doono hawada iyo badda ku dhow Tiwan, si uu jawaab uga dhigo booqashadii ay halkaas ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareyknaka, Nancy Pelocy.

    Dhoollatuska waxaa qayb ka ahaan doona dabrid toos ah oo laga samayn doono meelo aan la cayimin.

    Pelosi ayaa hadda ku sugan waddanka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo ay kula kulmayso Afhayeenka Baarlamaanka dalkaas, Kim Jin-pyo.

  16. Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo u dhaqaaqay dhinaca Taiwan

    Taliska Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabka diyaaradaha xambaarsan ee lagu magacaabo USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay biyaha dhinaca koonfur-bari ee Taiwan.

    "Markabka USS Ronald Reagan iyo kooxdiisa weerarrada fuliya waxay ka shaqaynayaan badda Philippine, waxayna wadaan howlahooda caadiga ah. Waxaa qorshaha ugu jira howlgallo qayb ka ah roondada caadiga u ah markabkan oo uu ku taageero sidii xor looga dhigi lahaa ayna u furnaan lahaayeen biyaha Indo-Pacific," ayaa lagu yiri war uu maanta soo saaray afhayeenka ciidanka badda ee Mareykanka.

    Arrintan ayaa kusoo aadday xilli maanta uu Shiinaha howlgal dhoollatus militeri ah ka billaabay biyaha ku hareereysan Taiwan, oo saaxiib dhow la ah Mareykanka.

    Labada dal ee quwadaha waawayn ayaa marar badan hanjabaado isugu jeediyay arrinta la xiriirta Taiwan.

  17. Shiinaha oo qaaday tallaabadii militeri ee ay Taiwan ka walwalaysay

    Shiinaha ayaa gantaallo dhowr ah oo nooca riddada dheer ah ku riday biyaha u dhow jasiiradda Taiwan, gaar ahaan xeebaheeda dhinaca waqooyiga-bari iyo koonfur-galbeed.

    Warkan waxaa shaacisay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Taiwan oo walaac wayn ka muujinaysay tallaabadaas militeri oo maalmihii lasoo dhaafay laga digayay.

    Ridista gantaalladaas ayaa qayb ka ah dabrid toos ah oo ay samaynayaan militeriga Shiinaha – waana dhoollatuskii ugu waynaa ee abid ka dhaca gobolkaas iyo agagaarka jasiiradda.

    Arrintan ayaa daba socotay booqasho ay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareyknaka, Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan, taasoo muran xoog leh dhalisay.

    Shiinaha oo si wayn uga carooday safarka siyaasiyadda kasoo jeedda xisbiga Jamhuuriga ayaa horay ugu hanjabay inuu jawaab culus ka bixin doono haddii ay tagto Taiwan.

    Qaar ka mid ah meelaha ay gantaallada ku dhaceen waxay aad ugu dhow yihiin dhulka caadiga ah ee jasiiradda, waxayna u jiraan 12 mayl oo keliya.

  18. Shiinaha oo howlgal millateri ka bilaabay Taiwan.

    Shiinaha ayaa sheegay inuu "howlgal millateri" ka bilaabay aagga jasiiradda Taiwan.

    Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha,Lijian Zhao, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeterka ku sheegay in ciidanka xoreynta shacabka ee PLA ay howlgal millateri oo wadajir ah ka bilaabeen agagaarka jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan.

    Shiinaha ayaa sheegta in Taiwan ay ka tirsantahay dhul-weynaheeda.

    Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii ay halkaasi booqasho ku tagtay,gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee Koongarees-ka Mareykanka, Nancy Pelosi.

    Shiinaha ayaa hore uga digay safarka Pelosi.

  19. Maxay tahay sababta Mareykanka uu ula noqday digniintii uu ka soo saaray doorashada Kenya?

    Safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa ka laabatay digniin amni oo ay maanta u jeedisay shacabkeeda ku sugan magaalada Kisumu ee Galbeedka dalka Kenya, iyadoo sheegtay in si xun loo adeegsaday digniintaasi.

    Xili ay doorashada guud ee waddanka ay ka harsantahay muddo shan maalmood ah, ayay safaaraddu sheegtay in dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhasha doorashada ay ka dhici karaan halkaasi.

    Qoraal kale oo ay safaaraddu soo saartay, ayaa waxay ku sheegtay in Mareykanku u digo muwaadiniintiisa oo ku sugan guud ahaan caalamka, kahor intaysan doorasho ka dicin dalalka ay ku suganyihiin.

    Safaaradda ayaa intaasi raacisay, in Kisumu ay ku suganyihiin tiro badan oo ah shaqaalaha saafaradda Mareykanka ah, isla markaana muwaadiniin badan oo u dhashay dalkaasi ay marar badan u safraan magaaladaasi, sidaas darteedna ay mas'uuliyad ka saarantahay badqabkooda.

    Ragga ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee Kenya waxaa kamida, Ra’iisul Waasirihii hore Raila Odinga iyo Madaxweyne kuy xigeenka William Ruto.

  20. Al-Qaacidda oo aan weli ka hadlin dilkii Ayman-Al-Zawahiri

    Kooxda Al-Qaacidda ayaanan weli ka hadlin, dilkii Axadii loo geystay hogaamiyahooda, Ayman al-Zawahiri, kaas oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistaan, weerarkaasi oo uu Mareykanka fuliyay.

    Isla Mareykanka, waxaa uu dhanka kale muwaadiniintiisa ugu digay inay ka fejignaadaan weerar kasta oo lagu soo qaado Mareykanka, kaddib dilkii Al-Zawahiri.

    Dilkiisa waxaa Isniinti xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

    71 sano jirka oo ka soo jeeda Masar, ayaa hogaaminta Al-Qaacidda la wareegay kaddib dilkii Osama Bin Laden, sanadkii 2017-kii.