Taajirka qamadiga Ukriane ee uu ku habsaday gantaalka Ruushka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Sargaalkii Al-Shabaab ee ay Itoobiya sheegtay iney dishay oo soo hadlay iyo warar kale

  2. Dad cudurka Furuq-Daanyeerka ugu dhintay meel ka baxsan Afrika

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dalalka Spain iyo Brazil ayaa ku dhawaaqay dadki ugu horreeyey oo uga dhintay cudurka Furuqa- Daanyeerka taasoo Hay'adda Caafimaadka Adduunka ay toddobaadkii hore ku dhawaaqay in cudurkan uu yahay xaalad degdeg ah oo heer caalami ah.

    Toddobo qof ayaa hadda la ogyahay inay u dhinteen cudurka Furuqa-Daanyeerka, balse labadan qof ee cudurka u dhimatay ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee cudurka ugu geeriyooda meel ka baxsan qaaradda Afrika.

    Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama Furuqa-Daanyeerka waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal.

  3. Itoobiya oo sheegtay inay dishay hogaamiyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

  4. Mareykanka muxuu ka yiri dagaalka Liyuu Booliska iyo Al Shabaab?

    Ciidamada Dowlad Deegaanka ee dagaalka kula jira Al Shabaab

    Xigashada Sawirka, ETV

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Dowlad Deegaanka ee dagaalka kula jira Al Shabaab

    Wasaaradda arrrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in la xakameeyay qorshe ballaaran ay Al Shabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan dhul badan.

    Wasaaradda oo soo xiganeysay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend ayaa sheegtay “inay u muuqato in Itoobiyaanka ay si xooggaan uga hortaggeen isla markaana ugu guuleysteen dagaalka.”

    General Steven Townsend wuxuu ka digay in Al Shabaab ay qorsheynayeen in weerarro fara badan ay ka geystaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo shaley baahisay warbixinteeda toddobaadlaha ah.

    Isbuucan dhexdiisa ayay xubno ka tirsan kooxdan iyo ciidanka Liyu booliska ku dagaallameen tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feerfeer

    Markii dambe waxaa dagaalka qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.

    Dagaalkan cusub ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalimihii la soo dhaafay uu socday dagaal u dhaxeeyay Liyu Boolis iyo Al-Shabaab kaas oo ka dhacay deegaanka Caato ee xuuduudda gobolka Bakool uu la wadaago Itoobiya.

  5. Masar oo hanjabaad hor leh u dirtay Itoobiya

    Biyo xireenka Itoobiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Biyo xireenka Itoobiya

    Masar ayaa Jimcihii dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kadib qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso inay ku buuxiso biyo xireenka muranka badan dhaliyay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin arrintaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Masar waxaa ‘ soo gaartay farriin uga timid Itoobiya 26-kii bishan taas oo sheegeysa in Itoobiya ay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

    Masar oo taas ka jaawabeyso waxay dacwad u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay ku diideyso buuxinta Itoobiya ee biyo xireenka iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin khilaafka.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxay sheegtay inay ku adkeysanayaan ‘xuquuqdooda sharciga ah si ay u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo ilaalinta amniga qaranka oo ay kamid tahay tallaabo kasta oo halis ah oo hal dhinaca oo ay waddo Itoobiya mustaqbalka”

    Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo xoogeysanayay xiisadda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee salka ku heysa dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka ay ku adkeysaneyso Addis Ababa halka Qaahira ay hanjabeysay.

  6. Ra’iisul Wasaare dadkiisa ugu baaqay in aysan xiran garabaati

    Pedro Sanchez

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Pedro Sanchez

    Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa ugu shaqaalaha dalkaas inay joojiyaan xirashada garabaati si looga hortaggo kuleylka daran ee saameeyay dalkaas.

    Mr Sanchez wuxuu sheegay in dowladdiisa ay bilaabeyso tallaabooyin lagu ilaalinayo tamarta xilli dalalka Yurub ay ku dadaalayaan sidii ay u hoos ugu dhigi lahaayeen ku tirsanaanta shidaalka Ruushka kadib dagaalka Ukraine.

    Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id uu ku qabtay Madrid wuxuu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in isaga uu xiranin garabaati isla markaana uu doonayo in tallaabadaas ay raacaan wasiiradiisa iyo shaqaalaha.

    Jimcihii heerkulka wuxuu magaalada Madrid gaaray 36C halka Seville uu gaaray 39C.

    Wuxuu sheegay in tallaabadan ay xaqiijin doonto in dadka ay iska ilaaliyaan kuleylka daran.

  7. Ukraine oo war kasoo saartay tiro dad ah oo la laayay

    Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Donetsk

    Xigashada Sawirka, REUTERS/ALEXANDER ERMOCHENKO

    Qoraalka sawirka, Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Donetsk

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa dambi dagaal ku tilmaamay dilka 50 maxbuus dagaal oo Jimcihii lagu dilay xarun lagu hayay maxaabiista dagaalka u xirnaa oo ku taal qaybta uu Ruushka ka haysto magaalada Donetsk.

    Moscow, ayaa dhanka kale ku eedeysay Ukraine inay dishay maxaabiista isla markaana gantaallo lagu weeraray.

    Taliyaha ciidamada Ukraine ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey iyo hay’adda Laanqeyrtra Cas inay baaraan dilka oo lagu eedeynayo Ruushka kaasoo beegsaday xabsiga si uu daboolo qaabka uu la dhaqmo maxaabiista dagaalka u xiran.