Xogtii ugu dambaysay ee xaaladda Joe Biden oo uu ku dhacay cudurka COVID-19

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne ku baaqay in diinta Islaamka la waafajiyo nidaamka dalkiisa

    Xi Jinping

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xi Jinping

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka codsaday saraakiisha inay sare u qaadaan dadaallada ku saabsan mabda'a ah in diinta Islaamka la waafajiyo xagga jiheynta iyo diimaha dalkaas ka jira si ay ula jaan qaadaan bulshada hantiwadaagga ah ee taabacsan xisbiga shuuciga ee ka arrimiyo Shiinaha.

    Madaxweyne Xi Jinping ayaa booqday gobolka ay xiisaddu ka taagan tahay ee Xinjiang halkaas oo ciidamada amniga Shiinaha ay muddo ah ka wadeen howlgallo lagu xakameynayo muslimiinta Uygur.

    Shiinaha ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang, oo ah gobol aad u weyn oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Shiinaha, hoyna u ah dadka loo yaqaanno Turkic oo qabiillo kala duwan ah.

    Dowladda waxaa lagu dhaliilay inay gobolkaas ka geysatay tacaddiyo bani'aadannimo, oo ay ka mid yihiin in dad lagu khasbay shaqo iyo kufsi.

  2. Erdogan iyo Putin oo Iran isku wareysan doono

    Putin iyo Erdogan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Putin iyo Erdogan

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqanaya maanta dalka Iran, waana booqashadii labaad ee uu ku tegay dibadda tan iyo markiii uu duullaanka ku qaaday Ukraine bishii February.

    Putin ayaa lagu wadaa in halkaas uu la kulmo hoggaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

    Sarkaal Turki ah ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin dhoofinta galleyda, xaaladda Suuriya iyo Ukraine.

    Hoggaamiyaha wuxuu xaddiday in uu booqasho ku tegay dalalkii horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ukraine.

    Bishii June, Putin wuxuu booqasho ku tegay dalalka Tajikistan iyo Turkmenistan- waa dal horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet, waxaana labadan waddan ka ka taliyaa hoggaamiyeyaal kaligood talis ah, saaxib dhaw ayay la leeyiihiin Ruushka.

  3. Faahfaahin kasoo baxeysa duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Militeriga Mareykanka ayaa dilay 2 kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab kadib markii uu duqeyn dhanka ah ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya, sida laga soo xigtay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

    Ciidamada Mareykanka waxay kaashanayeen xilliggii ay fulinayeen howlgalka ciidamada Soomaaliya.

    Duqeymahan ayaa ka dhacay tuulada Labikuus oo dhacda gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya, waana duqeyntii labaad uu Mareykanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in boqolaal kamid ah ciidamadiisii uu kala baxayo Soomaaliya.

    Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen markii Shabaab ay weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya.

    Lama ogo khasaaraha ka dhashay weerarkaas balse Africom waxay sheegtay in aysan jirin dad rayid ah oo ay waxyeello kasoo gaartay duqeyntaas.

  4. Kala bar shacabka Soomaaliya oo gaajeysan

    Soomaaliya waxay wajaheysaa abaartii ugu xumeyd muddo 10 sana ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Soomaaliya waxay wajaheysaa abaartii ugu xumeyd muddo 10 sana ah

    Waddamada Geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaarta ugu xumeyd oo muddo 40 sana ah soo marta.

    Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay sheegtay in 20 malyan oo qof oo ku nool waddamada Somaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay dhammaadka sanadkan macluul halis ugu jiraan.

    Halka dhibka baaxaddiisuna uu ka jiro dalka Soomaaliya.

    Hay'adaha gargaarka ayaa sheegaya dhibaatada abaarta ee ka taagan dalka Soomaaliya iney tahay tii ugu xumeyd muddo 40 sana ah.

    Dadki ku noolaa tuulooyin dhan aya guryahooda ka qaxay iyaga oo raadinaya biyo, cunto iyo dawo.

    Hay'aduhu waxaa kale oo ay sheegeen carruur badan iney nafaqa darro u dhinteen, halka ay qaarkoodna la soo darseen dhibaatooyin maskaxeed.

    Beerihii ayaana wax dalag ah kasoo go’in, waxaan waddooyinka daadsan bakhtiga xoolaha ay abaarta laaysay.

    Waxaa ku jiraa kumanaan carruur ah oo aysan cidna wehlin oo ku sugan xeryaha barakacayaasha., waxaana carruurta daryeelayaa walaalahood ka weyn maadama waalidiintooda ay biyo iyo baad u raadsadeen magaalooyinka halka hooyooyin badan ay la daalaa dhacayaan heerka nafaqa darrada oo sare u kacay kaas oo saameeyay carruurta.

    Haatan dhimasho ayaa lasoo sheegayaa, mid kamid ah xeryaha barakacayaasha , waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 carruur ah intii u dhexeysay bilihii May iyo June, sida ay sheegayaan warbixinada laga helayo halkaas.