Ra'iisul Wasaaraha cusub oo ka hadlay sida uu u qaabili doono arrinta Jubaland

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ukraine oo ku eedeysay Ruushka in uu dagaalka soo gelinayo dal kale

    Xukuumadda Kyiv ayaa ku eedeysay Ruushka in uu dagaalka soo gelinayo dalka Belarus kadib markii Ukraine ay saaka sheegtay in Ruushka uu kasoo weeraray Belarus.

    "Weerarka maanta wuxuu si toos ah ula xiriiraa tallaabada Kremlin-ka uu ku doonayo in dagaalka Ukraine uu soo geliyo Belarus si ay qeyb uga noqdaan," ayuu yiri taliyaha guud ee sirdoonka Ukraine.

    Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine waxay sheegtay in subaxnimadii hore ee saaka gantaallo dhowr ah lala beegsaday magaalada Chernihiv kuwaas oo intooda badana uu Ruushka kasoo riday dhinaca Belarus.

    Sidoo kale diyaaradaha Ruushka waxay duqeeyeen gobolka Kyiv iyo deegaanno dhaca bariga Ukraine.

    Belarus ayaa saaxib dhaw la ah Ruushka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Belarus ayaa saaxib dhaw la ah Ruushka
  2. Diyaaradaha Ruushka oo markii ugu horreysay Ukraine kasoo weeraray dal kale

    Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka

    Ciidamada Ruushka ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday Ukraine, kuwaas oo intooda badan ka imaanaya dhanka dhulka Belarus, waxaana meelaha la beegsaday ka mid ah dhismeyaal iyo saldhigyo militari.

    Waana markii ugu horreysay uu Ruushka kasoo duqeeyo Ukraine isaga oo adeegsanadaya hawada Belarus, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Ukraine.

    Barasaabka gobolka Chernihiv ayaa ku tilmaamay duqeymaha ka dhacay tuulada Desna kuwo aad u xooggan.

    Dagaalada ayaa sidoo kale ka socda Bariga Ukraine, halkaas oo Ruushku uu isku dayayo in uu ku hareereeyo magaalada Lysychansk.

    Dhinaca kale, ciidamada Ukraine ayaa lagu amray inay isaga baxaan magaalada Severodonetsk,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.

    Toddobaadyadii lasoo dhaafay magaalada waxaa ka dhacay duqeymo dhowr ah xilli ciidamada ay isku dayayaan inay qabsadaan bariga.

  3. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud

    Cabdiraxmaan Ducaale Bayle
    Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle

    Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.

    Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo heysto wasiirka balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono ‘arrimo la xiriira maaliyadda uu xafiiska baaristiisa wado’

    .

    Xigashada Sawirka, .

  4. Muhaajiriin ku dhimatay xadka Spain

    Muhaajiriinta ayaa isku dayay inay si xoog ah uga tallaabaan marinka Melilla si u gaaraan Spain

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Muhaajiriinta ayaa isku dayay inay si xoog ah uga tallaabaan marinka Melilla si u gaaraan Spain

    Dowladda Marooko ayaa sheegtay in 18 muhaajiriin ah ay dhinteen kaddib markii dad aad u badan ay isku dayeen inay u gudbaan xadka Spain.

    Saraakiisha ayaa sheegay in muhaajiriinta qaarkood ay ka soo dhaceen derbiga xadka halka kuwa kalena ay isbuurasho u dhinteen.

    Spain ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka labada dhinac ay ka hortageen rabshad ay sameeyeen dadkaas.

    Rabshadaha ka dhashay xadka labada dal ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro muhaajiriin ah iyo dhowr kamid saraakiisha ciidamada amniga ee Marooko iyo Spian kuwaas oo haatan lagu daweynaya cisbitaallada.

    Ra'iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa cambaareeyay "weerarka rabshadaha dhaliyay" ee ka dhacay xadka, isagoo ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray "Kooxaha maafiyada ah ee ku howlan tahriibinta dadka", ayuu yiri mar uu hadal ka jeediyay Brussels.

  5. Buugga ka sheekeynaya 'sheekooyinka aan la sheegin ee Dowlad Deegaanka Soomaalida'

    Magaalada Jijiga ee dowlad deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya waxaa lagu soo bandhigay Buug loogu magac daray sheekooyinka aan la sheegin ee deegaanka Soomaalida oo uu qoray Dr Abdirisaq warfaa.

    Sheekooyinka ayaa ku saabsan waxyaabo ka dhacay deegaanka xilliyo kala duwan oo aad u kala fog.

    Dr Abdirisaaq Warfaa oo ah qoraaga buugga ayaa BBC-da uga warramay sababta ku dhalisay in uu qoro buuggan.

    Qoraalka Codka, Buugga
  6. Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda codka kalsoonid ah u siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xamse Cabdi Barre.

    Dhammaan xildhibaanada 220-ka ee soo xaadiray kalfadhiga ayaa u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin qof diiday ama cid ka aamustay.

    Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa goobta ku dhaariyay Ra'iisul Wasaaraha cusub.

    Xildhibaanada ayaa codka kalsoonida ah siiyay Xamse Cabdi Barre
    Qoraalka sawirka, Xildhibaanada ayaa codka kalsoonida ah siiyay Xamse Cabdi Barre
  7. Saaxiibtinimada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisal Wasaare Xamse Cabdi

  8. Al Shabaab oo muxaadaro u qabatay rakaab saarnaa bas ku wajahnaa Mandheera

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Koox looga shakisan yahay inay Shabaab ka tirsan yihiin ayaa muxaadaro labo saacadood qaadatay u jeediyay dad rakaab ah oo saarnaa bas ku wajahnaa magaalada Mandheera ee gobolka Waqooy Bari Kenya, sida ay ku warrantay qaar kamid ah warbaahinta Kenya oo soo xiganeyso booliska.

    Booliska waxay sheegeen in Shabaab si aad ah u hubeysan ay baska shirkadda Al Mukaram ku joojiyeen inta u dhexeysa deegaanada Dabacity iyo Dimu hill isla markaana ku amray rakaabka inay baska kasoo deggaan.

    Waxay ‘muddo labo saacadood ka badan baska ka dhex raadinayeen dadka aan kasoo jeedin gobolkaas’. Sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

    Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in kooxdii joojisay baska ay labo qeybood isku kala qeybiyeen qaarkood waxay Af Soomaali ugu muxaadareeyeen rakaabka halka qaarkooda ay duurka galeen si ay isku ilaaliyaan.

  9. Ra'iisul Wasaaraha Cusub oo lagu wado in la horgeeyo Golaha Shacabka

    Waxaa maanta la filayaa in in Ra’iisal wasaaraha dhawaan la magacaabay ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre la horgeeyo Golaha Shacabka ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

    Haddii la ansixiyo waxaa Ra’iisal wasarae Xamse horyaalla in uu xukuumad soo dhiso.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa faahfaahinaya arrintani.

    Qoraalka Codka, Ansixinta Ra'iisul Wasaaraha cusub

    Haddaba Waa kuma ra''isal wasaaraha cusub?

    Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.

    Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaaday gudaha dalka. Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay waddanka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.

    Hadda waa xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ah ee Soomaaliya, oo laga soo doortay Jubbaland.

  10. Kulanti wacan oo wanaagsan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.