Faransiiska oo fariin u diray shacabkiisa ku nool Ruushka
Xigashada Sawirka, Reuters
Dawladda Faransiiska ayaa muwaadiniinteeda u sheegtay in ay Ruushka ka baxaan haddii joogitaankoodu aanu "muhiim ahayn" maadaama colaadda Ukraine aad u sii xumaanayso.
sidoo kale wadamadda UK iyo Mareykanka ayaa iyaguna digniino tan la mid ah soo saaray waxayna sidoo kale guud ahaan ka mamnuuceen diyaradaha Ruushka in ay wadamadooda soo galaan.
Dhibaato xoogan oo laga soo sheegayo Mariupol oo ku taala xeebta Badda Madow
Magaalada dekedda leh ee Mariupol ee ku taal xeebta Badda Madow ayaa waxaa weli ka socda weerarro isdaba joog ah.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku boorisay dadka rayidka ah inay ka baxaan magaalada iyaga oo adeegsanayo waxa ay ugu yeereen ‘dariiqa cagaaran’ oo ah wadooyinka nabdoon ee magaaladaasi looga bixi karaan.
Ruushka iyo Belarus oo laga mamnuucay ciyaaraha Paralympics ee 2022-ka
Guddiga caalamiga ah ee Paralympic ayaa sheegay in ciyaartoyda ka socda Ruushka iyo Belarus aan loo ogolaan doonin in ay ka qeyb galaan ciyaaraha Olombikada Jiilaalka 2022-ka ee ka dhacaaya Beijing.
Maxaa ku dhacay kolonyadii milatariga Ruushka ee ku wajahnaa Kyiv?
Xigashada Sawirka, setilite
Haddii aad hada nagu soo biirayso, waa kuwan wararkii ugu dhanbeeyay ee xaalada Ukraine.
Afar qarax oo waaweyn ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga maqalay gudaha magaalada Kyiv balse ma cadda cidda lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay.
Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa sheegay in kolonyo baabuur ah oo Ruushku leeyahay oo ku dhow Kyiv “ay istaageen” shidaal iyo cunto yari awgeed.
Qaramada Midoobay ayaa ka dalbaday Ruushka in ay la baxaan ciidamadooda
Xigashada Sawirka, UN
Qoraalka sawirka, Kulanka Qaramada Midoobay
Kulanka
guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta loogu codeeyay qaraar lagu cambaareynayay duulaanka Ruushka, waxayna ka dalbadeen Ruushka in ay ciidamadooda si dhaqsi ah
ugala baxaan Ukraine.
Qaraarka
ayaa waxaa taageeray 141 wadan oo ka mid ah 193 wadan ee xubnaha ah, inta lagu
guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah oo ay goluhu
isugu yeereen.
Intii ay socotay codeyntu
ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya wuxuu sheegay in
Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.
Duqa
magaalada hareereysan ee Kharkiv ayaa sheegay in duqaynta ruushka ay waxyeelo culus
u geysatay bulshada, laakin wuxuu wacad ku maray in magaaladu aysan marnaba gacanta
u gali doonin duulaanka Vladimir Putin.
Igor Terekhov ayaa BBC da
u sheegay in dagaal xoogan uu ka dhacayo guud ahaan hareeraha magaalada,
xaaladuna tahay mid culus.
Wuxuu sheegay in ciidamada
Ruushku ay si joogta ah duqayn iyo gantaallo ugu garaacayaan goobaha ay dadku
degan yihiin, wuxuu intaas ku daray in uu helay war sheegaya in ciidamada
Moscow ay bartanka magaalada ku qarxiyeen wax ay ugu yeereen “bam faaruq ah”.
Wuxuu intaas ku daray in
weerarka Ruushku “uusan marnaba joojin doonin” isaga oo sheegay in ciidamada
Ukraine ay eryanayaan wax uu ugu yeeray “koox naf-lacaari ah”, wuxuu ugu baaqay
wadamada caalamka in ay sameeyaan wax walba oo ay ku joojin karaan duulaanka Ruushka.
Soomaalida Maraykanka iyo afka Soomaaliga
Midowga Yurub oo u jawaabay wiilka Museveni oo ka hadlay dagaalka Ukraine
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Janaraal Muhoozi Kainerugaba
Midowga Yurub ayaa cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero
u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub oo ku sugan dalka South Sudan
ayaa ku tilmaamay hadalka wiilka Museveni mid “aan la aqbali karin”
Dionyz Hochel wuxuu sheegay in Uganda ay wajahi
doonto cawaaqib xumo waa haddii si bareer ah ay u taageereyso duulaanka Ruushka
ee Ukraine.
Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil
uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka
soo dhigay qoraalka “"Markii uu Midowgii Soofiyeet
gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u
ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo
kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?"
Jananka oo hogaamiya
qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa shaley tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka,
Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana "dadka intooda
badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee
Ukraine".
Maxaa sababay sicir bararka ka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya?
Mas'uuliyiinta dowlad deegaanka
Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sicir-bararka baahsan ee ka jira halkaasi u
aaneeyay wax-soo-saar la'aantadadka deegaanka, sarrifka
doolarka iyo ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno, waxa ayna
sheegayaan in ay haatan qaadayaan tallaabooyin dahwr ah oo lagu dhimayo sicirka
cunnada daruuriga ahi.
Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah in
maamulka deegaanku uu la socdo qiimaha badeecadaha kala geddisan ay uga soo
degaan dekadda Berbera, si ay u sahlanaato in la xakameeyo macaashka ay
ganacsatadu ka raadiyaan badeecadahaasi.
Haddaba arrintaasi ayaanu ka
wareysannay wasiirka ganacsiga ee DDS,Malaw
Ibraahim Cabdi oo u warramay wariye Ismaaciil Buurgaabo
Qoraalka Codka, Sicir bararka ka taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida
Koox isu diyaarinaysa inay ku biiraan dagaalka ka socda Ukraine
Sawirrada ciidamada Ruushka ee qabsaday magaalo ku taalla Ukraine
Ruushka ayaa sheegtay inay ciidamadiisa ay la wareegeen
magaalada Kherson oo ku taalla badda madow ee dalka Ukraine.
Balse hogaamiyeyaasha maxalliga ayaa sheegay in ciidamada
Ruushka ay ku hareereysan yihiin magalada balse aysan la wareegin.
BBC-da waxay xaqiijisay in muuqaalkan laga soo duubay bartamaha magaalada
Kherson.
Xigashada Sawirka, Youtube
Xigashada Sawirka, youtube
Ukraine oo sheegtay tirada ciidamada Ruushka ay ku dishay dagaalka
Militeriga Ukraine wuxuu sheegay in dagaalka ay ku dileen
5,840 kamid ah ciidamada Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka.
Sidoo kale waxay sheegeen inay Ruushka ay ka qabsatay gantaallo
isla markaana ay burburisay hub fara badan, baabuurta gaashaaman ee dagaalka
iyo 30 kamid ah diyaaradaha dagaalka.
BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto balse xoghayaha
gaashaandhigga UK ayaa rumeysan in ciidamada ay jab xooggan kala kulmeen
dagaalka Ukraine.
Xigashada Sawirka, Ukrainian State Emergency Service
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia
ayaa sheegtay in ay gacan ka geysanayso daadgureynta Soomaalida ay saameeyeen
colaadda ka taagan dalka Ukraine, xilli kumannaan qof oo ka qaxay dalkaasi
ay galeen waddamada Poland, Romania iyo Moldova.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia, Maxamed
Cabdullaahi, ayaa BBC u sheegay in ilaa haatan ay ku guuleysteen in
Soomaalidii halkaa ku xayirnayd ay galaan waddanka Poland. wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaraare.
Qoraalka Codka, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia
Ilaa hadda maxaan ka ognahay dagaalka Ukraine?
Xigashada Sawirka, Anton Gerashchenko
Shacabka Ukraine ayaa kusoo waabariistay dhawaqa qalabka ka diga duqeymaha.
Militeriga Ukraine wuxuu sheegay in ciidamada dalaayadaha ku booda ay weerar ka geysteen halkaas.
Waxaa jiraa warar sheegayo in gantaal lala beegsaday dhismaha saldhig boolis iyo jaamacad ku taalla Kharkiv.
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay duqeynta halka 112 qof ay ku dhaawacmeen.
Kharkiv waa caasimadda labaad ee Ukraine, waxay 30km u jirtaa xadka Ruushka, waana magaalo ay u badan yihiin dadka ku hadla luqadda Ruushka.
Dhinaca Koonfureed:
Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxay sheegtay in ciidamada Ruushka ay qabsadeen magaalada Kherson oo dhacda koonfurta Ukraine.
Duqa magaalada Kherson wuxuu sheegay in magaalada ay ku jito gacanta dowladda halka mas'uuliyiinta maxalliga ay sheegeen in magaalada gebi ahaanba ay ku hareereysan yihiin ciidamada Ruushka.
Dhinaca kale, duqa magaalada xeebeedka Mariupol wuxuu sheegay in duqeyn joogto ah ay kala kumayaan Ruushka.
Kyiv
Gawaarida gaashaaman ee dagaalka ee Ruushka ayaa 15 mayl u jiraa Kiev iyagoo ku sugan waqooyiga caasimadda.
Gantaallada Ruushka waxaa lala beegsaday anteeno teleefishin talaadadii, shan qof ayaa ku dhimatay weerarkaas halka shan kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Ruushka oo qabsaday magaalo ku taalla Ukraine
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay halka 112 qof ay ku dhaawacmeen duqeyn uu Ruushku ka fuliyay Kharkiv
Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay magaalada Kherson oo ku
taalla koonfurta Ukraine, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka.
Haddii arrintan la xaqiijiyo, waxay noqoneysaa magaaladii
ugu weyneyd ee ku taalla Ukraine ee gacanta u gasho ciidamada Ruushka.
Ciidamada Ruuska ayaa xaley lagu arkay waddooyinka
magaaladan, Duqa magaalada Kherson wuxuu sheegay in ciidamada ay qabsadeen xarunta
laga raaco tareenka iyo garoonka diyaaradaha.
Madaxweyne Biden: "Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay"
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha
Mareykanka Biden ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin u dusha u
ridan doono mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata duulaanka uu ku qaaday Ukraine.
Joe
Biden ayaa sheegay in Mareykanka iyo gaashaanbuurta Nato ay muujiyeen
taageerada ay u hayaan Ukraine.
Joe
Biden wuxuu yiri “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn
ayay horseedeyaan”
Isago
oo canaanayay Ruushka ayaa yiri, “Weerarka lasii qorsheeyay ee aan laga fiirsan”
"Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay"
Ciidanka Ruushka ee diyaardaaha ka booda oo weerar ku qaaday caasimadda labaad ee Ukraine
Militeriga
Ukraine ayaa xaqiijiyay in ciidamada dalaayadaha ku booda ee Ruushka ay weerar
ku qaadeen caasimadda labaad ee Ukraine si ay u qabsadaan magaaladan lagu
hareereysan yahay.
Waxay intaa ku dareen in ciidamada Ruushka ay weerar ku qaadeen
cisbitalka ciidamada ee gobolka, isla markaana uu dagaalku socdo
Kharkiv ayaa
xuddun u aheyd dagaalka ka socda Ukraine kadib duulaanka Ruushka.
Talaadadii, gantaal ayaa ku dhacay xarunta dawlada hoose ee magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, waxaana ka dhashay qarax weyn oo burburiyay baabuur iyo dhismooyin.
Ruushka ayaa
sidoo kale duqeymo ka geystay deegaanno ay dadka ku badan yihiin oo ku yaalla
Kharkiv, madaxweynaha Ukraine, Zelensky ayaa markii dambe weerarka ku tilmaamay
dambi dagal.
Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay magaalada Kharkiv Talaadadii, tobanaan kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiishaku howlan gurmadka deg deg ah.