Burcad isku dayday inay sumeeyaan biyaha magaalo ku taalla Mareykanka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

Abdishakur Asowe

  1. Awoodaha labada koox ee Liverpool iyo Man City oo caawa foodda is daraya

    BBC

    Xigashada Sawirka, bbc

    Waxaa wada ciyaaraya kooxda difaacaneyso Horyaalka Premier Leage iyo kooxda heyso hoggaanka horyaalka, waa Liverpool iyo Man City.

    Liverpool oo mininkeeda lagu ciyaarayo ayaa ah kooxda ugu baahida badan guusha kulankan, tiiyoo ay jirto in labbo guul darro oo xiriir ah ay ku dhadhamisay gurigeeda taas oo soo af jartay 68 kulan oo xiriir ahaa oo aan dhinaceeda dhulka lagu dhigin Anfield.

    Liverpool oo seddex kulan xiriir ah looga adkaayo mininkeeda waxaa ugu dambeysay 57 sanno ka hor, waxaana ugu dambeysay September 1963-kii. Liverpool haddii laga adkaado kulanka waxey hoggaanka horyaalka u jirsan doontaa 10 dhibcood, iyadoo ay jirto in hal kulan baaqi usii yahay dhigeeda City oo hoggaamineyso horyaalka, waxeyna kasoo jeesan doontaa meel ka hooseyso kaalimaha laga soo aado Champions League.

    Hoos u dhaca kooxda Liverpool ayaa la aaminsanyahay in ay ka dambeyso dhaawacyada difaacayada kooxdan, waxaana ka marneen abaarta goolal la’aanta weeraryahannadooda, City wax gool ah lagama dhalin 6-dii ciyaar ee ugu dambeysay, tiiyoo ay jirto in ay shabaqooda ilaashadeen 14 kulan, taas oo ka dhigan in shabaqooda la gaaray kaliya 7 kulan.

    Farqi ahaan waxaa labbadaan koox u dhexeeyo 7 dhibcood, wuxuuna kulankan kusoo beegmayaa xilli Liverpool ay ku jirto waayo aan wanaagsaneen, kooxda City-na waqtigu u wacanyahay.

  2. Saxmad ka jirta garoonka Aden Cadde

    bbc

    Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde waxaa maalmahaan ka jiray mashquul xagga diyaaradaha ah, kuwa dagaya iyo kuwa ka duulayaba.

    Maanta oo ay ugu darneyd waxaa garoonka kasoo dagay diyaarado ka badan kuwii hore uga soo dagi jiray, diyaaradahaan ayaa iskugu jira kuwo caalami ah, kuwo gobolka ka yimaado iyo kuwo gudaha dalka u kala goosho.

    Arrintan ayaa sababtay in uu xayirmo dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan,

    bbc
  3. Muranka muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya

    Muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida uu dastuurka qabo waxa uu ku egyahay 8-da bisha February, oo ku beegan maalinta Isniinta ah, inkastoo aan wali lagu hashiinin nidaamka doorashada

    Waxaa la is weydiinyaa waxa dhici kara berrito. Ma laga yaabaa in la sameeya wakhti kordin sidii dhacday 2016-kii?

    bbc
    bbc

    Xigashada Sawirka, bbc

  4. Kiisaska kufsiga Somaliland ee sanadkii la soo dhaafay oo la shaaciyay

    Guddida Xuquuqal Insaanka ee Somaliland ayaa warbixin sanadeed ay soo saareen ku sheegay in tirada kufsiyadda ka dhacay guud ahan Somaliland sanadkii tagay ee 2020 ay dhantahay 142

    Warbixinta oo ka kooban laba qeybood aya looga hadlay waxyaabo ay kamid yihiin, arrimaha xuquuqda haweenka, kufsiga iyo dilka, waxbarashada iyo kuwa kale ayaa lagu sheegay in kufsiga u yaahay mid ku baahsan gobollada.

    Cabdisamad Sacad Xassan waa agaasimaha fulinta ee guddiga xuquuqul insaanka Somaliland, ayaa BBC-da u sheegay in kufsigu uu sare u kacay islamarkaana ay diwaan geliyeen kiisas kufsi iyo dil wada socdo.

    bbc

    Xigashada Sawirka, bbc

  5. Puntalnd maxay ka tiri in "Deni uu gacantiisa ku qortay heshiiskii 17-kii September"?

    deni

    Xigashada Sawirka, Deni

    Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka jawaabtay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ka hor sheegay kulankii xildhibaanada golaha Shacabka, kaasi oo uu ku sheegay in heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu saxiixay magaalada Muqdisho uu soo qortay madaxweynaha Puntland.

    Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo warbaahinta maanta la hadlay isagoo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “gef bareer ah”, isla markaana uu ugu gefay madaxda dowlad goboleedyada oo uu kamid yahay madaxweyne Deni.

    “Hadalkaas waxa uu gaf ku yahay madaxweynayaasha maamul gobolleedyadii ka qayb-galay shirka” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Timacadde.

  6. Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga oo qabtay diyaarad duqeyn rabtay boqortooyada

    Isbaheysiga howlgalka ka wado Yemen ee uu hogaaminayo Sucuudiga ayaa sheegay in gantaalladoda lidka diyaaradaha ay qabteen diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin oo ku wajahneyd dhinaca boqortooyada.

    Diyaaraddaas oo ay soo direen Xuutiyiinta sii loogu weeraro Sucuudiga.

    Xutiiyiinta weli kama aysan hadlin arrintan.

    Balse afhayeen u hadlay isbaheysiga howlgalka ka wado Yemen ayaa sheegay in diyaaradda la doonayay in lagu weeraro dadka shacabka ah ee ku nool gobolka dhaca koonfurta ee Sucuudiga.

    Arrintani ayaa imaaneysa maalin uun kaddib markii Mareykanka uu shaaca ka qaaday in uu ka laabtay go'aankiisii ahaa in liiska argagixisada uu ku daray Xuutiyiinta.

    .
  7. Toban askari oo ku dhimatay qarax loo dhigay duleedka Dhuusamareeb

    Taliyihii ciidamada nabad sugida ee Dhuusamareeb ayaa ku dhintay qaraxa

    Xigashada Sawirka, Social media

    Qoraalka sawirka, Taliyihii ciidamada nabad sugida ee Dhuusamareeb ayaa ku dhintay qaraxa

    Ugu yaraan 10 askari oo uu ku jiro taliyihii ciidamada nabad sugida ee caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdinuur Qooje ayaa ku dhintay qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo qabsaday gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen oo marayay meel u dhaxaysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamreeb ee gobolka Galgaduud, sida laga soo xigtay dad ku sugan Dhuusamreeb.

    Al Shabaab ayaa sheegatay ma'suuliyadda qaraxa lagu dilay taliyaha iyo askarta la socotay

    Indhawaalaba Dhuusamareeb iyo deegaannnada ku xeeran waxa ku soo noqnoqday weerarrada iyo qaraxyada Al-Shabaab.

  8. Qaramada Midoobey iyo Itoobiya oo ku heshiiyay in gargaar la siiyo shacabka Tigray

    Madaxa ha'yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay heshiis la galeen dowladda Itoobiya si loo ballaariyo howlaha gargaarka loogu fidinayo shacabka ku nool shacabka gobolka Tigray si shaqaalaha gargaarka loogu ogolaado inay gaaraan halkaas.

    David Beasley wuxuu sheegay in ku dhawaad 3 malyan oo qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar.

    Qaramada Midoobey waxay marar badan cabasho ka muujisay in shaqaalaha gargaarka loo diiday inay galaan gobolka si dadka taabaleysan ay u gaarsiiyaan gargaar.

    Dagaal ayaa weli ka socdaa gobolka inkasta dowladda ay sheegtay inay la wareegtay gobolkaas.

    Labada dhinac wuxuu midba midka kale ku eedeynayaa in la geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin kufsi iyo in dadka si ula kac loola beegsaday macluul.

  9. Dibadbaxyo ballaaran oo maalintii ka socda Myanmar

    Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay codsanayaan in lasoo daayo hoggaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi oo ay militeriga xireen

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay codsanayaan in lasoo daayo hoggaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi oo ay militeriga xireen

    Tobonaan kun oo qof ayaa maalintii labaad dibadbaxyo ka dhigaya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Yangon xilli militeriga ay isku dayayaan inay hor istaagaan dadka dibadbaxyada dhigaya ee kasoo horjeedo afgembiga militari ee ka dhacay dalkaas.

    Dadka waxay ku qeylinayeen hal ku dhigyo ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen 'militariga kaligii taliska ah'.

    Halka qaar kamid ah dadka dibadbaxyada dhigaya ay siteen sawirka hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi oo ay militeriga xireen.

    Waxay dibadbaxyadan imaanayaan xilli militariga Myanmar ay xireen khadka internet-ka ee dalkaas kaddib markii kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen mudaharaadkii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo afgambigii Isniintii dhacay.

  10. Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay guddoomiyaha la doortay ee Midowga Afrika

    Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat

    Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambaleeyay guddoomiyaha Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat oo dib loo doortay kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay xilkan hayay.

    Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso guddoomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa si horey loogu socdo.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  11. Jigjiga oo lagu qabtay isu baxyo lagu taageerayay gulufka Abiy ee Tigray

    Banaanbaxyada ka dhacay Jigjiga

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Banaanbaxyada ka dhacay Jigjiga

    Madaxweyanaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo maanta ka hadlayay isu soo bax ka dhacay Jigjiga ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan howlgalkii dowladda ay ku qabsatay gobolka Tigray.

    Wuxuu sheegay in tallabadaas ay xaqiijisay amniga iyo xasiloonida dalka.

    “Waxaa aad loogu farxa ah in kooxdii 27 sano dhiig miiratada aheyd oo dad laayneysay ee umadda baabi’isay in dalka laga qabtay isbaddalkaas oo maanta keenay in dalka xasiloon yahay”

    Jigjiga waxaa lagu qabtay banaanbaxyo lagu taageerayo Ra'iisul Wasaare Itoobiya Axmed iyo isbaddalada ka dhacay dalkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

  12. Lamaane isku guursaday gunta hoose ee badda

    .

    Lamaane u dhashay dalka Hindiya ayaa isku guursaday gunta hoose ee badda dhacda Chennai ee koonfurta dalkaas.

    V Chinnadurai iyo S Sweth oo ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ayaa la arkayay iyagoo is weedarsanayo ubax xilli ay ku sugnaayeen gunta hoose ee badda.

    Mr Chinnadurai wuxuu kamid yahay kooxaha quusayaasha badda balse xaaskiisa Ms Swetha wuxuu bilooyin u tababaray howshan ka hor arooskooda.

  13. Cambaareyn ka dhalatay masaajid lagu burburiyay Kenya

    Waxaa la burburiyay mid kamid ah masaajidda ugu waaweyn Kenya kaas oo ku yaalla deegaanka Kiboi oo dhaca gobolka Kisumu ee galbeedka Kenya, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

    Waaxda tareenada ee Kenya ayaa qaadday howlgal ay ku burburineyso guryo iyo dhismooyin ku yaalla halkaas oo ay sheegtay in si sharci darro ah ay dadka ku degnaayeen dhulkaas . sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha.

    Dadka deegaanka ayaa dhaleeceeyay tallaabada lagu burburiyay guryaha iyo masaajidka.

    Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto bartamaha Gaarisa ayaa cambaareeyay tallaabada lagu burburiyay masaajidka kuna tilmaamay mid khalad ah oo kasoo horjeedo diinta Islaamka.

    "Waxaan cambaareynayaa waaxda tareenada ee Kenya tallaabada ay isaga dhaga tirtay go'aanka maxkamadda ee ah in aanan la burburin masaajidka iyo guryaha taas oo dad badan oo Kenyan ah ay guryo la'aan noqdeen"

    "Xitaa maamuladii dhibka badnaa, taariikhda laguma hayo in la burburiyo guriga lagu cibaadeysanayay"

    Wuxuu intaas ku daray in 'masaajidka la dhisay sanadkii 1938-dii oo ay saddexdii subaxnimo burburiyeen waaxda tareenada ee Kenya.

    Waa arrin kasoo horjeedo dastuurka oo lagu wiiqayo xoriyadda qofka uu ku cibaadeysanayo isla markaana xaadgudub ku ah umadda muslimka ah" ayuu yiri Aadan Barre oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

    Ka bood X boggan, 1
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 1

    Ka bood X boggan, 2
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 2

  14. “Xalka waxaan u aragnaa in sharciga dib loogu laabto” kaddib fashilka shirka Dhuusamareeb

    Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay farta wadnaha kaga hayaan hannaankii dawladnimo ee Soomaaliya oo sida ay sheegeen mugdi galay kol hadii lagu heshiin waayey shirkii madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku lahaayeen Dhuusamareeb.

    Waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ay ma huraan tahay in tilmaan iyo tixraac ba loogu noqdo dastuurka qabyada ah mar hadii la gaadhi waayey heshiis si xalka lagu saleeyo dastuurka.

    Guddoomiyaha Ururrada bulshada rayidka ah Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa BBC u sheegay in xalka uu yahay in dib loogu laabto dastuurka si looga gudbo khilaafka harreeyay hanaanka doorashada ee Soomaaliya.

    Halkan ka dhageyso oo dhameystiran.

    Qoraalka Codka, Ururada bulshada rayidka Soomaaliya
  15. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.