Burcad isku dayday inay sumeeyaan biyaha magaalo ku taalla Mareykanka
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Abdishakur Asowe
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in shir la isugu yimaado Garoowe
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay in 15-ka bisha Febraayo ee aan ku jirno shir la isugu yimaado magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.
Shirkaan ayaa la sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Goor sii horraysayna waxaa madaxtooyada Villa Somalia kulan ku yeeshay maxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, si ay uga arrin sadaan doorashooyinka dalka.
WHO oo sheegtay in Covid-19 uu ka soo farcamay sheybaar ku yaalla Shiinaha
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Peter Ben Embarek, oo ka tirsan WHO
Hay’adda
caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in cudurka coronavirus ee ku fiday
bani’aadamka uu ka soo farcamay sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha.
Gunaanudka ayaa
waxaa sameeyay koox ka socota WHO oo booqasho ku tagay Wuhan, oo ah magaalo ku
taalla dalka Shiinaha, halkaas oo markii ugu horreysay laga helay feyraska.
Kooxda ka
socota hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ee ku sugan magaalada Wuhan, ayaa
booqasho ku tagay suuqyada, iyagoo baaritaano ku sameeyay machadyada iyo
isbitaallada ku yaalla halkaas. Waxay rumeysan yihiin in feyrsaska uu asalkiisa
ka yimid xoolaha, kahor inta uu ku fidin bani’aadamka, balse weli ma hubaan
sida ay ku dhacday.
Waxaa jiray eedeymo
aan sal iyo raad lahayn oo sheegaya in cudurka safmarka ah lagu abuuray
cilmibaaris ka dhacday sheybaar ku yaalla shiinaha.
Howlgalka WHO
ayaa bilowday bishii Jannaayo, kadib wadahadallo bilooyin qaatay oo ay
xukuumadda Beijing la galeen. Booqashada khubarada ayaana waxaa si dhow ula
socday mas’uuliyiinta Shiinaha.
Ciyaaro kala duwan oo ka bilowday dowlad deegaanka Soomaalida
Magaalada
Jigjiga ee dowlad deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka bilawday
ciyaaro kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin ciyaaraha kubadda cagta iyo kuwa
gacanta.
Mas'uuliyiinta
deegaanka, ayaa sheegay in ujeeddada ciyaarahan ay tahay sidii ay ugu diyaar
garoobi lahaayeen ciyaaraha qaranka ee dalka Itoobiya.
Wasiir ku
xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyarada, Axmed Xassan Iimaan, oo BBC-da la hadlay
ayaa sheegay, in ciyaarahan la qabto sanadkiib mar, ayna ugu talagaleen in ay
dadka isugu soo dhawaadaan, isagoona intaa ku daray, in ay ka qeyb galayaan
ciyaarta 11 gobol iyo 6 ismaamul magaalo.
Wasiir ku
xigeenka ayaa sheegay, in kooxdii ku guuleysata ciyaarta ay heli doonto abaal
marinno qaali ah oo uu maamulka ugu talagay.
Ciyaarahan oo
sanadkiiba mar la qabto, ayaa ah kuwa ugu sarreeya ee laga ciyaaro deegaannada
Soomaalida Itoobiya.
Burcad isku dayday inay sumeeyaan biyaha magaalo ku taalla Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qof ka mid ah burcadda kumbuyuutarrada wax ku kharriba ah ayey u suurtagashay in uu gacanta ku dhigo qalabka lagu maamulo adeegga biyaha ee la siiyo magaalo ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, kaddibna wuxuu isku dayay in uu kiimiko "khatar ah" ku daro biyaha shacabka loo sii daayo, sida ay saraakiisha dalkaas sheegeen.
Burcadka ayaa xoogaa ku kordhiyay saddiga kiimikada loo yaqaanno "sodium hydroxide (lye)" ee lagu daro biyaha la siiyo magaalada Oldsmar, isagoo isticmaalaya qalabka lagu daweeyo biyaha, si loo nadiifiyo.
Laakiin, nasiib wanaag waxaa arkay mid ka mid ah shaqaalaha, kaasoo durbadiiba ka hor tagay falkaas halista ah.
Kiimikada Lye ayaa loogu talo galay in xaddi aad u yar laga isticmaalo si loogu ilaaliyo fayoqabka biyaha, balse haddii wax badan lagu daro biyaha waxaa ka dhalan kara dhibaato weyn.
Duqa magaalada Oldsmar, Eric Seidel ayaa yidhi: "Qof xun ayaa falkaas ku kacay."
Ma jirto cid ilaa hadda loo xiray arrintaas, lamana oga in qofka falkaas sameeyay uu ku sugan yahay gudaha Mareykanka iyo in uu dibadda ka joogo toona.
Mid ka mid ah kumbuyuutarrada laga maamulo biyaha magaalada Oldsmar ayaa la jabsaday maalintii Jimcada.
Qof ka shaqeeya warshadda biyaha nadiifisa ayaa subaxnimadii arkay isku day loo sameynayay in lagu isticmaalo kumbuyuutarka, balse wuxuu maleeyay in qofka u gacan dhaafaya uu yahay maamulihiisa, sida uu qoray wargeyska Tampa Bay.
Laakiin isku day kale ayaa la sameeyay galabtii, markaasna qofka burcadka ah ayey u suurtagashay in uu dhaco qalabka nadiifinta biyaha, islamarkiina wuxuu kordhiyay kiimikada. Waxay dowladdu ugu talagashay kiimikada xaddigeeda in uu ahaado halkii malyan ee liitarba 100 balse burcadka ayaa tiradaas ka dhigay 11,100.
Ninka shaqaalaha ah ayaase ku celiyay tiradii caadiga ahayd.
Sodium hydroxide waa kiimikada ugu weyn ee loo adeegsado nadiifinta biyaha tubooyinka sii mara.
Waa sun halis ah oo waxyeello u geysan karta maqaarka iyo indhaha, sidoo kalena sababi karta in ay timaha daataan.
Haddii qof uu qabo waxay sababi kartaa inuu dhaawac ka gaaro afka, dhuunta iyo caloosha intaba.
Waxay kiimikadaas horseedeysaa in qofka uu matago iyo inuu shubmo.
Taliyaha booliska Pinellas, Bob Gualtieri ayaa yidhi: "Anigu ma ihi seynisyahan. Laakiin waxaan ogahay in haddii aad xaddiga intaas la eg ku shubto biyaha aysan ahayd wax fiican."
Shirkadda biyaheeda la sumeyn rabay ayaa adeegga biyaha siisa dad gaaraya ilaa 15,000 oo daggan magaalada Oldsmar.
Kumbuyuutarkii la jabsaday ayaa loo damiyay si ku meel gaar ah.
Hayadda qaabilsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dalka Jabuuti ayaa qabatay kulan lagu meel marinayo xuquuqda shaqo galinta ee dadkaasi.
Wasaaradaha ay arrintan khuseyso ee dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galay kulankaasi.
Hayaddan ayaa dadaal ugu jirtay in la xoojiyo fursad siinta dadka naafada ah.
Ducaale Siciid Maxamuud, oo ah agaasimaha hayadda, oo kulanka la qaatay dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda ayaa sheegau in dadka baahiyaha gaarka ah qaba la siin doono kaar ka caawiya in ay si gaar ah cabashooyinkooda u gudbiyaan, sidoo kalena ay heli doonaan xuquuqdii ay bulshada ku lahaayeen.
"Kaarkan waa mid la hubiyay. Waxaa la siin doonaa kaliya qof baahi gaar ah qaba oo dhakhtar caddeeyay, oo reer Jabuuti ah, qof kalena gacanta kuma dhigayo. Sidaas darteed wuxuu la qiimo yahay kaarka waddaniga," ayuu yidhi Ducaale.
Wasiirka Shaqada iyo dib u habeynta maamulka Jabuuti, Cismaan Ibraahin, ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee hirgalinta kaarkan uu yahay mid wax badan ka baddali doona nolosha dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Midowga Yurub oo ku baaqay in ciidamada Eretariya ay ka baxaan gobolka Tigray
Xigashada Sawirka, AFP
Golaha
Midowga Yurub (EU) ayaa xoojiyay baaqii dowladda Mareykanka ee ku aaddanaa in
ciidamada dalka Eretariya ay ka baxaan gobolka Tigray eek a tirsan waddanka
dariska la ah ee Itoobiya.
Warka
kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in joogitaanka militariga Eretariya
uu sii hurinayo colaadda ka taagan gobolka Tigray.
Dowladaha
Itoobiya iyo Eretariya labaduba waxay horay u beeniyeen eedeymaha la xiriira in
ciidamada Eretariya ay ku sugan yihiin Tigray, laakiin inkiraaddooda waxay
mararka qaar ka iskhilaafayeen hadallo ay jeedinayeen saraakiil ka tirsan isla
dowladda Itoobiya.
Bayaanka
Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in goluhu ‘uu aad uga walaacsan yahay mudiibada
bani’aadannimo ee ka taagan’ gobolka Tigray, waxayna dowladda Itoobiya ku
boorriyeen in ay si aan xaddidneyn u fasaxdo howlaha gurmadka bani’aadannimo,
sidoo kalena ay ilaaliso dadka rayidka ah iyo qaxootiga.
Wasiirka
Warfaafinta ee Eretariya, Yemane G. Meskel, oo ka jawaabayay warka kasoo baxay Golaha
reer Yurub, ayaa hadalkooda ku tilmaamay “wax laga naxo marka la eego qodobbada
aasaasiga u ah.”
Dhanka
kale, hayadda qaabilsan arrimaha qaxootiga ee NRC, oo laga leeyahay Norway,
ayaa sheegtay in la gubay dhismeyaal iyo xarumo ay ugu talo gashay inay ku
bixiso gargaarka bani’aadannimo.
Hayadda
ayaa sheegtay in Sawirro uu qaaday qalabka Satellite-ka ay muujinayaan in
waxyeelladaas ay dhacday intii u dhaxeysay 5-tii ilaa 8-dii bishii January,
xilligaas oo ah in ka badan 2 bilood kaddib markii ay dowladda federaalka ku
dhawaaqday in ay guul ka gaartay dagaalka ayna si buuxda gacanta ugu dhigtay
caasimadda gobolka Tigray.
Labo
xero oo dhibaatooyin la gaarsiiyay waxay hoy u ahaayeen in ka badan 20 kun oo
qaxooti reer Eretariya ah, haddana ma tagi karaan kooxaha gurmadka.
Laanta
dowladda Itoobiya qaabilsan qaxootiga ayaa horay u sheegtay in “toogashooyin
meelo gaar ah lagu bartilmaameedsaday” iyo “haraadiga xoogagga TPLF oo
geysanaya weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah” ay ku adkeeyeen in ay gaaraan
labada xero.
Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu gobolka Tigray ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa xisbiga TPLF.
Adeegyadii bulshada ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo noqonaya gobolka.
Shirkadda isgaarsiinta gobolkaas ee Ethio Telecom ayaa sheegtay in ay dib usoo celisay adeegyadii telefoonnada gacanta iyo kuwa guryaha ee in ka badan 300 oo meelood.
Dhanka kalena, 25 xubnood oo ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa loo fasaxay in ay gudaha u galaan gobolka Tigray, halka 60 kale oo shaqaalaha gargaarka ah ay sugayaan oggolaanshaha dowladda.
Hoggaamiye kooxeed hore oo loo magacaabay xil wasiirnimo
“Tallaabada
wax looga baddalay xukuumadda waxay ku saleysan tahay tirokoob siyaasadeed,
ujeeddada ugu weynna waa in dalka laga badbaadiyo burbur,2 ayuu yidhi Xamdook.
Ra;iisul
Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dowladda cusub ay u hoggaansami doonto
mabaadiidii saldhigga u ahaa kacdoonkii bishii December ee sanadkii 2019-kii,
wuxuuna qiray horumarradii ay sameysay xukuumaddii hore.
Guulaha
ugu waaweyn ee dowladda ay soo hoyisay ayuu sheegay in ay ka mid tahay in
Suudaan laga saaray liiska waddamada maalgaliya argagixisada.
Sida uu qoray bogga wararka ee Sudan Akhbar, Jibriil Ibraahim wuxuu shahaadada heerka labaad ee jaamacadda iyo takhasus cilmiga dhaqaalaha ah ka qaatay jaamacadda Meji ee magaalada Tokyo, sanadkii 1987-kii.
Sidoo kale wuxuu bare iyo ku xigeenka madaxa dhaqaalaha ka ahaa jaamacadda Imam Muhammad ibn Saud Islamic ee dalka Sacuudiga, intii u dhaxeysay 1987-kii ilaa 1992-kii, sida lagu qoray boggaas.
Golaha wasiirrada cusub, oo ka kooban 25 xubnood, waxaa ku jira wasiirro ka tirsan Xisbiga Kacaanka Suudaan ee magaciisa loo soo gaabiyo SRF, kaasoo ka kooban isbahaysi ay ku midoobeen kooxaha hubeysan ee saxiixay heshiiskii nabadeed ee taariikhiga ahaa ee bishii October ee sanadkii hore ay gaadheen iyaga iyo dowladda Suudaanta Koonfureed.
Golaha Amaanka oo maanta kulan ka yeelanaya arrinta Soomaaliya
Article Information
Author, Abdishakur Asowe
Role, BBC Somali, Nairobi
Xigashada Sawirka, AFP
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan ka yeesho xasaradda siyaasadeed ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka AFP oo soo xigatay ilo wareedyo diblomaasiyadeed.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen "in madaxweynaha uu si sharci darro ah xilka ku hayo".
Shir ay albaabbada u xiran yihiin oo ay Golaha Amaanka maanta ka yeelanayaan arrinta Soomaaliya waxaa codsaday dowladda Britain oo bishan hoggaamineysa Golaha, sida ay ilo wareedyadu sheegeen.
Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay in aysan dowladda aqoonsaneyn wixii ka dambeeyay 8-da bisha February.
Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, oo shir jaraa;id qabtay ayaa yidhi: "Wali waxaa jirta fursad ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya isugu imaan karaan wadahadal, si ay u helaan xal ku aaddan khilaafka taagan iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen."
Dhowr shir oo ay madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isugu imaadeen ayaa ku dhammaaday iyagoo aan xal rasmi ah laga gaadhin arrimaha doorashada, inkastoo shir ay dhinacyada yeesheen bishii September ku heshiiyeen in la qabto doorasho dadban.
Madaxweyne Joe Bidena waxuu sheegay inuu doonayo in la dhameeyo colaada dalka Yemen ka taagan.
Maraykanka ayaa sheegay inuusan Sacuudiga ka iibin doonin hub loo isticmaalo dagaalka dalka Yemen.
200 oo qof oo la la' yahay ka dib daadad ku fatahay waqooyiga Hindiya
Kooxaha gargaarka degdega ah ayaa iskudayay inay soo badbaadiyaan dad gaaraya 200 oo qof oo ay sameeyeen daadad ku fatahay waqooyiga dalka Hindiya gaar ahaan gobolka Uttara-khand .
ilaa iyo hadda waxaa la soo helay maydadka 18 qof, dad ka badan 30 qofna waxay ku xanniban yihiin goob ay ku duntay dhoobo iyo haraaga walxo soo dumay.
Waxaa deegaankaasi ku burqaday baraf iyo daad harqiyay harooyin halkaasi ku yiilay maalintii Axada
Ciidanka ayaa caawinaya dadaalka gurmadka ee la wado waxayna raashin u qeybinayaan dadka mashaqdan ka badbaaday.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Samatabixiyaasha ayaa isku dayaya inay soo saaraan dadka ku xanniban burburka hoostiisa
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan in "dambiyo culus" lagu galay gobolka Tigray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mas’uul sare oo ka tirsan
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ay jirto suurtagalnimo heer sare ah oo ku
aaddan in xadgudubyo bani’aadannimo iyo dambiyo lagu geystay gobolka Tigray, haddii dowladda Itoobiya aysan
qaadin tallaabooyin deg deg ahna ay xaaladdu kasii dari karto.
Alice Weirimu, oo ah la
taliye gaar ah oo qaabilsan xasuuqyada ka dhaca meelaha maamulkooda la
afgambiyo, ayaa sheegtay in ay soo baxayeen warar sheegaya in tacaddiyo ka dhan
ah xuquuqda aadanaha lala xiriirinayo dagaalka Tigray.
“Kama hadleyno oo kaliya
gobolka Tigray. Inkastoo wali uu dagaal ka socdo gobolka, waxaan helnay
warbixinno ku saabsan xadgudubyo bani’aadan oo ka dhacay meelo kale,” ayey
tidhi.
“Dambiyada noocaas ah ma
dhacaan hal habeen gidihiis. Waxaa jira arrimo badan oo sababaya; Waxaa kale oo
la eegayaa sida ay u dhacayaan. Waxa aan dowladda Itoobiya ka dooneyno in ay
hadda sameyso waa in ay soo celiso sharciga iyo kala dambeynta, sidoo kalena
xaqiijiso in la sameeyo baadhitaanno madax bannaan.”
La taliyaha khaaska ah ayaa sheegtay in muddadii ay
la shaqeyneysay BBC News dambiyadii ugu dambaa ee ay la kulantay ay ka mid
ahaayeen, kufsi, dhac, burburin hanti dadweyne, meel ka dhac iyo dilal.
Isbuucii lasoo dhaafay, xog
hayaha gud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa dowladda Itoobiya ugu
baaqay in ay gacan ka geysato gurmadka loo fidinayo dadka u baahan gargaarka
bani’aadannimo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in
4.5 milyan oo ruux ay u baahan yihiin caawinaad deg deg ah, kaddib dagaalkii ka
dhacay gobolka Tigray.
Saldhigga militariga Britain ee Kenya oo loo xiray corona dartiis
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda
Britain, dhowr askari ayaa ayaa laga helay cudurka Covid-19 kaddib markii
baaritaan lagu sameeyay xilligii ay imaadeen waddanka.
Aaskartaas ayaa durbadiiba karantiil la galiyay, waxaana
la xoojiyay kormeerka dadka karantiilka ku jira, si looga hor tago inuu
fayraska sii fido.
Hase yeeshee, bayaanka waxaa lagu sheegay in
ciidanka karantiilka ku jira ay ku faafsan yihiin guud ahaan xerada, iyagoo xitaa
qaarkood ku jiraan teendhooyin, waxaana halkaas lagu sii kali yeeli doonaa ilaa
inta ay ka caafimaadayaan.
Shaqaalaha reer Kenya ee ka howl-gali jiray xerada
dhexdeeda ayaa laga codsaday in ay guryaha kasoo shaqeeyaan, si cudurka looga
ilaaliyo bulshada deegaanka.
Dowladda Kenya wax war ah kama aysan soo saarin
xanuunkan ka dillaacay xerada.
Saldhiggan oo horay loo xiray waxaa bishii lasoo dhaafay dib u furay wasiirka gaashaandhigga Ingiriiska, Ben Wallace.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Saldhigga tababarka ciidamada Britain ee ku yaalla magaalada
Nanyuki ee bartamaha Kenya, ayaa ah xarun si joogto ah loogu tababaro
militariga ingiriiska, waxaana halkaas loo geeyaa si ay xaalado adag u wajahaan
ka hor inta aan loo daabulin meelo uu ka mid yahay dalka Afghanistan.
Golaha Shacabka oo dib u ceilyay Ra’isul Wasaare Rooble oo doonayay inuu Xildhibaannada hadal u jeediyo
Hadal jeedin la filayay in maanta uu Golaha Shacabka Soomaaliya ka jeediyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaqatay kaddib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hor imaado Ra'iisul Wasaaraha.
Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra'iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.
Hase yeeshee mudaneyaasha ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra'iisul Wasaaraha Warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.
Mareykanka oo ku baaqay in madaxda Soomaalida ay heshis deg deg ah gaaraan
Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaalida looga dalbaday in ay "si deg deg ah" xal uga gaadhaan khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan arrimaha doorashada.
"In si deg deg ah loo xalliyo khilaafka doorashada ee hadda taagan waxay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya. Waa mas'uuliyadda iyo waajibaadka madaxda heer qaran iyo heer gobol in dhinac la iska dhigo raadinta faa'iidooyinka siyaasadeed, taas baddalkeedana la eego danta dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo u qalma in ay hoggaamiyeyaashooda ay tallaabo fiican qaadaan. Hadda waa waqtigii la xallin lahaa arrimaha taagan isla markaana lasoo afjari lahaa hakinta doorashooyinka," ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay Mareykanka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Beesha Caalamka maxay ka tiri xaaladda ka taagan Soomaaliya?
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay mowqifka ay beesha caalamku ka taagan tahay xaaladda Soomaaliya.
Madaxda Soomaalida ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan wadaxaajoodyada xalka looga gaarayo hannaanka doorashada, si loo hirgaliyo heshiis la isku wada raacsan yahay.
Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkan lagu soo hadal qaaday hadalkii uu madaxweyne Farmaajo Sabtidii ka jeediyay golaha Shacabka.
Hoos ka eeg war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Saaxiibada beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen
madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta
hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay
Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim
ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan
aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in
dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa
madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro
heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan
sida ugu dhakhsiyaha badan.
Waxaan
si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii
Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado
wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad
Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo
lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u
taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu
dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan
ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah
ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si
ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha
caalamka.
Waxaan
ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada
wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu
heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.
Puntland maxay ka tiri muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha?
Maamul goboleedka Puntland ee ka tirsan federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo " aysan u aqoonsaneyn inuu yahay madaxweyne", maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisa.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi, ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku caddeeyay mowqifka ay ka aaminsan yihiin arrinta muddo xileedka madaxweynaha.
"Madaxweynaha dowladda federaalka wuxuu ku egyahay 8-da bishan. Waxaan u aqoonsan nahay inuu yahay madaxweynihii hore ee dowladda federaalka," ayuu yidhi Cabdullaahi Cali Xirsi.
Heshiis laga gaaray arrimaha bani'aadannimo ee gobolka Tigray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kumannaan qof oo ku noolaa gobolka Tigray ayaa lagu khasbay inay u qaxaan waddanka dariska la ah ee Suudaan
Wsaxaa socda dadaallo loogu
gurmanayo gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya kaddib markii dowladda
federaalka iyo hayadda cunnada adduunka ee WFP ay heshiis ka gaadheen fulinta
howlaha gargaarka.
Tallaabadan ayaa timid xilli ay
isasoo tarayeen baaqyada caalamiga ah ee maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
loogu jeedinayay in uusan xakameynin dhaqdhaqaaqyada gurmadka ah ee loo
fidinayo dadka ku dhibaateysan halkaas.
Bishii November ayuu gobolkaas ka
billowday dagaal u dhaxeeyay xoogagga xisbiga Tigray ee TPLF iyo ciidamada
federaalka Itoobiya. Waxaa colaaddaas ay sababtay in malaayiin qof ay u
baahdaan gargaar bani’aadannimo oo deg deg ah.
Warka cusub ee ku aaddan in si
buuxda loo fasaxay gurmadka ayaa noqonaya mid ay aad ugu farxaan dadka
xaaladdooda laga deyrinayo.
Agaasimaha hayadda WFP ayaa
arrintan ku tilmaamay guul weyn oo soo hoyatay.
Waxaa la filayaa in shaqaalaha
fulinaya gargaarka ay 20,000 oo tan oo gargaar raashin ah gaarsiiyaan 1.3 milyan
oo ruux.
Hase yeeshee, dadka caawinaadda u
baahan ayaa laga yaabaa in ay intaas ka badan yihiin oo ay gaadhayaan ilaa 3
milyan oo ruux, oo ay ku jiraan qaxootiga reer Eritrea eek u nool gobolka
Tigray.
Cudur "aan la garaneynin" oo laga soo tabiyay Tanzania
Cudur
aan wali la aqoonsanin ayaa laga soo tabiyay koonfurta-galbeed ee dalka
Tanzania.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa shaacisay in dadka uu
xanuunkan ku dhacay ay dhiig matagayaan.
Mas'uuliyiinta caafimaadka ee degmada Chunya ayaa laga
soo xigtay in bukaannada qaarkood ay ku dhinteen saacado gudahood.
Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in ay
koox khubaro ah u dirtay halkaas, si ay baadhitaan uga soo sameeyaan, laakiin
waxay meesha ka saartay in uu dillaacay cudur.
Dorothy Gwajika, oo ah Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas
ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyihii degmada ee dhinaca caafimaadka, kaasoo
warbaahinta ay soo xigteen isagoo xaqiijinaya cudurka, sida uu qoray wargeyska
Citizen.
Wasaaradda ayaa sheegtay calaamadaha la sheegayo lasoo
tabiyay xilli hore oo ahaa sanadkii 2018-kii.
Waxay dadweynaha ku boorrisay in ay isdajiyaan maadaama
ay hadda baadhitaan wadaan, waxayna ballan qaadday in ay xog dheeraad ah
shacabka usoo gudbin doonto.
Dadka reer Tanzania ayaa loogu baaqay in ay difaaca
jirkooda ku xoojiyaan dawo dhaqameedyada xilli uu socdo cudurka safmarka ah ee
corona.
Madaxweyne John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in fayraska
uu ka dhammaaday dalkaas, wasaaradda caafimaadkuna waxay sheegtay in aysan
qorsheyneynin soo iibsashada tallaalka.
Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan.
Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin
kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.