Ciyaaryahan diiday amar dowladdiisu siisay oo ka degay Israa’iil

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Ciyaaryahan dheela judoka - oo ah ciyaar u qaab eg lagdinta - horayna u sheegay in aanu ku laaban karin dalkiisa Iran, kadib markii sida uu sheegay lagu amray inuu ka baaqdo ciyaar uu uga hortegi lahaa laacib Israa'iil u dhashay, ayaa ka degay Tel Aviv.

Saciid Molaay ayaa sheegay in naftiisa uu khatar gelinayo haddii uu ku laabto Iran, kadib dhacdadaas haraysay tartankii judo ee 2019 ka dhacay Japan.

Iran oo Israa'iil u aragta cadowgeeda ayaa waxaa tartannada judo ka mamnuucay xiriirka caalamiga ah ee ciyaartaas, kadib dhacdadaas ka dhacday Tokyo.

Warbaahinta Israa'iil ayaa ku tilmaantay ka qeybgalka Saciid ee tartanka Tel Aviv "arin taariikhi ah".

Saciid ayaa tartankaasi labada maalmood soconaya ku metali doona dalka Mongolia.

Markii uu Tel Aviv ka degay Axadii, ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Sagi Muki oo ah laacibka uu Saciid sheegay inay ka dhalatay arintii ka dhacday Tokyo sanadkii 2019.

Sagi Muki ayaa bartiisa Twitter soo dhigay muuqaal ay garbaha is haystaan Saciid, isagoo ku qoray "soo dhawow walaal".

Labadan nin ayaa isaga hor imaan kara tartanka Tel Aviv.

"Waa farriin weyn oo ku socota caalamka," ayuu Muki u sheegay idaacad Israa'iil ku taak. "Isboortigu waa wax isu soo dhaweyn kara xitaa Iran iyo Israa'iil. Waxa ay ku tusinaysaa in isboortiga uu dadka isu keeni karo oo uu jebin karo xuduudaha ku xeeran."

Warbaahinta isboortiga ee Israa'iil ayaa si weyn uga hadlay go'aanka uu Saciid ku tegay Tel Aviv, waxaana ay ku tilmaameen mid "geesinnimo" leh.

Saciid oo qaxootinnimo isaga dhiibay dalka Jarmalka kadib tartankii Tokyo ayaa bishii March ee 2020 waxa uu Guddiga Caalamiga ah ee Olambikada u oggolaaday inuu ku safan karo calanka Mongolia.

Waxa uu horay u sheegay in naftiisa iyo qoyskiisa uu u cabsanayo haddii uu ku laabto Iran.

Xukuumadda Tehran ayaa si adag uga falcelisay warka ah in Saciid uu ka qeybgalayo tartanka Tel Aviv.

"Tani ma aha sharaf ee waa ceeb wejiga kaaga taali doonta weligaa, waayo waxaad dhabarka u jeedisay qiyamka dowladdaada iyo dalkaaga, waadna ku faraxsan tahay," ayuu sheegay Arash Miresmaeili oo ah gudoomiyaha xiriirka Judo ee Iran.

Dalkaas ayaa racfaan ka qaadanaya xayiraadda uu saaray xiriirka adduunka ee Judo, iyadoo ku tilmaantay eedda uu jeediyay Saciid "mid been ah".

Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ayaan aqoonsaneyn jiritaanka Israa'iil, waxaana ciyaartooyda dalkaas lagu amraa inay iska ilaaliyaan ka hortagga laacibiinta Israa'iil ee ka qeyb qaata tartannada caalamiga ah.