You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Son oo guul muhiim ah gaarsiiyay Tottenham
Son Heung-min ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Tottenham kaga badisay kooxda Manchester City lugta hore rubac dhammaadka koobka Champions League-ga.
Guushan oo ay u qalantay kooxda Tottenham ayaa waxa ay muhiim u tahay sidii ay ku gaari laheyd nus dhammaadka koobkan.
12 daqiiqo oo kaliya markii ay ciyaarta ka harsan tahay ayaa Tottenham waxaa u suuragashay in laacibkooda Son intuu kubadda xariiqa ka soo celiyo laad culus uu dabamariyo goolhaye Ederson.
Kooxda Tottenham ayaa waxa ay ka badbaaday gool ku laad bilowga ciyaarta loo dhigay kooxda Manchester City kaas oo uu ka khasaariyay ciyaaryahan Sergio Aguero kaddib markii uu faraha u galiyay goolhaye Hugo Lloris.
Manchester City ma aanay soo bandhigin ciyaarihii wanaagsanaa ee loogaga bartay haatanna waxaa laga doonayaa inay iska soo gudaan goolkaasi oo weliba midkale ay ku sii daraan si ay u gaaraan nus dhammaadka koobka Champions League-ga.
Hasayeeshee taageerayaasha kooxda Tottenham oo soo buuxiyay garoonka cusub ee kooxdooda ayaa walaac ka muujiyay wax u muuqday dhaawac culus oo soo gaaray laacibkooda Harry Kane.
Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa gaartay guul u muuqatay mid aad u fudud, kaddib markii ay xalay 2-0 uga badisay kooxda Porto oo marti ugu aheyd garoonkeeda Anfield.
Ciyaartan oo aheyd lugta hore ee rubac dhammaadka koobka Champions League-ga ayaa Liverpool waxa ay labada goolba dhalisay qeybtii hore ee ciyaarta markaas oo ay u kala saxiixeen Naby Keita iyo Roberto Firmino.
Kooxda ayey u suuragashay inay fursado abuuraan hasayeeshee fursaddii ugu muhiimsaneyd waxaa ku qubeystay ciyaarahan Moussa Marega.
Goolhayaha Liverpool Alisson ayaase dhanka kale soo bandhigay ciyaar wanaagsan.