Kufsi ayuu ku calool-galay, 30 sano kaddib ayuuna caddaalad u raadinayaa hooyadiis

Published

Haweeney ku nool dalka Hindiya ayaa rajeyneysa in ugu dambeyn ay heli doonto caddaalad. Muddo ku dhow 30 sano ayaa ka soo wareegatay kufsi ay u gaysteen labo nin oo walaalo ah, waxaana kiiskaas hadda ka caawinaya wiilkeeda oo ku calool-galay kufsigaas.

Haweeneydan oo ku nool waqooyiga gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa la kufsaday iyadoo 12 sano jir ah. 

Wiilkeeda, oo laga qaaday markii ay umushay kaddib, qoyskeeduna ay soo koriyeen, ayaa waxaa loo soo celiyay muddo 13 sano ah kaddib, wuxuuna ku dhiirrageliyay inay furto kiis ka dhan ah raggii kufsaday.

Toban maalin kahor, booliska ayaa soo xiray mid ka mid ah dadkii lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen tacaddiga lagula kacay, halka Arbacadiina mid kale xabsiga loo taxaabay. 

“Dhacdadu mar hore ayay dhacday, balse dhaawacii iga soo gaaray weli ma aanan ka bogsan,” ayay tiri haweeneydaas oo BBC-da u warrantay.

"Arrintaas saameyn weyn ayay ku yeelatay noloshayda, had iyo jeerna waan xasuustaa," ayay raacisay.

Kumannaan kiis oo la xirriira xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ayaa sanad kasta laga soo weriyaa dalka Hindiya. Sanadkii 2020, waxaa la diiwaangeliyay kiisas gaaraya 47,000. 

Dadka u ololeeya xuquuqda carrurta ayaa sheegay, inay sidoo kale jiraan kiisas badan oo aan la soo warin, ‘sababtoo ah waxaa laga yaabaa’ bay yiraahdeen ‘in canugga uu markaas yar yahay oo waxba uusan fahamsanayn ama inay ka baqayaan ka hadalka arrintan’.

Haweeneydan dhibbanaha u ah kufsiga, oo magaceeda la qariyay, sida ku xusan sharciga Hindiya, ayaa sheegtay in sanadkii 1994 lagu kufsaday magaalada Shahjahanpur. 

Wararka ayaa sheegaya in ragga lagu eedeeyay kufsiga oo kala ah, Mohammed Razi iyo walaalkii Naqi Hasan, ay degenaayeen xaafad aad ugu dhow halka ay gabadhaasi deganayd, waxayna ugu tegi jireen guriga mar alaala markay keligeed tahay.

Uurkeeda ayaa waxaa la ogaaday markii uu liitay xaaladeeda caafimaad, walaasheed ayaana dhaqtarka u kaxaysay.

Dhakhtarku waxa uu ku taliyay in aysan ilmahaasi iska soo xaaqin, maadaama ay caafimaad ahaan liidatay isla markaana ay da’adeeduna yarayd.

Markii ay umushay kaddib, haweeneydaas iyo qoyskeeduba waxay ugu dambeyn u guureen degmada Rampur, iyadoo ka duuleysa xusuusaha xaafaddii dhibaatada loogu geystay. Hase yeeshee, waxaa la guursaday sanadkii 2000, waxayna heshay canug labaad.

Ninkeeda ayaa guriga ka saaray markii uu ogaaday waxa ku dhacay, waxayna intaas kaddib la noolayd walaasheed iyo qoyskeeda. 

Hooyadaas ayaa sheegtay in wiilkeeda uu had iyo jeer weydiin jiray magaca aabbihii iyo halka uu ku nool yahay.  

Waxaa ay sheegtay inay dooneyso in sheekadeeda ay ku dhiirradaan gabdhaha kale si ay u soo weriyaan xadgudubyada loo geysto. Wiilkeedana waxa uu sheegay in haatan uu aad u faraxsan yahay, maaddaama la soo qabtay eedeysaneyaasha hooyadii u gaystay kufsiga.