You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhaqaatiirta oo ka walaacsan xaaladda caafimad ee boqorad Elizabeth
Qasriga Buckingham Palace ee Magaalada London oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in caafimadka boqorod Elizabeth ay dhaqaatiirtu walaac ka muujinayaan, iyagoo ku taliyay in howlwadeenadda caafimaadku la socdaan xaaladeeda.
Boqoradda oo da’deedu tahay 96 sano jir ayaa dhaqaatiirtu sheegeen in aaney xaaladeedu darneyn.
Amiirka Wales, iyo xaaskiisa Duchess of Cornwall – ayaa aaday qasriga Balmoral oo ku yaalla Scotland, halkaas oo ay hadda daggentahay boqoradda.
Qaar kale oo ka mid ah Qoyska boqortooyada ayaa gaaray qasriga Balmoral Castle.
Raysal wasaaraha Uk, Liz Truss – oo Talaadadii ay magacowday boqoraddu ayaa sheegtay in dalka oo dhan uu si qoto dheer uga walaacsanyahay warka ku saabsan xaaladda caafimaad ee boqorodda.
Arbacadii boqoradda ayaa lagu qasbay in ay baajiso kulan muuqaal ah oo ay la yeellan laheed wasiirada sarsare kadib markii ay dhaqaatiirtu ku taliyeen in ay nasato.