Ciyaartooyda Muslimka ah ee Faransiiska oo lagu “boorriyay” in ay af-furaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaartooyda xulka kubadda cagta ee Faransiiska ayaa lagu soo warramayaa in laga codsaday in ay maalmo dib u dhigaan soonka bisha Ramadhaan, maaddaama ay kulamo leeyihiin.
Wargeyska ciyaaraha ka warrama ee L'Equipe ayaa ku warramay in xubno kamid ah maamulka xulka qaranka Faransiiska ay ciyaartooyda Muslimiinta ah ka codsadeen in 5 maalmood ay soonka iska furaan maadaama ay leeyihiin kulamo loogu soo baxayo Koobka Euro 2024.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in maamulka xulka qaranka Faransiiska uusan ku amrin ciyaartooyda in ay af-furaan, balse uu kula taliyay oo keliya.
Xulka Faransiiska ayaa 24 March 4-0 uga badiyay dhiggiisa Netherlands, maalmo kadibna waxa uu 1-0 uga badiyay Ireland. Faransiiska ayaa hadda 6 dhibcood ku hoggaaminaya guruubka B.
Muddo sanado ah, xulka Faransiiska ayaa waxaa u ciyaarayay ciyaartooy Muslimiin ah oo magac ku leh kubadda cagta, waxaana kamid ah Zinedine Zidane, Karim Benzema, Franck Ribery, Nicolas Anelka, Paul Pogba, Ousmane Dembele, iyo N'Golo Kante.
Pogba, Dembele iyo Kante ayaa haatan ka tirsan xulka Faransiiska walow ay dhaawac la fadhiyaan.
Tababare Didier Deschamps ayaa ciyaaraha is reebreebka ee koobka Euro 2024 u xushay koox ay kamid yihiin Youssouf Fofana oo khadka dhexe uga dheela naadiga Monaco iyo Ibrahima Konate oo daafac u ah Liverpool.
Labaduba waa Muslimiin Faransiiska u saftay kulankii uu kaga adkaaday Netherlands.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Horyaalka Faransiiska iyo Soonka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xiriirka kubadda cagta ee Faransiiska ayaa ku amray garsoorayaasha in aanay kulamada ciyaaraha u hakin karin xilliga ay ciyaartooyda Muslimiinta ah af-furayaan, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.
Garsoorayaasha horyaalka Ingiriiska ayaa loo oggolaaday in daqiiqado kooban ay hakiyaan kulamada, waa haddii ay ciyaarayaan Muslimiin doonaya in ay af-furaan.
“Wax kasta waqti ayay leeyihiin. Waqti ciyaar iyo waqti uu qofka cibaadeysan karo,” ayuu madaxa garsoorayaasha ee xiriirka kubadda cagta Faransiiska, Eric Borghini u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Waxa uu intaa raaciyay in hakad gelinta ciyaaraha si ay u af-furaan ciyaartooyda ay meel ka dhac ku tahay nidaamka calmaaniyadda ah ee uu ku dhaqmo Faransiiska.
Tababaraha kooxda Nice, Didier Digard, oo ay u ciyaaraan dhowr ciyaartooy oo Muslim ah ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in Faransiiska uu daqiiqado kooban u oggolaado laacibiinta in ay af-furaan.
Waxaa se uu dib ka sheegay in aanay jirin cid ku qasbi karta xiriirka kubadda cagta ee Faransiiska inuu go’aankaas bedalo, maadaama uu dalkaas yahay mid aan looga dhaqmin qawaaniinta Islaamka.














