You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma ninka uu Mareykanku ku daray liiska argagixsada?
Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Qari Amjad oo loo yaqaanno Mufti Muzahim, oo ah ku xigeenka amiirka kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan ee dalka Pakistan iyo saddex hoggaamiye oo kale oo ka tirsan ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidda oo iyagana lagu dhawaaqay in liiskan lagu soo daray.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in afartan qof lagu daray liiskan sababo la xiriira dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan gudaha ururradooda argagixisada ah. Saddexda hoggaamiye ee ka tirsan Al-Qaacidda, ayaa magacayadooda lagu sheegay Osama Maxamed, Atif Yaxya Ghori iyo Muxumed Maruf.
War saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee arrintan la xiriira ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu adeegsan doono dhammaan awoodihiisa la dagaallanka argagixisada si meesha looga saaro dhammaan isku dayga argagixisada ee Afghanistan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uusan marnaba oggolaan doonin in Afgaanistaan mar kale loo adeegsado goob saldhig u ah argagaxiso.
Ka dib markii uu go'aankan soo baxay, afhayeenka ururka la mamnuucay ee Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa muujiyay 'in ay ka xun yihiin' tallaabadaan waxayna sheegeen in ururkoodu uu si cad ugu sheegay Pakistan iyo Mareykanka iyo xoogagga kale in ay u dagaallamayaan qiyam diimeed iyo mid qaran, kaas oo aan lahayn ajande kale.
Waa kuma Qari Amjad oo loo yaqaanno Mufti Muzahim?
Bayaanka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Qari Amjad uu mas’uul ka yahay dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo falalka guracan ee ay ka wadaan gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.
Dhowr maalmood ka hor ayaa bayaan uu soo saaray ururkan la mamnuucay ee TTP ee Pakistan, wuxuu amar ku bixiyay in weerarro saf-ballaaran ah laga gaysto guudahaan dalka Pakistan.
Bayaankan oo uu soo saaray afhayeenka ururkaasi oo ka tirsan waaxda difaaca ama wax-iska-caabbinta ee ururka ayaa gaba gabadii bayaankan waxaa lagu qoray magaca qofka soo saaray oo ahaa ‘Mufti Muzahim’.
Wariye sare iyo falanqeeye Mushtaq Yousafzai ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo Qari Amjad uu ku firfircoonaa gudaha kooxda Talibanka Pakistan, haddana uusan ahayn nin caan ka ah kooxda dhexdeeda. "Waxaa loo magacaabay ku xigeenka madaxa TTP, sababaha ugu waaweyn ee xilkaan loogu magacaabay ayaana ah xiriirka uu la leeyahay qaybta degmada Malakand oo ka tirsan gobolka ay ku noolyihiin dadka laga tirada badanyahay."
Waxa uu sheegay in inta badan hoggaamiyaasha Taalibaan ee qeybta Malakand lagu dilay howlgalo ciidan iyo howlgalo kale intii lagu guda jiray dagaalka lagula jiro Argagaxisada,sidaas darteedna laga yaabo in loo dhiibo jagada Naib Caamir oo uu ku matalo gobolkan muhiimka ah. Qari Amjad waxaa uu ka soo jeedaa degmada Dir ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Dadka deegaanka ayaa markii dambe BBC-da u sheegay in Qari Amjad uu waxbarashadiisii hore ku soo qaatay deegaankiisa, kadibna uu galay machad ku yaalla magaalada Jindol oo uu ku bartay cilmiga diinta. Aabbihii wuxuu macallin ka ahaa iskuul dowladeed.
Sarkaal diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Qari Amjad uu ku biiray kooxda Taalibaan xilligii uu dhalinyarada ahaa, sanadihii 2007-08 oo ay ku soo badanayeen kooxaha xagjirka ah deegaanka, markii uu ururka ku biirayna uu sii xoojiyay dhaqdhaqaaqiisa. Waxa uu door muhiim ah ka qaatay dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, Qari Amjad ayaa sanadkii 2010-kii u aaday dalka Afgaanistaan sababo la xiriira howlgallada ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen aaggan, kadibna waxaa soo baxay warar sheegayay in dhowr sano ka dib uu Qari Amjad uu dib ugu laabtay dalka Pakistan, balse uu si dhaqsi ah ugu soo laabtay Pakistan.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in mid ka mid ah walaalaha Qari Amjad uu ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidamada ammaanka, balse BBC-du si rasmi ah uma xaqiijin karto arrintaas. Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, ka dib markii uu dib ugu laabtay Afgaanistaan, waxaa la waayay xiriirkii uu la lahaa deegaankiisa.
Muxuu yahay ururkan TTP?
Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa 14-kii sano ee ugu dambeeyay u dagaallamaysay sidii dalkaas looga dhaqangelin lahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka.
TTP ayaa doonaysa in dowladdu ay sii deyso xubnaha u xiran, isla markaana ay yareyso joogitaanka ciidamada ee deegaannadii ay markii hore joogi jireen. Maadaama TTP ay ku hawlan tahay in ay sare u qaaddo awooddeeda aagaggaas, ma rabto in ciidan laga helo meelahaas.
TTP waxa ay doonaysaa in ay xukunkeeda ku maamusho deegaannadaas, sababtaas awgeed ciidanku waxa ay sii wadaan in ay iska hor-imaadyo dhexmaraan.
TTP waxaa loogu yeeraa Taalibaanka Pakistan. Waxaa jira kooxo yaryar oo badan oo hoos yimaada ururkan oo la sameeyay 2007.
Wariye sare Saqlain Imam ayaa leh, “Tehreek-e-Taliban Pakistan ma aha hal urur. Waxaa ku jira kooxo yaryar oo badan. Waxay doonaysaa in la dhimo saamaynta Pakistan ee FATA iyo gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka. Dowladda Pakistan-na waxay dooneysaa inay dejiso oo ay yareyso saameyntooda.
Waxa uu yiri, "Tani, waxay sidoo kale bilowday dejinta xubnaha TTP ee Swat, Bajaur iyo Kurram, laakiin halkaas waxaa ka bilaabatay inay isku dhacaan dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay sida Shia Pathans.
TTP ayaa sidoo kale billowday beegsiga beelaha laga tirada badan yahay. Taasi oo ay keentay in dawladda Pakistan ay mar kale ka istaagto go’aan adag arrintaa.