Putin oo xilka ka qaaday janaraalkii saadka u hayay ciidammada Ruushka ee Ukraine ka daagaallamaya

sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa shaqada ka eryay jeneraalkii maareynayay saadka ciidamada Ruushka ee howlgallada ka wada dalka Ukraine.

Janaraal Dmitry Bulgakov, oo ahaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Ruushka, ayaa shalay oo Sabti ahayd xilka laga qaaday sida ay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka sheegtay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Dmitry  oo 67-jir ah loo wareejiyay jago cusub.

Waxaa baddali doona Mikhail Mizintsev oo isagu maamuli jiray go’doomintii arxan darada ahayd ee xukuumadda Moscow ay ka geysatay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine.

Janaraal Bulgakov waxa uu hoggaaminayay arrimaha saadka ee milatariga Ruushka tan iyo 2008-dii, waxaana uu mas’uul ka ahaa saadka ciidamada Ruushka ee ka hawlgalayay dalka Suuriya laga billaabo sanadkii 2015-kii.

Balse dadka indha indheeya arrimaha milatariga Ruushka ayaa sheegaya in bilihii la soo dhaafay uu noqday nin dhinaca la geliyay, iyadoo dad badan ay ku eedeynayeen in uu mas’uul ka yahay arrimaha saadka ee jahawareerka uu ka jiray, kuwaa oo sababay in ciidamada Ruushku ay wax horumar ah ka sameyn waayeen jiidda hore ee dagaalka isla markaana keenay in ciidamadu ay waayaan sahaydii ay u baahnaayeen.

Bilihii la soo dhaafay, aqalka Kremlin-ka ee dalka Ruushka looga arrimiyo ayaa ku khasbanaaday in uu taageero milatari weydiisto waddamada Waqooyiga Kuuriya iyo Iran - oo ah labada waddan ee kaliya ee uu xulifada la ah  - si ay u siiyaan madaafiic cusub iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Xil ka qaadista janaraal Bulgakov ayaa ku soo beegantay xilli baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalo muujinaya askar cusub oo Ruush ah oo dhawaan la qoray oo lagu hubeeyay qoryo daxaleystay.

Dadka u ololeeya dagaalka Ruushka uu ka wado dalka Ukraine ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadistiisa iyo magacaabista janaraal Mizintsev - oo ay dowladda UK horey cunaqabatayn ugu soo rogtay sababo la xiriira doorkii u uku lahaa amarka go'doominta Mariupol - waxay u badan tahay in magacaabistiisa ay soo dhaweynayaan dadka Ruushka ee mayalka adag.

sawir

Xigashada Sawirka, SHUTTERSTOCK

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Janaraal Mizintsev, oo dad badan oo reer Ukraine ah ay ugu yeereen "Ninkii Xasuuqay Mariupol" ayaa sidoo kale hoggaaminayay ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya, waxaana xilligaasi lagu eedeeyay in uu abaabulay duqeymihii bahalnimada ah ee lagu xasuuqay magaalada Xalab.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegay in janaraal Mizintsev uu colaadda Ukraine iyo Suuriya u adeegsaday “xeelad dagaal oo khalad ah” isla markaana uu geystay “xadgudubyo.

Isbeddelka uu sameeyay madaxweyne Putin ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in hoggaamiyaha Ruushka uu shakhsiyan la wareegay mas’uuliyadda dagaalka Ukraine, isla markaana uu billaabay in uu si toos ah amarro u siiyo janaraallada Ukraine ka hawlgalaya.

Saraakiil Mareykanka ah ayaa CNN u sheegay in qaab-dhismeedka taliska xukuumadda Moscow ee sii daciifaya uu ku qasbay madaxweyne Putin in uu kaalin firfircoon ka qaato dagaalka.

Bishii hore ayaa saraakiisha difaaca UK waxa ay soo jeediyeen in madaxweyne Putin uu geeska geliyay wasiirkiisa difaaca, Sergei Shoigu, kaddib markii saraakiisha sar-sare ee difaaca ay billaabeen in ay ku jeesjeesaan janaraalka ugu sarreeya ciidamada Ruushka.

Dhanka kale, wargeyska The New York Times ayaa sheegtay in madaxweyne Putin uu u diiday taliyeyaashiisa ciidamadiisa in ay ka baxaan magaalada Kherson ee koonfurta dalka Ukraine, halkaasi oo ciidamada Ukraine ay si tartiib tartiib ah ugu sii siqayaan.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Maraykan ayaa sheegay in go’aankaasi madaxweynaha ay sababtay niyad jab ku yimid ciidamada Ruushka ee ku sugan magaaladaasi, kuwaasi oo inta badan laga jaray waddooyinkii loo soo marin lahaa saadka.